Gabay Dulmi Baaje.Curiye Ibraahin Cawil Cali(Cawke)

Gabaygan waxaan kula hadlayaa rag aannu saaxiibbo nahay, muddo labo sano ahna aan xalaqaad diini ah wada baran jirnay, raggaasoo ku gacan-sayray xalaqaadkaas ayagoo ka tirsanaya sheekhii kitaabada noo marin jiray.

1) Deelleyda gabay maanan dayn, daa’in abidkeeye
2) Dulmi goor la falay baan cabdoow, kaga dayaanshaaye
3) Murugadu markay soo dagtaan, gabay ku daahaaye
4) Dulucdiisa kii garanayaa, loo dudumiyaaye
5) Inta duubka weyn baan rabaa, deel wax ugu sheege
6) Xasanoow digniintayda maqal, waan damqanayaaye
7) Sheekh nooga yimi dirirdhabiyo, dawladda galbeedka
8) Dariiq dheer usoo maray wax badan, diinta baristeeda
9) Rag ku kiciyey dibindaabyo baan, deel wax ugu sheege
10) Nimco dulundulcaynaysa oo, kuuna dararaysa
11) Sheekh daayim kuusoo diroo, diinta garanaaya
12) Inaad deedefaysaa wallee , waa dabbaalnimo
13) Ninka duunyo joogow maxaa, aragti kaa daahan
14) Ragga diinta lagu dhaamiyee, laysu daba-joojay
15) Ragga loo dadaalayayee, daacad lagu baantay
16) Dawliskii markay dhaansadeen, sheekhu ugu deeqay
17) Cilmigii markay daalacdeen, gabi duruustiiba
18) Inay daadiyeen baan arkaa, doqoni waa mooge.
19) Daacadnimo raggii uu lahaa, darajo gaarsii bal
20) Raggii uu jahligu waa dulliye, barasho deeqsiiyey
21) Digtoornimiyo raggii uu lahaa, wey dabbari uunka
22) Diinaarka lacageed adoon, doolar bixinaynin
23) Darfigiyo naxwaha kii ku barey, waliba daawuudka
24) Maanta goorta aad doogtayeed, dharag la daacayso
25) Damiir nool hadaad leedihiyo, diir-nax iyo khayr ba
26) Miyuu dayro kaa mudan lahaa, sheekh ku baray diinta
27) Deelqaaf miyuu kugu lahaa, digasho waa ceebe?!!!
28) Daruuraha sidoodii ayuu, dunida maanshaayey
29) Dacwadii ilaahay ayuu, daahir ugu baaqay
30) Nalkuu daaray waad garan kartaan, ee la daawada’e
31) Arday iyo ninkii daalib haa, way dugsanayeene
32) Maxaa idin kusoo diray ragow, waan dacwinayaaye?!
33) Darajiyo wanaag iyo muxuu , samo idiin doonay
34) Duco iyo muxuu eebba-tuug, idinku sii daayey
35) Idinkuna haddaad door-biddeen, daalin lagu sheego
36) Oo aad duraysaan misana, xuma la doonteen ba
37) Dulmi laguma raagee ragyahow, waan idiin digiye!!
38) Dira-dire xumaha doona baa, daba rucleeyuune
39) Doqonkii garaad waayay baa, kaba dambeeyuune
40) Dammiin iyo ninkii liitabaa, diida waanada’e
41) Waan idiin dardaarmaye ragyahow, dhagaha deeqsiiya
42) Hadal duug ma reebee midkani, dunida gaarsiiya
43) Dar allaa u sheegaye alloow, haygu qadin dooddan.

Curiye: Ibraahiim Cawil Cali Cuuke

gaGabaygoo daawasho ah, Link ahaan:

SHEEKOOYIN