DILAAGII QARSOONAA! (SHEEKO) Qaybtii 4aad W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

the hidden killer

 

SHEEKO (DILAAGII QARSOONAA!)

QAYBTII 4AAD

 

Waxaan ahay gacan ku dhiigle dishay ilmaha aan dhalay Awoowgood, wuxuu doonaba ha ahaadee,  waxaan ahay midda dishay sababna u noqotay Geerida Soddogeeda, waxa uu doonaba ha ahaadee, waxaan saldhig u noqday dhibaato ka badan middii I ugaarsan jirtay oo hadda waxaan noqday mid dhexda ka gashay lana doonayo in ay la noolaato inta nolosheeda ka dhiman dhibaatadan xaqiida ku dhisan ee aan dhalanteedka ahayn.

Waxaan noqday mid habeen iyo maalin ilmaysa oo nafteeda eedayso, marna isku qanciso in ay tahay Geesi halgamay hadana aan guulaysan oo laga guulaystay, waxaan nacay ilmahayga, waxaan nacay ninkayga, waxaan noqday mid wax walba oo farxaddeeda ah nacday, aduunkana aan u qalmin in ay ku noolaato.

Dhibaatada I haysata Cid fahmi karta ma jirin oo Sir aniga igu qaas ah ayay  ahayd, waxaa dhacday in Quraan saar badan la Igu wado, muxuusa quraan iga tarayaa!? waxaan ahay qof og dhibka haysta, haddaan afka kala qaadana waxaan ka cabsanayaa in uu saamayn badan kusii yeesho Dad badan oo hadda noloshooda ay u nabad qabto.

Waan hubaa haddaan afka kala qaado in aysan ilmahayga waligood Nolol dambe ku harsan doonin ayna noqonayaan kuwa mar walba la cuqdadaysan dhibkan, sidaas si la mid Ninka aan ilmaha u dhalay oo ahaa Nin waxan oo dhan ka madax banaan ceebna ay igu tahay in aan Marwo u noqdo ninka I siiyay nolosha macaan, isagu ma oga in aan ahay Dilaaga Aabihiis, isaguna uu ka soo jeedo dhiiga Dilaaga Aabahey.

Waxaan mar walba is waydiiyaa dhibaatada dadkeena ku habsatay, meeqa qof oo aniga oo kale ah ayay saamayn sidan ah ku yeelatay? meeqa qof ayaasa sidan oo kale u aamusan? meeq qof ayaa habeenkii sida aan u oynayo oo kale u oysa? dhibaato badan ayaa jirta sida aan hubo oo Dad badan oo aniga oo kale ah la nool yihiin, lagana yaabo dad iga daran in ay sii jiraan.

Ninkayga wuu dareemayay in safarkeena Muqdisho uusan ahayn mid khayraysnaa, wuxuuna mararka qaar eersanayay in uu na wada geeyay xagaa ayna ahayd in uu kaligiis baxo, balse, waxaa jirtay in aniga halka aan kala soo laabtay Murugada uu ninkayga kala soo laabtay farxad ahayd in uu Dadkiisa soo arkay, uuna ku guulaystay in uu ka dhaadhacsho in uu kasoo saaro Guriga xaaraanta ah ee ay daganaayeen mudada Labaatan iyo dhowrka sana ahayd.

Gurigeena waa naloo faarujiyay sidaana waxaa hooyo ku soo war galiyay dad ka mid dadkii wanaagsanaa ee xaafaddeena, waxayna u sheegeen in uu ka dambeeyay arinkaa nin ka mid ah wiilasha ninka guriga xooga ku qabsaday oo ka yimid Dibaddda, ninka sidaa loo tilmaamayana waa ninkayga, bal eeg wanaaga uu sameeyay, maxay noqon doontaa jawaabtiisa hadduu ogaado in aan ahay Cidda Guriga laga xoogay, hadana aan ahay Naagta ka dambaysay dilka Aabihiis?

Waxaan dhexda ka galay Duni aan dunidayda ahayn oo runtii xanuun badan, waa ii cuntami waysay in aan la noolaado ninkaas, hadana waxaa ii cuntami waysay haddii xitaa aan ka tago soo ilmihiisa ma hayo oo inta nolosheena ka dhiman ma nihin dad xiriirkoodu jirayo?.

Kadib markii hooyo lagu war galshay in gurigii uu faaruq yahay ayay hooyo waxay garatay in guriga la iibsho oo uu beec inoo noqdo maadaama aan wada kornay, iyadana ay sii duqowday, gabar walba oo naga mid ahna ay ku nooshahay nolol wanaagsan, lacagta guriga lagu gadana lagu dhiso Masjid loo hibeeyo Aabe taas oo dhamaanteen aan isku mowqif ka wada noqonay, anigana xoogaa ii ahayd kaalmo meesha ka saari karta in gurigaas uu astaan u noqdo xumaanta aan sameeyay iyo midda qoyskeena lagu sameeyayba.

Waxaan noqday mid murugo marti u noqtay, meel ay ku noolaatana aysan jirin oo meel walba u cuntami waysay, waxaana go’aansaday markii dambe in aan ninkayga la wadaago murugada, kadibna halka uu arinta ku gooyo aan ula dhaqaajiyo, waxayna igu qaadatay in fikraddaas aan fuliyo muddo ka badan sadex sano, intaas oo aan u  saaxiib ah oohin iyo wal wal joogta ahaa.

Waxaa jirtay dhowr jeer oo aan ka codsaday ninkayga Furriin aniga oo markaa maslaxad u arkayay, waxaan doonayay in aan ka dhex baxo noloshiisa xiriir dambana uusan inaga dhaxayn ilmahana aan ula guuro xagaa iyo Canada oo gabar ina adeertay ah lagu qabay,  sidaana uu ku dhamaado xiriirka naga dhaxeeya aana isku dayo in aan iska indha tiro Nolosha dhabta ah ee aan wajahayo iskana dhaadhacsho in aysan waligeed dhicin.

Ninkayga Xamiid wuu iga diiday wuxuuna yiri wax walba waa iga suurtoobaan, balse, igama suurtowdo Hidaayo in aan ku furo, haddaad iga tagayso waad tagi kartaa, balse, diyaar uma ihi in aan Qoyskaga dunsho, haddaad noqonayso Naag Nolosha ay ila nooshahay nacday waa iga tagi kartaa, balse, marnaba ma ogolaanayo in aan ku furo.

Markii aan ogaaday go’aanka dhabta ah ee ninkayga ayaan goostay in aan la wadaago sheekada dhabta ah ee arrinkayga, waxaana u diyaarsanaa markaas hadduu I furo in aan aqbalo, balse arinkan aan ciyaalka loo sheegin inta ka dhiman noloshooda Dunida

Waxaa wax wanaagsan ahaa in sirtaas adag ay igu keedsanayd cid aan la wadaagayna aysan jirin, mararka qaar waxaan damcaa in aan iska aamuso oo la dhinto sirtayda, hadana waxaan isku arkaa Dambiile mudan in uu dambigiisa qirto bal in aan ku nafiso.

Fakar dheer kadib waxaan goostay in aan ninkayga la wadaago waxaana hadal uga bilaabay Xamiid  sirta aad la nooshahay  haddi ay xuntahay noloshaadana duminayso sidee yeeli lahayd?

Wuxuu iigu jawaabay in uusan qariskeeda la noolaan lahayn oo uu shaaca ka qaadi lahaa, natiijada kasoo baxdana uu la noolaan lahaa aqbali lahaana, wuuna fahmay isla markiiba in aan wax badan tabanayo oo ku saabsan noloshaydii hore qaasatan wax aan kala soo laabtay safarkaygii Xamar.

Waxaan u sheegay sheekadii oo dhan aniga oo ugu soo gunaanaday in aana ahay Dilaaga Aabihiisa taas oo uu la yaabay runtii, balse, jawaabta uu I siiyay ayaa iiga sii yaab badnayd kadib markii uu igu yiri waxaa suubisay waxa aan samayn lahaa taasina waa sababta aan kugu doortay waana ka xumahay in tan ay nagu dhacdo, muhiimadda waxay tahay in labadeenaba aanan dambi ku lahayn arintan oo ay ku dhacday Qaddar Eebe, sidaa darteed maanta wixii ka dambeeya yaanan lagaa maqlin arinkan hana noqdo mid aan la dhimano labadeena mana u wanaagsana in ay Ciyaalka ogaadaan.

la soco qaybta 5aad

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN