SAXAAFADDA SOOMALIDA YEY U SHAQAYSAA? W/Q:Mohamed Musa Shiikh Noor

images

SAXAAFADDA SOOMALIDA YEY U SHAQAYSAA?

Saxaafadda Soomaalida yay u adeegtaa? Waa Su’aal mudan marka hore in la is waydiiyo maadaama saxaafaddu ay ka mid tahay Qalabka ugu wanaagsan ee lagu Dagaal galo ama loogu hiilsho Nabadda ama wax kasta oo wanaagsan ama xun, haddaba iyada oo laga eegayo dhankaas aan soo tilmaamay waa midda keentay marka hore inaga Soomaali ahaan Saxaafad ayaanu leenahay saxaafaddeena 25 sano oo dib u dhac ah ayaa ku dhacay ma tahay mid ka habowday Marrinkii loogu tala galay in lagu hago mise tahay mid loo adeegsada Waddo qaldan oo qayb ka qaadatay Hurinta Cadaawadda dhex martay Umaddeena kala qoqobantay maantana gaarsiisay heerka ay taagan tahay, hadaba soo ma mudna Saxaafaddena in Su’aalo la iska waydiiyo Cidda ay u adeegto ama ay u shaqayso xilligan.

Su’aasha kor ku xusan waa su’aal guud oo saamayn guud leh jawaab guudna u baahan, runta marka aan ka hadlana uma diyaarsani in aan hadda iraahdo saxaafaddeena Qolo Hebel ayay u shaqaysaa, balse, waxaan jeclaan lahaa maadaama aan idin ku iri jawaabta waa mid guud in macnahaas uu u dhacayo in jawaabta qof walba oo Soomaali ah ay u furantahay sidaas si la mid ahna su’aasha meesha taal in uu qofku is waydiiyo, maadama maanta waxa kaliya ee na xiriirya marka ay timaado ka hadalka xaaladaha guud ee bulsha ahaan inaga dhexeeya ay tahay Saxaafadda, waana midda keentay in la is waydiiyo Isha wararka aan ka helnaa yay u shaqaysa? war walba oo Idaacad ama Tv aan ka dhagaysano ama aan ka daawno yaa soo tafa tiray? danta ka dambaysa in warkaas la baahiyana yay dan ugu jirtaa? ujeedada laga leyayhayse maxay tahay?

Hadaba waxaan jeclaan lahaa in xoogaa yar oo ku salaysan Fikirkayga daciifka ah, balse, aan is iri wanaag ayaa ku jira in aan ku saleeyo ama saldhig uga dhigo qaabka Warbaahineed ee laga doonayo saxaafad u adeegi karta Danaha Issirkeena Soomaaliyeed,  taas oo iftiinin usii noqon doonta baadi goobka jawaabta su’aasha kor ku xusan, waxaana u kala dhigi doonaa ilaa 5 qodob, mana ahan qodobadan aan sheegi doono, qodobo u dagsan Saxaafadda, ee waa qodob ila wanaagsanaaday idinkuna aad igu wada raaci kartan iguna wada diidi kartaa, qodob walba marka aan qeexana waxaan daba dhigi doonaa su’aal aan idin waydiinayo taas oo jawaabteeda ay xagiina ahaanayso.

1 DANAHA SHACABKA: fahamka laga qabi karo Danaha Shacabka waa lagu kala duwanaan karaa, balse, waxaa jira dan guud oo mar wlaba lama taabtaan ah taas oo ku salaysan dhanka horumarka iyo amaanka, waana in mar walba Saxaafadda marka ay wax tabinayso qodobkaas koowaad ay si gooni ah u eegto, warka ay tabinaysana ay ka fiirsato, marka horana miisaan saarto in uu wax u dhibi karo Bulshada ay u adeegayso danahooda muhiimka ah ee uu ugu horeeyo amaanka iyo horumarkooda kale, waana in aysan baahin war keeni kara kala shaki ku yimaada Bulshada, xitaa haddii uu warka xaqiiqo yahay, qasab maahan in wax walba sida ay u dhacaan loo soo tabiyaa, waxa kaliya ee muhiimka ah ayaa ah warka lasoo tabinayo saamayntiisa dambe ee dhanka wanaaga iyo xumaanta in la eegaa.

Haye saxaafadeena ma tahay mid mar walba eegta danaha shacabka ay la hadlayso? mase tahay mid dhowrta danaha lama taabtaanka u ah shacabka ee horumarka iyo amaanka? jawaabta aad ka bixiso qodobkan isna waa mid qayb ka qaadan kara su’aasha uu ku salaysan yahay qoraalkeena?

2 TOOSINTA SAWIRKA MUUQDA  mar walba oo lagu dhex jiro xaalad waxaa muuqanaya Sawir guud oo dhinac walba lagu salayn karo, hadaba qaabka sawirkaas loo tilmaamayo in uu mar walba iska toosnaado oo mar walba loo bato dhanka wanaag sheegidda ayay ku wacantahay waana qodobka labaad ee aan u doortay in si wanaagsan loo qeexo, sawirkaas la toosinayo wuxuu nooqon karaa sawir Siyaasadeed, hadduu sidaa yahayna waa in la toosiyaa iyada oo la eegayo Maslaxadda guud ee Shacabka ee aan la eegin Maslaxadda Hogaanka Sawirkaas ka muuqdo.

Hadaba saxaafaddeena sawirada kala duwan ee ina soo maray tan iyo maalintii ay Musiibada inagu dhacday qaabka ay u gudbisay qof walba oo wax garad ahaa, waxna dhagaysan jiray, waxna aqrin jiray wuu fahmi karayaa qaabka loo hantay, qodobkan labaad ee muhiimka ah  jawaabta aad ka bixiso arrintana waa mid qayb ka qaadanaysa su’aasha Cinwaanka ee kor noogu xusan, hadaba sida la rabay ma uga soo baxday saxaafaddeena toosinta sawirka wanaagsan ee muhiimka inoo ahaa?

3 NABAD GALYADA: nabad galayada waa u mihiim Bulsho walba oo leh Riyo ay ku gaarto halka ay tiigsanayso, waana waxa koowaad ee saldhiga u ah bulsho walba ee gaarto horumar Quwadeed ama Dhaqaale, Nabad galyada ayaa u asal ah, Saxaafadda qaybta ay arrintan ka qaadan kartana waaa in ay bulshada ku tar tarsiisa ilaalinta amaankooda ama nabad galyadooda, si aysan u imaan kala daadasho ku timaada bulshada dhexdeeda, saxaafaddana qayb wayn ayay ku leedahay sugnaanta amaanka ama saamayn ku yeelashada Arwaaxda Bulshada ay markaa u adeegayso waana qodob xaasaasi ah, hadaba saxaafaddeena Soomaalida qodobkan saddexaad sidee uga soo baxday masuuliyaddiisa? jawaabta waa xagiina waa mid ka mid ah sababaha keenay su’aasha kor ku xusan.

4 WACYI GALLINTA BULSHADA  wacyi gallinta waa mid muhiim u ah Bulshada, maadaama waxa laga hadlaya ay tahay Warbaahin halkii mar ay dhwaaqdo wada gaari karta Dhagaha ama Aragga Malaayiin badan ama Kumanaan, in marka bulshada lagu wacyi galo waxa danahooda ah sida in laga wada shaqeeyo Maslaxadda guud, laga digtoonaado wax kasta oo keeni kara kala qaybinta bulshada, loo qeexo bulshada waxa dantooda ah ee qaaliga ku ah noloshooda iyo jiritaankooda iyo, in la fahamsiiyo in ay jirto Dan midaysa ayaga oo dhan, taas oo ah  ilaalinta nabad galyada iyo waxyaabo kale oo markaa loo arki karo in ay muhiim u yihiin Danta guud.

Waxaa kaloo ku dari lahaa in bulshada lagu wacyi galiyo ilaalinta Dhaqankooda iyo Diintooda ee aan loo soo bandhigin lagun wacyi galin waxa aysan dhaqan iyo Diin midna u lahayn, kuwaas oo keeni kara tafaraaruq ama fikrado iska hor yimaado, kuwaas oo aakhirka sababa in bulshadu kala irdhowdo.

5 DHEX DHEXAADNIMO saxaafadda maadama ay tahay mid sida badan u adeegta bulshada, oo jiritaankeedaba uu ku salaysan yahay bulshada, waa in ay noqotaa mar walba mid u dhaxaysa bulshada oo aan dhinacna u xaglin, haddi ay dhacdo in ay dhinac raacdana markaaas waxaa meesha ka baxaya Anshaxa Saxaafadda wanaagsan, qodobkan si gaar ah ayuu saamayntiisa u leeyahay, maadaama saxafaddeena ay dhinac walba raacday, dhinac walba oo markaa bulshada kasoo dhex baxay 24 kii sano  saxaafaddeena qayb ayay ka ahayd, Hogaamiye Kooxeedyadii saxaafaddena qayb ayay ku lahayd  ilaa maanta la joogana wali qayb ayay ku leedahay ayaa la oran karaa Maamulada iska soo horjeeda, mana jirto ayaa la oran karaa Saxaafad dhex dhexaad ah oo u adeegaysa Danaha guud ee ay Bulshadu u baahnayd.

Hadaba, aqriste shantaas qodob ee aan kor kusoo sheegay ayaan kusoo koobay qoraalkayga shaqsiga ah ee ku salaysan fikirkayga daciifka ah, waana laga yaabaa in wax badan oo saldhig u ahaa jiritaanka saxaafadda wanaagsan aan ka tagay taasna waan ka cudur daaranaya, balse, mid ayaa muhiim ah taas oo ah in aan ogaano in aan su’aalo iska waydiino cidda ay u adeegto saxaafaddeena maadaama sida muuqata shantan qodob aan kor kusoo xusay dhamaantood aysan ku sifaysmin.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN