Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.101-105aad. W/Q Ahmed Hayow

Yaa khaldanMarki ay guriga yimaadeen Yaasmiin iyo Raage, waxaa soo dhacay telefoonka, waxaa ka qabatay Yaasmiin, markaa ayay Deeqa ku tiri: “ii dhiib Raage” markaa ayay Yaasmiin tiri: “Rr hoo telefoonka, Dd ayaa ku rabta” Raage markuu Deeqa ku yiri: “maxaad ii soo wacday?” ayay Deeqa tiri: “soow xabiibkeeygi maahid, sidee ii dheheysaa maxaad ii soo wacday!” Raage ayaa yiri: “waa inoo berrito, hadda waa habeen bar ee iska seexo” Deeqa ayaa tiri: “sideen u seexdaa, adigoo iiga baxay ballanti aan laheyn oo iga raacay Yaasmiin” Raage ayaa yiri: “waxa aad saadaalineyso armay run noqdaan” Deeqa ayaa tiri: “maxaa run noqonaaya?” Raage ayaa yiri: “boqol jeer ayaad igu tiri Yaasmiin ayaad rabtaa, anigana waxaan kuugu waramay sida daacada ah, marka waxaan ka baqaa inay tuhmadaada beenta ah ay run noqoto” Deeqa way iska ooyday, markaan Raage ma aamusin oo wax dan ah kama gelin, inkastoo ay Deeqa u ooysay si kal iyo laab ah, markay cabbaar fug fugleysay ayuu Raage ku yiri: “Yaasmiin waa walaashaa, haddii aad wanaag rabto waa inaad qadarisaa xushmada ay kuu hayso, ma aha inaad tiraahdo guriga ha iga soo gelin” Deeqa ayaa tiri: “waxaan hubaa inay naagtaas ku jeceshahay iyo inay rabto inay iga kaa qaado” Raage ayaa yiri: “adiga iska daaye, aniga xataa waan ogahay inay Yaasmiin weli i jeceshahay, laakiin weli iguma soo qaadin rabitaankeeda, balse waxaa Yaasmiin kala muhimsan inay wax ii qabato inti karaankeeda ah, wayna rabtaa inaan iscalfano aniga iyo adiga oo kama xuma guurkeena” Deeqa ayaa tiri: “waan ogahay inay kuu sheegtay inay ku sugeyso xataa haddii aan isguursano, waxa ay kuu wanaajineysana waa inay keyd kuu tahay, ma aqaano cidda ku tiri Deeqa iyo Raage haka daba harin, xataa haddii ay isguursadaan, waayoo waxaa laga yaabaa inay aaminsan tahay inaan kala tegeyno ama aan anigu dhimanaayo, wallaahi waa ka naxsanahay naagtaas waxay aaminsan tahay” Raage ayaa yiri: “intaas oo dhan adiga ayaa ka masuul ah, waayoo ma rabtid inaad aniga i raaligelisid iyo inaad daacadnimadeyda ku kalsoonaatid” Deeqa ayaa tiri: “maxaan kugu raaligeliyaa oo aad jeceshahay?” Raage ayaa ku yiri: “yaan hal sawir lagaa qaadin, ka bax sheekadaas anigana waxaan ku dadaalaa inaan lacagta kaa bixiyo xataa haddii ay malaayiin tahay” Deeqa ayaa tiri: “maxaad horumarkeena u diidan tahay?” Raage ayaa yiri: “waxaan rabaa inaad guriga ii joogto oo cunta karin aad barato oo aan awlaad yeelano, laakiin shan sano carruur ha dhalin iyo inaad rag hortiisa ku socsocoto nin liita ayaa aqbala, haddana ka feker wixii kula gudboon waana inoo berri subax”.

Yaasmiin intay cashadi soo kululeysay ayay fadhiga soo dhigtay, kadibna waxay sugeysay inta uu Raage hadalka ka dhammeeynaayo, wayna maqleysay sheekadooda, waxayna ku faraxday inuu Rr ogyahay inay weli jeceshahay, halkaa waxaa uga bidhaantay fursad qaali ah oo ay ku kasban karto qalbiga ay Deeqa jaha wareerisay, haddana waxay niyada iska waydiisay sida uu Rr ku gartay dareenka ay qarsaneysay, waayoo Yaasmiin ma oga inuu walaalkii Maxamed Rooble u sheegay inay weli jeceshahay, Maxamedna uu ayada la jecel yahay, markaa wixii ka dambeeyay Raage wuu la socday tallaabooyinka Yaasmiin.

Deeqa markay telefoonki dhigi waysay, Yaasmiina ay cashadii mar kale ka qaboowday ayay fadhiga iska seexatay, markay soo dhawaatay salaadi subax ayuu Raage ku yiri: “waxaa la joogaa salaadi subax ee waa inoo mar kale” Deeqa oo ku leh: “waxaan rabaa inaad telefoonka igu wehliso” ayuu Raage ku dhigay, markuu fadhigi yimidna wuxuu arkay cashadi oo qabowday iyo Yaasmiin oo huruday, intuu agteeda ka qaaday suxuunti cashada ayuu kushiinka la aaday, markuu soo koluleeyay ayuu Yaasmiin toosiyay, waxay ku tiri: “aboowe maxaa isu dhibtay oo aad aniga ii toosin wayday?” Raage ayaa ku yiri: “anigaa adiga ku dhibay maahine, adiga aniga dhib iima geysan, caawa oo dhan ayaad ii gaajeysneyd, anigoo soo casheeyay” Yaasmiin ayaa tiri: “dhib ma leh, hadda ayaan quraac ka dhiganeynaa” markaana Raage ayay soo fiirisay, asagana intuu gartay inay fiirineyso bijaamaha uu weli xiran yahay, ayuu ku yiri: “firaaqo aan bijaamaha iskaga bixiyo ma helin” Yaasmiin intay qososhay ayay ku tiri: “waa caadi”.

102.

Raage iyo Yaasmiin oo wada cunaaya casha-quraacdi ayay Yaasmiin tiri: “waan maqlaayay inay Deeqa iiga kaa maseyrsan tahay, laakiin muraadkeygu ma aha inaan fara gelin idinku sameeyo inta aad heshiiska tihiin, balse sida aan hore kuugu sheegay, waxaan rabay inaan kaalinteeda kuu buuxiyo haddii aad kala boodaan, weliba anigoo jecel wada jirkiina” Raage ayaa yiri: “ma aqaan waxaan ku dhoho, waayoo waad ogtahay inaan Deeqa jecelahay, balse waxaan garan la’ahay sida aad naftaada ugu aamineyso nin aad ogtahay inuu ruux kale jecel yahay?” Yaasmiin ayaa tiri: “aniga waxba igama gelin inaad ruux kale jeceshahay iyo in kale, waana kuu sheegay inaan lafteedu kula rabo ruuxa aad jeceshahay, haddana waxaan dadaal ugu jiraa sidi ay nafteydu ku heli laheyd ruuxa ay jeceshahay oo adiga ah, sidaa daraadeed waxaan hubaa haddii aan kaa helo ugu yaraan rajo aan kugu sugo, waxaan ku sii joogi karaa inta aad Deeqa soo kala hareysaan, hadda ha ahaato ama markaad isguursataan kadib” Raage oo aamusan ayay Yaasmiin hadalki sii wadatay waxayna tiri: “Deeqa waan aqaan oo lagama yaabo inay qandaraaska ka baxdo, midda kale waxaad tahay ninka ugu horeeya oo ay jeclaato, sidaa daraadeed waxaan kaa codsanaa inaad ku qaadato qandaraaska ay saxiixday, waayoo haddii aad dhineceeda joogin waxaa laga yaabaa inay qandaraaska dhameyn waydo, midda kale waxaad aniga ii ballan qaadaa inaan ku sugo oo kali ah, waa haddii aan intaa kaa istaahilo” Raage oo hadalki ka dhex galay ayaa yiri: “Yaasmiin saa ha dhihin, waxaad iga istaahishaa intaa iyo in ka sii badan, waana ogahay inaad i jeceshahay” Yaasmiin oo faraxday ayaa tiri: “waad ku mahadsan tahay inaad ii furtay albaab iga xirnaa muddo aad u fara badan, anigana waxaad igu ogaataa inaan xaq dhowro xiriirka idinka dhexeeya adiga iyo Deeqa” salaadi subax kadib ayay seexdeen Raage iyo Yaasmiin oo ku faraxsan inay heshay kaalinteedi Keydnimada.

Yaasmiin waxay guul ka gaartay tallaabadi ugu horeysay ay u qaado dhanka Raage, middaas oo aanay maanta ka shaki qabin inuu Raage ogeyn, waxayna uga dhigan tahay inay gacanta ku dhigtay oo kale, farxad ayay la seexan wayday iyo isu bog-bog ay sugi la’dahay maalinta uu tiimbaraha ugu dhufan doono Raage, laakiin wax yar markii ay huruday ayuu telefoonki soo dhacay, waxay ka qabatay Deeqa oo ku qaylineysa: “naayaa Raage ii dhiib, maxaa telefoonka ku ag taagay?” Yaasmiin oo markaan hadalkeeda ka xanaaqday ayaa intay is celisay waxay ku tiri: “Raage wuu jiifaa” Deeqa ayaa tiri: “soo toosi, muxuu saacadaan la jiifaa oo uu uga baxay ballanti aan laheyn” Yaasmiin ayaa tiri: “hadda dhow ayuu seexday oo lama toosin karo, waxaad soo wacdaa markuu soo tooso” Deeqa ayaa tiri: “ma anigaad amar isiineysaa! waa adduun iyo xaalkiis, laakiin haddii aad dib dambe u aragto Raage marada aan ku jiro naag kuma jirto” markaa ayay Yaasmiin tiri: “Deeqa ha igu kalifin inaan Raage kaala wareego” Deeqa ayaa tiri: “yaa maxaa tiri, hahahahahaaa, waa intaan kaa doonaayay oo waan ogaa inaad abeeso tahay, laakiin aad Raage qof fiican iskaga dhigeysay,balse waa inoo aniga iyo adiga” Yaasmiin ayaa tiri: “cadka haddii uu gacanta kuu soo galayna ma lihid caqli aad ku calfato, laakiin waxaan kuu ballan qaadaa markuu afkaaga ka soo boxo inuu af kale gelin aan keyga ka aheyn” Deeqa ayaa tiri: “waaba hadduu i soo dhaafo oo aad dib dambe u aragtid” markaa ayay telefoonka ku dhigtay.

103.

Yaasmiin ma seexan waxay gashay laundry (dhar dhaqid) markaan waxay ku dartay dharki wasakhda ka ahaa Raage, asagana wuxuu soo toosay ayadoo dharkiisa feereyneysa, Yaasmiin ayaa ku tiri: “aboowe weli quraac ma karinin oo dharka ayaan ku mashquulay” Raage ayaa yiri: “dhib ma leh, anigaa hadda noo karinaaya” Yaasmiin way ka diiday inuu kariyo, laakiin Raage ayaa khasbaday karinta oo ku yiri: “waxaan rabaa inaad aragto sida aan cunta kariska u aqaano” intuu kushiinka ku jiray, wuxuu uga sheekeeyay inuu waalidkii cuntada u karin jiray iyo inay hooyadiis jecleyd cuntada uu kariyo, Yaasmiin markay feeradi dhameysay ayay Raage ku tiri: “inta karinta ka hartay aniga ayaa dhammeynaayo” wuxuu ku yiri: “wax yar ayaa ii haray ee fadhiga iska sii fadhiiso” markuu quraacdi keenay oo ay Yaasmiin dhedhemisay ayay tiri: “wallahi caadi maaha maraqa aad karisay” Raage ayaa yiri: “waa sidaas oo ay iga dhinaayeen khudaar kale” Raage wuxuu la yaabay shacniga ka muuqda wejiga Yaasmiin oo uu maanta si fiican u fiiriyay, asagoo ku soo maqan ayay Yaasmiin aragtay, markay indhahoodu isku dheceen ayay Yaasmiin ilka caddeysay waxayna ku tiri: “telefoon ay Deeqa soo dirtay ayaa hurdada iga toosiyay, adiga ayay ku rabtay, laakiin waxaan u sheegay inaad goor dhow seexatay, waana ka diiday inaan kuu toosiyo” waxay u sii raacisay: “waxaan kuu haayaa nambarka mobilkeeda gacanta” Raage ayaa ku yiri: “iska haay Deeqa haddii ay rabto ayadaa i soo waceyso”.

Deeqa waxaa soo weceen shirkadi qandaraaska, waxaana loo sheegay inay 10 subaxnimo ugu imaanaayaan gurigeeda oo ay cinwaanka siisay iyo inay aadaayaan magaalada Los Angeles ee gobalka California, halkaa oo ay ku maqnaan doonto ilaa Talaadada subaxdi, sidaa daraadeed ayay u raacday gaari loo soo diray, shirkadu waxay qandaraas la gashay joornaalka (people) oo ay ku heshiiyeen in sawirka Deeqa lagu dhejiyo bogga ugu koreeyo iyo inay boqolkiiba afartan ay leeyihiin wixii ka koreeya 40 kun haddii laga iibsado, laakiin ay leeyihiin 10% inta 40 kun ka hooseysa, waa heshiis laba shardiile ah, inkastoo ay shirkadu ku kalsoon tahay quruxda Deeqa Daahir.

Marka uu Raage hurdada ka soo toosay waxay aheyd 11kii subaxnimo, Deeqana waxay ka duushay garoonka diyaaradaha, haddii uu nobilkeeda weci lahaana, waxay ka qaban laheyd ayadoo diyaaradda saaran, laakiin taas ma dhicin oo Raage wuxuu telefoon kale ka sugaayay Deeqa, maadaama ay ayadu soo wactantay, marki ay quraacdeen ayay Yaasmiin tiri: “waxaan rabaa inaan tv soo iibsado si aan cidlada uga weheshado, waayoo intii hore waxaa ila joogay walaalkeey Saacid, markaana wax baan baranaayay oo tv firaaqo uma hayn, laakiin markaan akhbaarkaaga helay ayaan shaqo billaabay oo waxbarashadi meel ku xirtay, balse hadda ayaan isleeyahay armaad tvga iska weheshataa markuu Raage kaa guuro” Raage ayaa ku yiri: “maxaad baraneysay?” Yaasmiin ayaa tiri: “sharciga ayaan jeclaa, laakiin way ii diideen waxayna isiiyeen management and business, waxaa ii harsanaa ilaa dhow iyo toban glasses” Raage ayaa yiri: “maxaad waxbarashadaada uga tagtay oo aad u dhameysan wayday?” Yaasmiin ayaa tiri: “waan kuu sheegay inaan adiga daraadaa uga tegay si aan wax kuu tarana aan shaqo u billaabay” Raage ayaa yiri: “hadda soow ma dhameysan kartid?” Yaasmiin ayaa tiri: “haa, laakiin inta ii harsan waa inaan jeebkeeyga isticmaalaa, waayoo kuwi igabixinaayay ayaa ii sheegay inay lacagta iga bixineynin haddii aan ka tago” Raage maskaxdiisa waxay ku mashquushay sida ay Yaasmiin mustaqbalkeeda uga soo tagtay asaga daraadiis iyo sida Deeqa ay u diidan tahay inay qandaraaska u joojiso asaga daraadiis.

104.

Raage ayaa Yaasmiin ku yiri: “lacagta anigaa kula bixinaayee ku laabo waxbarashadaada” Yaasmiin ayaa tiri: “Raage waa lacag badan, waayoo waxaa la isiin hiray guriga kiradiisa iyo nolosheyda, waxaa kale oo la iga bixin jiray lacagta glasseska aan dhiganaayo oo derajadi ay tahay 180 doolar, waxaana ii harsan ugu yaraan 32 derejo” intuu Raage xisaabta isku dhufsanaayay ayay Yaasmiin sii raaciyay: “haddii aan samisterki qaato ilaa 3×3 iyo 3×2 waa 9+6=15 iyo midka kale oo 3×3 iyo 4×2 waana 9+8=17, sidaa ayaan hal sano ugu dhameyn karaa” Raage markuu helay xisaabti ayuu ku yiri: “lacagtaas ma badno waa 5760 iyo kharashka kale oo asagana intaa la mid ah, sidaa daraadeed adiga ayaa naga nasiib badan aniga iyo Deeqa oo jaamicad helay, marka waxaan rabaa inaan abaalkaadi kuugu gudo inaan lacagtaas kaa bixiyo, inta kharashka ahna aan kuu shaqeeyo halka sano oo aad ka dhameyneyso” Yaasmiin ayaa iska ooysay, Raage oo ooyinteeda ka naxay ayaa waydiiyay sababta ay u ooysay, waxay ku tiri: “aniga wax abaal ah kuma gashan, waayoo inta aan kuu sameeyay nafteyda ayaan u sameeynaayay, runtiina haddii aan ku jecleyn kuuma sameeyeen oo wiilasha kale oo aan aqaano ayaan u sameyn lahaa haddii aan qof wax iskaga qabanaayo, laakiin adiga waxaad rabtaa inaad iiga fogaato waxa aad ii qabaneyso oo waxaad isleedahay Yaasmiin yay wax kugu sheegan ee abaalkeedi mid ka weyn ugu gud” Raage intuu aamusay ayuu Yaasmiin fiiriyay asagoo hadaladeeda ka fekeraaya, Yaasmiin intay fiirisay ayay ku tiri: “hee maxaa kugu dhacay aboowe” Raage intuu hadlin ayaa albaabka la soo garaacay, marki la furayna qofki loo maleeynaayay qof aan aheyn ayay noqotay oo ah Layla Cabdi, markay soo gashay waxay ku salaantay hadal Raage ka nixiyay, Yaasmiina ka farxiyay iyo Layla oo ka raja qabtay inay hadda firaaqo u heleyso Raage, markay u sheegtay inay Deeqa shaqo billoowday, kadib waxay Rr waydiisay: “ballanti aad laheydeen Deeqa waa ka baxday, laakiin waxaan u maleynaa inaad adiga cafineyso” waxay Layla sii raacisay: “waxay Deeqa ii sheegtay inaad aad iyo aad u jecelahay, wax kastoo ay sameysana aad raali uga noqoneyso” Raage ayaa ku yiri: “Layla waad ku mahadsan tahay inaad ii soo sheegtay Deeqa inay baxday” Layla ayaa tiri: “adigaa mudan, Deeqana waxay soo laabaneysaa galabta talaadada, furihi guriga ayay iigu kaa dhiibtay, waxayna igala ballantay inaan kaa kaalmeeyo wixi aad iiga baahato” Raage ayaa yiri: “waxaad iga kaalmeysaa inaad Deeqa furaha u hayso inta ay ka soo laabaneyso” Layla ayaa tiri: “hadda dhaw caadi ayaad ila aheyde maxaa kugu dhacay?” Raage ayaa yiri: “adiga fartiinta lagu faray waad ii sheegtay, anigana midda aan ku faray qaado” Yaasmiin ayaa tiri: “Layla furaha u haay Deeqa inta ay ka soo laabaneyso” ileyn waxay Yaasmiin aragtay inuu Raage ka carooday hadalka Layla, markaa ayay ka shakiday inay Yaasmiin isu rabto Raage, balse way ogtahay inaan Raage si sahlan looga qaadeyn Deeqa, ayagoo wada fadhiya ayuu telefoonka soo dhacay, waxaa soo wactamay Jamaal Dooli oo ay Yaasmiin u dhiibtay Raage, intuu telefoonka ku maqnaa ayay Layla ku tiri Yaasmiin: “Deeqa aad ayay kaaga maseyrtaa ee maxaa jira?” Yaasmiin oo og xiriirka Deeqa iyo Layla ayaa tiri: “Deeqa hooskeeda ayay ka maseyrtaa” Layla ayaa tiri: “Deeqa wax walba waa ii sheegtay, xataa inaad ku tiri ha igu kalifin inaan Raage kaa qaado iyo inaad jeceshahay Rr” Yaasmiin ayaa tiri: “hadda markuu Raage noo soo laabto, waxaad waydiisaa waxa naga dhexeeyo, Deeqana waa runteed inaan hadalkaas ku dhahay, waxaana u sabab ah ayada” Layla ayaa tiri: “hadda Raage ma rabtaa mise?” Yaasmiin ayaa tiri: “Raage waa walaalkeey” markaa ayay Layla u ferdi baxday Yaasmiin oo yaab dhababada la qabsatay, waxay la fajacday gabadha yarta ah iyo jaceylka ay u qabto Raage, waxay Layla ku baryootantay inay Yaasmiin ku kaalmeyso sidi ay Raage ku heli laheyd iyo inay Rr ku qalqaaliso inuu guriga Deeqa u guuro, si ay fursad gaar ah ugu hesho inta ay Deeqa maqan tahay.

105.

Layla ayaa Yaasmiin ku tiri: “waan maqli jiray jaceylka, haddana waxaan moodi jiray wax kale, laakiin markaan arkay walaalkeey Cawil siduu Susan u noqday ayaan qiray jiritaankiisa, wixii markaa ka dambeeyay waxaan ku fekeraayay inaan arko wiil aan jeclaan karo, ilaa ay nafteydu dareentay inay rabto Rr, waayoo wuxuu iila muuqday wiil qurux badan oo edeb iyo ixtiraam badan oo masuul ah, haddana gabadha uu Mareykanka keenay aanu qabin oo ay xaaskiisa aheyn, laakiin ay israbaan, Deeqana waxay iigu muuqataa inay tahay gabar aan istaahilin wiilkaa wanaagsan, wayna cadahay inay calfaneynin, maadaama ay diiday arrimihi uu u soo jeediyay, sababta oo ah waxay Deeqa aaminsan tahay inay lacagteeda ku soo xera gelin karto, balse marka uu Rr iga diiday qaadashada furaha guriga, ayaan gartay inuu yahay nin go’aan leh, middaas ayaa waxay igu abuurtay inaan fursadaas ka faa’iideysto, laakiin sidi aan ugu sheegan lahaa ayaa cabsi iiga jirto, sidaa daraadeed waxaan kaa baryaa inaad igu kaalmeyso” Yaasmiin ayaa ku tiri: “soow ma ogid inuu Dd jecel yahay?” Layla ayaa tiri: “Rr wuxuu Dd jeclaa markay aheyd Deeqa Daahir, laakiin hadda Dd waa Deeqa Doolar, asagana go’aan cad ayuu ka qaatay iyo weliba haddii ay qandaraaska ka baxdo inuu bixiyo lacagta lagu yeelanaayo, haddiise ay hal sawir gasho, wuxuu Deeqa u sheegay in markaa ay iskugu dambeeyso, midda kale waxay rabtaa inay Raage u soo iibiso gaari Rolls Royce ah oo uu jecel yahay, si ay qalbigiisa u hanato, balse ma filaayo inuu Raage ka yeelaayo” Yaasmiin waxay ogaatay wax yaabo badan ay ogeyn, markaa ayay Layla ku tiri: “waxaad sugtaa ilaa uu Raage ka diido gaariga ay Dd u soo wado, markaa wuxuu sii joogaa gurigaan oo aad ugu imaan karto” Layla yar way qaadatay fikradda Yaasmiin u soo jeedisay oo ah: (wax hubso marka hore) sidaa ayay ku tagtay Layla.

Yaasmiin oo kaligeed fekereysa ayuu Raage u yimid, wuxuu u sheegay in boos Sponsorship ah loo helay walaalkiis Xasan Rooble iyo xaaskiisa Faaduma iyo in loo baahan yahay inay tagaan Nairobi Kenya, sidaa daraadeedna uu asaga qaatay kharashka ay kaga baxaayaan Yaman oo ay ku tegaayaan Nairobi, Yaasmiin way ku faraxday imaanshaha Xasan oo taageere weyn u ah, markaa ayay tiri: “kharashka anigana kaalin ayaan ka qaadanaa” Raage ayaa yiri: “walaasheey ayaa tahay waana ogahay inaad kaalin weyn ka qaadaneyso, mida kale waxaa loo baahan yahay guri ay ku soo degaan qoyska, waxaana la ii sheegay inay Faaduma walac tahay” Yaasmiin ayaa tiri: “hambalyo aad iyo aad ayaan ugu farxay siyaadada walaalkeen Xasan, waxaan u soo kireyneynaa guri hal qol ama laba qol ah oo fadhi leh” Raage oo qorshihiisu ahaa lacagta yar ee uu haayo inuu jaamicada uga bixiyo Yaasmiin, ayay ku soo furantay bad kale oo ah inuu reer Xasan geeyo Kenya oo uu weliba ku haayo ilaa ay ka soo baxaayaan, waayoo Jamaal Dooli wuxuu bixiyay kharashki lagu iibiyay booska Sponsorka, wax kalana uma noqdaan, walaalkiis Maxamedna wuxuu aaday Soomaaliya oo uu ku maqnaanaayo dhowr bilood oo asagaaba u baahan in wax loo diro, marka uu wax u baahdo.

Yaasmiin waxay aragtay inuu fekersan yahay markaa ayay ku tiri: “Raage waxba haka fekerin, inta aan joogno waxba kama halaabaayaan qoyska walaalkaa, waana ku dadaaleynaa inaan waxba ka hallaabin” Raage wuxuu u sheegay qorshaha uu damacsanaa iyo midka ku soo baxay, waxay Yaasmiin ku tiri: “dib ayaa loo dhigan karaa waxbarashada oo waxaa ka muhiimsan arrinta kale” sidaa ayay ku heshiiyeen, waxaana leyska dhaafay tvgi la soo iibin lahaa, balse waxay isu raaceen magaalada si uu Raage u soo barto wadida gaariga oo uu driving license u soo qaato inta aanu walaalkiis Xasan imaanin iyo inay adeeg raashin soo iibsadaan.

Layla markay gurigeeda tagtay, ayay walaalkeed Cawil uga sheekeysay xaalada murugsan ee ka dhexeeysa Raage iyo Deeqa, kadib markii uu ku arkay furaha guriga Deeqa oo uu waydiiyay halka uu ka soo galay furahaas, Cawil oo sheekada aad u xiiseeynaayay ayaa waydiiyay aragtida uu Raage ka qabo khilaafkooda, markaa ayay Layla tiri: “Raage go’aan adag ayuu ka qaatay arrinta Deeqa, wuuna iga diiday inuu qaato furaha ay iigu dhiibtay, wuxuu la joogaa Yaasmiin” markaa ayuu Cawil yiri: “Yaasmiin waa gabar khatar ah, marba haddii ay faraatigi kala baxday gacanta Deeqa” Layla oo aan garan wuxuu walaalkeed ula jeedo faraatiga lagala baxay gacanta Deeqa ayaa waydiisay, markaa ayuu u sheegay inay Yaasmiin muraad ka laheyd Raage oo ay rabtay inay kala soo wareegto Deeqa, markaa ayuu waa’ cusub u baryay Layla oo wax u qarsoon aanay jirin.

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN