DILAAGII QARSOONAA! (SHEEKO) Qaybtii 6aad W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

 

the hidden killer

 

 

SHEEKO (DILAAGII QARSOONAA!)

 

QAYBTII 6AAD

 

 

Aniga Hidaayo ah ma jirin wax jixin jix ah oo igu jiray, waxa kaliya aan ka wal walsanaa oo u baqayay ayaa ahayd Hooyo Xaliimo, balse, waxaan go’aansaday inta arinkan I daashaday aan kaligey la noolaan lahaa dadka dhan igula noolaadaan waxaana go’aansaday in aan Xamiid hadalka ka qaato oo arrinka aniga aan dhiraan dhiriyo, micnaha aan si fiican oo cabsi la’aan ah usii wado.

Waxaan iri i dhagaysta Walaalayaal iyo Waalid, aniga Hidaaya ah tan iyo maalinkii uu Aaba dhintay waxaa jirtay Riyo aan ka seexan waayay oo ahayd in uu mar walba isoo hor istaago Aabe oo dalbanaya Caddaalad, iyo Ninka dilay Aabe oo isna dalbanaya Caddaalad kale.

Waxaan go’aansaday in aan labadoodaba caddaalad wada siiyo, si mid walba ay riyadiisa iiga harto, ima ogidiin, waxaan idiin ahay gabadhiina yaraanta ah ee Hidaayo, balse, hidaayada aad moodeen ma ihi waxaan ahay hidaayada sababta u ah kulankan iyo arinka dhacay oo dhan.

Waxaan aaday Xamar, ima ogayn idinka, waxaana ku maqnaa Bil, waxaad ii haysateen in aan aaday Waddan kale, waxaana Xamar kusoo dilay aniga oo adeegsanaya Rag lacag qaata Dilaaga Aabahay, markii aan soo hubsaday dilkiisa waxaan kusoo laabtay meeshan, waxaana kasii watay waxbarashaydayda aad wada ogtihiin heerka aan ka gaaray.

Xamiid Waddankan wuu nooga soo horeyay oo wuxuu soo galay xilligii Dowladda ay Waddanka ka jirtay, isaga ayaana meeshan isku baranay kuna guursaday waana ninkayga, Xamiidna waa Dilaaga Aabe Wiilkiisa Curadka ah, waana ninkayga, ilmahayga Aabahood, waana ninka u sababta ah in uu gurigeena gacanteena kusoo laabto, waa Ninka ka saaray Ciddiisa gurigaas Bililiqada ay nooga haystaan muddada fog, isaga oo aan ogayn in aan ahay Gabadha gurigaas Aabaheed lagu dilay.

Waxaa dhacday sida aad ka wada war qabtaan in aan ninkayga iyo aniga wada aadnay Xamar, waxaana dhacday in Xamiid oo aan arkin ilmaha Aabihiis dhalay ee aan ku bahda ahayn uu markaas soo barto, anigana aan ku weheliyay safarkaas Barashada Qoyskiisa ah, waxaana dhacday qofkii na waday sida uu noo waday in uu Albaabka naga galsho Guriga aan ku wada dhalanay ee aad wada taqaaniin.

Markaas ayaan ogaaday in Dilaaga Aabahay aan ilmihiisa ilma u dhlay, waan isku dayay in aan arinkan qarsho maadaama ninkayga uusan wax lug ah ku lahayn, dhibaatadana ay ahayd mid aniga igu qaas ah idinkana ay idiin joogtay in Magaalada Muqdisho aabihiin baa lagu dilay, gurigiinana xoog lagu haystay, balse, intaas inta dhaafsiisan ay aniga igu qaas ahayd!

Waxaan si walba isugu dayay in aan qarsho arinka, balse waan qarin waayay maadaama dhex Bartamaha noloshayda ay saldhigatay dhibaatadan Qaranka dhan wada halakaysay ilaa maantana laga harsan la’yahay, taas oo uu iga diiday xamiid in aan la aamuso, xitaa haddii ay noqot in aan la aamusana uu isagu qarxin lahaa.

Ma jirin Maalin iiga culays badan maalinta aan Xamiid arinkan u sheegayay iyadana waa isoo dhaaftay, maanta waa maalinka labaad ee iigu culayska badan ee aan idinka idinla wadaagayo, mana doonayo arintan in ay ilmahayga maqlaan, waxa aan meesha ku wada sheegnana waa in ay nagu wada ekaadaan oo aysan u gudbin Caruurtayda, maadaama dhibka uu inaga oo dhan na wada quseeyo hadana si qaas ah aniga ayuu iigu badan yahay sida aan aaminsanahay.

Isla markiiba waxaa arinka qaatay Hooyo oo sida aan filayay ka Quwad badnayd indhaheedana illin ka qubanaysay, waxayna igu tiri Hidaayo ma ahayn in aad dhib u gaysato Faraska Aabahaa saarnaa, wax walbase waa Qoraal, si waan kuugu mahad celinayaa waana dhiiranaanta aad suubisay ee ku salaysan hanasahada Qoyskaaga.

Waxaan dareemayaa in labadiinaba aad wada marteen Arrin adag, aadna tihiin laba qof oo astaan u ah inta sheegato Soomaali oo dhan, arinkiinana waa arin Culus, waxaana idinkugu hambalyaynayaa dhiiranaanta aad wada muujiseen.

Waxaan Allah uga mahad celinayaa in uu Caddaalad wanaagsan sameeyay, kadib markii uu caddaaladda marsiiyay Ninka dilay Ninkayg,a waxaana allah uga sii mahad celinayaa in uu Gabadhayda Iyana caddaaladda marsiiyay kadib markii ay dishay ninka Aabaheed dilay iyadana ay Oori u noqotay wiilkiisa sidan u wanaagsan.

Waxaan kaloo Allah uga sii mahad celinayaa in uu isla wiilkii dilaaga ninkayga uu sabab u noqdo soo noqoshada Hantideena, micnaha Guriga aan ilmaha kuwada dhalnay, ninkaygana lagu dhex dilay, nasiib wanaagsana aan leeyahy in dhacdadan lama ilaawaanka ah aan bartanka ka noqday waa haddii ay Soomaali ku cibra qaadanayso, ayna cadayn u tahay in ay jiraan Kumanaan kale oo Soomaali ah oo arrinkan iyo mid kasii xunba uu haysto.

Waxaan filayaa Qof la cafiyo iyo qof cafis laga dalbadaba in uusan meshan ku jirin oo aan nahay kuligeen dhibanayaal Dadkooda kuwada maqan yihiin meeshaan, waxaansa Allah uga mahd celinayaa inaga oo dhibkaas nakala gaaray in aan hadana dhexda isaga jirno gacmahana is wada haysano inaga oo ka wada qoomamaynayno dhibka nagu wada dhacay.

Waa in aan kuligeen is wada cafinaa lana noolaanaa Xaqiiqda nolosha ay sababeen Hidaayo iyo Xamiid, marka ay hooyo sidaa u hadlaysay inteena meesha fadhiso qof aan ilmaynayn naguma jirin qof walbana Madaxiisa aya hoos u rogmanaa, waxayna hooyo xaliimo kusoo gunaanaday in ay ka xuntahay in isla dhibkii uu wali kasii socdo Waddankii.

Waxaa hadalka qaatay Hinda iyo Hudda oo kusoo gunaanaday in la is wada cafiyo kadibna aniga ayaa codsi u sii wada jeediyay kuligood, codsigaas oo ahaa in aanan doonayn in arrinkan ay wax ka ogaadaan ilmahayga waana la igu wada raacay, sidaas ayay kusoo gab gabowday dhibaatadii aan la noolaa, balse, igama harin Murugta aan ka dhaxlay oo mar walba waan la noolaa, waana la noolahay in aan ahay Gabadha dhibkaas astaanta u noqotay, waan ka xumahay in dadkeena ay sida aniga camal qaarkood dhibaatadaa ula nool yihin.

Waa Sheeko dhab ah runtii mana ahan sheeko Curis ah.,  aad ayaana ugu faraxsanahay lamaanaha is qaba in ay sheekadan ila wadaagaan, runta marka aan ka hadlo muuqaal ahaan dadkan ma arkin, balse waxaan ku helay sheekadan sida fariin oo kale ah, waxaana la iga codsaday in aan qurxiyo oo qoro, dhabta ayaasa ah in Sheekadan ay si dhab ah u dhacday aana aaminsanahay in ay tahay dhacdo nuuceeda oo kale ay la noolyihiin dadkeena, waxaana codsan lahaa dadka la nool Sheekooyinka Xanuunka badan iyo kuwa la midka ah in ay soo baxaan si Bulshadan aan kala maarmin loo daweeyo, waad ku mahadsantihiin aqriska.

Dhamaad

W/Q:Mohamed Musa Shiikh Noor

Ekisyare@hotmail.com

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN