“Amxaarada Muqdisho siiya” iyo IGADD abuurta. W/Q: Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Faallo

بسم الله الرحمن الرحيم
الحمد لله رب العالمين وصلى الله على سيدنا ومولانا محمد وعلى آله الطاهرين الطيبين وسلم تسليما كثيرا كلما ذكره
الذاكرون وغفل عن ذكره الغافلون، أما بعد
“Amxaarada Muqdisho siiya” iyo IGADD abuurta
Bilowga kun iyo sagaal boqol iyo sideetanka (1983-84), intaan Danjiraha Soomaaliya ee Bonn ee Arliga Jarmanka Federaaliga ahaa, ayaa waxaa gurigiisa , oo barlamaanka agtiisa ahaa, quraac noogu marti qaaday xildhibaanka wDr. Hans Stercken oo ahaa guddoomiyaha guddiga siyaasadda arrimaha dibadda ee baarlamaanka federaaliga ah ee Bundestag.
Ninkaasu wuxuu marti qaaday Danjirayaalka lix dal oo geeska Afrika, ee kala ah:
(Kow) Jabuuti, oo uu Danjireheedu baabuur uga yimid Paris oo xaruntiisu ahayd oo ilaa shan saac oo baabuur ah u jirta Bonn, kaddibna noqday, sidaan u maqlay Wasiirka Shaqada ee Jabuuti, aanna maqlay inuu dhintay Allaha الله\ u naxariistee. Wuxuuna ahaa nin edeb badan, af gaaban, madow oo waji quruxsan leh. Wuxuuna ku degay Hotel Bristol oo aan ku soo salaamay.
(Laba) Suudaan,
(Saddex) Kenya,
(Afar) Uganda
(Shan) Ethiopia iyo
(Lix) Soomaaliya.
Wuxuu kaloo marti qaaday danjiraha Tansaniya, uuse u sheegay inuusan hadalkiisu dalkiisa saameyn, looguna yeeray sifadiisa uu ahaa Dean ama hormuudka danjirayaalka afrikaanka ee Bonn.
Xildhibaankaasu wuxuu nagula hadlay waxaa ka mid ahaa inuu yiri:
(Kow) “Waxaan idinkula hadlayaa afka dawladaha NATO (oo ah gaashaanbuurta North Atlantic Treaty Organization, oo ah Ururka Gaashaanbuurta Waqooyiga Badweynta Atlantika, lana aasaasay dagaalka adduunka ee labaad kaddib, kana soo horjeeday gaashaanbuurta WARSAW pact ee Midowga Soviyeeti la xiriirtay), oo ayan dawladda Turkigu ku jirin, iyo afka dawladaha Midnimada Yurubta ku bahoobay (EU). Waqtigaan hadda ah oo inaan idinla hadlayo madaxweynaha maraykanu waa la socdaa, oo xalay oo ugu dambeysey waxaan taleefan kula hadlay wasiirkiisa arrimaha dibadda oo markaas joogay Los Angeles.

(Laba) “Waxaan idiinku yeeray laba arrimood, oo kala ah:
(Kow) Inaad samaysataan urur la yiraahdo IGADD (oo ah Inter Governmental Authority on Drought and Development, macneheeduna yahay Ururka Dawladuhu Wadaagaan ee la dagaallanka Abaarta iyo Hormarinta, ama sidaas oo kale ah, laguna asaasay Shirka Guud ee Qarammada Midoobay (General Assembly of the UNO) ee New York, kun iyo sagaal boqol iyo lix iyo sideetan, sanooyin shirkaas Bonn dabadiis).
Haddaad ururkaas sameysataan annaguna waxbaan idinkala qabaneynnaa.
(Labo) Waxaan dooneynna inay Soomaaliya dhul siiso Ethiopia, kana mid ah magaalada Muqdisho, ama Kismaayo ama Barbara. Gaar ahaan Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaasoo u dhow koofurta Ethiopia oo badaha ka fog.
Annagu waxaan jecelnahay inaad siisaan magaalada Muqdisho qaarkeed! Qaarkaas magaalada Muqdisho oo aad Ethiopia siisaan waa ka go’ayaa Soomaaliya, wuxuuna noqonayaa dhul arliga Ethiopia ka tirsan oo uu calankeedu suran yahay. Markaasaan annaguna wadooyiinka qaarkaasiyo Ethiopia isku xiri lahaa dhiseynnaa oo aan maal gelineynnaa.
Intaas dawladihiinna naga gaarsiiya”
Intaasaan kasoo qaatay warkiisa markaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya wuxuu ii sheegay in markuu Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre warbixinteydu gaartay uu yiri waxay ka mid ahaayeen:
“War maxay leeyihiin wuxu? Oo kani waa warkii Menelik oo oran jiray Hobyo Ethiopia ayaa iska leh!”
Dawladda Soomaaliya codsigaas umaba ayan arag inuu jawaab mudan yahay, wayna ka aamustay, intaan anigu ka warqabo.
Shirka Ururka Baarlamaannada Adduunka
Dr. Hans Stercken wuxuu kaloo ahaa guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka.
Muddo gaaban kaddib markuu warkaas noo sheegay ayaa waxaa dalka Senegal e galbeedka Afrika lagu qabtay magaalo madaxdeeda Dakaar shirka baarlamaannada adduhnka (Interparlamentary Union), isaguna uu shir guddoomiye ka yahay. Ururkaasna isagaa guddoomiye u ahaa.
Waxaa baarlamaanka Soomaaliya shirkaas uga qayb galay wafdi uu hoggaaminayo Jeneraal Muxammad Nuur Galaal oo guddoomiyaha guddiga xiriirka baarlamaannada adduunka ee Golaha Shacbiga Qaranka Somaaliyeed ahaa.
Ina Nuur Galaal wuxuu sidaas kula kulmay Dakar Dr. Hans Stercken, oo intuu annaga Danjirayaalka ahaa noo sheegay oo kale ayuu isagana u sheegay, kana codsaday inuu dawladda Soomaaliya gaarsiiyo, siduu horay ugu sheegay danjiraha Soomaaliya ee Bonn Dr. Hassan Sheikh Hussein.

Jeneraal Galaal warbixintuu Madaxweye Maxammad Siyaad Barre iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya arrinkaas uga dhigay ayuu anigana nuqul iga soo siiyey. Sidaas ayaan ku ogaaday kulaankaas dhex maray isaga iyo Dr. Hans Stercken iyo waxay ku wada hadleen.
IGADD
Marka, sidaas ayay IGADD waxay u tahay hay’ad ay NATO iyo yurub leedahay, siyaasaddoodana ay u fulisaa.
NATO waxay dooneysaa inay deegaanka geeska Afrika beddesho oo ay dawladda krishtaanka ah ee amxaarada dhulkeeda ku ballaariso, soomaalida muslinka ah meesha laga saaro.
NATO intay sanadka laba kun iyo lix (2006) Soomaaliya circa kasoo weerartay, ayay ciidammo amxaaro ah oo calooshood u shaqaystayaal ah intay xuduudda kasoo gudbisay ay arliga Soomaaliya soo gelisay, oo ay Muqdisho sidaas kukeentay.
Amxaaro iyo inta ka dambaysa waxay doonayaan waa afar waxyaalood, kaddib wiiqidda cududda lixdaas dawladood oo aan soo sheegnay. Afartaas waxyaalood waxay kala yihiin:
(Kow) Khayraadka dalalkaas ku jira inay la wareegto, khayraadka Jaziirada Carabtana ay si buuxda gacanta ugu wada dhigto, ayanna cid kale u hanqal taagin, ayna ku hareereyso dawlado itaal daran, xasillooni iyo midnimo midna aan lahayn, oo naftooda iyo siday caruurta caano ugu heli lahaayen ku mashquulsan.
(labo) La dagaallanka Diinta Islaamka, oo sidaan Axaadiith-ta ku barannay Kacbada waxaa dumin doona nin amxaar ah, markay adduunkaan muslimiintu ka dhammaadaan oo wada dhintaan.
(Saddex) Waxaa labadaas saddexeeya inayan Badda Cas noqon bad Carab Muslin ah, ayadoo labada albaad oo laga galo baddaas ay gacanta Carb Muslim ah ku jiraan, kuwaasoo kala ah Baabu Al Mandab باب المندب\ oo gacanta Jabuuti iyo Yaman يمن\ ku jira iyo biyo mareenka Suweez قناة سويس\ oo gacanta Masar مصر\ ku jira, halkaasoo batroolka yurub loo wado la mariyo.
(Afar) Amxaaro caasimaddiinna Muqdisho siiya, macneheedu waa Soomaaliya oo idil siiya. Markay sidaas dawlado ku leeyihiinna siday qorshohoodaas u meel marin lahaayeen waa u diyaar, waxayna ku meel mariyeen markay Soomaaliya kusoo duuleen bilowga sagaashameeyada (1991-92), ayadoo ay bilaabatay laynta iyo ka saaridda soomaalida dalkooda iyo soo dejinta amxaarada ee Soomaaliya.
Marka qofka IGADD siyaasad midda NATO iyo tan yurub ka duwan ka raadiya iyo siyaasad Soomaaliya u dan ah, waa ku dagmayaa, kuna hungoobayaa. Waxaa NATO iyo yurubta krishtaanka ah siyaasaddoodaas ugu midiidin ah oo ugu adeega dawladaha krishtaanka ah ee Ethiopia, Kenya, Tansaaniya iyo Uganda.

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

SHEEKOOYIN