Waa kuma ninka Subax walba 30 daqiiqo Madaxweynaha la sheekaysta?

IMG_EF85FF-8454A0-331BBA-0817CE-31FB1C-816512

Waa kuma ninka Subax walba 30 daqiiqo Madaxweynaha la sheekaysta?

 

Aniga iyo saaxiibkay ayaa waxaa mid weliba ka sheekeeyey arrintii ugu la yaabka badnayd ama ugula amakaaga badneyd ee uu ka maqlo ama goob joog ka noqdo.

Saaxiibkay ayaa qaab su’aaleedkan ii weydiiyey:

Ma ogtahay waxaa jira nin subax walba si fool ka fool ah ula sheekeysta madaxwaynaha soomaaliya muddo 30 daqiiqo ah haddaba waa kuma ninkaasi?

Arrintii ayaa waxoogaa aan garan waayey, waxaan is tusay, qof kani ma xoghayntiisaa, ma dhakhtarkiisa, ma qaar ka mida ehliyadiisa? Ma garan ee waxaan idhi muxuu ahaa?

Saaxiibkay ayaa yidhi haddaad ii sheegto wixii kuugu yaabka badnaa, waan kuu sheegayaa qofkaas iyo sababta.

Runtii waan fikiray ka dib qiso yar ayaan xusuustay taas oo dhacday sanadkii 2009kii, Waxayna ahayd sidaan:

Xilligaas muqdisho gabi ahaanba dagaal xun ayaa kajiray, qof meyd ah ayaa yaalay waddada Maka almukarrama, waa la aqoonsaday meydkaas reerka uu ka dhashay waxay daganaayeen oo ay qax ku joogeen ceelasha biyaha, Haddaba si meydka loogu qaaddo ceelasha biyaha waxaa lawacay gaari waddada marayay oo Hoomeey ah(Caasiyada cusub), lacag 20 doollar ah ayaa la siiyay si uu meydka ugu qaaddo ceelasha.

Haddaba darawal iyo kirishbooy baabuurta dadweynaha maxaad ku taqaan ?

Maalintaas waxaa jirtay baabuur la’aan, markii ay soo dhaqaaqeen waxay arkeen dad tiro badan oo wadada hareeraheeda tuban oo sugaya baabuur, haddana wax yar kadibba waxay arkaan dad kaloo wadada dhooban, Darawalki iyo kirishbooygi waxay go’aansadeen inay meydka kuqariyaan kuraasta hoostooda dadkana ay ku raraan gaariga si ay laba eef u noqdan oo uga faa’iidaystaan fursadan dhaqaale.

Waxay istaageen meel waxna iney habeeyaan oo asturaan u dhaqaaqeen maydkii, waxay geliyeen, kuraasta dambe hoostooda, kartoono ayay ku dadeen.

Qofki waydiiya waxa kuraasta ku hoos ira waxay ugu jawaabayeen waa “Malaay yuumbi aan badda kasoo qabanay, sidaas beey uga soo gudbeen ex kontorool oo ahayd kontoroolki udambeeyay ee xilligaas ay dowladdu gacanta kuhaysay, marki ay soo gaareen deegaanka garasbaaleey oo markaas oo bar kontorool iu u taalay kooxda Alshabaab ayaa darawalki lagu amray inuu gaariga albaabka gadaale furo.

Amarkan lama diido karo, mar allaale markii la lafurayba waxaa kasoo booday laba lugood waxaa naxay xitaa ninkii askariga ahaa ee baarayey , dadkii oo dhulka dhoobnaa qaarkoodna taagnaayeen, buska gadaashiisa, ayaa mar qura dadki kala cararay meeshi, dadka cararey waxaa ka mid ahaa, Darawalkii iyo Kirishbooygii, sidoo kale askartii shabaabka laftooda waa ku darsameen.

Markaan dhacdadan u sheegay saaxiibkeey, ayuu asna ila wadaagay qisada ku saabsan ninka subax walba la sheekeysta madaxweynaha 30 daqiiqo ka badan.

Ninkaasi wuxuu ku noolyahay madaxtooyada waana ninka raashinka u dhadhamiya madaxweynaha, marka uu raashinka dhadhamiyo kadib ayuu madaxweynuhu la sheekeystaa 30 daqiiqo. Ma fahamtay ujeedada ka dambaysa sheekada?

Cabdirisaaq Xasan Jidhi (aqwaan).

aqwaan101@hotmail.com

South africa Cape town.

SHEEKOOYIN