Illintii Macallinkaygii W/ Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane

10636306_790840967635370_3679207470137846768_n (1)

Illintii Macallinkaygii
————————
Wuxuu sii cagacagaynaayay ku dhawaad 60 sano, tinta ku taalla madaxiisa ilaa garkiisu waa wada gaduudantahay. Wuxuu ahaay baraha loogu jecelay dugsiga sare ee Usaama Bin Sayd, haybadda macallinnimo waxaa u sii dheer sida xasilloon ee uu cashirka kuugu shubayo, qaab gudbiskiisa iyo sida uu u yaqaanno arday kasta magaciisa oo saddaxan. Aad ayuu is kugu jilcin jiray ardaydiisa, waxuu na bari jiray cashirta la xariirta taariikhda iyo Juquraafiga. Maalin ayaan agta ka soo fadhiistay, isaga oo aad u daallan, culayska shaqada iyo da’da uu ku suganyahay awgeed, gacmihiisa waxaa ka muuqday boorka jeestada uu wax noogu dhigaayay, ishiisu meel dheer ayey ka muuqatay. Salaan iyo dhoolla caddeyn ka dib, waxaan weydiiyay su’aal, ma filayn in weydiintaydu baddalayso jawiga iyo dareenka macallinkayga, xilligu waa 2003-dii, waxaan ku iri “Macallin waxaad wax ku soo baratay canshuurtii iyo hantidii qaranka, siiba afkaaga hooyo iyo sooyaalkii ayaa wax badan lagaa soo baray, maxaa ugu wacan in aad subax kasta nala aaddid dhul shisheeye, innaga oo kala aqoonin dhulkeenna hooyo, gobal, magaalo, tuulo, dagmo iyo waax, intaba” Aniga oo arkaya ayuu hoos u hundhursaday, illin ayaa ka soo daatay, runtii waan naxay, indhaha ayaan bilig bilig ka siiyay, waxuu cod xiiqsan, oo ciil laga dareemayo igu yiri ” Waan qasbanahay wiilkaygiyow, buugga aan idin dhigo waa la ii dhiibay, waan ka xumahay in aan maanta ka qayb qaato dhaqidda maskaxdiinna, ninka xafiiskaas ku jira ayaa ii taliya, mana ahan nin garanaya waxa uu samaynayo iyo saamaynta ey leedahay, ilmana wa igu xariiraan, oo korriima iga raba, i cafi haddii aan dhinto, waxaan ku dadaali doonaa in aan maalin kasta wax uun idiin kaga sheego waddanka hooyo” Halkaas marii uu marsiinayo ayaan is hayn waayay, goor aan is ku duubay ayaan garan waayay, waxaan ka tirtiray illintii, garkiisa ka dhibcaysay. Wuxuu ahaay barihii iigu saamaynta badnaay nolashayda, waxaa la dhihi jiray macallin Macow Allow ku dhawr. Qof bini’adnimadu ku dhantahay ayuu ahaay. 


W/ Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane

SHEEKOOYIN