Soonku Waa Dawo Dabiici W/tarjumay Hassan Kheyre

RAMADAN-WALLPAPERS-5__1600x1000

Soonku Waa Dawo Dabiici

Dr Haas oo ah agaasimaha xarun caafimaad oo ku taal California, U.S.A. wuxuu horay u qoray buugaag badan oo ku saabsan dawo dabiiciga iyo sun saarka (soonka) qormadaan wuxuu dhaqtarku kaga hadlay soonka waa daawada kaliya ee dabiiciga ah uguna weyn waana daawo soo jireen ah kaasoo uu sheegaayoin lagu daaweeyo dhibaatooyin badan.

Dhibaatooyinka ugu badan oo uu ku taliyay in soonku dawo u yahay waa kuwa ka dhasha cuntada badan,  Wax cunista badan waxay ku badan yihiin wadamada reer galbeedka marka loo eego dunida seddexaad taasoo dhalisa cudura ay kamid yihiin:- Cuddurada Xididada, kuwa Wadnaha, Dhiig karka, Alerjiga, kansarka iyo cudurada kaadi macaanka.

“Soonku wuxuu ka mid yahay sadexda qeybood ee cuntada dheeli tirka dhismaha, taasoo aan aaminsanahay in ay ka maqantahay reer galbeedka, soonku waa qaabka ugu saxan ee habka dib u hagaajinta wareega cuntada” ayuu Daqtarka ku sheegay warbixinta.
Halkaan waxaan diirada ku saareynaa ka soomida dareeraha, taariikhdiisa daawo ahaaneed, faaidooyinka/faaido-daradeeda iyo waliba qaababka kale ee waxtarka soonka.
Soonku waa dawo la xaqiijiyay soona jirtay sanada badan ahna nidaam diimeed. feylesuufyo, dhaqaatiir iyo seynisyahano badan waxay isku raaceen in soonku qeyb muhiim ah ka yahay nolosheena caafimaadka iyo daaweynta cudurada. daqtar  Grant sarkisyan ayaa ku daaweeyay cuduro badan soonka, sida neefta, cudurada maqaarka, kuwa dheef mareenka kuwa xididada iyo dhiig-karka.
Fikirka caafimaad ahaaneed ee soonku, waxaan rumeysanahay in soonku yahay qaabka ugu wanaagsan ee daaweynta, sababtoo ah waxaa loo adeegsan karaa xaalada badan.
XAALADAHA UU SOONKA FAAIDADA U LEEYAHAY
Hargab                                                Daalka
Cudurada xididada                               Elerjiga cuntada
Wadna xanuunka                                 Dhabar xanuunka
Madax xanuunka                                  Cudurada maskaxda
Dhiig karka                                          Neefta
Xaluul xirinka                                       Cayilka
Kaadi macaanka                                  Hurdo-la’aanta
Dheefshiid xumida                                Kansar
Shubanka                                            xaaladaha maqaarka
Qalalka
Soonka in lagu daaweeyo qandhada waa mid la isku qilaafsan yahay waayo reer bariga waxa ay aaminsanyihiin in soonku qofka qandheeysan jirkiisa ku kordhinayo kuleyl, qofka qandheysan wuxuu u baahanyahay cabitaan kaasoo jirka qaboojinaya.
Xaaladaha daalka qaarkood ayaa ku daawooba soonka gaar ahaan kuwa ka dhasho xubnaha xirma. Dhabar xanuunka ay keenaan adkaanshaha murqaha iyo walwalka waxaa lagu yareeyaa soonka.
Sidoo kale soonka waxa uu wax tar u leeyahay bukaanada qaba cudurada maskaxda, sida walwalka iyo isku dhexyaaca. Cayilka waxaa lagu daaweeyaa soonka ayada oo la soomo muddo gaaban waxay culeys badan ka dhimaan dadka cayilan. dhinaca kale Soonka oo lagu daaweeyo kansarka waa mowduuc la isku qilaafsanyahay.
HABKA IYO FAAIDIDA SOONKA
Soonka waa isbadal kiimikaad iyo waliba qeyb muhiim ah ee isbadal caafimaad wuxuu kaloo kor u qaadaa daganaanshaha iyo tamar siinta jirka maskaxda iyo dareenkaba. Soonku wuxuu si cad ugu qeyb qaataa korinta iyo abuuritaanka tamarta, wuxuu kaloo sare u qaadaa caafimaadka iyo firfircoonida asagoo qeybaha jirka siinaya nasiino.
Shaqo ahaa jirka, cunista  oo la iska daayo waxay yareeysaa shaqada ay qabtaan unugyada dheefshiidka ay kamid yihiin caloosha, xiidmaha beeryarada, xameetida iyo beerka, kaasoo ah warshada ugu weyn jirkeena waxuuna inta lagu soonka sameeyaa nadiifinta, soo saarista waxyaabo jirka isticmaalo. Tamarta jirka oo yaraata waxay beerka u ogolaataa in uu batto sonkorta u keydsan una badalo mid uu jirku isticmaalo karo iyo tamar, sidoo kale baruurta jirka waxaa loo isticmaalaa tamar.
Soonku wuxuu siyaadiyaa habka qashin saarka ee malawadka killiyaha, kaadi haysta, sambadaba iyo jirkaba, tani waxay caawisaa xallinta dhibaatooyin badan oo ka dhasha cunto cunista fadhi ku shaqeyta badan.
QEYBO KAMID AH FAAIDOOYINKA SOONKA
Sifeyn                                       nadiifinta jirka
Tamar badan                             hagaajinta dareenka araga
Dhalinyareyn                           maqalka iyo dhadhanka
Yareynta elerjiga                             hurdo wanaagsan
Kahortaga cudurada
DHIBAATOOYINGA CAAFIMAADKA EE BILOWGA SOONKA
Gaajo iyo madax xanuun kuwaasoo maalmaha ugu horeysa yimaada, xanaaq, wareer, dadka intooda badan carabkooda ayaa dufcad ama jaalle ah taasoo sababta ah isbadel kuyimaada dhadhanka iyo waxaa kale oo jira lallabo iyo matag.  Inta lagu gudo jiro soonka dadka qaar ayaaa waxay dareemaan hurdo la’aan iyo qarow badan taasoo ay sababto sun saarka jirka iyo habeentiisa.
Tabar darro iyo muruqo xanuun ka dhasha macdanta oo yaraata cadaadiska dhiiga ayaa hoos u dhaca sababatana wareer gaar ahaan marka qofka asaga oo fadhiya uu istaago.
Cili baaris ayaa waxay muujisey in uu isbadel ku yimaado hormoonka jirka gaar ahaan kan haweenka taasoo horseedda in la waayo socodka dhiigga caadada tan oo lagu macneeyo in ay keento nafaqa darro barotiineed.
WAXYAALAHA MUHIMKA AH XILLIGA SOOMKA

Hawo nadiif ah: hawo badan ayaa loo baahanyahay si loo nadiifiyo hadane oksijiinka loo siiyo unugyada jirka

Cadceed: ayaa loo baahanyahay si loo xoojiyo jirkeena.
Biyo: qubeys ayaa aad u muhiim ah si loo nadiifiyo jirka laba jeer maalintii
Jimicsiga: ayaa aad muhiim u ah kaasoo ka taageeraya dhinaca nadiifinta sidoo kale wuxuu ka caawiyaa jirka qashin saarka, ka hortaga calaamadaha sumowga,
lugeyn: baaskiil wadowga, dabaasha waa la sameyn karaa soonka inta lagu jiro.
FIIRO GAAR AH
Warbixtaan uu Dr-ka Ku soo bandhigay luqqada English-ka hadaba hadii aad wax qalad ah aad ku aragtid turjumaada. fadalan Ra’yiga ku xus hoos

Wabrixnta oo Englsih ah:-
http://www.healthy.net/Health/Article/Nutritional_Program_for_Fasting/1996/1

Maqaldame Waa Allah
Dr Elson M. Haas M.D Elsoonhaas@cl.us.
University Clifornia. www.Clifornia University.com.
Ilaah ha inaga Dhigo kuwa Soonkooda la aqbalo Ajir iyo Dambi dhaafna ka hela Caafimaadna Alle ku siiyo … Aamiin.
Warbixintaan waxaa qoray DR ELSON M. HAAS M.D.
Waxaa Tarjumay oo  Tafatiray Hassan Kheyre 

SHEEKOOYIN