Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q. 46-50aad. W/Q Ahmed Hayow

 

Aabe Daahir wuxuu guriga ku soo laabtay asagoo wada laba warqadood, mid asaga ku socota oo uu soo qoray Kamaal Aabihiis iyo mid Deeqa ku socota oo uu soo diray Kamaal, wadada ayuu ku soo furtay warqadiisa, waxaana ugu qorneyd inuu Aabe Kaahin u soo socdo Sanca iyo inuu imaandoono sitimaanka soo socda dhammaadkiisa, qorshaha dhabta ah ee Aabe Kaahin waa ganacsi uu Yaman ugu soo socdo iyo midka gabadha uu guursan doono wiilkiisa, warqadda labaad waxaa ku jira sawirada Kamaal oo ilaa shan sawir gaaraaya, waxaa ku jira mid uu ku dabaalanaayo buul ku yaala guriga uu degan yahay iyo mid uu tenis ciyaaraayo, waxaa kale oo sawirada ku jira laba caadi ah oo uu mid fadhiyo, midka kalana taagan yahay iyo mid uu ku dhex jiro gaarigiisa, waxaa sawirada la socda warqad ay ku qoran tahay: “xujadaas si degdeg ah u soo fur, haddii uu hadalkaagu faan kaliya aheyn iyo waa qurux badanahay” Deeqa marki ay aragtay, waxaa sawirada uga darnaaday waxa uu warqadda ku soo qoray, xanaaq dartiis ayay sawiro u diyaarisay, midki ay hore u soo celisay iyo laba ay kala taagan tahay Daljirka Dahsoon iyo taalada Sayidka iyo mid ay isaga qaaday gurigoodi Somaliya hortiisa iyo mid ay leego isaga soo qaaday, habeenkaas Kamaal sooma wicin reerka, waayoo wuxuu ka xanaaqsanaa telefoonki lagu dhigay, wuxuuna islahaa inta lagu soo woco ayaa lagaa maslaxeyn doonaa wixii dhacay sidi kal hore oo kale, balse Deeqa ayaa fursad u heshay inay Raage wacdo, asagoo la yaaban cidda soo wacday ayuu: “hello” yiri, Deeqa ayaa tiri: “xabsigi ma ka soo baxday?” Raage oo codkeeda gartay ayaa yiri: “maya weli waan ku jiraa inta aan awoodin inaan ku arko” Deeqa ayaa tiri: “midkaa kaalama hadlin ee xabsigi carabta ayaan kaala hadlay” Raage ayaa yiri: “anigaba midka aan ka hadlaayo waa kaas, waayoo waxaan hubaa inaan kuu imaanaayo, Aabahaana inuu i xiraayo, marka soow weli xabsi kuma jiri?” Deeqa ayaa tiri: “iska daa ha ii imaan, aniga ayaa kuu imaanaayo oo waxaan kuugu imaanaa barta telefoonada Taxriir” Raage ayaa ku yiri: “Deeqa, waxaan joognaa dhul carbeed oo shaneemo ma wada geli karno, jardiinana ma wada fadhiisan karno, adigana gurigeeyga ma imaan kartid, xalka ugu sahlan waa inaan gurigaaga kuugu imaado, sidaa daraadeed waa lagama maarmaan inay waalidkaa ogolaadaan, sida ay ku ogolaanaayaana aniga ayay i saaran tahay, adiga waxaa ku saaran inaad axdigi adkeyso oo kali ah” Deeqa marki ay hadalkiisa fahamtay ayuu ku yiri: “ninki guriga lahaa ayaa i dul taagan, waayoo qeyb meesha uu degan yahay ka mid ah ayuu telefoonku yaalaa, xaaskiisa iyo carruurtana wuu xereeyay inta aan telefoonka ka dhameysanaayo, sidaa daraadeed ayaan kuula sii sheekaysan karin, aniga oo sheekadaada jecel” Deeqa way ka xumaatay inuu todoba saac oo habeenimo la gaari karin, markaa ayay ku tiri: “ka soo guur gurigaas oo deg guri aad telefoonka xur u tahay” Raage ayaa ku yiri: “waa tahay bisha marki ay dhamaato ayaan degaa guri kale” Deeqa ayaa tiri: “aniga habeenki haddii aad fursad u hesho i soo wac, berri sagaalka subaxnimo aan is aragno” sidaa ayay ku kala tageen carabki oo dhibsaday sheekada badan uu Raage galay.

Raage wuxuu Oday Cawaale u sheegay inay Deeqa soo wacday iyo wixi ay isdheheen, Oday Cawaale oo la yaabay adadeyga Raage ayaa ku yiri: “markaan ku arkay sida aad ugu adadag tahay gabadha aad rabto iyo inaad daraadeed god kasta iskugu tuureyso, ayaan ogaaday inuu jaceyl i haayay waagi aan raadin jiray Saynab hooyadeed, hadda ayaana gadaal ka fahmay inuu waagaas jiray waxaan hadda la leeyahay waa jaceyl” Raage ayaa intuu qoslay wuxuu yiri: “jaceylku mar walba waa jiray, waxay isku mid yihiin waxa dadku u yaqaanaan rabitaanka oo la dhihi karo waxa la jaceyl yahay waa waxa aad iyo aad loo rabo” Oday Cawaale ayaa yiri: “waa runtaa, waayoo waxaa waagaas i weday oo aan gabdha badan oo iiga dhow Saynab hooyadeed aan u dhinac maraayay, ayaa ahaa rabitaan xoog badan aan ayada u qabay, qofki u adkeysta ayaana gurata miraha rabitaankiisa dhabta ah”.

 

47.

Waloow ay Deeqa wadato shuko oo ay xijaaban tahay, haddana waa la fahmaa inay qurux badan tahay, inta wadada ay socoto qofka ay indheedu isku dhacaan, waxaa gelaaya waswaas, haddii aanu afka ka hadlin uurka ayuu ka leeyahay: (Subxaanallaah abuurka Alle noocya badanaa) laakiin haddii ay arki lahaayeen ayadoo caadi u labisan, waxaa dhici laheyd araaji badan inay agteeda aali lahaayeen, araajidaas oo markaan aheyn somali oo kali ah, balse ay ku jiri lahaayeen Yamaniyiin badan, waxaa suura gal ahaan laheyd in Aabaheed loo keeni lahaa lacago fara badan, si uu gabadhiisa ugala boxo midka ugu qiimaha badan, haddii ay burburto rajada bixitaanka Yurub ama uu helo lacag ay qoyskiisu ku dhoofi karaan ama wax ku qabsan karaan, Deeqa saaka waxay hore u soo qaaday baqshadi ay u diri laheyd Kamaal iyo lacag 1000 riyaal ah oo ay ugu tala gashay inay Raage ku kaalmeyso, marki ay gaarigi dabaabka ahaa uga degatay Taxriir, ayay aragtay Raage oo taagan barti ay ku ballameen, markaa ayay dhinac kale ka martay si aanu u arkin, asagana intuu socokeeda gartay ayuu kor ka fiiriyay, laakiin ma daba gelin oo wuxuu u qaatay inay u socod egtahay oo kali ah, bartiisa asagoo taagan ayay haddana soo muuqatay qofti uu ayada u maleeyay oo marki ay u timid noqoray Deeqa lafteeda, Raage ayaa ku yiri: “marki aad xagga ii dhaaftay wax baad gacanta ku wadatay, haddana ma wadatid ee boostada miyaad wax ka direysay?” Deeqa waxay tiri: “waa runtaa, waxaan diray waraaq ku socota Kk, taasoo aan rabay inuu Sanca si deg deg ah uu uga yimaado, waayoo wuxuu ii soo diray sawiro uu leeyahay xujadaas soo fur, xujadii ayaana u furay” Raage marba haddii ay sawiradi dirtay wuxuu ku hadlo ayuu garan waayay, markaa ayay Deeqa ku tiri: “waan ogahay inaad ka xumaaneyso, laakiin waxaad ogeyn inuu jirin wiil kale oo aan mustaqbal ku heshiinay” Raage ayaa ku yiri: “Deeqa daacad iima tihid, daalka aan daraadaa ugu jirana wax faa’iida ah uu leeyahay iima muuqato, marba haddii aad dirtay sawirki aan ku iri ha dirin” Deeqa ayaa tiri: “weli ima fahmin, waayoo Kamaal aniga ma rabo, lagama yaabo inaan xiriir mustaqbal la yeesho, waayoo adiga ayaan ku heshiinay xiriirkaas, cid booskaaga geli kartana ma jiro ee iska illoow sawirada aan u diray oo jawaab u ah sawiradiisa iyo warqada uu ii soo raaciyay” Raage ayaa yiri: “waxa sawiro miyaa, mise waa hal sawir?” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “wuxuu ii soo diray shan sawir, anigana shan ayaan ugu jawaabay” Raage intuu carooday ayuu ku yiri: “bes Deeqa xabsi dambe ma kuu gelaayo” markaa ayay Deeqa tiri: “intaad jaceyl igu abuurtay ayaad rabtaa inaad meel cidla ah iiga dhaqaaqdo” Raage hadalkaa markuu maqlay tin iyo cirib ayaa istaagtay, markaa ayuu yiri: “eraygaa oo aan afkaaga ka maqlo waa mid aan muddo badan sugaayay, wuxuu jirkeeyga geliyiyo awood, wuxuuna nafteydi geliyay kalsooni iyo inaan ku dadaalo sidi aan waalidkaa ku kasban lahaa” Deeqa oo hadalka ka dhex gashay ayaa tiri: “dagaal fara badan ayaa na sugaayo, waayoo Aabe wuxuu rabaa qof reerka Yurub geeya, waxaad ku dadaashaa sidi aad Maxamed kula xiriiri laheyd oo aad Yurub ku tegi laheyd, iska illoow sawirka aan diray, yaanay dhicin inaad adiga sawir u dirto Yaasmiin ama gabar kale” marki ay kala tegi rabeen ayay Deeqa u dhiibtay kunki riyaal, markuu ka diiday ayay ku tiri: “waxaa iigu soo kaa dhiibtay Ayeeyo Mulaaxo oo aad kuu jecel, maalin walbana adiga iiga kaa sheekeysa” markaa ayuu Raage ka qaatay kunki riyaal, wuxuuna ku yiri: “igu salaan Ayeeyo una sheeg inaan u imaan doono” sidaa ayay ku kala tageen Raage iyo Deeqa, markuu soo baxayna wuxuu Raage soo maray guriga saaxiibkiis Cali Baashi, gurigaas oo ay isugu yimaadaan dhallinyaro muqayiliin ah, waa meesha uu Raage ka maqlay walaalkii markuu baafinaayay, maantana wuxuu isleedahay armaad kheyr kala kulantaa gurigaas, markuu cabbaar dhegeystay sheekadooda ayuu maqlay wiil dhahaaya: “yar aan saaxiib nahay oo walaashiis Holland joogto, si uu ku helo telefoonkeedana waayay, ayaa wuxuu helay gabar walaasheed Holland joogto oo Sanca degan, markaa ayuu ku yiri: (walaashaa ii waydii inay walaasheey taqaano) ayaamo kadib ayay gabadhi la soo hadashay walaasheed, waxayna ku tiri: (gabadhi waa soo helay ee wiilki rabay ma kula joogaa) sidaa ayuu walaashiis ku helay” Raage waxaa u soo baxday fursad fiican, laakiin loo baahan yahay in la helo qof Ingiriiska joogo.

 

48.

Raage wuxuu dhallinyaradi waydiiyay qof Ingiriiska loo joogo inuu ku jiro ama qof yaqaan, markaa ayuu Cali Baashi yiri: “Rr weli walaalkaa ma helin miyaa?” Raage ayaa yiri: “ma helin saaxiib” markaa wiil dhalinta ka mid ah ayaa yiri: “Xaawa kiin gabar la yiraahdo oo shaaric difaac digan ayaan ogahay in Ingiriiska laga soo woco” kadib ayuu raaciyay “telefoonka Xaawa Kiin ma ku siiyaa?” Raage ayaa yiri: “haa isii telefoonkeeda” marki loo qoray ayuu telefoonka guriga wuxuu ka wacay Deeqa, nasiib wanaag ayadaa ka qabatay, markaana qolkeeda ayay la aaday, hooyo Aamina ayaa ku tiri: “yaa saacadaan ku soo wacay?” Raage oo dhaca kale ka maqlaaya ayay Deeqa tiri: “hooyo waa Kamaal” markaa ayay islaanti iska laabatay ayada oo rabtay inay telefoonka ka qaado, si ay u ogaato cidda Deeqa la hadleysa, Raage oo madaxa lagu dhuftay markuu maqlay waa Kamaal ayaa telefoonki isi saaray, Deeqana intay dhowr goor hello tiri ayay gurigiisa wacday, ninki carabka ahaa ayaa ugu yeeray Oday Cawaale oo guriga joogay, markuu hello yiri ayay Deeqa tiri: “waa kuma qofka ila hadlaaya?” Oday Cawaale ayaa isu sheegay, markaa ayay tiri: “carabka xun qof khaldan ayuu iigu yeeray” waxay sii raacisay: “Raage ayaan rabay” Oday Cawaale ayaa yiri: “Deeqa miyaa tahay!” Deeqa oo hadalkaa ka shakiday ayaa tiri: “Raage ma gabdha kalaa soo waca?” Odaygi oo gartay waxay ula jeedo ayaa yiri: “sheekadaada ayaa igu badatay maahee, cid Raage soo wacata oo aan adiga aheyn ma ogi” marki ay waydiisay inuu joogo iyo in kale, oo uu u sheegay inuu maqan yahay, ayay ku tiri: “markuu yimaado ha i soo woco” kadib ayay Deeqa isku canaanatay sababta ay gurigiisa u soo arki wayday, ileyn waxay isleedahay waad tegi laheyd gurigiisa haddii aad taqaano.

Raage wuxuu islahaa waxaad Deeqa siisaa telefoonka Xaawa Kiin oo ayada ha kuu wacdo, sababta oo ah wuxuu adkeeynaayay ballanti aheyd hala hadlin gabar aan kuu fasixin iyo inay Xaawa Kiin soo wacdo telefoonka Deeqa marki ay walaalkiis soo hesho, laakiin wuxuu ka carooday sida magaciisa loo xaqiray oo loogu sheegay Kamaal, cabbaar yar kadib ayuu telefooki ku celiyay, markaana Deeqa waxay ku jirtay telefoonka gurigiisa oo mashquul ayuu ka noqday dhowr goor uu ku celceliyay, kadibna wuxuu go’aansaday inuu gurigiisa aado, asagoo aan Xaawa Kiin wicin inta uu Deeqa kala kulmaayo, markuu xoogaa socday oo uu gurigiisa ku dhawaaday ayuu is yiri: (Deeqa lama ballamin oo idinkoo aan wax isku ogeyn ayaad kala tagteen ee sideed yeeshaa) markaa ayuu dib u soo laabtay, wuxuu soo aaday guriga Deeqa, markuu yimid agtiisa ayuu arkay Aabaheed oo guriga ka soo baxaaya, markaa ayuu iska qariyay ilaa uu ka fogaado, kadib ayuu albaabka garaacay, waxaa ka furtay Ayeeyo Mulaaxo oo ku tiri: “Raage soo gal” markuu gudaha galay ayay hooyo Aamina ku tiri: “maxaad naga soo doontay?” Ayeeyo Mulaaxo ayaa tiri: “daaya wiilka waa nin rag ehe, raggana wax la’aan laguma ciilee” Deeqa oo qolkeeda ka soo baxday ayaa timid, markaa ayay tiri: “Raage maxaad telefoonka iigu dimisay?” Raage oo aan ka jawaabin ayay hooyo Aamina tiri: “ma kii aad i laheyd waa Kamaal ayaa Raage ahaa?” Raage ayaa intuu Deeqa u dhiibay telefoonki Xaawa Kiin ayuu ku yiri: “gabadhaa intaad wacdo, waxaad u sheegtaa inay walaalkeey Maxamed iiga soo raadiso Ingiriiska oo ay ii waydiiso qofka u degan halkaas, ileyn gabdhaha kale lama hadlo waana sababta aan kuu soo wacay, waayoo haddii uu wiil ahaan lahaa, anigaa weci lahaa” markaa ayuu albaabka ka soo baxay, waxaa isfiir fiiriyay Deeqa, hooyadeed iyo Ayeeyo Mulaaxo oo tiri: “Raage waa rag rag dhalay” kadibna alalaastay.

Deeqa isla markiiba waxay wacday Xaawa Kiin, waxay u sheegtay muraadki laga lahaa, markaa Xaawa Kiin ayaa ku tiri: “waan waydiinaa walaalkeey haddii uu yaqaano, laakiin walaalkeey London ma degana, wuxuu degan yahay Manchester” Deeqa ayaa tiri: “cid London digan ma taqaan?” markaa Ayeeyo Mulaaxo oo ag fadhiday ayaa tiri: “maad Kamaal u dirtid?” laakiin Xaawa Kiin ayaa tiri: “mid aan isla sheekeysano oo Kamaal la yiraa ayaan London ka aqaan” Deeqa ayaa tiri: “Kamaal aa, Kamaal ayo” Xaawa Kiin ayaa tiri: “ayihiisa maxaan ka falaa, waa ku meel gaar aan lacagta uun ka qaato, laakiin haddii aan u diro waxaan ka baqaa inuu ka maseyro oo xoogaaga iga gooyo” waxay u raacisay: “adiga Kamaalka aad taqaano, waa kee ma isku Kamaal ayaan nahay?” Deeqa ayaa hadalki ku soo gaabisay: “ma filaayo inaan isku Kamaal sheegeyno, laakiin waan kaa war sugaa” Ayeeyo Mulaaxo oo hadalka maqleysay ayaa intay wacday Deeqa hooyadeed ayay ku tiri: “Aaminaay waxaa la ogaaday inuu Kamaal Sanca caan ka yahay, gabadhaha degana uu soo woco”

 

49.

Deeqa sidi ay telka ugu dhigtay Kamaal sooma wecin, subaxdi dambe ayay istiri: (soo fiiri Xaawa Kiinta) markaa ayay wacday, waxayna Xaawa Kiin u tilmaantay guriga ay degan tahay, waa guri weyn oo ka kooban afar qol, jiko iyo musqul, reerka guriga leh waxay degan yihiin dusha sare, hoosna waxay u kireysan tahay Xaawa Kiin oo ciddi ay rabto ka kireysato, muraadka Deeqa wuxuu yahay inay soo hubiso Kamaalada london wada jooga inay laba yihiin iyo inuu mid yahay, waxaa kale oo Deeqa ku jirta haddii uu noqdo Kamaal Kaahin, ayadoo aan rabin inay ku eryato Xaawa Kiin iyo in kale, waayoo waxay qaadan kari la’dahay wiil adiga kula sheekeysta sidee gabar kale kuula qeybsan kartaa.

Markay Deeqa soo garaacday albaabki loo tilmaanay ayay ka furtay gabar u adeegta Xaawa Kiin, markay gudaha gashay ayadoo u sii socota qolka fadhiga ay Xaawa Kiin ku jirtay, ayay albaabkiisa uga hortimid, markaa ayay Xaawa Kiin wacday gabadhi adeegtada u ahayd: “Nuuraay, maxaad Deeqa u siin wayday biyo ay ku soo luga dhaqato inta aanay fadhiga soo gelin” kadib ayay Deeqa ku tiri: “raali noqo walaal, xamaamki waa kaa laakiin tubadi ayaa naga xumaatay, kii carabka ahaana weli nooma sameyn, laakiin anigaa biyaha aad busta isaga soo meyreysid kuu shubaaya” Deeqa oo hadalkaa ka carootay ayaa iskaga samirtay haddii ay biyaha u shubayso Xaawa Kiinta lafteeda, marki ay Dd soo caga dhaqatay ayay fadhiga soo gashay, markaa waxaa tvga ka daaran musalsal carabi ah oo ay Xaawa Kiin ku taxan tahay, laakiin dhammaad ku dhow, Deeqa oo rabtay inay hadasho ayay Xaawa Kiin ku tiri: “raali noqo oo wax yar sug inta uu musalsalku ka dhamaado, haddii aadan meel ka deg degsaneyn” intuu musalsalku socday Deeqa waxay fiirineysay wejiga Xaawa Kiin iyo jirkeeda, way aragtay inay qurux ku gaareynin, laakiin aanay ayada ka yareysan, markuu musalsalki dhamaaday ayaa lays wareystay, Xaawa Kiin ayaa u sheegtay inuu walaalkeed soo weci doono galabta, markaa ayay Deeqa gashay muhiimadi kale, waxayna tiri: “Kamaalka london jooga, maxaa loogu daraa Kamaal” Xaawa Kiin ayaa tiri: “waan kuu sheegay inaan ayahiisa aqoon” waxay raacisay: “adiga ma waxaa london kaaga maqan wiil Kamaal la yiraahdo?” waxay tiri: “mid kalaan mooday” markaa ayay Xaawa Kiin tiri: “sawiradiisa ayaan ku tusaa” kadibna waxay wacday adeegtadi: “Nuuraay soo qaad sawirada kushiinka yaala oo bacda ku jira” Deeqa waxay ka naxday sida loo gelaayo sawirda Kamaal, haddii uu noqdo Kamaalki reerkeedu ku waasheen, waxaa loo dhiibay shan sawir oo la mid ah kuwii ayada loo soo diray, waxaana loo raaciyay: “wuxuu i waydiistay sawiradeyda inaan u diro, ma kula tahay midkaas oo kale inaan u diraayo sawir aan leeyahay?” Deeqa si fiican ayaa loogu booteeyay, kadib waxay tiri: “runta haddii aan kuu sheego anigana wuxuu ii soo diray shantan sawir, waana isku hal Kamaal” markaa ayay Xaawa Kiin intay soo fadhiistay ayay tiri: “yaa ku baray Kamaal?” Deeqa ayaa tiri: “Aabaheey iyo Aabahiis ayaa iskaaya baray, laakiin anigu maqaan, asagana ima yaqaano” Xaawa Kiin ayaa tiri: “filinka aad ii soo wacday oo aad iigu timid ma wuxuu ahaa inaad Kamaal ogaato?” Deeqa ayaa tiri: “maya, waayoo dan iyo xaajo kama lihi, mana rabo, laakiin waxaan kuu soo wacay inaad Raage u raadiso walaalkiis” Xaawa Kiin ayaa tiri: “marabada haween waan isla naqaanaahe, maad wax kale ii sheegtid” Deeqa ayaa tiri: “haddii aan Kamaal rabo maba ku soo gaareen, laakiin inaan rabin ayaad ku heshay” hadalkaa waxaa ku xigay (naayaa guriga iiga bax) Deeqa ayadoo careysan ayay ka soo baxday gurigi Xaawa Kiin, labada telefoon waa la kala haystaa oo midba mida kale telefoonkeeda ayay haaysataa, wejiyada waa leyska arkay, Deeqa waxay ku fekereysaa naagtaan gurigeeda kaa soo eriday waa inay lugahaaga ku ooydo, Xaawa kiina waxay ku fekereysaa naagtaan baaritaanka kuugu timid, ninka yaanay laba indhood saarin.

Raage Rooble yaa u maqan? cidna uma maqna, ceelna uma qodna, markuu gurigiisa tegay wuxuu warbixinta siiyay Oday Cawaale oo ku farxay horumarka uu gaaray, asagana wuxuu u sheegay inay Deeqa soo wacday iyo inuu la hadlay.

 

50.

Kamaal marki ay gaareen sawirada Deeqa ayuu wareeray, intuu indhaha maraamartay ayuu mar kale fiiriyay, sawirki ugu koreeyay ayuu sidaa ku noqday, kaas oo ah midka Raage haysto, kan labaad wuxuu ahaa mid ay Deeqa taagan tahay oo loo jeedo kubabkeeda, dhexdeeda iyo dherekeeda, Kamaal wuxuu niyastay asagoo dhinac taagan oo ay garbahoodu isla eg yihiin, markuu dhameeyay daawashada sawirada ayuu telefoonka soo qabsaday, markuu soo dhacay waxaa ka qabatay hooyo Aamina oo ku tiri: “Deeqa way maqan tahay, waxay aaday xaafad dhow” Kamaal ayaa yiri: “soow looma soo yeeri karo?” hooyo Aamina ayaa tiri: “ma naqaano guriga ay aaday oo ah guriga saaxiibteed Xaawa Kiin, wuxuuna ku yaalaa xaafad aan saa nooga fogeyn” Kamaal intuu yiri: “Xaawa Kiin” ayuu raaciyay: “goormee ka imaaneysaa?” waxaa loo sheegay inay sacadahaan soo dhowdahay, markaa ayuu iska demiyay telefoonki, kadib wuxuu wacay Xaawa Kiin oo ay Deeqa ka tagtay, markay ka qabatay ayay ku tiri: “maxaad naga soo wacanaysaa, saaxiibtaa Deeqa maad wacatid” Kamaal intuu qoslay ayuu yiri: “gabadhaas Aabaheed ayaa Aabaheey Sanca uga shaqeeya, haddii ay kugu tiri Kamaal ayaan saaxiib la ahay been ayay kuu sheegtay, inkastoo ay sawiradeeda ii soo dirtay oo aan kuwaaga weli arkin, haddana xiriirka aniga iyo adiga naga dhexeeya ma gaarsiisna keeda” Xaawa Kiin ayaa tiri: “faanka iska daa ileyn ayadaba waxay laheyd Aabayaasha ayaa iskaaya baray ee wax naga dhexeeya ma jiraan” Kamaal ayaa yiri: “waa sida ay kuu sheegtay anigana aan kuu sheegay” wuxuu u raaciyay: “gacaliso hadhoow ayaan ku soo wacaa” markaa ayuu telefoonki ku dhigay, wuxuuna soo wacay guriga Deeqa, markay ka qabatay ayuu ku yiri: “sawiradaadi waa i soo gaareen” Deeqa ayaa tiri: “waxaad sugtaa inay kaa soo gaaraayaan sawirada Xaawa Kiin, kadibna ii soo sheeg cidda qalbigaaga taabatay” wuxuu yiri: “Xaawa Kiin waxaan saaxiib nahay walaalkeed, ayadoo yar ayaa iigu dambeysay, sidaa ayaan u soo xariiriyaa” Deeqa ayaa tiri: “walaalkeed soow Manchester ma joogo” intuu qoslay ayuu yiri: “haa, ma Xaawa Kiin ayaa kuu sheegtay?” Deeqa ayaa tiri: “gabadhaa masaakiinta ah ee iga maseyrtay intaad iska deyso, waxaad walaalkeed ii waydiisaa, haddii uu yaqaano wiil la yiraahdo Maxamed Rooble oo uu rabo wiil walaalkiis ah oo halkan jooga oo aad ugu baahan” Kamaal ayaa yiri: “hadda ayaan ku soo siinaa akhbaarkiisa” Deeqa ayaa tiri: “waa ku sugaa”.

Intuu Kamaal la hadlaayay Deeqa, ayay Xaawa Kiin soo wacday in ka toban jeer, laakiin waxay la kulantay markuu Kamaal dhigay telefoonka, markaana ay Deeqa rabtay inay Raage wacdo oo u sheegto howsha ay qabatay, Deeqa markay tiri “hello” ayay Xaawa Kiin ku salaantay: “naayaa maxaad telefoonka iiga qaban wayday?” Deeqa ayaa tiri: “Kamaal ayaan kaala hadlaayay” Xaawa Kiin ayaa kashiftay hadalki uu Kamaal ku yiri oo ahaa: (Aabaheed inuu Aabihiis u shaqeeyo) Deeqa intay qososhay ayay tiri: “saa miyuu ku yiri, waa runtii laakiin Kamaal imuu arag anigoo yar” Xaawa Kiin oo hadalkaa ka xanaaqday ayaa tiri: “Kamaal ima arag anigoo yar, adiga oo kalana igalama hadlo, ma garatay” Deeqa ayaa ku tiri: “naayaa joog aan kuu tuugo Kamaal” Xaawa Kiin oo xabaaqsan ayaa telefoonka demisay.

Waxaa Deeqa oo telefoonka ag fadhida u soo galay Aabaheed, wuxuuna ku yiri: “yaad la hadleysay?” Deeqa ayaa tiri: “wiilka aad Aabihiis u shaqeyso” Aabe Daahir ayaa yiri: “waa kee wiilkaas?” Deeqa ayaa tiri: “waa Kamaal” Aabe Daahir oo hadli raba ayuu telefoonki soo dhacay, markuu qabtay ayuu Kamaal yiri: “wiilka walaalkiis raba magacii?” Aabe Daahir ayaa yiri: “wiilkee!” Kamaal ayaa yiri: “adeer waxay Deeqa ii dirtay wiil la yiraahdo Maxamed Rooble” Aabe Daahir ayaa yiri: “nin ku dhici raba, miyaad walaalkii u raadineysaa?” Kamaal ayaa yiri: “adeer kuma fahmin” wuxuu Aabe Daahir uga sheekeeyay arrimaha Raage iyo inuu albaabka u taagan yahay Deeqa, laakiin uu xabsi dhigay.

 

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHEEKOOYIN