Maansada Xigmad badan, Curiye: Daadax Halyeey Carafaad

11178231_788473217935297_3208512337451276944_n

Maansiyo xaraga deed

Suugaanta xaradhkeed
Xarafkaan jeclaystaa
Nin xeerkeeda mariyo
Ku xeel dheer ayaan ahay
Nin xariirta shaalkiyo
Taajaka u xidhaan ahay

Xumaan uma adeegsado
Kumana xoolo day dayo
Xikmad weeye mawluhu
Xiskaygaa ku daabacay

Afartaa xagaa dhigay
Xeeshey araar saday
Xikmad badna wxaytiri
Xayn daabka iga qaad

Aduun yadan xanfarisee
Ninwalbaaba xaytaye
Xidigaha la tiigsaday
Midba aalad xiin wayn
Xaga samada ula kacay
Xageen kaga haboonahay?

Xikmad badan waxay tiri
Marka goob xifaalada
Dal walbaa xogtii dhigo
Diiwaanka xaashida
Waxay igu xariiqeen
Xaab shaan inaan ahay

Xikmad badan waxay tiri
Xafiis yada amniga iyo
Nabadaba ku xeel dheer
Waxay igu xaqiiq sheen
Xakaw gooye halis iyo
Xinjiraha mid weheshada

Xikmad badan waxay tiri
Dadkaygii xistoon badi
Dhalintaydi xaaqmoo
Xeebaha wataa wadhan
Maydkoodi xoorkiyo
Ka dhargayso xuunshada.

Xikmad badan waxay tiri
Xer yahaa qaxootiga
Waxaa xooman wa ani
Kuma haysto xidhashiyo
Xuub dhaxanda celiyoo
Xanaana warkeed daa

Xikmad badan waxay tiri
Xilka kaan u dhiibtiyo
Xil dhibaannadaydii
Kuligood xilkii gabe

Xikmad badan waxay tiri
Hogaan aan xisaab tamin
Hogaan aan xilkii gudan
Hogaankaa xigaalkiis
U xamaala kaligood
Hogaankaa xifaaltama
Een xaqsoorin maan rabo

Xikmad badan waxay tiri
Baar lamaanka xooxdiyo
Ku shaqeeya xeedhada
Intay xoorta leedahay
Markuu xeemiyee dhamo
U xamaarto meel kale
Xulquun raadshe maanrabo

Xikmad badan waxay tiri
Xil dhimaankan man rabo
Lagu keenay xeer bayd
Een xaraf tacliin iyo
Xirfad aan lahayn ee
Xaashi aan akhriyi karin
Xabadii la soo rido
Ayuunbaa xuluushee
Kursi xaasid maan rabo

Xikmad badan waxay tiri
Midkan duubka xeertee
Indhahana xasaystee
Ku xamaasha diintee
Xiliyada salaadaha
Masjid loogu xaadiro
Ku xidhaayo miinada
Kumanaan xabaalaha
Xaashe ma aan rabo

Xikmad badan waxay tiri
Midka aan xuduud iyo
Xaalaynin qarankee
Xaylaha dan tiisiyo
Uxamaala nacabkee
Kiinyaati xoogwayn
Xeebtaan lahayn iyo
U xariiqa badahana
Xiska beele maan rabo

Xikmad badan waxay tiri
Qaranka xoolihiisiyo
Qasnadii mid xadayoo
Fooqaq wada xariir iyo
Dhisanaaya xayn daab
Sida uu xalaal saday
Gaadhi aan xabadu karin
Xaragada u qaatana
Xus ku dhece ma aan rabo

Xikmad badan waxay tiri
Wadaadkaan xaqii iyo
Baadil kala xadayneyn
Danbiyada xad dhaafka ah
Hal xadiis ka odhanayn
Kaligiis xadreeyaha
Kolna xaakim sheegtaa
La xabaal ma aan rabo

Xikmad badan waxay tiri
Xaawalayda dumarkee
Aan xijaanka sidan ee
Tafta xaydanaysee
Meelaha xasaradiyo
Lagu gado xashiishada
Dhex xamaaranay see
Aan xishoonin maan rabo

Xikmad badan waxay tiri
Fanaanadan xiligan kada
Siday yiin xamaaliin
Intay biro xambaaraan
Xabadkana baneeyaan
Shaashadaha xulaayee
Murqihiisa xoogaleh
Xayisiiya maan rabo

Xikmad badan waxay tiri
Kuwa dhaqanka xooree
Aan qaadin hees xula
Dadkana xiisa galiyoo
Intay dumar xishoonlaa
Ka xadaan aqliga qaar
Sida ay xabaal jirin
Dadka lagu xisaabshaa
Maryahawga xaydiyo
Xad xanteeye maan rabo

Xikmad badan waxay tiri
Abwaan xumaha man rabo
Xigaalkiyo dadkays jecel
Xaabada ku huriyee
Markuu rabo xajiin iyo
Xanaf iy xasarad kicin
Xar xariiqa ereyada

Xikmad badan waxay tiri
Suxufiga xog aan jirin
Iyo waraan xaqiiqada
Xeradeeda soo galin
Shaashadaw xambaar shee
Ku xamaasha beentana
Xayisiiya huu haaa
Xaashee ma aan rabo

Xikmad badan waxay tiri
Goboladan lakala xaday
Ninba meel xariiqdiyo
Xigaaladan laka dilay
Xaashee ma aan rabo

Xikmad badan waxay tiri
Amisoomtan xaluskale
Xaquuqdii rag soomaal
Ayagoon xabado ridin
Ama aan xarbe u marin
Sida geel xiskaday uun
Xiganaysa kaligeed
Xiinkeeda maan rabo

 

 

 

SHEEKOOYIN