Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.96-100aad. W/Q Ahmed Hayow

Deeqa waxay furatay account ay ku shubatay 20 kun oo doolar, Bangiga ay ka furtay ayaa si fiican u soo dhaweeyay, marki ay u sheegtay inay u shaqeyso shirkadda modalka oo jeega ay wadato ku qoran, waxaa Deeqa lagu yiri: “haddii aad doonto 100 kun, waxaan kuugu soo shubeynaa accountigaaga, midda kale jeegagaaga waxaad u isticmaali kartaa dalki aad doonto oo aad lacag kala bixi karto bangigi aad doonto” Deeqa waxaa niyadeeda ku soo dhacday inay Aabaheed si sahlan u daaweysan karto, markaa ayay istiri: “lacagtaada labada milyan ah haddii aad ka sii qaadato boqol kun oo aad danahaaga ku fushato, soow kaagama fiicna inti aad sugi laheyd?” markaa ayay dalbatay daynta (bank loan) waxay saxiixday hishiiski deynta oo ahaa inay lix bilood bixineynin wax dulsaar ah, balse wixii ka dambeeya ay bixineyso 19% dulsaar ah, farti yar yareydna si fiican looma akhrin, Laylana waxaa laga siiyay 1000 doolar oo caddaan ah, Deeqa waxay soo qaadatay 10 kun si ay guriga ugu camirato, kadibna waxaa la kireeyay guri (house) ka kooban afar qol, kushiin iyo qado, laba musqulood, fadhi iyo laba garaash oo baabuurta la gashado, waxaa la soo dhigay agab wada cusub min jiif ilaa ubaxyo miisasaka saaran, guriga wax ka maqan ma jiraan, howshaas waxay Deeqa iyo Layla dhameeyeen 4ti galabnimo, kadibna waxay Deeqa soo wacday Raage.

Xasan Rooble marki la soo gaarsiiyay akhbaarki Dooli, wuxuu asagana gaarsiiyay Faaduma Dooli oo ku faraxday in loo soo helay ina adeerkeed Jamaal, kadibna waxay isu raaceen barta telefoonada oo ah halki ay ku kulmeen Deeqa iyo Raage, marki ay weceen Dooli oo uu gartay Faaduma ayuu ku yiri: “telefoon aan kaa soo woco isii” markaa ayay u qortay telefoonka guriga Xasan degan yahay, Dooli ayaa ku yiri: “waxaan kaa soo wacaa marka aan shaqada ka soo boxo oo ku aadan sagaal saacadood kadib” wakhtigaana waa 10ka habeenimo xilliga Yaman, Xasana wuxuu degan yahay qol kaligii mana suurowdo inay Faaduma la joogto qolkaas, sidaa daraadeed ayuu Xasan yiri: “waxaan caawa iska seexanaa Lokando ee adiga guriga iska joog” Faaduma oo aad maqsuud uga aheyd dadaalka iyo naxariista uu Xasan u galay ayaa ku dhiiratay arrin ay nafteedu rabtay inay afkeeda ka sheegto waxayna tiri: “miyaan la heli karin dariiq aan labadeenaba guriga ku joogno?” Xasan oo niyadda ku haayay inuu gabadhaan yar xalaaleysto, laakiin ka baqaayay haddii uu sheekadaa ula yimaado, inay wanaagiisi u qaadato dan uu ayada ka lahaa, ayaa yiri: “wadada noo furan oo kali ah, waxay tahay inaad xaas ii noqoto, haddii aad raali ka tahayna, waxaan kuu ballan qaadaa inaan nolosha kula wadaago inta aan adduunka saaranahay” Faaduma ayaa tiri: “Aabaheey iyo wiilki reerkeena u waynaa waxaa dilay madfac ku soo dhacay gurigeena, waxaa reerka ka haray hooyo, laba wiil iyo gabar iga yar yar iyo aniga, waxaan ka soo cararay nin xoolo leh oo la isiin rabay, dadki aan soo raacayna waxay iiga tageen cidlada aad iga soo waday, rajadeyda aan ka qabay inaan ina adeerkeey ku helo way yareyd iyo midda aan ka qabo inuu Yaman iga dhoofiyo, haddana wax walba waa iska amar Alle oo cid celin karta wuxuu Rabbi qadaro ma jiraan” Faaduma intay xoogaa aamustay ayay tiri: “waxaan aaminsahay inaad meel cidla ah iiga tegeynin, waayoo meel cidla ah ayaad iga soo waday, sidaa daraadeed waxaan kaa codsanaa inaad daacad ka ahaato mustaqbalkeena oo aad ku xirin rajada ina adeerkeey” Xasan ayaa ugu jawaabay: “waxaan diyaar u ahay inaan Soomaaliya kugula noolaado iska daa Mareykan iyo meel kalee” kadib waxaa lagu hishiiyay inay guriga tagaan, markaana uu Xasan la yimaado sheekhi nikaaxa iyo markhaatiyaalki oo uu ka mid yahay Oday Cawaale.

Raage oo guriga ku sugaayay telefoonka Deeqa asagoo aad u fekersan ayuu soo dhacay, waxaa ka qabatay Yaasmiin oo ku tiri: “hello” Deeqa ayaa tiri: “qofka aan soo wacday waad ogtahaye telefoonka iigu dhiib” Yaasmiin ayaa Raage ku tiri: “Rr qabso telefoonka” Raage ayaa yiri: “yaa i soo wacday?” Yaasmiin ayaa u sheegtay inay Deeqa tahay, markaa ayuu yiri: “Deeqa yaa la dhahaa!” Yaasmiin oo weli telefoonka kor u haysa ayaa tiri: “waa Deeqa Daahir” Deeqa oo careysan ayaa telefoonka ka dhex qeylisay ayadoo leh: “naayaa Raage iigu dhiib telefoonka, yaa ku yiri magaceyga sheeg” Yaasmiin oo la yaaban isbedelka Raage, ayaa intay samaacadi gacanta saartay, waxay Raage ku tiri: “Raage walaaloow kaalay la hadal” Raage ayaa yiri: “waxaad ku tiraahdaa, wuxuu Raage ku yiri, guriga Yaasmiin meel aan hayn ku wada hadli meyno” markay Yaasmiin telefoonki dhegta saartay, waxay maqashay Deeqa oo caytameysa, waxay ku tiri: “bilaashaad ii cayneysaahe, Raage wuu diiday inuu kula hadlo, wuxuuna ku yiri. …” Yaasmiin oo aan fariinti dhameyn ayay Deeqa tiri: “naayaa haddii aad telefoonka iigu dhiibi waydo, ogoow intaan imaado inaan Rr kaa soo wadanaayo, weligaa dambana aadan il iyo baar aadan saareynin”.

97.

Yaasmiin ayaa Deeqa ku tiri: “Deeqa intaad iswaalka iska deyso, waxaad Raage ugu timaadaa meeshi aad uga tagtay” markaa Deeqa intay caaytantay ayay tiri: “inaan kaa soo ag wado ayaa igu ballan ah” Yaasmiin ayaa tiri: “soo doono, laakiin aniga mar dambe ha i caaynin, waayoo wax aad idheertahay oo aan doqanimo aheyn ma jiraane” Deeqa ayaa tiri: “ma anigaa doqon ah?” Yaasmiin ayaa tiri: “doqonbaa tahay, sababtoo ah ma taqaanid qofka ku jecel sida loo xafito, waxaadna jeceshahay inuu wiil kasta kuu baroorto oo aad cidla uga tagto, Raagana adigaa cidlo uga tegay ee kaalay raaligareyso, haddii kale caloosha maro ku xiro” Deeqa intay xanaaqday ayay telefoonki ku dhigtay.

Xasan iyo Faaduma waxaa habeenkaa isku raacday laba munaasabadood oo kala ah, guurkooda iyo Jamaal Dooli oo walaashiis ku yiri: “haddii aad guursatay saaxiibkeey Raage Rooraaye walaalkiis, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, waxaana idaayay cabsi xoog leh oo igu jirtay” wuxuu sii raaciyay: “Raage wuxuu i soo wacay saaka oo uu ii sheegay inaad walaalkiis Xasan wada socotaan oo uu Boosaaso kaa soo qaaday, hadda waxaan idiin raadineynaa boos aad ku soo gashaan Mareykanka” habaankaas farxad ayay ku seexdeen Xasan iyo xaaskiisa.

Deeqa iyo Layla ayaa si deg deg ah u soo aaday guriga Yaasmiin, marki ay yimaadeen ayay Deeqa soo garaacday albaabka, waxaa ka furay Raage oo ay Deeqa ku tiri: “Raage dharkaaga soo qaado” Raage ayaa ku yiri: “haddii aad rabto inaan wada hadalno, soo gal guriga” Deeqa ayaa tiri: “ma soo gelaayo gurigaan” Raage ayaa albaabka ka xirtay, markaa ayay Deeqa xoog u soo garaacday albaabka, ayadoo qeylineysa oo ay celcelineyso Layla oo dheheysa: “jooji qeylada, waayoo dalkaan qeylada lama ogola iyo inaad sidaa u garaacdo guri, waxaa dhici karta in boolis naloogu yeero” laakiin Deeqa warkaa ma maqlin oo dhegaha ayay ka fureysatay, Yaasmiin oo ka naxday garaacista guriga ayaa Raage ku tiri: “deriska ayaa boolis noo wacaayo, haddii uu buuqaas sii socdo” markaa ayuu Raage furay albaabka wuxuuna ku yiri: “maxaad iga rabtaa oo aad guriga islaameed u soo garaacday?” Deeqa ayaa tiri: “inaad dharkaaga soo qaadato oo aad iraacdo” Raage ayaa ku yiri: “ku raacimaayo ee ii sheeg waxaad iga rabto” Deeqa oo xanaaqsan ayaa tiri: “inaad iraacdo maahine si kale ugama tegaayo gurigaan” Raage ayaa ku yiri: “Deeqa maxaan kugu raacaa, ileyn xiriirkeeni adigaa kala gooyaye” Deeqa ayaa tiri: “naagta gurigeeda aad joogto ayaa wax walba oo naga dhex dhaca ka masuul ah, sidaa daraadeed ma rabo inaan agteeda ku wada hadalno” Raage xujo ayaa qabsatay, sababtoo ah guriga looma ogola buuq iyo qeylo, Deeqana waxay sheegtay inay albaabka ka tegeynin ilaa uu raaco maahine, wuxuu sameeyo ayuu garan waayay, sidaa daraadeed ayuu go’aansaday inuu soo labisto oo bannaanka ugu soo boxo, intuu Raage ku maqnaa gudaha ayay Layla waxay Deeqa ku tiri: “aniga waxaan aadaa gurigeeyga, waayoo ma rabo inaan murankiina ku dhex jiro” Deeqa ayaa ku tiri: “waan aqaan gurigeyga ee iska bax, waana inoo berri subax oo waxaan rabaa inaad ii raacdo meesha baabuurta lagu iibiyo, si aan gaari uga soo iibsado” Layla ayaa tiri: “kuwo gawaarida iibiya ayaa ku yaala xaafadaada, kuwaas ayaan imaaneynaa” Deeqa ayaa tiri: “kuwaas ma haayaan gaariga Rolls Royce (RR)” Layla oo og inuu gaarigaa qaali yahay ayaa tiri: “gaarigaa waa qaali, qofki raba mid cusubna wuu dalbadaa, kadib ayaana loo soo sameeyaa qaabka uu u rabo” Deeqa ayaa ku tiri: “gaarigaa ayaan dalbanaa ee subaxdi ii imoow” Layla waxay Deeqa ka tagtay ayadoo la yaaban sababta ay u dalbaneyso gaariga Rolls Royce, arrintaa ayadoo rabta inay ka sal gaarto ayay soo xasuusatay in Raage lagu naaneeso Rr, waxay fahamtay inay isku mid yihiin oo ay gaarigaas ugu tala gashay Raage Rooble, balse ma oga inuu Raage dhihi jiray: (waxaan jecelahay gaariga Rolls Royce sidaa daraadeed ayaan ula baxay Rr) Layla waxaa gashay cabsi xoog leh, waayoo waxaa u muuqatay inay Raage kula dagaali karin Deeqa oo u iibineysa gaaragaas qaaliga ah, ayadoo og guriga ay u dhigatay oo ah mid aan caadi aheyn.

Raage markuu gudaha ku laabtay oo ay Yaasmiin aragtay inuu labisanaayo ayay ku tiri: “Raage waxaa ii muuqata inaad iga guureyso, laakiin waxaad ogaataa inaan ka xumahay wanaageygi inuu ku dhamaado xumaan in la iiga tago” Raage ayaa ku yiri: “Yaasmiin kaama guurin, mana dheceyso inaan kaa guuro aniga oo aan fasax kaa qaadan, laakiin buuqa ayaan rabaa inaan kaa fogeeyo, waana soo laabanaa”.

98.

Rr markuu soo baxay asagoo xiranaaya shaarka galuusyadiisa, ayay Deeqa ku tiri: “maxaad cafashkaaga u soo qaadan wayday?” Raage ayaa yiri: “meesha ay yaalaan laga soo qaadi maayo ilaa aan ka heshiino labadeena” Deeqa intay istaagtay ayay ku tiri: “goormeen dagaalnay aniga iyo adiga?” Raage ayaa yiri: “waxaa ii muuqata inaad qandaraaska iga dooratay” Deeqa ayaa tiri: “qandaraaskaas danteena ayaa ku jirta, midda kale waxaan hadda sii mareynaa dukaan aad ka iibsato dhar cusub, kuwaana qashinka ayaad ku dareysaa, cafashka yaala guriga Yaasmiina dib dambe uguma soo laabaneysid” Raage ayaa yiri: “ma taqaanaa sababta aan ilaa hadda kuu xushmeynaayo?” Deeqa ayaa waydiisay waxayna tiri: “xushmeyn maxaa ah” Raage ayaa ugu jawaabay: “weli sawir lagaama qaadin, laakiin maalinti uu hal sawir kugu dhoco, maalintaa ayaa isugu kaaya dambeysa, waana middaas sababta aan kuu xushmeynaayo” indhihi waaweynaa ee Deeqa Daahir ayaa ilmo ka soo daadatay, markaa ayuu arkay indhihi uu jeclaa oo ilmeynaaya wuxuuna ku yiri: “Deeqa iga raali ahoow, ma jecleyn inay ilmeeyaan indhihi aan jeclaa inaan weligeey ka farxiyo, laakiin adiga ayaa wax walba u sabab ah” Deeqa intay Raage kuleetiga ka qabsatay ayay ku tiri: “ma waxaad go’aansatay inaad iga raacdo Yaasmiin?” Raage oo aan hadlin ayay tiri: “inta aadan jeceylka igu beerin, maxaad iigu sheegi wayday inaad Yaasmiin iga raacayso” Raage oo ka xishooday inay bannaanka isku qabqabsadaan ayaa yiri: “Deeqa waan wada hadleynaahe, horta nagee gurigaaga” waxay dhaqaaqeen Deeqa oo leh: “gurigaaga, mise gurigeena? walee naagtaas Yaasmiin ah way iga kaa sixratay” kadibnaTaxi ayay wada raaceen Deeqa iyo Raage oo madaxa xanuunaayo, ileyn waxaa saaran culeys ka tan weyn, waayoo weli Deeqa waa jecel yahay, sidaa ay tahayna ma rabo inuu go’aankiisa ka laabto, haddana wuxuu dareemay inay Deeqa tahay kaligii taliye aan cidna la tashan, waxaa kale uu arkaa inay lacagti qandaraaska isticmaashay, haddii ay ka baxdana looga baahan yahay inay lacagtaa bixiso, inkastoo bixinta lacagtaas ay kala fududahay inay qandaraaska qaadato, wuxuuna jecel yahay inay hishiiskaas ka baxdo si ay isugu soo laabtaan, taas ayaa Raage u noqotay inuu ku badbaadin karo wadajirkooda.

Markay gurigi yimaadeen, Raage wuxuu u haystay apartment ka kooban qol ama laba qol iwm, laakiin waxaa lakeenay House (aqal) dhan oo buuxa, kaaga darane waxaa qolka fadhiga ku dhegan sawiradiisa iyo kuwa Deeqa oo la soo weyneyay, intaa waxaa uga yaab badnaa sawir leysku dhejiyay labadooda oo aad moodo inay isla sawiran yihiin, waa sawirka ay Deeqa siisay Raage iyo sawirki uu Raage ka soo qaaday Yaasmiin, waxaa Raage ka soo haray indho, Deeqa ayaa ku tiri: “cabitaan ayaan noo keenaa ee tvga iska sii fiirso” guriga Yaasmiin waa guri shaqo oo malaheyn tv iwm, mana soo gadan waayin, laakiin wakhti uma hayso oo waagi hore waxay ku jirtay waxbarasho, balse markay gashay howlaha Raage intuu Yaman jiray, ayay shaqo billowday oo waxbarashadi jaamicada iskaga tagtay, waayoo wax walba waxaa kala qaalisanaa aragtida Rr, inkastoo ay ku laaban karto waxbarashada, haddana waxaa kala fiican inay Raage ku dadaasho sidii ay meel uga soo saari laheyd.

Deeqa markay cabitaanki keentay ayay Raage ku tiri: “Raage waan ogahay inaad ii careysan tahay, laakiin fursad ii sii mudada yar aan shaqada ku dhammeeyo, sababta oo ah la’aantaa lagama yaabo inaan dhammeeyo hishiiska aan galay” Raage ayaa ku yiri: “lacagta hadda kugu baxday aniga ayaa dhiibaayo ee adiga waxaad fursad ii siisaa inaad xaaskeeyga noqoto oo iga deyso in sawiradaada adduunka laga fiirsado” Deeqa ayaa waydiisay: “Raage ma waxaad ka maseyreysaa raga laga yaabo inay sawiradeeyda fiirsadaan?” Raage ayaa yiri: “maya, dhankaas waan kaaga kalsoonahay, laakiin waxaan rabaa inaad taladeyda qaadato” Deeqa ayaa tiri: “Raage ma bixin kartid lacagtaas aan qaatay oo way fara badan tahay, amarkaagana ma diidaayo mana diidi karo, waayoo nafteyda ayaad wehel u tahay, nin aan hortaa jeclaadayna ma arkin, lagamana yaabo inaan arko mid aan gadaashaa jeclaado” Raage baraf ayuu noqday, sababta oo ah weligii kama maqal Deeqa erayada ay caawa ku leedahay, niyadiisa waxaa gashay (maxaa Deeqa ka keenay erayadaan? ujeedo miyay ka leedahay mise waa ka dhab?) wuxuu ku yiri: “labaatan kun ma badna oo haddaba waxaan haayaa lacag ku dhow toban kun oo ah mid aan shaqeeyay iyo inti aan wadanay wax ka soo haray” Deeqa ayaa u sheegtay inay bangiga ka amaahatay 100 kun oo deyn ah, taasoo haddii ay hadda celineyso laga rabo lacagta dulsaarka ah, markaa ayuu Raage madaxa qasaday.

99.

Raage markuu ogaaday dhiiqada ay Deeqa lugaha kula jirto ayuu yiri: “lacagta haddii ay xataa malyan tahay, aniga ayaa bixinaayo ee adiga ka bax badda aad gashay” Deeqa ayaa tiri: “Raage maxaad u bixineysaa ileyn waan owoodaa inaan shaqada qabto, waana fursad fiican oo na soo martay, sidaa daraadeed ma aha inaan iska dayacno” Rr markuu arkay inay ku dhegan tahay go’aankeeda ayuu ku yiri: “berri shaqo ayaan leeyahay, sidaa daraadeed waa inaan caawa ciyoow seedo, marka waan kaa tegaayaa, laakiin ka feker sida aad ka yeeleyso arrinta aan kuu soo jeediyay” Deeqa ayaa tiri: “xagee aadaysaa! soow ninkeygi Mareykanka ma tihid?” Raage ayaa yiri: “nin been beeneey ayaan kuu ahay, qol cidla ahna kula seexan maayo” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “soow Yaasmiin kaligeed maaha?” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin waa kaligeed, laakiin waa walaasheey, midda kalana waa wada shaqeynaa” Deeqa ayaa Raage u dhiibtay jeegageedi bangiga iyo kaarkeedi oo ay lacag ka buuxdo, kadib waxay ku tiri: “Raage soow ma ogid inaad aniga iyo xoolaheygaba masuul ka tahay iyo inaad tahay qofka ugu horeeya oo aan jecelahay inaan kula noolaado nolol farxad leh, kaasoo aan jecelahay inuu ka fekerin shaqo iyo wax la mid ah, waxaan ku leeyahay: waxaa kuu yaala bijaamihi aad ku seexan laheyd ee intaad soo qaadato, waxaad seexataa qolka aad jeceshahay, dad iyo warkoodana ka bax ileyn Rabbi ayaa og axwaalkeena” Raage ayaa yiri: “masuuliyadu maaha inaad talada kaligaa maroorsato iyo inaad sidi aad doonto u dhaqanto, waayoo waxaad igala tashatay ma jiraan, haddana aniga kaala tashan maayo maareynta mutaqbalkeeyga, waana kaa tegaayaa hadda, berri war kama dambeyn ah aan kuugu imaado, warkaasoo ah waxaan doortay qandaraaska ama adiga ayaan ku doortay” Deeqa markay aragtay inuu Raage go’aan cad ka rabo, ayay ku fekertay inay caawa guriga seexiso, markaa ayay ku tiri: “Yaasmiin waxay kugu akhrisay ma aqaano koow dheh, balse hal mid ayaan kaa codsanaa inaad caawa ii sameyso” Raage oo ka naxay waxa ay sheegi rabto ayaa yiri: “ii sheeg waxa aad iga codsaneysid” Deeqa ayaa tiri: “haddii aan kuu sheego, ma iga yeeleysaa?” Raage ayaa ku celiyay: “ii sheeg waxaad rabto” wuxuu sii raaciyay: “haddii ay suuragal yihiin waa kaa yeelaa” Deeqa ayaa tiri: “wax aan suuragal aheyn kuma waydiisanaayo, laakiin waxaan kaa rabaa inaan kalsooni buuxda kaa helo” Raage ayaa yiri: “caawa oo kali ah, haddii ay tahay waan kaa yeelaa” Deeqa ayaa tiri: “waan kuu jeedaa inaad iga sii socoto, sidaa ay tahay waxaan caawa kaa codsanaa inaad ila joogto guriga aan daraadaa u sharaxay” Raage markuu ogolaaday ayay guriga u kala tilmaantay, markaa ayuu qabeys galay, Deeqana inti uu ku maqnaa ayay dalabtay casho (to go) guriga in loogu keena ah, ileyn weligeed cunto loo kariyay waxaan aheyn ma cunin, mana taqaano sida wax loo kariyo, Raagana war uma haayo, mana waydiin inay taqaano wax karinta iyo in kale.

Yaasmiin habeenkaas ma seexan, waxaa ciriiri ku noqday gurigi ay joogi jirtay, cidladi ay joogi jirtayna caawa way ka baqday, ileyn waxaa ka maqan wehelki intuu Yaman uga maqnaa ay isku maaweelin jirtay wuu kuu soo socdaa, balse hadda wuxuu kaga maqan yahay tii ay rabtay inay faraheeda kala baxdo, sidaa daraadeed waxay Yaasmiin gashay feker, waayoo waxaa u muuqda xilligi guusha inay soo dhowdahay, markaana loo baahan yahay in dadaalka la laba jibaaro oo Rr runta loo sheego, waxay la soo baxday sawirki ay isla sawirnaayeen, waxay fiirisay wejiga Rr siduu ahaa maalintaas ay sawirka wada gelaayeen, wuxuu ula muuqday inuu Raage ku faraxsanaa sawirkaa, kadib waxay nafteeda ku qancisay inay guul ka gaareyso haddii ay bareeraheeda u sheegato, habeenkaas oo dhan waxay ku jirtay isla hadal, mar waxay ku fekertay inay Layla wacdo oo telefoonka Deeqa waydiiso si ay Raage ula hadasho, haddana markay Layla siisay ayay ka baqday inay wacdo, haddana intay Layla wacday ayay waydiisay addreeska guriga, Laylana waxay addresska guriga siisay ayadoo la yaaban sababta Yaasmiin ay u dooneyso Raage.

Raage markuu isi soo diyaariyay ayuu arkay Deeqa oo soo qaadaysa cuntadi loo keenay, markaa ayaa ugu horeeysay inuu waydiiyo Deeqa sida ay isku yihiin kushiinka, waxay ku tiri: “weligeey dab ma gelin, iska daa cunta aan kariyee xataa shaah ma karin” Raage indhaa ka soo haray markaa ayuu yiri: “yaraantaadi cunta karinta laguma barin miyaa?” Deeqa ayaa tiri: “maxaa la i baraa maba jecli inaan wax kariyee” war cusub, markaa ayuu Raage yiri: “alaabta kushiinka kuu taal, maxaad u soo gadatay haddii aad wax ku karsaneyn?” Deeqa ayaa tiri: “horta ma isweydiisay waxaan afar qol u kireystay?” waxay sii raacisay: “qol waa Aabe iyo hooyo, qol waa Ayeeyo Mulaaxo, labada kalana waa annaga iyo martida noo timaada”.

100.

Marki la gaaray saqda dhexe ayay Yaasmiin wacday telefoonki ay Layla u qortay, waxaa ka qabatay Dd oo markaa kaligeed joogtay kushiinka, markay dhahday: “hello” ayay Yaasmiin ku tiri: “waxaan rabay inaan ogaado inuu Rr caawa kula joogaayo iyo in kale” Deeqa ayaa ku tiri: “waad edebdaran tahay ee yaa telefoonkeyga ku soo siiyay?” Yaasmiin ayaa tiri: “adigaa iga edeb darane ee dhiib Rr ileyn adiga kuma soo wacanine” Deeqa ayadoo diidan inuu Raage maqlo murankooda ayay telefoonki ku demisay, markay Raage u timid ayuu waydiiyay qofka soo wacay, ileyn wuxuu ogyahay inay shirkadu ku tiri: (marki aan kuu baahano, waxaan kaa soo waceynaa mobilka) sidaa daraadeed wuxuu mooday inay shirkadu soo wacday, Raagana wuxuu ka naxsan yahay inuu soo dhow yahay xilligi uu ballanta ku qaaday inay isugu dambeyso asaga iyo Dd.

Deeqa ayaa ku tiri: “waxaa i soo wacay gabar aan isbaranay maalinta” Raage ayaa ku yiri: “waxaan mooday inay shirkadi ku soo wacday oo ay ballan kuu qabteen” Deeqa ayaa tiri: “bishaan dhamaadkeeda ayay i soo wacaayaan siduu Kamaal ii sheegay, waxaana laga yaabaa inay sawirada u horeeya iiga qaadaan halkaan, waayoo waxaa soo codsaday people magazine” Raage ayaa ku yiri: “Kamaal ayaa la taliye kuu ah soow maaha?” Deeqa ayaa tiri: “la taliye iima aha, laakiin shaqo ayaa naga dhexeeysa, Kamaalna wuxuu rabaa siduu lacagtiisa ku heli lahaa, anigana sidaan teyda ku heli lahaa” markaa ayuu Raage waydiiyay lacagta uu Kamaal ku qaadanaayo qandaraaska, waxay Deeqa u sheegtay inuu ku qaadanaayo shan milyan, ayagoo weli sheekeysanaaya ayaa albaabka guriga la soo garaacay, Yaasmiin ayaa soo aaday guriga Deeqa, si ay go’aan cad uga soo gaarto Raage oo haddii uu rabana uu ula joogo Deeqa, haddii kalana uu gaarigeeda soo raaco, caawana waxay ku soo tala gashay inay Raage gacanta ku dhigto ama Deeqa u dayso, markay guriga soo garaacday, Deeqa ayaa ayadoo aan albaabka furin waxay ku tiri: “yaa waaye?” Yaasmiin ayaa ku tiri: “iigu yeer Raage oo bannanka ha iigu yimaado” Deeqa ayaa ku tiri: “naayaa kuugu yeeri maayee albaabka iiga tag” markaa ayay Yaasmiin xoog u soo garaacday, waxayna tiri: “Raage ha soo boxo oo alaabtiisa ha iga qaato haddii uu adiga kula joogaayo” Raage oo maqlay buuqa ayaa ku soo baxay ayadoo ay Deeqa cayrameyso, Yaasmiina ay leedahay: “Raage iigu yeer” markaa ayuu Raage wuxuu yiri: “fur albaabka” Deeqa oo diidan ayuu furay, markuu Yaasmiin arkay ayuu ku yiri: “Yaasmiin soo gal” ayadoo aanay hadlin ayay Deeqa tiri: “gurigeyga soo geli mayso” Yaasmiin ayaa tiri: “gurigaaga sooma gelaayo ee gacalka hayska boobin” waxay sii raacisay: “Raage bannaanka imaaw” markuu soo baxay ayay ku tiri: “xaq miyaa inaad igu tiraahdo waa soo laabanaa oo cashadi aan noo kariyay sidi aan kuu sugaayay ay qabowdo, haddii aad imaaneynin maxaad ii soo waci waysay?” Raage oo gar qabatay ayaa yiri: “raali awoow, hadda ayaan ku raacaa ee i sii sug” gudaha markuu ku laabtay waxaa billaawday dood dhex martay Raage iyo Deeqa oo kula dooday: “ma bexeysid” Raage ayaa ku yiri: “kula joogi maayo” Deeqana waxay u diiday inuu surwaalkiisa gashado, waayoo way ka ag tegi wayday, Raage markuu arkay inay ka ag tegeynin ayuu bijaamihiisa ku baxay, Deeqa oo ka daba qeylinaysa ayuu Yaasmiin raacay.

Yaasmiin ayadoo faraxsan ayay Raage ku qaadatay gaarigeeda, ayadoo ku fekereysa sidi ay ugu soo bandhigi laheyd rabitaankeeda, laakiin markii ay aragtay inuu careysan yahay ayay hadalkeedi dib u dhigatay.

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN