DILAAGII QARSOONAA! (SHEEKO) Qaybtii 2aad W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

the hidden killer

 

SHEEKO(DILAAGII QARSOONAA!)

QAYBTII 2AAD

Waxaan la socday mar mar xaaladda Dadkii aan isku xaafadda ahayn iyo halka ay marayso, qaar waa dhinteen, qaarna dulmiga ayay qayb ka noqdeen, qaarna waxay iska noqdeen kuwa aan waddo kale heli Karin in ay isaga dhex noolaadaan ma ahee.

Dulmiga Waddanka oo dhan ayuu saamayn ku yeeshay, wuxuuna sii gaaray Magaalooyin badan oo Waddanka ka mid ah, Cadaab badan ayay dareemeen Dad badan, aniga ka Hidaaya ahaanse, xanuunka I haya ee mar walba aan la salalao ayaa iiga darnaa wax walba, waxaana go’aansaday maalin ay noqotaba in aan u aar gudo Aabahey waddo walba aan u maree, dhowr jeer ayaana Magaalada Muqdisho ku laabtay, cid I dareemaysayna ma jirin oo Gabar wayn ayaan aha,a waxaana mar walba hor mari jiray Guriga aan ku dhashay ee uu xooga ku qaatay mid ka mid ah Raga Aabahey dilay.

Wax aan qabay Karin ma jirin, waxaan dhowr jeer eeg eegaba waxaan ogaaday in uu ku noolyahay Ninkaas Gurigeena, Magaalada Muqdishana waa is badashay oo shalay haddii la ugaarsanayay Beesheena oo kaliya maanta isla Beelihii beesheena ugaarsanayay ayaa is cayrsanaya oo Magaalada Dadka ku wada nool ayaa Cadow isku noqday, taas oo ii sahashay in aan soo kiraysto Qolooyin ku shaqaysta Shirqoolka Dadka dhaqaalana u balan qaaday, sidaas ayaana la iigu fududeeyay ariintii aan u dirsaday ee ahayd ka takhalusidda Ninkaas Aabahay gacantiisa ku dilay gurigeenana xaaraanta ku dagay.

Ma igu jirin qorshe ka baxsan in aan dilo ninkaas, oo ma dhaafsiisnayn fikraddayda in aan isaga ka taqaluso mooyee, markii aan hubsaday in uu isagii dhintay, nimankiina aan siiyay wixii aan ku heshiinay ayaan isaga soo dhaqaajiyay Magaalada aniga oo aad u faraxsan, ugu yaraana ku soo hubsaday God Dilaagii Aabahay,

Arintan ma ahayn mid ay ila ogaayen Hooyadey iyo labada Gabdhood ee ila dhalatay, waxay ahayd mid igu kooban oo kaliya waxaana u arkayay in ay igu ahayd culays shaqsi ah in aan la noolaado xusuusta Ninka aabahey dilay misana gurigeena xooga ku qaatay in uu Aduunkan kasii ceesho, aniga oo awooda in aan ka qaado Dunida oo dhan.

Cidna uma sheegin waxayna ii ahayd farxad ii qaas ah oo xitaa ma jirin Cid ogayd in aan Magaalada Muqdisho tagay, balse waxaa ii fududeeyay arinta in aan muqdisho tago joogana maalmo Gabar aan saaxiib ahayn oo u socotay Ciddeeada, isla iyada xitaa qorshahayga ma ogayn, xitaa ma ogayn in aaan magaaladan ku dhasahay oo Guri ku leenahay, balse, waa ogayd in aan ahaa mid ka mid ah Dadka daga Gobolada Bari.

Waxaa la gaaray xiligii aan nasan lahaa kuna noolaan lahaa Nolol ka baxsan Cuqdad, balse, mid ayaanan fulin oo aanan wax wayn u arkin in aan ka raro ninkaas Cidiisa gurigeena, taana suura gal iima ahayn oo ma rabin in Magaalada la igu ogaado, mana jirin cid taas ku dhiiran kartay oo waxaan ka cabsooday in aan naftayda ku waayo haddii la I ogaado, waan isaga soo laabtay Muqdisho, Waqtiga ayaana u daayay taa In uu xaliyo.

Waxaan u soo jeestay in aan noloshayda dib u dhiso, waxaan bilaabay Waxbarasho, waxaan gaaray heer Jaamacadeed, wayna ii suura gashay in aan ka qalin jabsho jaamacadda, waxaana noqday Khabiir xagga Cilmu Nafsiga.

Waxaan Qalbiga iska iraa mar walba oo aan dib u gocdo noloshayda yaraanta iyo ficilka aan sameeyay in ay fiicnaan lahayd in aan lahaado Cilmiga aan hadda bartay, si aan uga guulaysto isku buuqa xaga Maskaxda ee markaa I hayay, balse, wax walba waa ay dhamaadeen ayay kusoo aadday, wax shalayta ahna kama qabin runtii Ficilka aan sameeyay, maadaama aan gutay waajib I saarnaa lagase yaabee in waddada aan u maray ay noqotay mid qaldan oo sida aan suubiyay si ka fiican la heli karay mase dhicin.

Waxaan sidaa ahaadaba waxaa jiray Wiil aan isku Jaamacad ahayn oo markaa Xiriir wanaagsan inaga dhaxeeyay, wiilka wuxuu kasoo jeeday Muqdisho oo Dadka dagan aan cadaawad xoogan u qabay, hadana markii aan Aabahay u aar guday Xaaladda ka jirta Muqdishana aan soo arkay ayaan iska goostay in aan Cuqdadda iska saaro, maadama Qof aan dhibanayn uuba ku yar yahay Soomaali oo dhan, Dhibka igu dhacayna uu qayb ka ahaa dhibaatada haysata Soomaalida kale ee ila midka ah, waxaana ay ahaayeen wax Umadda dhan wada saameeyay balse, aan anigu nasiib u yeeshay in aan noqdo dhibanaha koowaad ee arimahaas dhacayay.

Waxaan wada soconaba wiilkaas, is faham dhan walbana uu na dhex maray, waxaan ku heshiinay in aan is guursano, maadaama uu shaqsi ahaan I qanciyay, isku heerna aan ka wada joognay xaga Aqoonta muddo bandanna an isla wada soconay.

Wuxuu ahaa dadka Holand soo galay muddada dheer, oo xiligii Dowladdda ayaa loo keenay meesha in uu wax ka barto, balse, sida uu Taariikhdiisa igu siiyay uma aysan suura galin in uu wax barto oo Dhalin yaranimo ayaa duufsatay oo magaalada ayuu galay, mar dambe ayuuna gartay in uu Shaqadii ka qabyada ahayd ee Waxbarashada ee meeshan loo keenay dib u bilaabo, taas oo uu ku guulaystay  kuna noqday runtii Shaqsi ku qaali ahaa Bulshada aan markaa ku wada dhex jirnay.

Dunida iyo dadkeedaba waa kuwa Sir badan oo aan la ogayn wax ay Uurka kuugu hayaan ama ay dhab ahaan u yihin, balse qanaaco aan ka arkay wiilkan iyo qiimayn aan ku sameeyay ayaa ii caddaysay in uu u qalmo in uu noqdo Ninka aan Nolosha la qaybsan lahaa, sidaas ayaana isku guursanay.

Isagu mar walba dadkiisa wuu la hadli jiray, mar walbana wuu ii sheegi jiray in uu kasoo jeedo Muqdisho kaligiina ay hooyadii dhashay ayna dhimatay, balse, Aabihii uu ilmo badan lahaa iyo Qoys kale, laakin wax xiriir ah aysan ka dhaxayn.

Sababta xiriir la’aanta keentayna uu iigu sheegay in uu ku maqlay in aysan ahayn Dad wanaagsan oo ay ka mid yihiin Dadka Dadka dhiba,  xitaa wuxuu ii sheegay in ay maqaalo ku tahay in Guriga hadda ay ku noolyihiin Walaalihiis uu yahay Guri ay lahaayeen Dad kale oo Soomaaliyeed, sidaas darteed uu Xariga ugu jaray.

Isagu Magaaladan hadda waa Nin sharaf ka leh, waana Nin Aqoon leh, ahlu Diinna iska ah, Dalkiina waa hore oo xligii Nidaamka ayuu kasoo haajiray, marka waxyaabaha Waddanka laga sheegayay uma cuntameen, sidaas ayuuna ku ahaa Warmoog aan laba socon waxa dhabta ah ee Gudaha Dalka ka jira, balse maqaalo ahaan wuu ogaa wax walba sida ay u dhacayeen.

la soco qaybta 3aad

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN