Hababka Loola Dagaallo Musuqmaasuqa Maamuleed

10636306_790840967635370_3679207470137846768_n (1)

——————————————————————–
Musuqmaasuqa maamul iyo kan lacageed waa dhaqan daashaday fagaaraha siyaasadda iyo nolasha bulshada Soomaaliyeed, ilaa uu ka mid noqday tiir kamid ah tiirrarka nolasheenna. Musuqu wuxuu jilbaha dhulka u digay hannaankii dawladnimo ee aan ku taamaynay in mudda ah. Wuxuu wiiqay waaxyihiin nolasha siyaasadeed iyo midda maamul. Maanta dal iyo dadba waxaan la hitinaynaa wax aan gacmaheenna ku falkinno gabal dhacay iyo waabari kasta. Labo is kuma haysato in musuqu naafeeyay dhinac kasta oo ka mid ah dawladda iyo bulshadeenna Soomaaliyeed. Haddaba waxaan is ku dayaa in aan ku soo bandhiggo qormadaan qaababka looga hortagi karo musuqmaamsuqa, aniga oo kaashanaya dhiganayaal Cilmiyeed fara badan oo laga qoray mawduucaan. Waxaa lagama maarmaan ah in aan ku dhaqaaqno tillaabooyinka soo socoda, waa haddii ey naga go’antahay in aan cirib tirno musuqa, xididdadana u siibo, inta uusan noogu faafin sida dab xaabo la qabadsiiyay.

1- Is-xisaabin
__________

Dhammaan shaqsiyaadka xilalka sare ka haaya dawladda ama xukuumadda waa in la hoos geeyaa weydiin qanuuni ah iyo mid anshaxba, taas oo la xariirta wax-qabkooda shaqo, micnaha shaqaalaha oo idil waa in lala xisaabtamo, iyada oo looga hibaysanayn xilka uu hayo iyo ina-ayihiisa. Arrin taas waxaa soo hoos galaya Wasiirro, xildhibaanno, saraakiil, ku xigeenno, iyo dhammaan qof kasta oo soo xil qaran haya.

2- Is- weydiin joogta ah.
___________________

In maamulayaasha hay’addaha dawladda ey weydiiyaan shaqaalaha guud sida ey hawsha u wadan, waxii qarashaad baxay, mirihii wax qabadkooda, isla maamulayaashaasna waa in ey jirtaa cid isha ku haysa oo ey ka baqanayaan, sida guddiyo daba-gala musuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha, kaas oo ka imaan kara golaha sharci dajinta ama golaha sharci fulinta, si loo helo wax is weydiin fool ka fool ah dhinac waliba, meeshana uga baxdo danaha shaqsiga ah ee xafiis kasta uu la ciirciirayo.

3- Hufnaan
__________

Hufnaantu waa in hay’ad kasta oo ka mid ah dawladda shaaca ka qaaddo waxa ey u danleedahay, tillaabooyinka ey qaaddayso iyo yoolka ey u xusul-duubayso, micnaha haddii aan si kalo u dhigno in ey run ka sheegto wax kasta oo ey qabanayso, baahiso qaladkeeda oo ey qirato, mag iyo maamul wanaagna muujiso, niyad wanaagna ey tusto bulshada, waxba aan la qarin, dadkana xogta loo sheeggo, si bulshadu ugu qanacdo waxa loo qabanayo iyo waxa loogu maqanyahay, oo aan laga dhigin xafiisyada dawladda meel arrimo gaar ah lagu fuliyo, in ey meesha ka baxdo in xafiisyada hawlaha guud qabta iyo dadweynaha u dhexeeyaan dallaallo iyo laaluush qaatayaal sumacadda iyo muuqaalka dawladnimo dila, shacabkana qalin shubateeya.

4- Baraarug bulsho
_______________

Si loo helo talis qumman iyo maamul xalaal miirad ah, loona kobciyo garadka qofka u shaqeeya dawladda, waxaa lama huraan ah in la helo dhaqan iyo baraarujin ku saabsan xumaanta uu leeyahay musuqmaasuqu, arrintaasi waaxay laf dhabar u taahy qodobbada aan kor ku soo xusnay, waxay soo kabi kartaa kalsoonida muwaadiniinta ee burburtay, waxay horseeddi kartaa in uu soo af-jarmo musuqa iyo sed-bursiga buux dhaafiyay meel waliba. Haddii ey ahaan lahayd xafiisyada sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa guud, hay’addaha xukuumadda ama kuwa kale, ee aan dawliga ahayn, balse ey kala dhaxayso wada shaqayn toos ah dawladda.

5- Nidaam Dimuqoraadiya
____________________

Si ey u taabba-galaan dhammaan waxyaabihii aan soo sheegnay waxaa muhiim ah in la helo nidaam dimuqoraadiya, kaas oo kala saaraya awooddaha is ku dhex milqan, sida, sharci dajinta, fulinta iyo in la helo qanuun qayaxan oo qabanaya qof alle iyo qofkii lagu helo musuqmaasuq, oo si toos ah loola tiigsado gar-soorka, in qofkii ey ku caddaato arrinkaas shaqada laga eryo, in uu xil qaran qaban karin ilaa iyo in mudda ah, waa in uu jiraa hannaan nuucaas ah oo aan fasir iyo rogrogid kale aqbalayn, lama taabtaanna ah.

6- Hirgalinta Qawaaniinta
____________________

Waan in la dardar-galiyaa xeerarka ku saabsan musuqmaasuqa iyo ciqaabtooda, sida in la helo qaanuun caddeynaya in qofka xilka ka qabanaya Xukuumadda ama dawladda la ogyahay hantidiisa, kahor intuusan xil qaran qaban, in sanad kasta waxa soo gala la shaaciyo, in waasarad kasta boggeeda ku caddeyso waxa soo gala mas’uuliyiinteeda, in la helo qaanuun mamnuucaya laaluushka iyo in looga faa’iidaysto awoodda maamul si aan sharciga waafaqsanayn, taasna waxay ku imaan kartaa in awood buuxda la siiyo garsoorka sare, lagana daayo fara-qalinta siyaasadeed iyo midda beeleedba.

7- Anshax Guud
_____________

Si loo dhiso wacyiga qofka shaqaalaha ah ama mas’uulka ah, waxaa loo baahanyaahy in loo adeegsado wax kasta oo jilcin kara qalbigiisa, sida wacdiga diiniga ah, oo tusaya xumaanta waxa uu ku kacayo, taana waa in loo maraa xagga horjooggayaasha diinta, sida in khudbaddaha Jumcada lagu soo bandhigo todobaad kasta, in goobaha diiniga ah lagu faafiyo ololaha lagu la dagaalayo musuqmaasuqa.

8- War-baahin xor ah
_________________

Si loo helo war-bixinnada rasmiga ah iyo daba-gallo qoto dheer oo la xariira musuqmaasuqa ka dhex dhaca laamaha dawladda waxaa muhiim ah in aan helno saxaafad xor u ah helidda macluumaadka, waa in ey sharciyeysantahay saxafaddu misana heysato ilaalin qaanuuniya oo ka difaacaysa handadaadda iyo caga-juglaynta inta ey ku guda jirto shaqadooda. Taasi waxay u gogal xaaraysaa in la helo xog buuxda, oo ku saabsan qaabka wax u dhacayaan.

Gunaanad
________

Waxaan filaa in haddii aan qodobbadaas xil is ka saarno in wax uun is baddalayaan, waana wax maalin uun maal iyo maskax nooga baahan doona, laga yaabbo in ey qaarkeen dhag jalaq u siinayn hadda, balse waxaa imaan doonta maalin aan ka shallaynayno iyada oo la jooggin xilli la shallaayo.
————————————————————————————-
W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane: 26/04/2015

SHEEKOOYIN