Heesta; Bile, Bilan iyo Bisha Rabadaan Curiye; Bashiir M. Xersi

11391298_920990671277470_7630409332026960773_n

Heesta; Bile, Bilan iyo Bisha Rabadaan

Soon suubban, samo wacan iyo soor dhadhan leh. Sidoo kale, Af haysi suubban, ajar badan iyo aqbal wacan.

 

Anoo Bile ahoo

Baraare adduun

Barwaaqo ku nool

Haddaan Bilan helay

Bisha Rabadaan

Ka baxsaday Soon.

 

Bilan waxay tiri;

Bilow heedhe

Bisha Rabadaan

Bilan heliddeed

Miyaa Barako ah?

 

Bile wuxuu yiri;

Bilaneey maqal

Bisha Rabadaan

Waxay Barakadu

Kor u bilantaa

Bilan heliddeed.

 

Bilan waxay tiri;

Bisha Rabadaan

Bil Cibaadiyo

Baryo Eebbiyo

Badsi samahiyo

Bullaalaha Khayr

Ayaan ku bartaye

Bilow waa saay

Maxaa is bedelay?.

 

Bile wuxuu yiri;

Bisha Rabadaan

Boolo xooftiyo

Bala bala iyo

Been shukaansiya

Bahdil weeyee

Bilaneey maqal;

Waxan ahay Boqor

Baashi doorane

Nin loo bogaye

Beeshu xulataye

Buuqa iga dhawr.

 

Barni waxay tiri;

In Bariid iyo

Bataati macaan

Iyo Baradhiyo

Buureegiyo

Bur Saliid iyo

Baasto kuu karin

Bisha Rabadaan

Hayga sugin Bile

Waa Billaahiye

Wayga baab xiran!

 

Bile wuxuu yiri;

Bilaneey maqal;

Hankii barashada

Iyo baashaal

Ha ku baalxirin

Badar la cunood

Birta saartiyo

Biyo la caboo

Bakeeri ku jiro!

 

Bilan waxay tiri;

Balaq balaq iyo

Is biimayn aad

Ku barriiqee

Lama beegsado

Saa Birjeex iyo

Bawdo wayniyo

Barre maahide!

 

Bile wuxuu yiri;

Inaan Buur ahay

Buur ka weynahay

Bir ka adagahay

Baraf jiir ahay

Oon birgayr ahay

Bulshadaa oge

Buuqa iga dhawr!

 

Bilan waxay tiri;

Faan badnaan iyo

Been la tiriyiyo

Bootada arkaye

Maxaa kuu baxa?.

 

Mar ma Boqor baa

Iyo Baashoon

Laga baal hadal?.

 

Mar Birjeex iyo

Beel hoggaanshiyo

Bilcaan dhawriyo

Baas mid celiyiyo

Ma burhaanlaa?.

 

Anaa bidhinbidhay

Oo bad Jaangalay

Midaan baaluqin

Qooq billaaw ahi

Basar dumariyo

Bar aqoonoo

Biito garaneyn

Maygu soo baxay

Waa ba’aygee

May bidhaansaday!

 

Bile wuxuu yiri;

Horta Bilaneey

Bakhaylsanidaa!

Belaayiyo hoog

Haysla buurine

Aan iskaa baro;

 

Barkhad wiiloo

Baarriyaan ahay

Nin ban baxayo

Bannaan yaaloo

Bariyo galbeed

Bulshadoo idil

Ka baqaanoo

Nin la bartama

Beesha lagu arag

Boos ah baan ahay!

 

Maysla boodnaa

Maysla barinnaa

Mays basarinnaa

Baalka laabtiyo

Mays boggelinna

Walaal bisha Soon

Maysla Burinnaa?.

 

Bilan waxay yiri;

Ruux Bariisiyo

Baasto doonoo

Bur in loo dubo

Baruur uu cuno

Baafin baadtee

Bilow iga bayr

Nin basaasiyo

Basanbaas qaba

Belaaya huwani

Khayr ma beere

Haygu buuqine

Boolo xooftada

Waan ka boodaye

Baajiloor iyo

Bii Hej Dii baa

Ballan ii ehe

Bile ii goo

Bowdka ii dhaaf

Baabku kaa xiran!

 

19/06/2016

Jimce

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com

SHEEKOOYIN