QAXOOTIGA FEDERAALKA HORTA YAA QAABILI DOONA?!

qormo

QAXOOTIGA FEDERAALKA HORTA YAA QAABILI DOONA?!

Maalmihii dhawaa waxaa iska soo dabadhacayay kulammo iyo wadatashiyo ey yeelanyeen horjoogayaasha Federaaleynta Soomaaliya, shirarkaasoo ka kala dhacay kuwii ugu danbeeyay Muqdisho iyo Garoowe. In kastoo laga dheehanayey is barbar yaac iyo sinnaan xagga darajada ah, haddane, ragga meesha socday waxey ka sinnaayeen hirgalinta xanuunka ku soo maqan ummadda Soomaaliyeed ee Federaaliisimka, kaasoo loogu talagalay kala tag aan isu soo noqod laheyn in lagu dhaxalsiiyo shacabka wareersan, ee waligiiba ciddii u farajaawiso heesaha iyo sacabka ku soo dhaweyn jiray, halka maalmo toddobaadyo ama bila ka dibne ba’aydoodu deriska ku soo bixi jiray ayagoo ka cabanayo qolyihii ey sida indho la’aanta ah ugu maamuuseen, waa hebelkeennii iyo waa reer hebelkeennii halkaana markuu ujeedkiisii dhabta ahaa la soo baxo ey ka dhalan jirtay waa wareeyda iyo cilladhaanta shacabkii shalay mashxaradayay.

Aan u soo daadago dulucda qormadeyda e toddobaadyo ka hor waxaa magaalada Jasiiro ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay maamul federaaleedka Koofur galbeed iyo ciidamo dowladda dhexe ku ab tirsada, maadaama uu gobolka Banaadir wali ka hirgalin maamul federaaleed astaan iyo madaxweyne leh.

Waxaa kale oo ka horreeyay iska hor imaaadyadii Jubbooyinka iyo Koofur galbeed dhexdeeda ka dhacay, halka haatanne ay muuqato saasaan colaadeed ka soo wajahan qeybinta gobolka Mudug, ee loo qeybiyay labada maamul ee Buntland iyo kan Gobollada Dhexe, ee wali uurka lagu sido, balse, la naawilayo inuu dhowaan dhasho.

Haddaba, haddii iyadoo aan wali la dhammeystirin federaaleynta beelaha uu is qabqabsiga iyo is qoonsiga uu halkan gaaray, maxaa laga filan karaa marka beel waliba xuduudkeedu xirato, ganacsiga deegaanka iyo daaqane ey noqoto in Visa dalku gal beeleed leys weydiiyo, oo magaalada Gaalkacyo labadeeda daan loogu safro baasaboor?.

Waxaa hubaal ah inuu dhalandoono dagaal faraha looga gubto, oo si sharciyeeysan u dhexmaro beel beel iyo deegaan deegaan dad walaalo ah, kaasoo dhalin karo burbur iyo bara kac cusub, oo soo wajaho umaddii rubuc qarniga la daalaa dhaceysay qaxa iyo dawarsiga, ee dunida caanka ka noqotay!

Waxeyse su’aasha is weydiinta mudani tahay: QAXOOTIGA FEDERAALKA horta yaa qaabili doono? Ileyn adduunyada dadkeennii hore u qaxay ayey wali maara u la’dahay, oo meel walbo ku dac dareysane, badankoodne halkii ey u qaxeen qulqulatooyin ka taagan yihiin, sida ka dhacday Koofurta Suudaan, Yaman Keeniya iyo waliba Koonfur Afrika, oo dhibteedu wajiyo badan leedahay, wajiyadaasoo ey ka mid yihiin:

DHaqaale doon

Sinji naceyb

Hinnaase Ganacsi iyo mararka qaar oo ay boor isku qarin siyaasadeed loo adeegsado boobka iyo dhibaateynta umadaha ajnabiga ah ooy Soomaalida ugu horeyso, sida tii ugu danbeysay ee bishii hore ka dhacday kwaZulu nataal oo ah Gobol xeebeedka caasimaddiisu DURBAN tahay Dakadda ugu weyn waddankuna eey ku taallo.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa inIilaaheey shacabka soomaaliyeed ka badbaadiyo hagardaamooyinka dal iyo debedba loo maleegayo.

Cali Maxamad Maxamuud

alimaxamed1@hotmail.com

SHEEKOOYIN