Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.76-80aad. W/Q. Ahmed Hayow

 

Saalim wuxuu u yimid Xaawa Kiin, wuxuuna u sheegay inuu Kamaal soo doontay Deeqa Daahir, markaa ayay tiri: “sheekadi hore miyaad iila timid?” Saalim ayaa waydiiyay sheekada uu ula yimid, markaa ayay u sheegtay inuu soo wacay saaxiibkiis Cali Baashi uuna ku yiri ka soo qeyb gal nikaaxa Kamaal iyo Deeqa, laakiin ay been noqotay, shaki ayaa galay Saalim, kadib ayuu yiri: “soo bax aan ku geeyo guriga reer Daahir si aad u soo ogaato runta jirta” Xaawa Kiin ayaa ku tiri: “waan ogahay inuu shaqaale u yahay Deeqa Aabaheed iyo inuu howl muhiim ah ugu yimid, waayoo saaka oo uu ii imaan lahaa ayuu telefoon iigu sheegay inuu Deeqa Aabaheed ugu imaanaayo hotelka” Saalim ayaa yiri: “runta inaad ogaatid ma rabtid, balse haddii aan ku qaado waxaad soo ogaanee wax badan, sidaa daraadeed aan ku qaado oo ku soo celiyo” markaa ayay Xaawa Kiin raacday.

Aabe Daahir markuu Saalim baxay ayuu Raage iyo Deeqa ugu tegay qolki uu ka soo saari jiray wuxuuna ku yiri: “howshiina yaanay qofna ogaan, gaar ahaan Saalim, haddana waxaad aadeysaan sawiradi baasaboorka” markaa ayuu u dhiibay 200$ wuxuuna ku yiri: “xisaabta kale ee loo baahan yahay, waxaa la helaa berri iyo wixii ka dambeeya” Raage ayaa ku yiri: “adeer lacag anigaa haayo, wax kasta oo nalooga baahan yahay waxaa bixinaaya walaalaheey oo ballan qaaday inay xataa boosas noo iibiyaan aniga iyo Deeqa, haddii aanan lotteryga heli laheyn” Aabe Daahir oo afgobaad sanaaya ayaa yiri: “waa isku mid ciddi bixisaba inkastoo walaalahaa naga dhaqaala roon yihiin” Deeqa iyo Raage ayaa magaalada isu raacay si ay sawirada u soo galaan, asagoo Raage kula kaftamaaya ayuu ku yiri: “aan mid labadeena isla galno” markaa ayay Deeqa tiri: “weligeey nin islama sawirin” Raage ayaa yiri: “aniga weli nin miyaan kaa ahay?” Deeqa intay ilka caddeysay ayay tiri: “wax yar ayaad nin iiga sokeeysaa, waayoo waxaad iga haysataa damaanad aan cid kale iga helin, sidaa daraadeed waxaad noqoneysaa midki ugu horeeyay ee isla kay sawira, laakiin cidna ha tusin sidi kii aad wiilasha tustay oo kale” kadib waxay soo galeen seddex sawir oo berri u imaada lagu yiri.

Raage iyo Deeqa markay soo laabteen, waxay arkeen gaarigi Saalim, waxayna gudahana ugu tageen Saalim iyo Xaawa Kiin oo ku jira fadhigi dacwada lagu qaadi jiray, kiiska galabta laysu hor fadhiyo wuxuu yahay Saalim oo raba inuu Aabe Daahir u caddeeyo Xaawa Kiin inuu Kamaal ka soo doontay gabadhiisa Deeqa, markaana uu Aabe Daahir leeyahay: “Kamaal iyo gabadheyda wax iska galay ma jiraan” hadalkaa Odayga waxaan ku qancin Saalim oo raba inuu Aabe Daahir runta sheego, halkaa ayagoo jooga ayay soo galeen Raage iyo Deeqa oo markay Xaawa Kiin aragtay ku tiri: “naayaa markaad fadhigeena soo geleysay cagaha ma soo mayratay?” Xaawa Kiin ayaa tiri: “naa qol cagaha loo soo meyrto meesha kuma yeelee iska aamus” labadi gabdhood ayaa caay iskula jeestay, markay isku soo boodi lahaayeen ayay kala qabteen Saalim iyo Raage, buuqoodi iyo caaydoodi wuxuu keenay inay Deeqa tiraahdo: “midka aad u barooraneysay wuxuu degan yahay hotel Shaba ee orodoo aad anigu waan diiday xitaa inaan salaanta ka qaadee” Xaawa Kiin ayaa tiri: “naa shaqaalaad u tihiin oo Aabahaa ayaa u shaqeeya, waxna kugu fali maayo Kamaal, sawirana kuuma soo dirsan” markaa ayay Deeqa soo saartay shanti sawir ee uu u soo diray Kamaal, dib dambe uma hadlin Xaawa Kiin, waxayna ka baxday albaabka, Saalim qorshihi koowaad wuu u hirgalay, markaana wuxuu u soo jeestay Raage oo kala sahlan wiilka uu dhalay Taajir Kaahin, markay isku kali noqdeen Saalim iyo Oday Daahir ayuu ku yiri: “Adeer berri waxaan kuu keenaa lacagti aad i waydiisatay iyo Dahabki aan gabadhaada u soo gaday” kadibna wuxuu tiriyay dahabki uu kala baxay boorsadi Kamaal Aabihiis, Aabe Daahir madaxa ayuu qabsaday markuu maqlay Suun dahab ah iyo inta kale ee la jirta, kadib ayuu ku yiri: “maxaa bedelay ballanti aan laheyn oo aheyd inaad Deeqa wada sheekeysataan oo is fahamtaan iyo inaad sugto inta aan guri ka gadaneyno Sanca oo aan reer Sanca ka noqoneyno, waayoo markaa gabadheydu waxay dareemeysaa in Sanca degaan noo noqotay, markaana ay nolosha la wadaagto qof reer Sanca ah” Saalim ayaa yiri: “Adeer howshaas si fiican ayay u socotay, laakiin isbedel inuu jiro ayaan dareemay” Aabe Daahir wuxuu Saalim ku qanciyay inuu isbedel jirin iyo inuu lacagta u keeno, howsha kalana wakhtigeeda la sugo.

Kamaal wuxuu la hadlay Aabihiis oo uu ku yiri: “Adeer Daahir wuxuu igu yiri ballanti doonashada waxaa ka baxay Aabahaa, sidaa daraadeed waxaan kaa rabaa inaad hadda la soo hadasho oo u sheegto inaad ka bixin, haddii kale nolosheeyda inta ka dhiman dib dambe isuma arkeyno, haddii aan Deeqa waayo” Aabe Kaahin oo ka baqay inuu wiilkiisa dhib gaaro ayaa ku yiri: “Deeqa anigaa kuu soo arkay, haddana waxaan kuu raadinaa mid ayada ka qurxan ee Sanca isaga soo tag” Kamaal ayaa telefoonka ku dhigay Aabihii oo dib u soo wacay, markuu arkay inuu Deeqa ku dhegan yahay ayuu ku yiri: “hadda ayaan la hadlaa Daahir ee iga war sug” Aabe Daahir oo uu Saalim ka tegay ayaa waxaa soo wacay Kamaal Aabihii, cabbaar markay ka wada hadleen arrinta Carruurtooda oo uu Aabe Daahir u sheegay inay jirto gabar kale oo uu Kamaal la socday, ayuu Aabe Kaahin warki ku soo gunaanaday: “waxaan hadda si deg deg ah idiinka raraa sanca, waxaan idin dejinaa suuriya inta aad UK ka imaaneysaan, gabadhaadana waxaan kaa siinaa sooryo boqol kun oo doolar ah, waana ballan middaas, ayadana waxaa loo iibinaa dhowr dakhan oo dahab ah’.

 

77.

Aabe Daahir wuxuu tala u doontay saaxiibkiis Oday Cabdulle, markuu u sheegay murdadka u qasan ayuu Oday Cabdulle ku yiri: “reer Baa Cubeyd haddii aad taladooda qaadato, waxaad ogaataa dhanka Yamanta waqooyi inaan Soomaalida waxba looga ogoleyn, waxaa guri ka gada kara oo ka ganacsan kara Amxaarada, haddii aan bidaaqo yaman laguu sameyneyn, taasna waxay ku xiran tahay adigoo Baa hebel la baxa, sida Baa Axmed iyo Baa Cumar, laakiin iska jir Baa Jaamac iyo Baa Jimcaale hala bixin, midda kale Cadan ayaad ka gadan kartaa oo Soomaalida loo ogol yahay inay ka ganacsadaan guryana ka gataan, taas waa taas, mida reer Kaahin waa fiican tahay laakiin sidi aad ku bixi laheydeen waa adag tahay, wiilkaan fiisaha wata haddii aan arrimahiisa wax laga ogaan waa bixi karaan, laakiin inaad lacag ku bixiso ayaa lagaa rabaa, war iyo dhammaantii xaalka waxaa fure u ah gabadhaada midka ay doorato ee ayada khiyaar geli, midki ay dooratana ku towfiiqa” Aabe Daahir markuu guriga yimid wuxuu isugu yeeray reerka oo dhan, kadibna wuxuu miiska soo saaray qorshayaashi seddexda ahaa waa Kamaal, Saalim iyo Raage, markaa ayuu Dd waydiiyay midka ay ka dooraneyso, waxay tiri: “Aabe waan kuu sheegay inaan rabin Kamaal iyo Saalim, laakiin inay wax naga dhexeeyaan Raage” marki laysku raacay Raage iyo Mareykanka ayuu Aabe Daahir yiri: “horta shaqadeydi waa u dhammaatay, waayoo cidihi loo shaqeeynaayay wiilashoodi ayaa meesha ka baxay, lacagna kunka uu berri ii keenaayo Saalim wax aan aheyn ka heli maayo, marka waxaa lagaa rabaa inaad Raage u sheegto waxa jira iyo inaad isla fahamtaan caqabaha jira in basar looga boxo, Kamaal hotelkiisa u dhaafi meyno, Aabihiisna waxaan leeyahay gabadhayda ayaa diiday, laakiin Saalim ayaa taxadar u baahan inta aad ka baxeysaan ee sida la yeelaayo ka tashada adiga iyo Raage”.

Kamaal waxaa hotelka ugu timid Xaawa Kiin oo xanaaqsan, markay lobiga hotelka ku murmeen ayuu Kamaal kala tuuray Xaawa Kiin, taana waxay sababtay in saldhiga loo taxaabo ileyn Yaman dumarka laguma dili karo oo waa dhimasho haddii aad wadada gabar ku faduulisid, Kamaal markii la arkay aqoonsigiisa Ingiriiska ayaa loo gudbiyay safaarada Ingiriiska, asagoo baasaboorka looga dhuftay tiimbaro ah inuu Yaman dib dambe u soo geli karin, maadaama uu gabar la dagaalay, inkastoo aanay Xaawa Kiin raali ka aheyn, haddana wax ay ka qaban karto ayaan jirin, wixii intaa ka dambeeyay Kamaal wuxuu ka raja qabay inay reer Daahir u soo guuraayaan Siiriya, asagana halkaa ugu tegidoono, Saalim wuxuu u qaatay inuu Deeqa helay maadaama ay u soo noqotay sheekadiisi fadhiga guriga oo iska eeganaayay indhaha goor hore ku sawirmay laabtiisa, wuxuu noqday caana ma daadshe wixii looga baahda miiska saara, lacagti dokomintiyada oo dhan asagaa laga qaaday, xataa maalinti ay gelaayeen interviewga 800$ asagaa laga qaaday oo fiisaha lagu soo goostay, Raage iyo Deeqa waxay Sanca ka duuleen seddex saac oo subaxnimo, ayadoo cid og aan ka aheyn reer Daahir iyo Oday Cawaale aanay jirin.

 

78.

Raage iyo Deeqa waxay taransit ku ahaayeen London oo ay joogeen garoonka dhexdiisa mudo 12 saacadood ku dhow, waayoo diyaaradooda ayaa duuleysay 10ka subaxnimo, sidaa daraadeed ayay garoonka u dhex joogeen ayagoo aan ka fogaanin albaabka ay diyaarada ka raacaayaan, waxaa ku dhacay hurdo la’aan iyo daal fara badan iyo weliba raashin xumo, waxay wataan lacag dhowr kun oo doolar ah oo ay kala hareen lacagihi ay soo direen Raage walaalahiis iyo Yaasmiin, lacagtaa oo uu Raage haayay marka laga reebo lacagta tikidhada oo uu ka bixiyay, midda kale Raage wuu la socday in Saalim layska mashquulinaayo, si aanu caqabad ugu noqon, balse lama socon in lacagta wax lagu sameysanaayo ay tahay lacag laga soo qaaday Saalim, inkastoo ay xaq ugu leeyihiin oo uu Deeqa Aabaheed shaqeystay.

Rr iyo Dd waxaa damiintay wiil la yiraahdo Cawil Yusuf Cali oo loogu yeero Cawil Cali oo ah magiciisa iyo midka awoowihiis, qaabkaas oo ah qaabka looga dhaqmo Mareykanka, waxay Yaasmiin iyo Cawil ku ballameen inuu u damiinto Rr iyo Dd, marka ay yimaadaana ay masuuladooda kala wareegto, ileyn waxay u baahan yihiin guri ay degaan iyo nolol inta ay ka shaqeeysanaayaan, waana sababta loogu baahan yahay damiinka, wuxuuna Cawil saxiixay inuu asaga kafaalad qaadaayo dadkaa imaanaaya, haddii uu kafaalad qaadi waayana asaga ayaa loo haystaa, waayoo dadka ku yimaada lotteryga looma ogola inay ceyr qaataan oo waxay soo saxiixeen inay shaqeysanaayaan, Cawil kuma tala juro inay gurigiisa yimaadaan Rr iyo Dd, wuxuuna isleedahay marka ay soo degaan waxaa kaala wareegeysa Yaasmiin oo isma arkeysaan Raage iyo xaaskiisa kuwaas oo cinwaanka ay wataan uu yahay midka Cawil oo ayna jirin cid kale oo ay halkaa ka yaqaanaan.

Subaxdi ay Deeqa dhooftay, Saalim markuu arki waayay in mudda ah ayuu hooyo Aamina waydiiyay ileyn Aabe Daahir wuxuu u raacay garoonka, markaana si toos ah ugama soo laaban guriga oo wuxuu wacay Maxamed Rooble oo uu Raage siiyay telefoonkiisa si uu ugu sheego marka ay diyaaradoodu Sanca ka duusho, si uu Maxamed uga sii hormariyo akhbaar ah inay Sanca ka soo duuleen iyo xilliga ay ku soo beegan yihiin JFK airport, markaana garoonka loogu soo dhaweeyo, Aabe Daahir markuu intaa soo qabtay wuxuu aaday saaxiibkii Oday Cabdulle si uu ugu geeyo lacag duca ah oo uu ka ballan qaaday inuu siiyo haddii uu qorshahaan hirgalo, markuu cabbaar la joogay ayuu xaafadi tegay ayadoo uu Saalim careysan yahay, waayoo wuxuu ka shakiyay inta laga maqan yahay oo aad u badnaatay, waxayna indhihiisu u baahan yihiin inay Deeqa arkaan, wax kalana maba arki karaan, markuu Aabe Daahir soo galay oo uu Deeqa waydiiyay ayuu ku yiri: “Deeqa way dhooftay oo Mareykanka ayay aaday” markaa ayuu Saalim soo xasuustay maalin uu askari ka mid ah askarta saldhiga uu ku yiri: “waxaan laanta socdaalka ku soo arkay wiilki Raage oo raba in la siiyo ogolaansho bixitaan” laakiin Saalim warkaa dheg uma dhigin, balse hadda ayuu ku soo maaxday inuu Raage la ciyaaray ciyaar uu goolal badan kaga dhaliyay, markaa ayuu yiri: “Raage ayay raacday soow maaha?” Aabe Daahir ayaa yiri: “cidda ay raacday waxba kaama geline, albaabka ka dego” Saalim oo indhaha guduuteen ayaa yiri: “waa tahay, waana la arki doonaa waxa ay dhasho khayaanada aad igula dhaqantay”.

Maxamed Rooble wuxuu wacay Yaasmiin, wuxuuna u sheegay inay Rr iyo Dd soo duuleen, Yaasmiina intay “Alxamdulillaah” tiri ayay sii raacisay: “Maxamed waxaan kaaga mahadcelinaa inaad igu kaalmeysay sidi aan ku keensan lahaa indhaheyga nuurkooda, inta ii dhiman waa aniga iyo kartideyda, ogoowna inaan dhaawac gaarsiineyn jaceylka walaalkaa Rr, waayoo ma rabo inuu dhib ku muteysto aniga daraadeey”

 

79.

Maalinta Rr soo baxaayay maalinti ka horeysay ayuu wax badan wacay walaalkiis Xasan Rooble, asagana maalintaa ayaa tarxiil loo qabtay, waxaana Xasan loo geeyay koox wakhtigaa u diyaarsanaayeen tarxiil oo isla maalinti xigtay markab lagu shubay, maalinta uu Rr Sanca ka duulay ayaa walaalkii Xasana laga dejiyay Boosaaso, Xasan wuu gutay waajibki Raage ka saarnaa marba haddii ay qaateen fiisihi Mareykanka oo ay haystaan tikidhadoodi, laakiin waxaa u harsaneyd inuu ogaado inay Yaman ka bexeen.

Yaasmiin marki ay akhbaarki heshay waxay u tagtay Cawil si ay ugu sheegto sheekada inta harsan, markay uga sheegtay xiriirka ka dhexeeya Rr iyo Dd oo aan aheyn dad run isu qaba ayuu Cawil yiri: “waxaan u maleynaayay inay isqabaan wiilka iyo gabadha soo socda oo waxaad igu tiri: wiil iyo xaaskiisa ii damiino, marka sidee ayay gurigeeyga isula degaayaan wiil iyo gabar aan is qabin?” Yaasmiin ayaa u sheegtay inay rabaan inay isguursadaan, markaa ayuu Cawil la sii yaabay oo ku yiri: “Yaasmiin been ayaad ii sheegtay, haddana meel aan uga boxo ma haayo, balse waxaan ku leeyahay wiilka aniga igu ogoow, gabadhana adiga wado” Cawil markuu intaa yiri ayay Yaasmiin u sheegtay sirta hoose, asagana intuu madaxa qabsaday ayuu yiri: “qof la aamino ma jirto, haddii aad adiga sidaa been iigu sheegtay, hadda waxaan ku khasbanahay inuu wiilku ila seexdo, gabadhana aan walaashay la seexiyo inta ay gooni u degaayaan, laakiin yaa garoonka ka keenaaya?” Yaasmiin ayaa tiri: “anigaa dad u diraaya, biilka ay cunaayaana anigaa bixinaayo” waxay Cawil iyo Yaasmiin ku heshiiyeen sidaa.

Saalim wuxuu u tegay Adeerkii Cali Cubeyd wuxuuna ku yiri: “adeer qorshahaagi qonyar socodka ahaa wuxuu keenay inay Deeqa safarto, Aabaheedna uu khayaano iiga qaato lacagtiisa, haddii aan awood isticmaali lahaa intaa iguma dhacdeen” Adeer Cali Cubeyd ayaa yiri: “adiga oo maalin walba tegaayay gurigooda, sidee ku ogaan wayday safarka? adiga ayaa doqon ah ee reerkaa ka leexo, sababta oo ah ninka aan u shaqeyno soow ma ogid haddii uu wasaarada ganacsiga ka doonto warqadda ogolaanshaha inuu si sahlan uga heli karo iyo inuu bixinaayo lacag canshuur ah oo inta aan ka qaadano ka yar, mase ogtahay inuu howsha u dhiiban karo Oday Daahir, xayawaan ayaa tahay ee ka leexo reerkaas”.

Saalim kuma qancin hadalka Adeerkiis, wuxuuna qaatay go’aan deg deg ah, markaa ayuu yimid guriga reer Daahir, markuu albaabka garaacay waxaa ka furay Aabe Daahir, waxaa ku xigay shan xabadood dhawaaqooda oo xaafada laga maqlay, kadibna Saalim wuxuu u cararay dhanka Degmada Cadan, ambalaas ayaa qaaday Aabe Daahir oo suuxsan, hooyo Aamina waxay u raacday isbitaalka, guriga waxaa looga tegay Ayeeyo Mulaaxo oo ay la joogtay gabadhi adeegtada aheyd, cid ka warkeentay Oday Daahir ma jirin, Ayeeyo Mulaaxana waxay niyada ku dhisaneysay marba haddii aan war xun la keenin inay arrintu wanaagsan tahay.

Rr iyo Dd marki ay soo degeen, waxay soo mareen immigrationka waxaa baasaboorka loogu soo dhuftay hal sano oo deganaansho iyo shaqa ah, waxaana loo sheegay in loo soo diraayo green cardkooda, markay boorsooyinka soo qaateen oo ay bannaanka soo istaageen ayay taxi soo raaceen, ileyn wiilki loo diray ma yaqaanaan mana oga inay qof ugu imaaneyso Airportka, qofka loo dirayna ma yaqaano dadka loo diray, sidaa daraadeed ayay taxi siiyeen addresska Cawil Cali oo keenay albaabka guriga ay u socdeen, markaa Cawil wuu maqnaa waxaana guriga joogtay walaashiis Layla Cali oo sheekadooda wax yar kala socoto, waxaasoo aan ka badneyn inay Deeqa ayada la seexato, Raagana walaalkeed qolkiisa uu seexdo, daal iyo hurda la’aan badan aawgeed ayay jooga ka dheceen Rr iyo Dd, mana ku soo gaarin Cawil oo rabay inay is arkaan, wuxuu yimid ayagoo seexday.

 

80.

Deeqa markay soo toostay waxaa xamaamka tustay Layla Cali, markay soo dhameysatay ayay fadhiga ugu tagtay Layla, markay isbarteen kadib ayay u sheegtay inay bexeen walaalkeed Cawil iyo Raage, balse ay hadda soo dhow yihiin, Deeqa ayaa waydiisay halka ay aadeen, Layla waxay tiri: “waxaan filaa inay aadeen guriga Yaasmiin Axmed gabar la yiraahdo oo ah gabadha walaalkay waydiisatay inuu damaanada idiin soo diro, kadibna ay guriga u soo adeegaayaan” Deeqa intay dhowr goor tiri: “Yaasmiin Axmed” kadib ayay Layla waydiisay Yaasmiinta ay sheegeyso qofka ay tahay, markaa ayay Layla tiri: “waa gabar maariin ah oo dheer, waxay noo sheegtay inaad isku xaafad aheydeen iyo inaad si fiican isu taqaanaan” Layla waxay sii raacisay: “haddii aad aragto waxaa laga yaabaa inaad garato Yaasmiinta” Deeqa waxaa galay dareen cusub, way garatay Yaasmiin inay tahay tii Raage ku eryaneysay, balse waxay garan la’dahay inuu Raage wax ka ogyahay iyo inkale.Cawil iyo Raage waxay isku raaceen magaalada si uu Raage u soo tuso, maadaama ay goor hore hurdada ka soo tooseen, inti ay isla socdeen ayuu Raage waydiiyay sida ay isku barteen Cawil iyo walaalkiis Maxamed Rooble, markaa ayuu Cawil yiri: “Maxamed Rooble maba aqaan” Raage ayaa ku yiri: “soow walaalkeey kaama soo dalban inaad damaanad noo sameyso?” Cawil ayaa yiri: “xaguu degan yahay walaalkaa?” Raage ayaa yiri: “UK, magaalada Manchester ayuu degan yahay” Cawil ayaa yiri: “waan gartay waxaan mooday inaad sheegeyso qof usa jooga, laakiin waxaa iga codsaday damaanadiina qof kale oo halkan jooga, qofkaa oo laga yaabo inay isyaqaanaan walaalkaa” markaa ayuu Raage ku qancay inuu jiro qof kale oo waasta u sameeyay, wax yar ka dib ayuu Raage uga mahadceliyay Cawil damaanadi uu u sameeyay asagoo aan aqoon u laheyn asaga iyo walaalkii, kadib waxay soo iibiyeen waxyaabo guriga looga baahnaa.

Aabe Daahir waxaa madaxa uga dhacay xabbad, laba xabadoodna waxay uga dheceen caloosha, labada kalana mid dhabarka midna berida ayay ka gashay, waxaa lagu sameeyay qaliin oo looga soo saaray xabadaha intoodi badneyd aan ka aheyn midda madaxa oo meel xun ka gashay, wuxuuna galay suuxdin dheer waxaana ku socda faleebooyin, hooyo Aamina waxaa loo sheegay inay rajadiisu tahay 50/50, haddii uu soo naaxana in laga yaabo inuu dadka kala garan waayo, taasoo ay sabab u tahay xabadda madaxa kaga jirta, waxaa kale oo loo sheegay inay boolisku weli helin qofki xabadaha ku dhuftay odaygeeda, laakiin ay ku raadjoogaan inay helaan, waayoo cid wejigiisa aragtay ma jirto, waana la la’yahay cid xataa muuqaalkiisa tilmaami karta, waxa la sugaayo waa inuu sheego Aabe Daahir haddii uu garanaayo.

Saalim wuxuu magaalada Cadan ka soo wacay Adeerkii oo ku yiri: “haddii aad xabado la dhacday Daahir maxaad Cadan ugu carartay? fulay ayaad tahay waayoo kuma dhalan Yaman dhexdeeda, hooyo Yamaniyad ahna kuma dhalin, war ku soo laabo Sanca, majirto cid kuu dileysa nin laaji ah oo aad dishaye, nacasyahoow aan gacantiisu waxba dili karin” waxaa kale oo uu u sheegay inaan la ogeyn cidda dishay iyo inuu laaluush siiyay dadki arkaayay oo ay iska aamuseen.

Waxaa guriga ku soo laabtay Raage iyo Cawil oo soo adeegay, Raagana wuxuu hore u soo gatay kaarar ay ku wacaan reerihi oo dhan, markay albaabka ka soo galeen ayagoo bacyaal ku sida adeegi ayay Deeqa tiri: “Cawil waxaan ku waydiiyay Yaasmiinta aad daraadeed noo damiinatay maxay tahay?” Cawil markuu fiiritay wejiga gabadha gurigiisa xalay seexatay, asagoo aan arkina soo toostay, markuu indhaha qac ku siiyay ayuu qalbiga iska yiri: (waa xuural ceynti la sheegi jiray) markaa ayuu ku yiri: “waa gabar halkan degan oo ay isyaqaanaan Raage walaalkii” markaa ayay Deeqa ku jeesatay Raage oo ku tiri: “maxaad iigu sheegi wayday inay Yaasmiin saaxiib la tahay walaalkaa Maxamed iyo inay ayada damaanadeena qalqaalisay?” Raage ayaa gooni ula baxay Deeqa, markaa ayuu u sheegay inuu asagaba fahmin waxa ay sheegeyso iyo inuu ka warqabin inay Yaasmiin qalqaalisay damaanadooda, markaa ayay Deeqa tiri: “Yaasmiin ma waxay kugu beddelatay walaalkaa Maxamed?” Raage ayaa yiri: “hadda ayaan la wada hadleynaa dhammaan reeraha oo dhan, markaa ayaan ogaaneynaa waxa jira”.

Quraacdi ayaa loo fadhiistay, Deeqa iyo Raage waxay ka soo jeesteen dhinac, Cawil iyo walaashii Laylana waxay ka soo jeesteen dhinaca kale, Cawil wuxuu ku maqan yahay Deeqa, Raagana wuxuu la yaaban yahay sida uu Cawil ugu maqan yahay Dd, Laylana waxay ku maqan tahay Raage, sidaa oo kale ayay Deeqa uga walaacsan tahay Layla eegmadeeda.

 

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHEEKOOYIN