Gabayga Isku Duubni. Curiye: Bilaal Axmed Weli

Gabaygan (isku duubni) waa Gabay ka hadlayaa Muhiimada Midnimadu leedahay iyo is ku duubnida umadda soomaaliyeed o ay noqoto mid qura anigoo la hadlaya dhammaan umadda soomaaliyeed:

 

Ka bogasho wcn:

 

1.Nimanyahow dubaaxdiisa gabay daar ismalahayne

2.Ka dawaafay maansooyinkan daahir ku ahaaye

3.Hayeeshe kolkii laysku dago ama la doodaayo

4.Duub iyo abwaan iyo kolkay xaajo dacal waydo

5.Darajada asluubtiyo wanaag laga dawaareeyo

6.Dabka oo la qaatiyo midnimo qoloba diidayso

7.Anaa doora anaa deeq leh daabad aniga leh

8.Dowladnimo anigaa haystiyo calan la duubaayo

9.Gobol waliba dooqiis kolku samaha diidaayo

10.Dalka oo la caayiyo dhamaan doodu marrin waydo

11.Dibnahayga kolkii aan furtee gabayga daaduunsho

12.Dareenkayga maansada kolbaa lagu dareeraaye

 

13.Nimanyahow darees baa nihiyo duul walaala ahe.

14.Diirkiyo dubaaxdiyo dhamaan suuradiyo diinta.

15.Deegaanada dhulkeeniyo hadaan doorkan wada naalno

16.Dad xigis le magac duuba iyo darajo loo aayo

17.Daahiroow rasuulkiyo quraan daayim garanayno

18.Duriyadii xabiibkiyo hadaan deeqda wada naalno

 

19.Daqar hore wixii so bur buray amase duugoobay

20.Dirir iyo colaad iyo waxan daabad guranaynay

21.Dagaalki sokeeyaha waxaan dumarka laynaynay

22.Iga durug kanbaa soo dagiyo dagalka naafoobay

23.Daba laab dhashiikiyo waxaan aake duhur qaatay

24.Dakar dhexe arooryaha waxaan dhiigag dabanaayey

25.Ducufkiyo miskiimaha waxaan jidad dawaafaynay

26.Dalka sare hargaysiyo ilaa daarta xamar wayne

27.Dukub daakum wixi ruux noqdiyo dababka qiiqaayey

28.Door hore wixi soo dhex maray dayrkan wada yaala

29.Dareesiinta maankiyo inaan laabta daginaaba

30.Duhur iyo alayl iyo inaan subaxba dood sheegno

31.Danaheena inaan daayacnoo dababka maanshayno

32.Doraad galab wixi dhacay inan dib uga faaloono

33.Miyaa lagu dawoobaa walaal dabinkan qoolaysan.?

 

34.Afartaas sidii daad rogmaday daabac ma u sheegay

35.Ma daleeyay maansada ragbaa daadahayn jiraye

36.Diiwaankeeda ruuxii bartaa gabayga dayrkiisa

37.Deelqaafka waa laga ba’shaa laga daryeelaaye

38.Ma dubaaxshay maansada anaa daahir ku ahaaye

 

39.isku duubni baa lagu helaa nabad la dayraaye

40.Waa waxaa danteeniyo midnimo lagu daryeelaaye

41.Waa waxaan dagaal iyo colaad dabina qoolayne

42.Dowladaha shisheeyaha dhamaan dagalka meeshooda

43.Waa waxaas dirkaas meera iyo dayaxa gaarsiiyey

44.Isku duuma soomaaliyeey duq iyo waayeelba

45.U dag daga culuumtiyo dhamaan khayr la daba raaco

 

Curiye:sasa

SHEEKOOYIN