XOR MIYAA TAHAY?

xornimo

 

XOR MIYAA TAHAY?

Dhulkaaga ayuu kuugu yimid, Maal, Deeq waxbarasho, wax walba oo baahida Aadanaha ku salaysan ayuu dhinac walba kaa soo galshay ama ku siiyay, markaas ayaad inta u riyaaqday dhagaysatay farriinta uu sido, taas oo dhagtaada si hoose ugu dhibciyay ilaa ay u gudubtay dhankaaga dhimirka oo ah meesha uu qofka ka noolaado am aka dhinto.

Halka aan u socdo waa mid mutaxan ilaa hadda, balse Qormada dhamaadkeeda ama dhexdeeda ayaad ku dareemi doontaa, fadlan dulqaad u yeelo aqrinteeda si warku kuu galo, waxna aad u ogaato, waaba se haddii warkaygu kugu socon karo.

Dhul ayuu Rabi kugu mannaystay, Nimoc nuuc walba ah waad haysatay, nasiibkaas Abuuraha kuugu deeqay ayuu inta kuu quuri waayay Har iyo habeen u fakaray sida uu kaaga soo dhex saari lahaa, kaagana dhigi lahaa mid uu isag leeyahay ama aad tahay Adoon fariimihiisa gudbiya, waxa uu doonana u fuliya, waa marka laga hadlayo mabaadii’da Nolosha.

Waxaad arkaysaa Qof midabka iyo muuqa marka aad ka aragto aad is leedahay waa Soomaali, marka uu dhawaqana waaba soomaali, balse fikirka iyo fariiimaha uu gudbinayo ma ahan mid soomaaliyeesan, waa mid uu umad kale u gudbinayo, uguna shaqeenayo, balse, isaga isma oga, maxaa yeelay waxaa laga qabsaday xaga dhimirak oo aan kor kusoo sheegay in dhimirku yahay halka laga hago Qofka, haddii mar laga qabsada meeshaasna qofka qabsaday uu yeelanayo.

Sidaa darteed qofka nuucaas ah isma oga ruuxa uu yahay, Soomaali muuqaal ahaan wuu yahay, balse isma ahan, micnaha ma oga waxa uu yahay, dhabta marka laga hadlase wuxuu yahay fariinta uu gudbinayo cidda uu u gudbinayo darteed, maxaa yeelay wuxuu ku qancay, kuna raali noqday, aaminayna fariinta uu gudbinayo in ay tahay mid saxan.

Fahmka waa lagu kala duwanaan karaa. waxaa laga yaabaa in aadan ila garan halka aan ka hadlayo iyo cidda aan ka hadlayo iyo cidda aan la hadlayaba. Waxaansa la hadalayo waa adiga aqrinaya qoraalkan ee fahmi kara, Cidda aan ka hadlayana waa dadkaaga kugu afka ah ee laga yaabo in ay leeyihiin tilmaamaha aan soo sheegay, waaba leeyihiin qaarkood sida aan aaminsanahay.

Xor ma tahay? Bal is waydii waxa ay xornimadu tahay? Maxay tahay xornimada? sideesa u fahantay?

Intaas oo su’aalood waa su’aalo haddii aad is waydiisid laga yaabo aadan wada helin jawaabahooda balse is waydiintaas nafteeda ay Daawo u noqon karto naftaada, oo bal xoogaa aad ka xoroobi karto ama ka dawoobi karto is waydiin la’aanta.

Qofk wax is waydiiyaa wuu ka firfircooni badan yahay inta aan wax is wadyiin, maxaa yelay mar walba oo wax is waydiiso hubanti in aad wax ogaan karto, lagana yaabo jawaabaha qaar in aad hesho shiilid aad maskaxdaad shiishay darted.

Hadab is waydii xor miyaa tahay?

Dhulkaaga ayuu kuugu yimid, wuxuu isku kiin diray walaalkaa, madaxa ayaa is galiseen , si xun ayaa isku xasuuuqdeen, waa is nacdeen, Cadow ayuu midkiin kan kale u noqday, waad soo bara kacaday, qof walba gurigiisii, dhulkiisii, dalkiisii ayuu kasoo Barakacay, Qaxooti ayuu noqday, isla kii shalay isku kiin diray ayaa kusoo dhaweeyay, Xerya qaxooti ayuu kuu furay, cunno, wax walba oo aad u baahantahay ayuu ku siiyay, wuxuu kusii geeyay dalkiisa.

Waxaa laga yaabaa marka uu dalkiisa kusii gaynayo in aad Caruur wadatid ama aad xaga ku dhashid adiga iyo caruurtiba iskuul ayuu idiin furay ama idiin dhigay, waxaad noqoteen Ardadiisa, wali wuxuu dhibaato kusii wadaa dhulkii aad u dhalatay, isla adigii shalay uu ka soo qaxshay ayuu hadana kugu soo celshay dhulkaagi, markan waxaa tahay mid magaciisa xambaarsan, fikirkiisa xambaarsan, balse qabiilkaaga ma aadan hilmaamin ama kuma hilmaansiin, waa dhaxalka kaliya ee aad dhulkaaga kala tagtay waana dhaxalkii ugu liitay ee la doonayay in aad xoorto, nasiib darro m aadan xoorin, intii kalese maskaxdaada wuu ka shubay, balse in aad Reer hebel tahay, reer hebeln ay kusoo qaxiyeen ayuu maankaaga ku adkeeyay, hadana waxaad u socotaa aargudasho, kuguma jirto in aad tahay soomaali la doonayo in uu dalkiisa bad baadsho, waxa kaliya ee kuu muuqda ayaa ah walaalkaaga ku xanuujiyay shalay, ma ogid ama ma garan kartid in Dan guud ay idinka wada dhaxayso, nolosha aad xaga ku haysatana ay ka wanaagsanaan lahayd in aad ku haysatid dhulkaaga, balse Caqligii garan lahaa kaas wuu kaa maqan yahay, fakarkaaga waa mid gaaban kaas oo ah u xanuujinta hebel sida uu shalay kuu xanuujiyay oo kale.

Xil ayaad qabatay, waxaad u qabatay in aad ku luggoyso reer hebel, xaqa beeshaadana aad soo dhiciso, wayba fiicnaan lahayd haddii xaqa beeshaada aad si wanaagsan uso dhiciso waxba ma soo dhicisid, waa iska af aad fardaha ku kacsatid marka aad xildoonka tahay.

Dhaqaala badan ayaa kaa soo galay xilka aad magaca beeshaada ku heshay, beeshaadana waa garan la’dahay in xilka ay kuu dhiibeen aysan waxba ka faa’iidin magac ka raacay moyee, maxaa yeelay, xitaa hal qoys oo ka mid ah uma shiddid Dabka, hadana magacooda ayaad ku mushaaxdaa meelahana ku wareegtaa.

Qaabka maamulka aad madaxda ka tahay ma ahan qaab ay soomaalida leedahay, waa qaab laga soo meersho waddamada dariska ah, kuguma jirto is waydiinta ah maxaan u yeelan waynay Maamul dadkeena iyo dalkeena u adeega? maxaaba sidaa ku fakartaa horta yaa tahay? Haa waa reer hebel, meeshana wuxuu u yimid in uu reer hebel kale ka aar guto oo xanuunka uu tabanayo mid la mid ah ama ka daran uu marsiiyo, fakarkiisa maba ahan mid ku qotama soomaali ama midnimada Umadda soomaaliyeed.

Wuxuuba taagan yahay inta aan wax la qaybsan lahaa reer hebel, waxaa ii dhaanta aniga oo wax la qaybsada Amxaaro iyo Keenyaati, isma uusan waydiin kan uu ka cararayo iyo kan uu u cararayo midka u roon iyo midka uu wax ku noqon karo waxna la wadaagi karo.

Qof dadka gurigiisa kula nool la heshiin waayay, waxna la qaybsan waayay, horumarna ka gaari waayay ama la gaari waayay, waa maxay waxa intaas ka baxsan ee uu ka helayo amxaaro iyo kenyaati?

Waa sida aan sheegay waa qof is ah, hadana aan is ahayn, waan sababta aan kuu dhahyo ma is tahay horta? Qofka wuxuu is yahay marka uu garan karo waxa dantiisa ah iyo waxa uu yahay qof ahaan, waxaa kalo mudan in qofku uu is waydiiyo marka uu xambaarayo Fikir qof kale, isagu muxuu yahay? Miyuusan lahaan Karin fikir kale oo ka duwan kana hormarsan kan lagu shubay ee uu xambaarsan yahay.

Tilmaamahaas aan soo baxshay oo dhan waa soomaaliga maanta ee xornimada sheeganaya, hadaba, waxaa is waydiin mudan, Xor ma nahay, ama xor ma tahay soomaaliga aan la hadalayow? Iskaba illow midnimo guud aan kuu raaco Cidda aad sheeganayso micnaha beeshaada iyo maamulka aad hoos tagtaba, ma yahay mid xambaarsan fikir uu u madax banaan yahay, maamul ahaan iyo mabda’ ahaanba?

Jawaabta waa xagaaga, balse waxaan waydiintayda kusoo koobayaa ama aan kugu waydiin lahaa bal in aad xor tahay? Ma tahay Xor?

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN