CALANKA SOOMAALIYA IYO JAAMACADDA PORTO

Maalinta_Calanka_Allsomali24_Media_Online

CALANKA SOOMAALIYA IYO JAAMACADDA PORTO

Qof kasta oo Soomaali ah, astaanta uu leeyahay, ee lagu garanayo, marka uu caalamka meel ka mid ah joogo, waa calanka Soomaaliya. Ma la fiirinayo gobolka uu ka yimid iyo meesha uu kasoo jeeda. Calanku waa waxaan naga harayn.

Sidaas owgeed, aniga iyo saaxiibkeey oo ah 2 arday kaliya ee dhigata JAAMACADDA PORTO waxaan muddo isku taxluujinnay in calankeenna ka mid noqda calammada jaamacadda ku keydsan.

Waxaa maantay inay suurto gashay in calankeenna Soomaaliya aan ka taagno xarunta dhaxe Ee JAAMACADDA PORTO (University of Porto) ee waddanka Portugal. waxaa ku faraxsanahnay in calankeenna uu ka mid noqda 150 waddan calammadooda oo keydka ku ah Jaamacadda laguna soo hadal qaaday Munaasabadda maantay ee dhameystirka waxbarasho saaxiibkeey.

Horay ayuu Abwaan Cabdi Muxumed Amiin (AUN) u yiri:-
“Haddaanan dhagaxa loo ridin
Calanku Ma aynu dhidibneen”

Mahad alle ka dib, waxaa u mahadnaqeynaa Dr khadiio ibar oo ka qeyb qaadatay iyo Maamulka Jaamacada oo codsigeena tixgeliyay.

[ – Faahfaahin – ]
– Goobta waa xafladdii dhammeystirka waxbarasho ee saaxiibkeey 8/06/2015.
– Calanka soomaaliya waxaa la sameeyay taariikhda markay aheyd 12 oktober 1954tii
– Erayada waa heestii “Alaahu Akbar” Erayadii Cabdi Muxumed Amiin (1969).
– Waddanka portugal waa waddn ku yaallo koofur galbeed Yurub, kuna nool Soomaaali dhan 18 qof, Soomaalia kuma lahan safaarad.waxbarasho
Jaamcadda Porto waxay ku taallaa magaalda Porto, waxaana la aas’aasay 22kii March 1911. Waxa jaamacadda ugu weyn waddanka Portugal marka loo eego tirada ardayda. Dr Khadiijo Ibar ayaa aheyd ardayaddii Soomaaali ugu horreeysay ee ka qalin jabisa, Dr Abdi Ami ayaa kii labaad ahaa, halka aan aniga noqon doono ka seddexaad IA.

Hassan Kheyrre 
Porto, Portugal.
08/06/2015.

SHEEKOOYIN