Home Curis CIQAAB WAALID IYO COLAAD DHAQAN! W/Q: Mohamed Musa Sh.Noor

CIQAAB WAALID IYO COLAAD DHAQAN! W/Q: Mohamed Musa Sh.Noor

0
SHARE

sheeko

 

CIQAAB WAALID IYO COLAAD DHAQAN

Abyan waxay u waynayd Qoys ka kooban saddex, waa iyada iyo Gabar kale iyo Wiil la dhashay, waxaa kaloo jiray Bah kale oo uu aabaheed lahaa oo sida sheekada igu soo gaartay ka koobnaa afar Wiil oo yar yar.

 

Abyan iyo hooyadeed iyo labadii la dhalatay waxay soo galeen Dalka Sweden oo ay qaxootinimo isaga dhiibeen bilowgii sagaashameeyadii, halkaas oo ay ku heleen sharci iyo Nolol wanaagsan oo dhaanta tii ay kasoo baxeen ee Afrika, waasa sida ay ayagu aaminsanayeen ama soomaalida maanta qaarkood ay aaminsan yihiin, badahana iskugu guraan.

 

Abyan waxay wax ku baratay Dalka Swedan, maadaama ay soo gashay iyada oo yar ilaa ay ka dhamayso waxbarashadeeda oo ay ka gaarto heer jaamacadeed, sidaas si la mid ah walaalaheed.

 

Abyan waxay kaga duwanayd walaalaheeda kale iyo hooyadeed iyada oo dhaqanka soomaaliyeed Cuqdad ka qaaday, taas oo ay la wadaagto Dad badan oo soomaaliyeed oo markii ay yimaadeen lana qabsadeen dhaqamada waddamada ay soo galeen ay cuqdad ama nacayb u qaadeen dhaqankooda.

 

Runtii dhaqanka soomaaliyeed wuu jiraa meelo uu eed ka leeyahay oo la doonayo  in laga saxo, balse taas ma ahan qofka soomaaliga ah mid u siinaysa mar marsiyo in uu dhaqankeena suuban uu gabi ahaanba ku tilmaamo wax Xun ama uu Cuqdad ka qaado.

 

Dhaqanka sidiisaba waa waxa ay samaysteen Dad, waxa walba oo dad ay samaystaana lagama waayo canaab ama dal dalool waana la sixi karaa ama la baddali karaa mar walba, maadaama uusan aayad Quraan ahayn.

 

Qofka soomaaliga ee aqoonta leh waxaa looga baahan yahay haddii uu arko in dhaqankiisa ay wax badan ka qaldan yihiin ama meelaha qaar uu u arko in aysan ku wanaagsanayn la jaan qaadidda Casriga markaa la joogo una arko in ay masalaxadda dadkeena ay ku jirto in meelahaas qaar la baddalo, Xaq wuu u yeelan karaa in uu baddalo,balse, sida aan is leeyahay marnaba waddo uma siin karayso in uu la cilloobo dhaqankiisa oo uu meelahaas faraha uga soo taag taago.

 

Waan ka xumahay in aan idinla galo tafaasiil kale oo ka baxsan mowduuca sheekada, hadana waxaan is iri maadaama sheekada ay saldhigeeda isugu soo biyo shuban doonto dhaqankeena suuban in aan idinla jeclaystay in aan xoogaa tusaalayntaas fiican aan idinla wadaago waxna waad ku dari kartaan waana ka reebi kartaan maadaama waxa aan ka hadlayo gabi ahaanba ay inaga wada dhaxeeyaan.

 

Sida aan idiin sheegay Abyan dhaqanka ayay cuqdad ka qaadday waxayna goosatay in ay ka dhex baxdo bulshada oo dhan oo kaligeed meel ay dagto waxna ku darsan dadka soomaaliyeed xitaa qoyskeeda oo ay ka dhaxaysay salaanta “Hi” balse, sidaas oo ay tahay marka wax la iskula yimaado oo ku saabsan Qaaraan ama afkaaro kale kama fogayn ciddeeda, in kastoo ay ka qayb qaadan jirtay wixii tasiilaad ah oo la isaga baahdo, hadana muuqaal ahaan uma soo dhex istaagi jirin dadka qaraabadeeda ah.

 

Waxaa  kaloo jiray in abyan aysan ku faraxsanayn guursiga labaad uu aabaheed guursaday, taas oo ay kala masayrtay hooyadeed kuna dhinac noqtay, balse, waxaa la oran karaa cuqdadda abyan waxay gaartay meel sare, qofna lama wadaagin heerka uu gaaray dareenkeeda.

 

Hooyada abyan iyadu waa masayrtay, balse, masayrkeeda ma ahayn mid meel sare gaaray oo sababay in ay ninkeeda kala tagaan, xagaas ma gaarin ayaa la oran karaa, ninkeeda mar walba waa xiriiri jireen xitaa waa ay kaalmayn jirtay ayaa la dhihi karay.

 

Aabaha abyan iyo ilmihiisa yar yar waxay ku noolaayeen waddankii, meeshooda ayaana lagu ogaa, muddo kadib waxaa xanuunsaday Aabo Cali oo ahaa aabaha abyan, waxaana meesha ku hayay Muxiyadiin oo ahaa wiilka u waynaa bahdaas oo isagana xaasla ahaa.

 

Waxaa sii darsaday xanuunka aaba Cali, abyan waligeed si shaqsiyan ah aabaheed wax uguma dirin isagana shaqsiyan wax uma waydiisan, odayga waxaa si guud u dhaqaalayn jiray hooyo Xaawo oo ahayd hooyada abyan oo ilmaheeda wax ay ka qaado u tuuri jirtay, isagana ma ahayn oday dhib badan baahi badana ma aysan hayn oo wiilkiisa Muxiyaddiin ayaa ahaa Ganacsade yar oo ku filan walaalihiis iyo hooyadood.

 

Aaba cali haddii uu wax ka helo bah Xaawo iyo haddii kalaba iskugu mid ayay ahayd, waxaana halkaas laga fahmi karaa in aaba cali uu iska dhaqaalaysnaa oo uusan baahi badan qabi jirin.

 

Waxaa dhacday in uu xanuunka odyaga sii siyaado, ilaa la gaaro heer loo soo qaado xagaa iyo dibadda si loogu dabiibo, waxaa marka hore raacay wiilkiisa oo is lahaa howshu dhaqsa ayay kusoo dhamaan doontaa, balse markii uu fogaaday xanuunka aabe ayuu u cid dirsaday reer xaawo.

 

Isla markiiba waxaa soo ajiibay hooyo xaawo oo go’aansatay in ay ka qayb qaadato baxnaaninta odaygeeda, maadaama wiilka uu ahaa wiil shaqaysta wax badana ay ka daycnaayeen waqtigana uu ku fogaaday, iyadana aysan wax shaqo ah Sweden ku hayn, markaasna ay garatay in ay odaygeeda waqtiga la qaadato, maadaama maanta maalin uu uga baahi badan yahay xoogeeda uusan jirin.

 

Abyan iyada waa ay guursatay, saddex Wiil ayay Nin u dhashay, muddo kadib waa la kala tagay, waxay noqotay mid qawaaf kasii qaadda nolosha soomaalida oo dhan, qaasatan Raga, awalna waxay ahayd mid aan dadka soo dhex galin, waaba sii fogaatay oo waxay dhax gashay xaafadahaas Caddaanka.

 

Aad ayay u shaqa badnayd, waxay shaqayn jirtay wax ka badan 12 saacadood maalintii, ilmahana iskoolada xanaanada ah ayay gaysan jirtay, kaligeed ayay ahayd, sadexdaas wiilna waa korin jirtay.

 

Waxay ahayd sida ay gaalada ku magacaabeen hooyo wanaagsan, wax walba oo ilmaheeda u baahdaan ha noqoto waxyaabaha lagu ciyaaro, ha noqoto geynta meelaha madadaalada ilmaha, wax walba diyaar ayay ula ahayd ayaa la oran karay, waxayna mar walba xooga saari jirtay in ilmaheeda aysan waxba wayn, mushaarka faraha badan ee ay qaadatana wuxuu ahaa mid ku baxa ilmaheeda oo kaliya.

 

Abyan lama oran Karin way hagar badnayd ama waa u gacan adkayd ilmaheeda, oo nolol kale oo aan ilmaheeda ahayn ma lahayn, ciladda ay qabtay ayaa ahayd in waalidkeeda aysan u wanaagsanayn xiriirintooda, ma ahan in ay af xumayn jirtay, ama wax u diidi jirtay haddii ay uga soo baahdaan, balse xiriirka oo dhan ayaaba yaraay ayaa la dhihi karay, intaas la baxnaaninayay aabaheed hal mar iskuma dayin in ay soo booqato,soo wacdo, ama qarash ahaan uga qayb qaadato dhaqaalaha ku baxayay.

 

Runtii waxaa la oran karay hooyo xaawo ayaaba wax badan asturaysay ceebta abyan ay lahayd, oo wax walba oo ay doonayso in ay dhiibto waxay ku dhiibi jirtay magaca bah xaawo, odaygana waxay ku dhihi jirtay ilmahaaga ayaa soo dhiibay, sidaas ayay hooyo xaawo ku kala qarin jirtay adooga iyo ilmihiisa.

 

Waxaa dhacday in adooga uu caafimaado, isbitaalkana looga soo dallacday Biil fara badan, hooyo xaawo ayaa wax walba ka war qabtay isla iyada ayaana damacday in ay dabarto, balse markan way ku filnaan waysay oo waxaa dhacday in ay ilmihii kale u cid dirsato, labadii kale si dhaqso ah ayay waxay heli kareen kusoo dhiibeen, abyan iyada waxay sheegtay in aysan waxba haysan, maalinka ay sidaa leedahayna wuxuu Alle qaddaray in lacag gaaraysa saddex kun oo doolar ay ku qarash garaysay ilmaheeda, hooyadeedna ay u sheegtay in aysan waxba haysan.

 

Hooyo xaawo waa ka warqabtay in abyan aysan wax la’aan ahayn, balse waxa ay suubinayso ay u suubinayso si ula kac ah, waxayna damacday in ay xoogaa canaanato maadaama ay goob joog u ahayd lacagta loo baahan yahay ee biilka isbitaalka ahayd.

 

Abyan aad ayay u caga jiidday in ay wax lacag ah u dirto, ma ahayn in aysan haysan ee waxay ka caga jiidaysay in si shaqsiyan ah ay ugu lug yeelato taageerada aabaheed oo ay u aragtay in uu ku tuntay xuquuqdooda markii uu hooyadeed la guursaday.

 

Xaalku meel fiican ma gaarin ilaa uu maqlo odayga hadalka dhex marayay hooyo xaawo iyo abyan kadibna uu aad caloosha uga xumaaday kuna yiri “xaawo iska dhaaf inta aad qaban karto waad qabateen” isla markiina inta taleefon diray Nin Lacag u hayay ku yiri “intaa iisoo diray”

 

Sidii ayuu lacagtii ku helay ugana soo baxay isbitaalka, isaga oo caloosha ka xun aadna ugu ciil qaba gabadhiisa abyan, hooyo xaawo inta ay kala qarin karto way kala qarin jirtay dadkaaas is dhalay, balse waqtigii qarsoodiga wuu dhamaaday, waxaana la gaaray xilligii uu qof walba wajigiisa dhabta ah lasoo baxayay, Abyan aad ayay u khaldanayd ayaa la oran karay, maxaa yeelay waxay la baratantay waalidkeed, ma Waalid ayaa lala baratamaa? Aan aragno natiijadeeda.

 

Wax badan kama soo wareegin markii taleefon uu usoo dhacay iyada oo shaqaynayso loona sheegay in gurigeeda ay joogaan police iyo qolooyinkii xuquuqda caruurta ku shuqul lahaa oo doonaya in ay iyada arkaan.

 

Isla markiiba inta orad isku taabatay ayay tagtay xafaddeedii, mise waxayba aragtay iyada oo la rarayo ilmaheeda oo qolooyinkii ilmaha qaabilsanaa ay u diyaarsan yihiin in ay ilmaha meesha ka qaataan.

 

Waa Caruur aysan awal ku bar baarin dhaqankoodii soomaalinimo ee ku salaysnaa jacaylka waalidka iyo naxariista, maxayba ku bar baarisaa dhaqanka soomaaliyeed waa taa cuqdadda ka qaadday dhaqanka soomaalida oo dhan.

 

Dhibaatada kale ee jirtay ayaa waxay ahayd in aysan ilmaha barin xitaa afkooda hooyo, waana sababta la oran karo way ku kala tageen ninkii dhalay ilmahaas, kolkii uu arkay in aysan isku waafaqi Karin hooyadan in ay ilmaha dhaqan Soomaali ahaan ku koriso taas oo ay aad uga soo horjeeday kuna doodi jirtay in aysan doonayn in ay ilmaheeda ku dhaqan noqdaan Dad nolosha ka dhacay oo guul daraystay, waa sida ay markaa u aragtay iyada.

 

Waxaa dhacday in meeshii looga qaato ilmaha, kadib markii lagu soo eedeeyay in ay isku buuq badantahay, xilliga ay shaqaysana uu badan yahay iyada oo hooyo kaligeed ah ilmahana korisa in waqtiga ay shaqayso iyo xanaanada ay ilmaha u baahan yihiin aysan isku soo dhawaanayn, waxaa kaloo lagu eedeeyay in ay ilmaha garaacdo waana dacwadda ugu daran oo ay kusoo eedeeyeen laba ka mid ah wiilasheeda.

 

In ay garaacdo ilmaheeda waa run oo waa ku run sheegeen ilmaha, maxaa yeelay, waxay ahayd qof isku buuqsan oo waqtigeeda shaqaduna badan yahay, ilmana waa taqaanaan in ay dhib badan yihiin,marka maadaama lagu soo bar baarshay iyada dhaqanka soomaaliyeed ee ilma canaanashada, iyadana ilmihii bay canaanatay, balse, way xad gudubtay sida ay sheegeen qolyihii ilmaha xaqooda u doodayay.

 

Haddii shalay loogu yeeri jiray oo dhowr jeer shahaadooyin ay ku qaadatay hooyada ugu fiican ee ilmaha, maanta waxay shahaado ku qaadatay in aytahay hooyo aan mas’uul ahayn oo laga ilaalinayo ilmaheeda.

 

Dood dheer kadib oo Maxkamad la isla koray waxay maxkamaddu xukuntay in Abyan xabisga loo taxaabo muddo laba sana ah, ilmahana laga qaato dib dambana aysan u arki Karin.

 

Waxaa meeshaa ka cad in dabkii ay ku ciyaartay ee ahaa la tartamidda waalidkeed, iyo la cilloobidda dhaqankeeda soomaaliyeed in ay u sababeen In xaalkeedu uu sidaa kusoo gunanadmo.

 

Baari ha loo noqdo Waalidka, ilmahana ha lagu bar baarsho si naxariis ku jirta oo waafaqsan Diinta iyo dhaqankeena soomaaliyeed qaybta wanaagsan ee laga qaadan karo.

 

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

 

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHARE