Taariikhda Harriet Tubman W/Q. Ahmed Hayow

Lacagta Mareykanka waxaa ku sawiran dad madax ka soo noqday oo lagu qadariyo wax qabadkoodi.

 

Lacagta inta badan la isticmaalo.

1$ waxaa ku sawiran George Washington.

2$ waxaa ku sawiran Thomas Jefferson.

5$ waxaa ku sawiran Abraham Lincoln.

10$ waxaa ku sawiran Alexander Hamilton.

20$ waxaa ku sawiran Andrew Jackson.

50$ waxaa ku sawiran Ulysses S Grant.

100$ waxaa ku sawiran Benjamin Franklin.

 

Lacagta aan badanaa dadku isticmaalin.

500$, 1000$, 5000$, 10,000$ iyo 100,000$ balse inta badan lama arko.

 

Hadda waa la sheegay in 20ka doolar lagu sawiri doono haweeneey madoow ah oo la yiraahdo Harriet Tubman, Xaawaleeydaas oo adoonimo lagu keenay wadanka Mareykanka.

 

Harriet Tubman waxay ku dhalatay gobalka Maryland, magaalada Araminta Ross 1822, waxaa dhalay Rit Green iyo Ben Ross, hooyadeed Rit waxaa iska lahaa naag la dhihi jiray Mary pattison Brodess oo uu ka dhaxlay wiilkeeda Edward Brodess, Aabaheed Ben Ross wuxuu ka shaqeyn jiray beero uu wakiil ka yahay Anthony Thompson oo ahaa ninki labaad oo guursada Mary Pattison, beerahaas oo ku yaalay Black Water River oo ah Magaalada Madison ee gobalka Maryland.

Sida qaalibka ah si fiican looma yaqaano dadka adoomada ah meesha ay ku dhashaan iyo taariikhda ay dhashaan,naag la yiraahdo Kate Larson ayay taariikhyahanadu rikoorkeeda ka heleen inay Tubman dhalatay 1822, waxayna ka heleen caddeymo sheegaaya lacagta umulisada la siiyo, sidoo kale Jean Humez ayaa wuxuu sheegay inay Tubman dhalatay 1820 ama sanad ilaa laba sano kadib, Catherine Clinton waxay tiri “Tubman waxay dhalatay 1825, sida nooga muuqata warqadeeda dhimashada oo aheyd 1915”.

Cid qaraabo ahaan ugu dhaweyd, waxaa laga haayaa habar la yiraahdo Modesty oo ku mid aheyd dadki adoomada ahaa oo maraakiibta looga keenay Afrika, islaantaas oo ayeeyo ugu aadan Tubman, waxay u sheegi jirtay inuu afkoodu yahay Ashanti oo looga hadlo dalka Ghana.

Hooyadeed Rit waxaa loo badiyaa inuu dhalay Aabe caddaan ah, waxayna raashinka u karin jirtay qoska Brodess oo ahaa reerka ay adoonta u aheyd, Aabaheed Ben wuxuu ahaa nin aqoon fiican u leh geedka Timberka oo alwaaxda laga sameeyo, wuxuuna ka shaqeeynaayay beeraha Thompson.

Rit iyo Ben waxay isguursadeen qiyaastii 1808, sida laga arkay warqadda maxkamadda, waxayna isu dhaleen sagaal carruur ah (Linah, Mariah, Soph, Robert, Minty “Harriet”, Ben, Rachel, Henry iyo Moses).

Hooyo Rit waxay isku dayday inay qoskeeda hal meel wada joogaan, laakiin Edward Brodess ayaa iibsaday seddexdi gabdhood ee ugu waaweynaa Linah, Mariah iyo Soph, kuwaasoo aan dib dambe loo arag, muddo kadib ayaa gobalka Georgia waxaa ka yimid nin adoomada iibsada, asagoo rabay inuu iibsado Rit wiilkeeda ugu yar Moses, laakiin arrintaas way ka dagaalantay hooyo Rit, beecaasna wuu suurageli waayay.

Tubman waxay hayn jirtay carruurta ka yar yar, markay soo gaartay shan ilaa lix sano wuxuu Edward u diray inay la shaqeeyso naag la yiraahdo Miss Susan oo ay carruurta u ilaaliso ilaa ay hurdada ka soo toosaan, muddo kadibna waxaa lagu wareejiyay oday beeraha abuura oo la yiraahdo James Cook si ay ula shaqeeyso, maalin ayaa waxaa qaniinay (Muskrat) oo ah bahal dooliga ka wayn, kadibna qandho ayaa qabatay, markuu jirkeeda ka soo muuqday Furuq ayuu James Cook u soo diray reerkeeda, hooyadeed Rit ayaa ka daaweysay xanuunki, markay soo kortay waxaa loo diray Beeraha iyo duurka inay ka shaqeeyso, sida dibida inay jiido, inay beerta carra gediso iyo inay geedaha la jaro ay soo jiido, sida caadada ah adoonta waxaa garaaca ninka iska leh ama mastarkooda shaqada ku qabta, laakiin Tubman waxaa u wehliyay jug weyn oo ka soo gaartay bir culus oo madaxa uga dhacday, xanuunkaas oo ku soo kici jiray inti ay nooleyd, waxaa la sheegaa Tubman birta ku dhacday inay kaga badbaaday timaheeda oo aan la shanleyn iyo ayagoo isku dheg dheganaa, timahaasoo ka difaacay jug ka weyn oo maskaxda ka gaari laheyd, waa sida laga helay qormo uu ka tegay dhakhtarki dabiibay.

1840 Tubman Aabaheed Ben waxaa u dhammaaday xilligi uu u qabtay qofki lahaa oo ahaa 45 sano, inkastoo uu markaa jiray 55 sano, haddana wuxuu adoon u sii ahaa ninki uu uga shaqeeynaayay beerta timberka oo uu u ahaa kaaba shaqaalaha, sanado yar kadib ayay Tubman shan doolar siisay qareen u soo baara sharciyada hooyadeed Rit Green, wuxuuna u sheegay inay Aabaheed la mid tahay iyo inay carruurtoodu xor la noqonaayaan, laakiin reer Brodess way iska dhega tireen hishiiskaas hore u jiray, maadaama ay adoomada dhaxal ahaan u heleen.

1844 Tubman waxay guursatay nin xor ahaa oo la dhihi jiray John Tubman, xilligaana dad badan oo ah African American ayaa xor ahaa, laakiin wax badan lagama yaqaano inta ay wadajireen, waayoo kulankooda ayaa adkaa maadaama ay Tubman weli adoon tahay, dhibka kale oo jira wuxuu ahaa sharci sheegaayay caruurta ay dhalaan Tubman iyo John inay adoon u noqonaayaan cidda adoonta leh, noloshu markii ay ku adkaatay Tubman way xanuunsatay, markaana waxay isu diyaarineysay inay baxsato.

1849 ayuu Brodess isku dayay inuu Tubman iska iibiyo, maadaama ay xanuunsaneyd waxba waa goyn waysay, waxay habaartay Edward oo ayadoo tuugaysa rabay inuu reerkeeda ka fogeeyo, waxaa la sheegaa sitimaan dabadii inuu dhintay Edward Brodess.

Xaaski Edward oo la dhihi jiray Eliza, ayaa dhaxal u heshay, laakiin Tubman way diiday waxaan ka aheyn xurnimo ama dhimasho.

September 17.1849 ayay Tubman iyo walaalaheed Ben iyo Henry waxay ka baxsadeen adoonimadi, marki la waayay waxaa lagu soo qoray baafin wadata abaalmarin ah in qofki soo qabta la siinaayo kiiba 100 doolar, laba sitimaan kadib ayuu Ben sheegay inay naagtiisu uur leedahay, sidaa aawgeed ayay labadi ragga ahaa dib ugu laabteen, waxayna Tubman ku khasbeen inay la laabato.

Muddo yar kadib ayay Tubman kaligeed soo baxsatay, waxay soo lugeeysay 145 km, ayadoo soo martay Delaware, waxay muddo seddex sitimaan iyo shan maalmood ah ku tagtay Pennsylvania.

Tubman waxay soconeysay habeenka, ayadoo fiirsaneysay xidiga waqooyi, waxay iska ilaalineysay inay qabtaan kuwa adoomada baxsada ugaarta si ay u qaataan lacagta abaalmarinta ah, markay gashay xadka Pennsylvania waxay tiri “waxaan fiiriyay gacmaheeyga, si aan u xaqiiqsado inaan anigi ahay, farxad ayaan la jiriiricooday, waxaana geedaha dhexdooda ka arkay nuurka qoraxda, waxay ila noqotay inaan janada ku jiro” markaa kadib ayay reerkeedi soo xasuusatay, waxayna ku fekertay inay waalidkeed, walaalaheed iyo saaxiibadeed xur ka dhigto, waxay billowday shaqo si ay lacag u keydsato.

1850 Baarlamaanka Mareykanka ayaa baasiyay sharci ogolaanaayay inay booliisku qaban karaan adoomada baxsada, kuwaas oo ugu darsamay kuwi adoomada ugaaran jiray, bishii December 1850 waxaa Tubman loo soo sheegay ina adeerteed Kessiah iyo labadeeda carruur, James Alfred 6 jir iyo cunugteeda yar Araminta in Cambridge lagu iibin doono, Tubman waxay timid Baltimore oo uu ku haayay seedigeed Tom Tobman inta Kessiah ninkeeda John Bowley uu kaga guuleysanaayo beeca naagtiisa, marki lagu baariday ayuu John iska dhigay nin lacagta bixinaayo, waxaana hoosta laga dusiyay Kessiah iyo carruurteedi oo Tubman loogu geeyay Baltimore, kadibna ay Pennsylvania u wadatay, xagaagi ku xigay waxay soo aaday Maryland, waxayna ka saartay walaalkeed Moses iyo laba saaxiibadiis ah, sidaa ayay dad badan oo ah ehel iyo asaxaab uga saartay goobaha dadka lagu addoonsado.

Tubman waxay kalkaaliye caafimaad ka noqotay dagaaladi sokeeye ee ka dhacay gobalada Mareykanka, waxayna qeyb weyn ka soo qaadatay inay u doodo xuquuqda dadka madoow.

 

 

SHEEKOOYIN