7da Cashir oo laga baran karo bangi la dhacay!

11111798_812755105487363_5076994753854594977_n

7da Cashir oo laga baran karo bangi la dhacay!

Waxaa jirta dhacdo caan baxday oo ka dhacday magaalada Guangzhou[1] taas oo la xariirta shufto dhacday bangi ku yaal magaaladaas, dhacdadaas ayaa waxaa si qurux badan u qoray nin Shiineys ah, waxaana sheekadaas lagu turjumay luqado badan, waxa aan maanta jecleystay bal in aan idinla wadaago sheekadaas oo laga kororsan karo 7 cashir oo nolosheyna xariir toos ah la leh.
Casharka 1 aad:
Inta lagu guda jiray dhaca bangiga, ayaa mid ka mida burcadda waxa uu ku qeylinayaa dadkii ku sugnaay bangiga, isiga oo ku leh “Ha is dhaqaajinnina, lacagta idinku ma lihidiin ee waxaa leh dowladda, adinku naftiinna ayaad leedihiin”. Marka uu ninka burcadka ah hadalkaa yiraa ayay durbaba dadkii wada aamusayaan si degganaani ku dheehan tahay.
Tan oo kale waxaa la yiraa “Fikirka maan beddalka dahsoon” taas oo ah in si dadban loo beddalo hab fikirka aadamaha.
Casharka 2 aad:
Gabar ka mid ah dadkii bangiga ku sugnaa ayaa si soo jiidasho iyo dareen leh waxa ay ugu dhacadiidsaneysaa[2] miis meesha yaalay, markaas ayaa waxaa ku qeylinaya mid ka mid ah buracadda isaga oo ku leh “Fadlan noqo qof ilbax ah, tani waa dhac ee maaha kufsi”.
Tan oo kale waxaa la yiraa “Ahaanshaha xirfadle”, kaas oo diiradda saara waxa loo soo carbiyay in uu sameeyo.
Casharka 3 aad:
Marka ay buracaddii guryahooda ku noqdeen, ayaa barbaar ka mid ah burcadkii oo ku takhasusay kasmada maamulka iyo maareynta ganacsiga waxa uu la hadlayaa oday da’ ah oo burcadda ka mid ah kaas oo waxbarashada kaga tagay dugsiga hoose, wuxa uuna ku leeyahay “Walaalkey iga weynoow, bal kaalay aynu lacagta tirinnee”, odaygii ayaa ugu war celinaya “War niyahoow doqon sanidaa, lacagta intaa tiro le’eg yaa tirin karaya, iska sug wararka fogaan-aragga ee caawa ayaa inoo sheeggi doonaa xaddiga lacagta aynu soo dhacnay”.
Tan oo kale waxaa la yiraa “Waayo-aragnimo”, waayahan danbe waayo-aragnimadu waa ay ka wax tar badan tahay waxbarsahada dugsiyada laga soo qaato.
Casharka 4 aad:
Marka ay burcaddu bangiga ka tagaan, ayaa maamulaha bangiga wuxa uu la hadlayaa kormeeraha,wuxa uuna ka codsanayaa in uu si dagdag ah ula xariiro booliiska kuna war galiyo waxa dhacay, balse kormeeraha ayaa ku dhahaya “U sug, ha degdegin mudane, horta marka horee aan innagu 10 milyan oo RMB[3] aan bangiga lafaheenna uga la baxno misna aan ku darno 70-kii milyan ee aan horay isku daba marsiinnay iyo lacagtii ay tuugadu dhaceyn intaba, ka dib uun aan burcadda u wada saarinno” .
Tan oo kale waxaa la yiraa “La dabaalashada hirka” ama “Boor isku qarin”, taas oo ah in xaaladda cakiran loo rogo mid adiga faa’iido kuu leh.
Casharka 5 aad:
Maamulaha asigoo arinkaa la dhacsan buu lee yahay “Hagaag, aad bay u wacnaan laheyd haddii bil kasta burcad ina soo weerarto la heli lahaa”.
Tan oo kale waxaa la yiraa “Daminta xiisadda”, taas oo ah in farxadda shaqsiga ah ay ka muhiimsan tahay wax kasto.
Casharka 6 aad:
Maalintii xigtay, ayaa wararka fogaan-aragga lagu baahinayaa in buracaddii bangiga weerartay ay dhaceen lacag dhan 100 milyan oo RMB, buracaddii markay lacagtaas maqleyn waa ay u cuntami weyday waxa ayna tiris ku billaabeen lacagtii, markaas ayay lacagtii noqotay 20 milyan oo RMB. Burcaddii aad ayay u caroodeen, ayagoo cabanayana waxay ku cataabayn “Waxa aan nafteyna halis u galinnay dhictaanka 20 milyan oo RMB kaliya, maamulaha bangiguna wuxuu si fudud ku qaatay 80 milyan oo RMB. Dhabtii waxa ay u muuqataa in aqoonyahannimadu ay ka qiimo badan tahay in tuug la noqdo”.
Tan oo kale waxaa la yiraa “Aqoon”, aqoontuna waxa ay u qiimo badan tahay sida dahabka oo kale.
Casharka 7 aad:
Maamulaha bangiga hadda waa uu muusoonayaa asiga oo faraxsan, waayo waxa uu dhacaan kaga kabsaday qasaarihii ka gaaray saammiga uu suuqa ku lahaa.
Tan oo kale waxaa la yiraa “Ka faa’iideysiga fursadda”, taas oo ah in liinta dhanaan ee qaraar laga sameeyo biyo macaan oo wax tar leh ayada oo qatarta loo bareerayo.

Hadde akhyaarey cashirku halkaas buu ke egyahay, waxaa se is weydiin mudan, yaa ah shuftada rasmiga ah ee bangiga dhacday? bal adba?!.

W/T: Saki Cali Gurey.
_________________________________
[1] Guangzhou: waa magaalo xeebeed ku taal koofurta Shiinaha waxa ayna ka mid tahay magaalooyinka ugu horeeya dunida xagga falal danbiyeedyada la xariira dhaca.
[2] Dhacadiid: dhacadiidsi; dhacadiidsad; dhacadiidsasho; jirjir u jiifsi; dhabar u seexad; si loo seexdo oo qofku dhabarka dhulka dhigo.
[2] RMB: waxaa laga soo gaabiyay Renminbi oo ah lacagta rasmiga ah ee laga isticmaalo jamhuuriyadda dadka Shiinaha.

SHEEKOOYIN