Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.91-95aad W/Q Ahmed Hayow

Kamaal ayaa soo wacay Deeqa, wuxuuna u sheegay inay shirkadi yimaadeen iyo ballanta kulanka inay tahay caawa 7da habeenimo iyo Hotel Hilton, Deeqa ayaa ku tiri: “habeen sooma bixi karo” Kamaal ayaa ku yiri: “wax cabsi ah malaha, haddii aad rabtana, anigaa ku soo qaadaayo” Deeqa way ka diiday inuu qaado, laakiin waxay ogolaatay inay caawa ballanta ku timaado, Deeqa waxay wacday guriga Layla Cabdi, cid telefoonka ka qabata ayay wayday, waxaa Deeqa walwal ku haaya Raage iyo Yaasmiin inay guriga imaanaayaan ayada oo joogta, haddii ay ugu yimaadaana ay adkaan doonto howsha ay u socoto, waxay ku duceysatay inay Layla timaado ka hor inta aanay imaanin Raage iyo Yaasmiin, waana marki ugu horeeysay oo ay Deeqa ku faraxdo aragtida Layla, markay Layla u sheegtay ballanta ayay deg deg u soo labisatay Deeqa, waxayna isu sii raaceen guriga reer Cabdi si ay Layla iskaga bedesho dharki ay dugsiga uga timid, Deeqana waxay la gashay gudaha maadaama Cawil aanu joogin guriga, laakiin Cawil haddii uu guriga joogi lahaa, Deeqa bannanka ayay ku sugi laheyd, si aan qorsheheeda loo ogaanin, inkastoo uu Cawil ogyahay basle aanu faragelin karin.

Marki ay yimaadeen Hotelki oo ay Layla la hadashay gabadhi lobbyga joogtay ayay gabadhi ku tiri: “Deeqa waa tuma?” marki loo sheegay ayay gabadhi tiri: “waxay shirkadu noo sheegtay inaan Deeqa oo kali ah soo dayno” Layla oo jecleyd inay la gasho ayaa lagu yiri: “lobbyga u sii fadhiiso” markaa ayay Deeqa tiri: “Layla anigaa qof kuu soo diraaya si aad iigu timaado” kadibna waxay gashay gudaha hotelka, ayadoo ay sii waday gabar shaqaale ka ah Hotelka.

Raage iyo Yaasmiin marki ay Deeqa waayeen, waxay waceen guriga Cawil wuxuuna u sheegay inuu war ka haynin Deeqa iyo walaashiis oo ayadana maqan, laakiin laga yaabo inay meel isu raaceen, taa lafteeda haddii ay hubi lahaayeen Raage iyo Yaasmiin waxaa deyn lahaa wel welka ay ka qabaan maqnaanta Deeqa, waxayna go’aansadeen inay ka war sugaan ilaa 8da habeenimo, Yaasmiin oo cidla ku heshay Raage ayaa u soo bixisay sawiradi ay Soomaaliya uga qaadatay, markaa ayay ku tiri: “Raage ma aadan arkin sawirki aan isla galnay, sawirkaas oo aanu weli arkin qof aan ka aheyn ninki footada iigu soo cadeeyay” markay u dhiibtay ayuu si fiican sawirka u fiiriyay, Yaasmiin waxay gacanta ku haysatay wadnaha, gacanta kalana dhabanka, asagana wuxuu gacan kula jiraa jeebka, midda kalana wuxuu ku haystay sawirki ay Deeqa uga soo dirtay, markaa ayuu Raage yiri: “waxaan ka baqaa inay Deeqa aaday Kamaal, laakiin baqdinta aan ka qabo ma aha inay Kamaal ama mid kale iga raacdo, balse waxay tahay baqdin ah inay ogolaato in sawiro laga qaato” Yaasmiin ayaa ku tiri: “dhib malaha haddii sawiro laga qaato, waxaana dhici karta in lacag badan oo deg dega ah ay baahi u qabto” Raage intuu istaagay ayuu sawirki uu Yaasmiin ka qaaday intuu u dhiibay wuxuuna Yaasmiin ku yiri: “sawirka maalinti aan kaa soo qaadaayay, qofka iiga soo kaa diray waa Deeqa, ayadana waxay dirtay sawiro ay leedahay, kuwaas oo keenay in hadda loogu yimaado in sawiro kale laga qaado, maalinti ay sawirkaa direysayna waa iga dhuumatay, haddana waa markii labaad ay igala dhuumato” Yaasmiin ayaa ku tiri: “waxaa laga yaabaa inay meel kale jirto, balse haddii ay dhacdo in sawiro laga soo qaato, waxaan ku dhihi lahaa iska cafi sidi kal hore oo kale” markaa Raage wuxuu galay feker, Yaasmiina waxay gashay casha karin, ayadoo xaalada Raage kaga fiisaneysa kushiinka dhexdiisa.

Kamaal wuxuu indhaha saaray Deeqa oo aanu weligii nolol ku arag, inta uu ugu waashayna ay aheyd sawir hore oo ay hadda ka sii qurux badan tahay, waloow ay Deeqa saluugsan tahay labiska ay soo qaadatay iyo deg degta ay isu soo diyaarisay, Kamaal iska daaye wuxuu wadnuhu istaagi gaaray nimanki wakiilka ka ahaa shirkadda, markay fadhiistay ayay Kamaal ku tiri: “gabar saaxiibteey ah oo ila socoto, ayaan rabaa in la ii keeno” Kamaal ayaa waydiiyay waxa ay gabadha uga baahan tahay, waxay Deeqa tiri: “waa midoo xaafada ayay igeyneysaa, midda labaadna dadkan ayay iiga tarjumeysaa” inkastoo uu isku dayay Kamaal inuu Deeqa ku qanciyo inuu labadaba uu asaga u qabanaayo, haddana waxaa laga fursan waayay in Layla loo doono, kadib markii ay wakiiladi oo ka yaabay hadalka ay isku tuurtuurayaan labadooda oo ay u qaateen inuu muran yahay, ayna Kamaal ka codsadeen inuu la socodsiiyo, markay ogaadeena mid ka mid ah ayaa Layla doonay.

92.

Waxaa la keenay Layla Cabdi, kadib markii lays hor fadhiistay ayaa Deeqa lagu yiri ayadoo ay u tarjumeyso Layla: “waxaan wakiil ka nahay shirkad modal iyo xayaysiinta qaabilsan, aniga waxaa lay yiraahdaa Tom Rich, ninkaana waa David Olson oo ah qareenka shirkada, anigana waxaan ahay wakiilka qandaraasyada u qaabilsan shirkada” kadib Tom wuxuu ka hadlay sawiradeedi hore iyo sida ay shirkadu maqsuud uga noqotay iyo siday ugu faraxsan yihiin ogolaashaha ah inay shirkada la shaqeeyso, markaa kadib ayuu yiri: “haddii aan arrinta wada shaqeynta ku heshiino, waxay shirkadu Deeqa siineysaa 20 kun oo ah soo dhaweynta hishiiska, waa haddii aan kala saxiixano inay Deeqa nala shaqeeyso muddo 5 sano ah, mudadaasna waa inay uur yeelan, howlaha ay noo qabaneyso waxaa ka mid ah, sawiro model ah oo aan ka qaadno iyo dharka oo ay noo xayaysiiso, waxaan u soo direynaa tigidhka ay ugu dhoofeyso hadba meesha aan rabno inay xayaysiinta dharka ku sameeyneyso” Deeqa ayaa Layla la hadashay ayadoo rabta inay tiraahdo hishiiskaas kuma jiro, markaa ayuu Tom hadalki joojiyay si uu u ogaado waxa ay Deeqa ka hadashay, laakiin Layla ayaa Deeqa ku tiri: “Deeqa u sug inta uu hadalka Tom ka dhameeyo” markaa ayay Layla waxay Tom ku tiri: “wado hadalkaaga” Tom oo hadalki wata ayaa yiri: “Deeqa caafimaadkeeda iyo nolosheeda annagaa bixineyna oo bil walba waxaan siineynaa 30 kun, waayoo waxaan rabnaa inay qandaraaska ku dhameysato dhib la’aan, markuu hishiiska u dhamaadana waxaan siineynaa 2 malyan oo Doolarka Mareykanka ah” Tom markuu dhameeyay ayuu aamusay, cid kale oo hadasha markuu waayay ayuu Layla ku yiri: “waydii haddii ay Deeqa wax su’aal ah ka qabto” Deeqana waxaa aamusiyay 30 kun bil walba iyo 2 malyan shan sano, waxay niyada iskaga dhufsatay lacagaha ku soo fool leh, kadibna waxay ku soo baraarugtay su’aashi Tom, waxay tiri: “wax su’aal ah ma qabo, diyaar ayaan u ahay qandaraaska” kadib waxaa loo sharaxay dharka ay xataysiineyso iyo qaabka sawirada laga qaadaayo, kuwaas oo qaar laga tusay, markaa ka dib ayaa laga saxiixay qandaraaski ayadoo aan loo akhrin farta yar yar ee hoosta kaga taal heshiiska ay saxiixeyso, fartaa oo ah sidan: (qofka heshiiska galay wuxuu lacagta heshiiska ku heli karaa, asaga oo dhameeya muddada heshiiska, haddii uu dhameyn waayo wax lacag ah kuma laha shirkada, haddii uu shaqada sigsaago ama sida ay tahay uga soo bixi waayo, lacagta mushaarka waxaa laga siinaa 30%) barta saxiixana waxaa ku qoran

(Aniga oo ah Deeqa Daahir waxaan warqadan saxiixay aniga oo la ii akhriyay) Saxiixa kadib waxaa Deeqa la waydiiyay inay leedahay akoownti (bank account) lacagta loogu soo wareejiyo, laakiin marki ay sheegtay inay laheyn ayay jeeg u qoreen, markaana Deeqa waxay u malaynaysay in sawir laga qaadaayo, balse waxaa la siiyay mobil, waxaana loo sheegay in la soo wacaayo marka loo baahdo, gaarina loo soo diraayo, Kadib ayay shirkadi waxay shan kun siisay Layla, waxayna ku yiraahdeen waxaan kuu qaadaneynaa shaqaale aan joogta aheyn (part time) haddii aan kuu baahano waxayna ka qorteen telefoonkeeda.

Kamaal inti uu hadalku socday wuxuu fiirsanaayay Dd, marki ay soo bexeen ayuu soo raacay, intuu gaar ula baxay Deeqa ayuu ku yiri: “sawiradi aan muddo badan kaa baryaayay inaad ii soo dirto, ayaad horumarkaan ku gaartay, waxaana hubaa haddii aad goor hore fursad isiin laheyd, inaad Yaman goor hore ka soo aadi laheyd London oo ay saldhiga ku leeyihiin shirkadaan, markaana lagacta aad qaadatay iyo midda aan kugu qaatay waxay noo anfici laheyd awlaadeena awlaadooda, waayoo saxiixaaga ayaan ku qaadanaa hal milyan, markaad howsha dhameysana waxaan qaadanaa seddex milyan, markaana waxaan kaa kaalmeyn lahaa sidi aad waajibkaaga u gudan laheyd, adigana hadda waxay kaa joogtaa guriga ha iga soo qaadin” Deeqa ayaa tiri: “horta raali noqo, waayoo caawa ka hor uma haysan inaad run sheegeyso, mida kale diyaar ayaan u ahay inaad shaqada iga caawinto adiga oo walaalkeey ah, balse booska kale wuxuu u xiran yahay nin aan weligii laga qaadi karin”.

93.

Raage oo fekersan ayaa maqlay gaari soo istaagay guriga albaabkiisa, Kamaal oo soo qaaday Deeqa ayaa ku dejiyay albaabka, markaa ayuu Layla u qaaday gurigeeda, Deeqa markay guriga iska soo furtay, waxay isha ku dhuftay Yaasmiin oo ka soo carartay dhanka kushiinka oo orod ku gashay qolka fadhiga, waayoo Yaasmiin waxay rabaa inay deg deg u qariso sawirka ay Rr u dhiibtay, markaana Deeqa waxaa galay shaki weyn, balse Yaasmiin way ku guuleysatay qarinta sawirka, Deeqa markay soo gashay fadhiga ayuu Raage ku yiri: “waan kaa walwal saneyn, laakiin haddii uu Rabbi ku keenay adigoo nabad qaba, waa Alle mahadii” Deeqa ayaa tiri: “carruur miyaan ahay ileyn carruurta ayaa laga wal walaahe” markaa ayay Raage u dhiibtay laba baqshadood oo ay mid tahay koobi nuqulka hishiiska midka kalana uu ku jiro jeeg 20 kun ah, Raage markuu akhriyay nuqulka ayuu yiri: “Deeqa si sahlan ayaad nimankaan ugu saxiixday inay shan sano ku qabaan oo aad weliba awlaad u dhalin shantaa sano, anigana muddo ku dhow todobo sano ayaan kuu daba joogay inaan ku guursado shuruud la’aan, balse caawa ayaad cid kale iga raacday” Deeqa ayaa tiri: “aboow sidaad mooday maaha, waan is guursan karnaa, hadda lacagta aad hayso ayaa ku filan guurkeena, midda kale oo ah shanta sano markaan qaadano labada milyan, ayaan awlaad dhalid u soo jeesan karnaa” Raage wuu diiday sheekadaas wuxuuna yiri: “warqadaan ha saxiixin ayaan kugu iri waadna saxiixday, midda kale waxaa sabab u ah sawir aan kugu iri Kamaal ha u dirin oo aad igu tiri: (waxaan uga jawaabaa sawiro uu ii soo diray) haddana asaga ayaad saxiixa hishiiska la gashay, waayoo waxaan hubaa inuu adiga kuu baahan yahay, asaga ayaa halkan kaa qaaday, halkana kugu soo celiyay, waadna ogtahay xasaasiyada ay raacistaasi leedahay, sidaa daraadeed xiriirkeeni halkaa ayuu ku egyahay” Deeqa ayaa tiri: “Raage waad iga gar daran tahay, waayoo waxaad i keentay oo aan kugula noolahay guri ay degan tahay Yaasmiin oo aan ogahay inay ifka kuugu jeceshahay, welina aanay niyada kaa goynin, balse waxaan islahaa ha diidin amarka Raage, danta noogu jirtana way ka yareyd danta noogu jirta qorshaha uu Kamaal noo keenay” Raage ayaa hadalki ka dhex galay oo yiri: “Kamaal aniga qorshe iima keenine adiga ayuu kuu keenay, Yaasmiina inay igu kaa maslaxdo maahine marna ma rabto inaan kala fogaano, go’aankana waa mid aan anigu gaaray, haddana waxaan ku waydiinaa sawir miyaa lagaa qaaday?” Deeqa ayaa tiri: “maya, waxaa lay soo siiyay mobilkaan oo laygu yiri waan kaa soo waceynaa” Raage ayaa yiri: “sidaa haddii ay tahay weli rajo fiican ayaa jirto inta aan sawir lagaa qaadin, balse ku xisaabtan marka lagaa qaado sawirka ugu horeeya, waxaa ku eg xiriirkeeni Xalane ka soo billowday” Deeqa ayaa tiri: “Raage soow ma ogid inuu Aabe Daahir u baahan yahay qalliin madaxa ah?” Raage ayaa yiri: “xanuunka Aabe Daahir waan ogahay, waxaana kaa rabaa inaad laba bilood i sugto, jeegaana aad celiso oo aad isku taaban lacagta islaameed, waayoo haddii aad cunto waxaad ku khasbanaanee inaad shaqadooda qabato” markaa ayay Yaasmiin keentay cashadi, Deeqana waxay fiirisay wejiyada Raage iyo Yaasmiin, markaa ayay tiri: “Yaasmiin waxaan qiraa inaad Raage iiga guuleysatay iyo inaad i khayaantay” Yaasmiin oo hadli rabta ayuu Raage ka qaatay hadalki wuxuuna yiri: “Kamaal sawirki aad u dhiibtay joornaalo ayuu ku daabacay, laakiin sawirki aan Yaasmiin ku aaminay ilaa hadda ayay haysaa” Deeqa ayaa la soo booday: “yaa sawir aan Yaasmiin ku aaminay aa, sidee sawir ugu aamintay naagtaan ku jecel oo aan ogahay inay horteey ku jeclaatay” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin sawirka cidna ma tusin, joornaalna laguma daabicin” wuxuu sii raaciyay: “fiiri Deeqa adiga oo kala ogeyn inuu sawirkaa run yahay iyo inuu been yahay ayaad sidaa uga gubaneysaa, laakiin wax tixgelin ah oo aad siineyso ma jirto sida aan uga gubanaayo sawirada lagaa qaadaayo” Yaasmiin oo rabtay inay la fadhiisato oo kala dhex gasho ayaa meesha iskaga tagtay markuu Raage sheegay sawirada, Deeqa ayaa tiri: “Raage sawirkaa adiga iyo Yaasmiin haddii uu run noqdo, waxaan aaminaa inaad Yaasmiin iga daba waday, Alla ayaan darniyaa maxaad sidaa iigu geleysaa?” Raage ayaa yiri: “sidee kuu galay?” Deeqa ayaa tiri: “adigoo aan weli sawir ila gelin sidee horteey Yaasmiin iskugu sawirtay?” Raage ayaa yiri: “sheekadaa ka bax, waayoo Yaasmiin wax muraad ah kalama lihin aniga iyo adiga ayay sheekadu na joogtaa, taas oo ah ama aniga ama qandaraaska”

94.

Deeqa oo ka naxday go’aanka Raage oo rabta inay kiiska iska waasho ayaa tiri: “Yaasmiin ayaa wax walba masuul ka ah, waayoo waxaan aheyn dad wada tashada oo wada qaata arrinka ay ku heshiiyaan, waxay Yaasmiin rabtaa inay iga kaa xado, waana middaa sababta ay noogu dooratay imaatinka Mareykanka” Raage ayaa yiri: “wax badan ayaan kuu sheegay, inay Yaasmiin lug ku lehayn arrinta na dhex taalo, Yaasmiina kuma geyn meesha aad qandaraaska ku saxiixday” Deeqa oo qaylineysa ayaa tiri: “Rr waxaad ii sheegtay inay Yaasmiin rabtay inay lacag ku bixiso sidii aan Mareykanka ku imaan laheyn, balse aan annaga ku helnay nasiibkeena, markaana ay Yaasmiin dagaal u gashay siday damaanad noogu keensan laheyd meesha ay joogto, waa tuugo rabta inay iga kaa xado” Yaasmiin oo hadalkaa maqashay ayaa fadhiga ugu soo gashay, markaa ayay tiri: “Deeqa wax badan ayaad ku celcelisay Yaasmiin ayaa iga kaa xadi rabto, waxaan kuu sheegaa inaan Rr kaa rabin ee haddaba meeshi aad doonto la aad, laakiin aflagaadada iga jooji” Deeqa oo dhiiga ku kacsan yahay ayaa Yaasmiin ku tiri: “waan ku aqaan Yaasmiin, waxba ha ii af macaaneyn, waad ogtahay hadalki isugu kaaya dambeeyay habeenki Xalane la soo xiraayay, haddana qarshaha aad maleegtay kuu socon maayo” Yaasmiin oo xanaaqday ayaa tiri: “Deeqa berriba soo raadsada guriga aad u guureysaan, ileyn hadda waad isku filan tihiine” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “caawaba guriga waan kaaga tegeynaa haddii aad rabto” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin walaal ka raali ahoow hadalka Deeqa, mana dheceyso inaan gurigaan ka guurno annaga oo aan aqal galeyn, waxaan kaa codsanaa inaad is dejiso, midda kale Deeqa jooji tuhmada aad ka qabto Yaasmiin, soow hadda nama hortaagna, waxaan kuu cadeynaa inay Yaasmiin walaasheey tahay, anigana walaalkeed inaan ahay ilaa haddana wax naga dhexeeyo aanay jirin” Deeqa ayaa tiri: “Rr sida aad sheegtay ilaa hadda majiro wax idinkama dhexeeyaan adiga iyo Yaasmiin, haddana waxaad hore iigu sheegtay inay Yaasmiin kugu tiri: (waxaan kuu noqonaa keyd) mise waa beenteey” Raage ayaa yiri: “waxaas waa la soo dhaafay” Deeqa ayaa Yaasmiin waydiisay: “Yaasmiin soow Raage kumaadan dhihin Deeqa aan keyd kuugu noqdo? mise been ayuu ii sheegay?” Yaasmiin ayaa tiri: “sheekadi Xalane adigaa weli xasuusta, waxaasna wakhti hore ayay ahaayeen” Deeqa oo hadalka ka dhex gashay ayaa tiri: “Raage haddii aanay Yaasmiin kugu dhihin Deeqa ayaan keyd u noqonaa, maxaad beenta iigu sheegtay?” Raage ayaa yiri: “way igu tiri Yaasmiin” intaa markuu yiri ayay Deeqa hadlki la booday: “taas ayaa cadeyn u ah inay Yaasmiin iga kaa xadi rabto” Yaasmiin oo aad u carootay ayaa tiri: “Raage, adiga iyo Deeqa iiga baxa gurigeeyga” Deeqa qosol ayay la dhacday, Raagana wuxuu maslaxad u daba raacay Yaasmiin oo qolkeeda aaday, intuu soo maslaxeynaayay Yaasmiin, ayuu telefoonka soo wacay walaalkeed Saacid Axmed, waxaa ka qabatay Deeqa, markay isu sheegtay ayuu ku yiri: “waa la ii sheegay inaad adiga Raage la joogtaan Yaasmiin” markaa ayay Deeqa tiri: “hadda ayaan ka guureynaa gurigeeda ee telefoonka ma kuugu dhiibaa?” Saacid ayaa waydiiyay sababta ay uga guuraayaan, Deeqa ayaa ku tiri: “taa waxba kaama khuseeyaan ee telefoonka ma kuugu dhiibaa mise fariin ayaan kaa gaarsiiyaa?” Saacid ayaa yiri: “telefoonka iigu dhiib” intay kala dhigtay ayay aaday qolki ay ku jireen Raage iyo Yaasmiin, waxay aragtay Raage oo baryaaya Yaasmiin asagoo sariirteeda kula fadhiya, markaa ayay Deeqa tiri: “Rr maxaad ka baryeysaa naagta oo sariirteeda ku fadhiisiyay?” Yaasmiin ayaa tiri: “naag tag baan ku iri, Raage kuguma haysan ee hadda haygu kalifin inaan qoobka qoobka kuu saaro” wixii ka dambeeyay waxaa la galay caay iyo qeylo, Raagana wuxuu galay kala celin, telefoonki waxaa lagu ilaabay asagoo kala yaala, Yaasmiin walaalkeedna wuxuu qaylada iyo caayda ka maqlaayay miiska dushiisa.

95.

Dagaalki wuxuu ku dhawaaday inay isku soo boodaan Deeqa iyo Yaasmiin, balse Deeqa ayaa ka baqday in wejiga labada milyan joogo in laga cejeysto, markaa ayay dagaalki gadaal uga degtay, marki qolka laga soo baxay ayay Yaasmiin aragtay telefoonki oo kala yaala, kadibna Deeqa ayaa u sheegtay inuu walaalkeed soo wacay, Saacidna wuxuu telefoonka ku soo celceliyay wax badan oo uu mashquul ka baqday, balse asagoo yaaban ayay walaashiis wacday oo in yar uga sheegtay waxa dhacay.

Raage wuxuu qolkiisa la galay Deeqa oo ku tiri: “Raage waxaad kala doorataa aniga ama Yaasmiin, caawa war kale ma jiro” Raage ayaa ku yiri: “Deeqa intaan midaas la gaarin, marka hore adiga caddee mowqifkaaga” Deeqa intay Raage soo fiirisay ayay ku tiri: “maxaad tiri Raage, adiga is caddee maxaad ka wadaa?” Raage ayaa ku yiri: “qandaraaska Kamaal iyo aniga kala dooro” Deeqa ayaa tiri: “haddii aan qandaraaska doorto, adigana Yaasmiin ayaad dooranee soow maaha?” Raage ayaa yiri: “qori qori ku taaga joogi” hadalka oo meeshaa maraayo ayay Deeqa maqashay Yaasmiin oo walaalkeed uga hadleysa buuqa, markaa ayay qolka ka soo baxday, ayada oo leh: “naayaa been ha iga sheegin adigaa isku gubay laba qofood oo isjecele” markuu Raage ka soo qabtay ayay Yaasmiin tobigi uga baxday walaalkeed, kadib ayuu Saacid u sheegay inuu soo helay Jamaal Dooli, wuxuu siiyay telefoonkiisa guriga.

Deeqa waxay maslaxad u gashay in mooshinka la qaboojiyo, laakiin Raage oo mowqifkiisa ku adkeysanaaya ayaa yiri: “Deeqa qof aan kaa jecelahay ifka ma saarna, laakiin marki sawir lagaa qaado ayaa isugu kaaya dambeeysa” Deeqa markaa ayay niyad jabtay waxayna tiri: “waa go’aankaaga kama dambeysta ah soow maaha?” Raage ayaa ku yiri: “waxaan ka jeclaan lahaa adigoo qandaraaska ka baxa oo xaaskeeyga noqda, arrintaa ka soo feker ilaa berri subax, haddana qolkaaga seexo, anigana fadhiga ayaan seexanaa” isla markiiba wuu ka soo baxay qolkiisi ay Deeqa ku jirtay, wuxuu qolka fadhiga ugu soo galay Yaasmiin waxayna u sheegtay inuu walaalkeed soo helay nambarka Dooli, markuu saacada fiiriyay waxay aheyd 1dii habeenimo, wuxuuna is yiri (Yaman maalin ayay u yahay hadda) markaa ayuu walaalkiis Xasan wacay, wuxuuna siiyay akhbaarki Dooli iyo inuu berrito subax weci doono, wixii ka dambeeyana uu la soo xiriiridoono, habeenkaas waxaa lagu kala seexday nabad, taasoo uu Raage ku seexday kuraasta fadhiga taalay.

Maalinti ku xigtay oo sabti aheyd, wax shaqa ah ma laheyn Raage iyo Yaasmiin, marki la soo toosay waxay Yaasmiin gashay quraac karin, Deeqana waxay wacatay Layla si ay magaalada iskugu raacaan oo ay account bangiga uga soo furato, markay isdiyaarin billowday ayuu Raage waydiiyay: “xagee aadi rabtaa?” Deeqa ayaa ku tiri: “waxaan rabaa inaan bangiga account ka soo furto” Raage ayaa yiri: “lacagti shirkada miyaad account ku soo furanee?” Deeqa ayaa tiri: “gurigaan ma joogi karno, sidaa daraadeed waxaan noo soo kireynaa guri kale” Raage oo arrintaa dood ka qabay ayay Deeqa hadalka ku celisay waxayna tiri: “marabo inaan gurigaan dhexdiisa uga hadalno arrimaheena, waxaan rabaa inaan hadalno guri noo gaar ah, sidaa daraadeed iga war sug ilaa aan kaaga soo yeero oo aad iigu timaado guri aan leenahay” isla markiiba waxaa albaabka soo garaacday Layla oo aaminsanayd inuu dagaal ka dhex dhacaayo Raage iyo Deeqa, kadib markay kor ka salaantay dadki guriga joogay, ayay Deeqa gacanta ku dhegtay oo isla bexeen, Raage markay bexeen ayuu madaxa qabsaday, wuxuuna ogaaday inay Deeqa dooratay qandaraaska, asagoo naftiisa waydiinaaya go’aanki uu qaadan lahaa, ayay Yaasmiin keentay quraacdi balse markay aragtay murugta wejigiisa ka muuqata ayay Yaasmiin tiri: “waxaan ka xumahay dhibka aan kuu geystay, laakiin waxaan kaa baryaa inaad goynin xiriirka Deeqa, inkastoo ay i xumeysay haddana waa walaasheey” Raage ayaa ku yiri: “Deeqa weli iima noqon sida aan u ahay iyo sida aan ka rabay, haddana waan aaminsanahay inay ijeceshay waloow aan ogeyn inay ii jeceshay sida aan u jecelahay” Raage intuu dhafoorada riix riixay ayuu yiri: “waxaan ka baqaa inaan Deeqa ka dhigan waayo qofteedi, waayoo sida aan ugu sabro iiguma sabarto, wixi aan ka celiyana kama ceshoonto” Yaasmiin way aragtay inuu Raage ku dhow yahay quus, haddana waxaa uga muuqday inuu weli Deeqa ka raja qabo markaa ayay tiri: “iskaga sabar ilaa aad ka gaareyso Deeqa inay kuu noqoto sida aad jeceshahay, midda kale waxaan kaa codsanaa inaad goynin xiriirka walaaltinimo oo naga dhexeeya”

Deeqa waxay xalay ku fekertay inay Raage gaar ula baxdo, kana rarato gurigaan oo marka meel degto inay u yeerato Raage ileyn lacag ayay haysataa, sidaa daraadeedna ma aha inay ku hoos noolaato Yaasmiin oo warshed xun ka xamaalata, dhaqaalana aan ku gaarin ayada.

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN