Heesta: Qoor iyo xeralaay!

mxf

Heesta: Qoor iyo xeralaay!

Soomaali qabweyn
Soomaali qalbila’
Soomaali qardaran
Soomaali qarriban
Qalin diiddooy
Qori wadatooy
Qowlkii EEBBIYO
Qayrka xooraay
Isma qaaddooy
Walaalkeed qala
Hadba labo qolo
Isku qoomaay
Nin dantiis qumay
U qanbaanaay
Qulqul socotooy
Qaxooti indhala’
Kaam qurmoon iyo
Qurbe joogyahay
Qadaf iyo caay
Ku qaxweeyaay
Qoor iyo xeralaay
Qayaanooleey
Qabiil aragnaye
Qarankii mee?
Qilaaf aragnaye
Qun u socod mee?
Qallooc aragnaye
Qaabsamidii mee?
Qawaaf aragnaye
Qancintii mee?
Qabqab aragnaye
Qibraddii mee?
Qasab aragnaye
Qiyaarkii mee?
Quursi aragnaye
Qadarinti mee?
Qase aranaye
Qaabiyihii mee?
Qaatil arag naye
Qabtihii mee?
Qaxar aragnaye
Qaboowgii mee?
Qawl xun maqalnaye
Qisadii mee?
Qashin aragnaye
Quruxdii mee?

Curiye: Maxamed Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN