Maansada; MUDDAC Curiye; Saciid (Ustaadka)

Maansada; MUDDAC
mmmm
Waa dood kulul oo dhaxmartay (Maanyo Iyo Mallaay), eek a bogosho wacan;

Maansada; MUDDAC

Mucjisooyin baa dhacay
Iyo muran fogaadoo
U dhaxeeyay Maanyiyo
Mallaayada kalluunka ah

Miis lagu garqaadiyo
Maxkamaa la wada tagay
Mufti xeer u gooyuha
Uu magac Insiga yahay!

Muddacaa warkii furay
Oo ahi mallaaygoo
Yiri; Waa mujrimadoo
Baddu waa mixniyo hoog
Iyo murug xanuunloo
Lagu rogay Mallaayada!

Waa marinka eexdiyo
Musuqmaasuq laga helo.

Kama helo macaanoo
Milix baan waraabnaa.

Moolka kama qaraabtoo
Mitir hoose uma dago
Oo kuman maqluuqoo
Muruq iyo awoodlaa
Manfacaasi iga jaray.

Xeebta kama macaashoo
Doonyaha mushaaxiyo
Waa makaalin dabinoo
Leygu qaato miir li’i.

Waxan ahay madluunkaa
Meerteeysan karino
Galay meel majaaciyo
Macaluul ku badantoo
Wili mooradaas xiran
Magan aanan lagu siin!

Maanyada awooddiyo
Muruq maanta kuma yaro
Makrigaba haddey wadin
Nin kastoo i maagaa
Mowjadaha dhirbaaxiyo
Hirar midabba weyn beey
Ku maquuri leeydoo
Cidna ima maleegteen!

Mar haddaan manfaca jira
Moolkaa ka guraneeyn
Xeebtina mamnuuc tahay
Ka masaafur weeyoo
Wabiyada macaanoo
Mashaqada laheeynbaa
U minguurayaayee
Tolow yey musaafurin?!

*********

Miiskuu garaacoo
Waxu yiri; Muftigi hadal
Mallaay waan ku maqallee
Ma haaysaa marqaatoo
Yaa kuu mashhuud ahi?.

**********
Waxuu yiri Mallaaygii;
Jinka beey marqaati ah
Ee madal ha loo dhigo
Aan ku keeno miiskaan!

*******
Marxabbaa la wada yiri
Mikrofoonki dheeraa
Loo dhiibay Maanyadi
Ileyn waa markeedee
Waxey Maanyadii tiri;
Isagaa ah Maafiyo
Miisaani deeqdiyo
Aan maaro loo helin.

Imisaan maraakiib
Iyo doonyo maal wado
Ku dharbaaxay mowjadi
Oon dartiis u miijiyay?
Imisuu Mallaaygani
Meydadkii Insaankiyo
Ku casheeyay madax Ari?!

Hadduu eex maleeg iyo
Musuqmaasuq igu tabay
Madaal saa’id siiskiyo
Macmacaan u dhiibkiyo
Waa macsuumaddii aan
Kaligii ku mirayoon
Dadka kale ka maanacay!

Nabsigii maqnaa baa
Ku asiibay micidoo
Xaqa malafsigiisaa
Na dul keenay miiskee
Waxan uu masuugaa
Uma laha maqaamoo
Miisaan cadaalada
Hadduu yaallo meeshani!

Inta nala maqluuqoo
Meerteeysa biyahaa
Manfacii ha loo simo
Mitir leeysku raacaa
Kiisa maynis galinoo
Maafish baa u soo bixi

Ninki cuno mareer badan
Maroorkii ka go’antee
Ma ogtahay maluuktaba
Haddey meel magaala ah
Ku furtaan middiyo xoog
Wey muhaanadeeyaan
Dadka ugu maqaamkiyo
Mansabada sarreeyoo
Milifyadey ka tuuraan
Weyna magac dileeyaan
Maanyiyo Mallaay keed
U marqaati noqonoo
Abwaanoow madluun ahi?

Anniguna mallaayoow
Haddaan Maanyadii ahay
Waan kaa mug weynahay
Kaana maarmi karayaa

***********

Mallaygiyaa xanaaqoo
Yiri; Waad maqleeysan
Inuu muruq awood iyo
Ila rabo maquunee
Maqdhigaa wax gooyiyo
Marqaatiyaasha joogow
Middaa maa ka hadashaan?.
************

Miiskuu garaacoo
Waxuu yiri; Muftigi hadal
Maareeya xaajada
Mikrofoonki loo dhiib.

Waxuu yiri; Mallaayow
Adigaa magriga wado
Adigaa ah Maafiyo
Adigaa mixaar iyo
Muddac ahi afbadanoo
Maanyiyo Insaankaba
Madaxeeysu galiyee
Wixi madax Insaaniyo
Mijo xoolo kugu maqan
Waa inaad magtoodii
Horta miiska saartaa!

Waa in mooradaad tiri;
Waa meel majaaco ah
La geeyaa maqluuq kale
Mitiryaalna laga jaro.

Inta kula maqluuqee
Meerteeysa biyahaa
Manfacaa u simanoo
Leysmana murdinayee
Adigaa munaafaq ah
Oon mahadintii garan!

Waxuu miis cadaaladda
Maxkameeyay maantoo
Murankiini lagu jaray
Inaad tahay maxbuusood
Meel cariiri joogtaa
Maxkamadduna inoo xiran!

Dhammaad.

Curiye; Saciid Muuse (Ustaadka)

SHEEKOOYIN