Home Raadraac Ilaalinta Afka Iyo Adeegsiga Eraygiis.

Ilaalinta Afka Iyo Adeegsiga Eraygiis.

1
SHARE

Ilaalinta Afka Iyo Adeegsiga Eraygiis
Dad waliba wuxuu leeyahay af iyo eray u gaar ah oo uu adeegsado, oo uu kaga duwan yahay dadyowga intooda kale, waana wax uu Eebbe si gaar ah u siiyay. Marka laga hadlo ‘’AF’’ waa; “Hadalka ay isku gartaan dadku, waana waxa tilmaama qofka dhalashadiisa, iyo halka uu kasoo jeedo”. Afku waa midka fududeeya is dhexgalka bulshada isuna soo dhaweeya labo qof oo kala dhalasho duwan. Hase yeeshee, waa mid u baahan ilaan iyo adeegsi dhab ah. Afka Soomaaligu wuxuu ka midyahay afafka dunidan ka jira, kuwooda ugu faca weyn, waana af dhammaystirin runtii marka dhinac waliba laga eego erayadiisa iyo oraahdiisaba. Balse, waxaad mooddaa dadka Soomaalidu in ay adeegsanayaan erayo kale oo aan af Soomaali ahayn, iyagoo markaa meesha ka saaraya eray Soomaaliga ah, gelinayana erayo shisheeye, isla markaasna u adeegsanaya af Soomaali ahaan.
In badan oo dadka Soomaalida ahi kalama saari karayaan erayda ay adeegsanayaan in ay Soomaali yihiin iyo in ay shisheeye yihiin, maxaa yeelay, ma aanay helin waxbarashadii ay u baahnaayeen, kuwooda wax soo bartayna, ee ay ahayd in ay kala saaraan erayada af Soomaaliga ah iyo kuwa ku soo dhexdhuuntay ee aan af Soomaaliga ahayn. Waxaadse mooddaa in ay iyagu yihiin kuwa ugu adeegsiga badan erayda shisheeyaha marka ay dadka la hadlayaan, iyagoo waliba aqoon u leh erayada ay adeegsanayaan in aysan af Soomaali ahayn.
Tusaale ahaan, wadaaddadeennu marka ay dadka wax u sheegayaan waxay adeegsadaan erayo badan oo Carabi ah, oo aan markaas loo baahnayn adeegsigooda, maxaa yeelay, isagii oo af Soomaali ah ayaa jira, lana helayaa, qofka ay wax u sheegayaanna waa Soomaali. Sidoo kale, aqoonyahannada kale, ee soo bartay aqoonta dunida, sidaas oo kale ayey u adeegsadaan erayda shisheeyaha, markay wax faahfaahinayaan. Labdaa dhinac weeye inta badan meesha ay ka soo galaan erayda shisheeyuhu afka Soomaaliga. Waxaa kale, oo soo seddaxeeya dadka dalka dibadda uga baxa ee ku soo laabta, oo goobaha laysku arko la yimaada eraydii ay dalalkii ay tageen laga adeensanayey qaar ka mid ah, kadibna bulshada dhexdeeda kula hadlaan, kadibna bulshudu eraydii qaar ka mid ah ayey qaataan oo ay afkii Soomaaliga ku dhexdaraan, sidaas ayeyna afka Soomaaliga uga mid noqdaan.
Haddaba, aanu soo qaadanno qaar ka mid ah erayda ugu adeegsiga badan dadka Soomaalida ee aan af Soomaali ahay, waxaana ka mid ah kuwa hoose;
‘’FAHAM’’ garasho,’’CILMI’’ aqoon,’’MACNE’’,waxa uu yahay, ‘’DAACAD’’hogaansanasho ama raacid,’’XAQIIQ’’ run, ‘’SAX,,jira,’’QAALI’’ aad u sareeya,’’QIIMO’’muunad,’’DULLI’’ liita,’’DULMI’’ gardaro, LACANAD’caro ama xanaaq,’’JANNO’’ beer,’’ NAAR’’ dab,’’DAYAARAD’’ duusha,’’ MADAAR’’ AEROPORT’’ garoon ama gagi ,’’ TELLAAGAD’’ FIRINJEER’’ qaboojiye,’’DAYN’’ amaah,’’ DIYO’’ mag,’’DENBI’’ xumaan,’’DALIIL’’raad raac, DARIIQ’’ waddo, DIGAAG’’ dooro, MASUUL’’ hoggaamiye ama madax,’’CAQLI’’ dhugmo ama garasho,’’QALBI’’ laab,’’KELMED’’ eray,’’QALIN ‘’ LAABIS’’ qore ama dhige, ‘’ DHAKHTAR’’ DABIIB’’ daweeye,’’WADDAN’’ dal ama dhul, MUWAADIN, u dhashe,’’ AJNABI’’ shisheeye,’’XALAAL ‘’ kuu banaan, XAARAAN’’ aan kuu banaanayn,’’XIKMAD’’ murti,’’ XAASID’’ CADOW’’ nacab. LAAKIIN’’ hase yeeshee,’’LILLAAHI’’ dar Alle.’’DABEECAD’’dhaqan.’’WAAJIB’’ kugu go’ay ama lagaa rabo iyo waliba ‘’MACALLIN’’ bare’ .
Intaas oo eray iyo in ka badan, oo ku sii jirta ayaa afkeenna ku dhexjira, una baahan in laga saaro, maxaa yeelay, baahi aan u qabnaahi ma jirto adeegsigooda, oo iyagii oo af soomaali ah ayaannu haysannaa. Marka aannu afka ay ka mid yihiin ku hadlaynno adeegsigoodu waa lama huraan, hase yeeshee, markaan afkeenna ku hadlaynno in laga saaro ayaa habboon, ama ay lama huraan tahay.
Waxaadna mooddaa sida aad qoraalkaba ku arkaysaan erayda ugu badan ee afkeenna ku jiraahi in ay ‘’CARABI’’ yihiin, waana erayo ka soo galay afkeenna seddaxdii dhinac een horay u soo sheegay, hase ahaatee, afafka kale ee sida; INGIRIISKA, TALYAANIGA, IYO FARANSIISKA, erayadoodu waxay u badanyihiin waxyaabihii laga bartay intii ay dhulka joogeen, mana ahan wax si wayn raad ugu leh afkeenna, marka lga reebo erayada a xiriir farsamada cusub. Si kastaba ha ahaatee, afkeennu wuxuu u baahanyahay in laga miiro afafka kale ee ku dhexjira, lana barto afafka kale, si loo garto waxa ku dhexjira afkeenna. Haddaba, dadka afafka yaqaannaahi waa in ay gacan ka gaysataan kala miiridda afkeenna iyo afafka kale.

F.G: Qormadan markii u horraysay waxay ku soo baxday “Wargeyska Wargeyska Gobollada Dhexe”.
Yaxye Xaashi Maxamad Cabdi
geesilove@hotmail.com

SHARE

1 COMMENT

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

Comments are closed.