Gabay Dulmi Baaje.Curiye Ibraahin Cawil Cali(Cawke)

Gabaygan waxaan kula hadlayaa rag aannu saaxiibbo nahay, muddo labo sano ahna aan xalaqaad diini ah wada baran jirnay, raggaasoo ku gacan-sayray xalaqaadkaas ayagoo ka tirsanaya sheekhii kitaabada noo marin jiray.

1) Deelleyda gabay maanan dayn, daa’in abidkeeye 2) Dulmi goor la falay baan cabdoow, kaga dayaanshaaye 3) Murugadu markay soo dagtaan, gabay ku daahaaye 4) Dulucdiisa kii garanayaa, loo dudumiyaaye 5) Inta duubka weyn baan rabaa, deel wax ugu sheege 6) Xasanoow digniintayda maqal, waan damqanayaaye 7) Sheekh nooga yimi dirirdhabiyo, dawladda galbeedka 8) Dariiq dheer usoo maray wax badan, diinta baristeeda 9) Rag ku kiciyey dibindaabyo baan, deel wax ugu sheege 10) Nimco dulundulcaynaysa oo, kuuna dararaysa 11) Sheekh daayim kuusoo diroo, diinta garanaaya 12) Inaad deedefaysaa wallee , waa dabbaalnimo 13) Ninka duunyo joogow maxaa, aragti kaa daahan 14) Ragga diinta lagu dhaamiyee, laysu daba-joojay 15) Ragga loo dadaalayayee, daacad lagu baantay 16) Dawliskii markay dhaansadeen, sheekhu ugu deeqay 17) Cilmigii markay daalacdeen, gabi duruustiiba 18) Inay daadiyeen baan arkaa, doqoni waa mooge. 19) Daacadnimo raggii uu lahaa, darajo gaarsii bal 20) Raggii uu jahligu waa dulliye, barasho deeqsiiyey 21) Digtoornimiyo raggii uu lahaa, wey dabbari uunka 22) Diinaarka lacageed adoon, doolar bixinaynin 23) Darfigiyo naxwaha kii ku barey, waliba daawuudka 24) Maanta goorta aad doogtayeed, dharag la daacayso 25) Damiir nool hadaad leedihiyo, diir-nax iyo khayr ba 26) Miyuu dayro kaa mudan lahaa, sheekh ku baray diinta 27) Deelqaaf miyuu kugu lahaa, digasho waa ceebe?!!! 28) Daruuraha sidoodii ayuu, dunida maanshaayey 29) Dacwadii ilaahay ayuu, daahir ugu baaqay 30) Nalkuu daaray waad garan kartaan, ee la daawada’e 31) Arday iyo ninkii daalib haa, way dugsanayeene 32) Maxaa idin kusoo diray ragow, waan dacwinayaaye?! 33) Darajiyo wanaag iyo muxuu , samo idiin doonay 34) Duco iyo muxuu eebba-tuug, idinku sii daayey 35) Idinkuna haddaad door-biddeen, daalin lagu sheego 36) Oo aad duraysaan misana, xuma la doonteen ba 37) Dulmi laguma raagee ragyahow, waan idiin digiye!! 38) Dira-dire xumaha doona baa, daba rucleeyuune 39) Doqonkii garaad waayay baa, kaba dambeeyuune 40) Dammiin iyo ninkii liitabaa, diida waanada’e 41) Waan idiin dardaarmaye ragyahow, dhagaha deeqsiiya 42) Hadal duug ma reebee midkani, dunida gaarsiiya 43) Dar allaa u sheegaye alloow, haygu qadin dooddan.

Curiye: Ibraahiim Cawil Cali Cuuke

gaGabaygoo daawasho ah, Link ahaan:



         

Top