Danjire: Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Faallo-300x132Danjire Qaybta 1aad

Erayga “Danjire” macnihiisu waxaa weeye “Midka jira oo ku maqan oo loo dirsaday danta shacbiga dawladda dirsatay”.

Sidaasay soomaalidu ninka xoolaha raaca u tiraahdaa “Xoolojir.”

Maalin dhowayd ayaan waxaan (RT.com) TV Russia Today ka fiirsaday khudbad uu jeediyay madaxweynaha ruushka Vladimir Putin.

Boggaas, khudbada kaddib waxaa ku wada hadlay inta doonaysa inay khudbaddaas ka faalloto, oo adduunka geesihiisa kala jooga,

lehna mid taageeraya iyo mid diidanba.Nin kuwaas ka mid ah ayaa wuxuu qoray:

“Ma ogtihiin sababta ay USA uga dhici waayeen khalkhallo, xasillooni darro iyo dawladda oo lagu kacdoomo oo xoog lagu beddelo?”

Isagaa isku jawaabay wuxuuna yiri:

“Maxaa yeelay dalka maraykanka kuma taallo safaarada maraykan!”

Dalalka galbeedku ee Maraykanka, Qaaradda Yurub intaan Russia ka ahayn, Kanada, Australia iyo New Zealand waa sabool oo macaadin ma laha, saliid ma laha, gaas ma laha, dahab ma laha, dhuxul ma laha iyo waxay nolosha uga baahan yihiin oo idil. Lacag ay intaas ku gataanna ma laha.

Hadday macaadintaas waayaanna, warshadohoodu iyo bangiyadooda waa wada xirmayaan oo lacagaha dhaqaalohooda oo idil ku socdo wa lacagaha ay dawladaha carbeed ee batroolka lehi bangiyadooda dhigtaan, oo albaabbada la isugu laabayaa, waxaana ku dhacaysa shaqo la’aan guud, nalka ayaa White House iyo 10 Downing Street ka damaya, caruurta caanohooda ayaa la waayayaa, markaasay ayaga dalkooda xasillooni darro ka dhacaysaa iyo dagaal sokeeyey.

Maxaad u malaynaysaa inay tahay sababta calanka ingiriiska hoos loogu dhigay intaasoo maalmood markuu boqorka midka hadda jooga ka horreeyey ee sucuudigu dhintay?

Sababtuu waa in la’aanta lacagta iyo batroolka sucuudiga dalka ingiriiska lagu kala tegi lahaa.

Marka shaqada danjirayaalkoodu waa inay xasillooni darro ka abuuraan dalalka khayraadkaas leh, ay isku diraan oo ay fitnooyin ka dhex dhaliyaan, dadka degganna u bara kiciyaan, si ay dhulkooda iyo khayraadkooda ugala wareegaan.

Waxayna dagaal wayn ugu jiraan tirtiridda taariikhda wayn oo suubban ee halyayda carabta iyo muslimiinta, si uu abuurmo fac aan waxay yihiin ogayn iyo aabayaal ay ku faanaan oo ku
daydaan oo geesiyaal ahaa, oo iimaanka u xoojiya, siiyana yididiilo xooggan. Aabayaalkood waa aabayaalka dalalkooda daafacay oo reer yurub zaman horreeyey jebiyay oo bara kiciyay.

Galbeedku taariikhda dalalka carabta ayuu kutubbo dib ugu dhigay, wuxuuna kutubbadaas ku dhigay waxay ayagu doonaan oo aan waxba ka jirin, oo carabta lagu liidiyo.

Maalin ayaan waxaan tegay maktabada Library of Congress ee Washington DC ee dalka maraykanka, anigoo doonayay diiwaanka Sayyid Cabdulle Xasan inaan kasoo masawirto, waana ka helay, kana masawirtay.

Markaasaan waxaan kopmputarka geliyay erayga Somalia waxaana ii soo baxay kutubbo badan oo Soomaaliya laga dhigay.

Waxaan soo qaatay laba ka mid ah kutubbadaas oo ku saabsanaa taariikhda Soomaaliya, oo ay midna dhigtay State Deprtment, kan kalena CIA.

Markaan labadaas kitaab akhriyay waxaan arkay inay waxa ku dhigani ay been iyo wax la been abuurtay yihiin oo taariikhda runta ah ee Somalia aan waxba laga sheegin, oo anigu muddaday taariikhda labadaas kitaab Somalia ka dhigeen anigu Soomaaliya ayaan joogay oo aan xogogaal u ahay taariikhdeeda.

Waxaan kaloo arkay Wiil soomaali ah oo Gobolka Maryland dugsiga Dhexe/Sare ka dhigta oo kitaab la yimid isagoo gacanta ku wata Masjidka dhexdiisa.

Markaasaan kitaabka ka qaatay oo aan isha mariyay, waxaanna arkay inuu kitaabkaasu taariikhda Somaaliya ku saabsan yahay, waxa ku dhiganna ay been abuur yihiin iyo Cay soomaalida iyo dawladda soomaaliyeed la caayayo.

Wiilku wuxuu ii sheegay in kitaabkaas skoolka looga baro taariikhda Soomaaliya. Ardayga dugsiga taas looga dhigo waxaa la barayaa oo uu isaguna rumaysanayaa taariikh soomaaliyeed oo aan waxba ka jirin.

Sidaasayna ku wada sameeyeen dalalka carabta ah, sidaasayna hadda u beddelayaan taariikhda Russia iyo jarmanka.

Taas ayaana u sabab ah inay qubuurta faagaan, masjidyada dumiyaan, matxafyada dumiyaan, taallooyinkana dumiyaan.

Danjirayaalku dantaas weeye midday dawladohooda u jiraan. Marka waa Cadaw aad adigu u yeeratay oo dalkaaga kugula nool.

Inay sidaas tahayna, waxaan idin siinayaa tusaalaha danjiraha Jarmanka ee Soomaaliya, oo aan goob jog ka ahaa ayada oo la kulansan Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre, Allaha الله\ u naxariistee, warbixintayduna waa sidatan.

Isku dir
Hubabka waawayn oo dawladaha krishtaanka ahi isticmaalaan, waxaa ka mid ah isku diridda qaybaha kala duwan ee Dalalka ay ku duulaan, oo ay Qabiil isugu diraan, ama xagga diintaba, Sunni iyo Shiico isugu diraan, ama waxay ayagu hindisteen aanse jirin oo dimuqraasiya iyo Siyaasad la yiraahdo.

Dawladahaas ay ku duuleen oo idil la dagaallankooda isku si ayay u wada bilaabeen, oo waxay hubeeyaan koox madaxweynaha ku kacda oo dalbata in la casilo.

Markaasuu shacbigaas laba u kala jabaa: qayb dawladda raacsan oo mid kasoo horjeedda. Markaas kaddib ayay NATO iyo EU si toos ah dagaalka usoo gashaa oo ay kuwa dawladda kasoo horjeedda taageertaa, kaddibna ay askartooda keenaan oo dalkaas lagu duulaa: fiiri Soomaaliya, Afganistaan, Ciraaq, Libiya, Tuunis, Suuriya, iyo kuwo kaleba.

La soco qaybta 2aad

Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

SHEEKOOYIN