Danjire Q4AAD: W/Q Dr. Xasanwali Sh Xuseen Cismaan DVM

 

Faallo-300x132Danjire Qaybta 4aad

Sanadka kun iyo sagaal boqol iyo sagaal iyo sideetanka waxay dawladda maraykanku u keentay dawladda Soomaaliya Warqad, anigana isoo martay intaan ahaa Agaasimaha Guud ee Waaxda Siyaasadda Dawladaha Ameerika iyo Yurub, ayna ugu soo jeedinayso inay dawladaha Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan, Ethiopia, Kenya iyo Ugaanda, waana dawladaha IGADD, ay midoobaan, ayna yeeshaan dawlad dhexe oo keli ah oo federaali ah, sida tan mareykanka oo kale ah, wadaagana gaashaandhigga, Siyaasadda arrimaha dibadda, Maaliyada iyo waxa sidaas oo kale ah.

Dawladdaas federaaliga ahna waxaa Magaalo madax u noqonaysa Addid Ababa, in kastoo ayan qoraalka sidaas ugu dhignayn.

Dawladda Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre waxay maraykanka u sheegaty in ayan tasi Caqli gal ahayn iyo meel mar midna, annag oo ah dadyow kala duwan, kala Diin ah, kalaafaf ah, kala dhaqan iyo kala Taariikh ah.

Anigaa la joogay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Dr. Cabdu Al Rraxmaan Jaamac Barre, markuu danjire Criegler xafiiskiisa ugu yimid, isagoo sida warqadda ay dawladda maraykanka oo qorshahaasu ku dhigan yahay.

Markuu hadalkiisa dhammaystay wuxuu Dr. Cabdu Al Rraxmaan ku yiri:

“Anigu waxaan kugu leeyahay wuxuu Madaxweyne Maxamad Siyaad Barrexalay kugu yiri markaad xafiiskiisa ugu tagtay, oo ah in ayan taasu naga suurtoobin, aanna yeeleyn. Annaga iyo Ethiopia iyo Kenya waxaa naga dhexeysa Colaad taariikhi ah, waxay naga haystaan dhul soomaaliyeed, waxayna gumaystaan dad walaaleheen soomaaliyeed ah. Isku af ma nihin, isku diin ma nihin, isku dad ma nihin.”

Wuxuuna u faahfaahiyay sababtay dawladda soomaaliyeed soo jeedinta maraykanka u diidan tahay.

Zamankiisa, kun sagaal boqol saddex iyo toddobaatanka, ayaa la gubay oo dab la qabadsiiyay hooteelka Muqdisho ugu waynaa oo ahaa Hotel Jubba.

Zamankiisa ayayna bilaabatay qaraxyo ka dhaca meelaha ay dawladdu leedahay, oo habeennimo la qarxiyo, sida Hoteel Juuba, oo dhawr goor oo kalena waxa qaraxa dibaddiisa iyo daydiisa la dhigay, iyo Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta oo dhawr goor la qarxiyay.

Danjire Bishop “Af qallooc”

Ninkaan la yiraahdo Bishop wuxuu ahaa Danjiraha maraykanka ugu dambeeyey intay Soomaaliya dawlad dhexe lahayd, soomaaliduna waxay u bixisay “af qallooc”.

Markuu ninkaanu Soomaaliya usoo socday, aniguna aan hayey Agaasinka Guud ee Siyaasadda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayuu ninka safaaradda maraykanka sii hayey wuxuu ii sheegay, igana codsaday inaan madaxdeyda gaarsiiyo, inuusan ninkaani qoslin, sababtuna ay tahay inuu murqaha iyo xididada wajiga uga dhacay cudur u diidaya inuu qoslo.

Wuxuu ahaa nin gaaban oo foolxun oo been badan oo akhlaaq xun. Sidaas ayuu afkiisu in yar u qallocnaa.

Markuu waraaqaha aqoonsiga Danjirennimada u dhiibayey Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre, aniguna aan goob jog ahay, waxa u horreeyey oo uu u sheegay waxay ahayd inuu Madaxweynaha ku yiri in haweentiisa oo ayaduna la timid Soomaaliya, ayadoo xeebta badda Jaziiro ee Muqdisho ku socota, waana maalin cad oo xeebta la buuxo, xabbad lagu soo ganay, kaddibna dambiishay gacanta ku sidatay laga dafay. Waxaanna u malaynayaa inay maalintaas uu sheegayo ay maalin jimce ah ahayd oo xeebta Muslin iyo gaalba laga buuxo.

Madaxweynuhu wuxuu wareystay ragga la joogay hadduu boolisku arrinkaas ka warbixiyay oo tebiyay, waxaana loogu jawaabay in ayan isaga hortiis arrinkaas maqal.

Hadday taasu run ahaantii dhici lahaydna waa loo soo tebin lahaa wasaaradda arrimaha dibadda iyo madaxtooyadaba.

Dhaqanka ciidammada mareykanka ayaaba wuxuu yahay inay ayagu tuuridda xabbadaha bilaabaan, si uu buuq iyo xasillooni darradu u bilawdaan, oo ay markaas ayaguna helaan marmarsiiyo ay hubkooda ku isticmaalaan ayagoo leh inay is daafacayaan., sidaan ku aragnay Dalal kaloo ay sidaas yeeleen, sida Albaaniya oo kale.

Waxaa kaloo goob joog ahaa danjire Axmad Maxammad Aadan “Qaybe”, oo dhulbahante u dhashay, oo markaas ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Waxaa kaloo ayaguna goob joog ahaa Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Al Xaajji Doktoor Cabdu Allaahi Xaaji Cabdu Al Rraxmaan oo Ogaadeen u dhashay, uuna awoowe u ahaa Sayyid Maxammad Cabdulle Xasan, kaddibna noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Waxaa kaloo ayaguna goob joog ahaa wiil uu Madaxweynuhu dhalay oo isaga xoghaye u ahaa, iyo nin ka socday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Madaxtooyada iyo nin ka socday Waaxda Habmaamuuska ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Intaan danjirahaas Madaxweynaha loo soo gelin, ayuu wuxuu Madaxweynuhu annaga nagu yiri:

“Waan ogahay sababta midkaan loo soo diraye soo geliya.”

Danjirahaas iyo gargaarayaalkiisaba, sida ninka wakiilka uga ah Soomaaliya Wasaaradda Gaashaandhigga mareykanka ee Pentagon, ninka u qaabilsan nabadgelyada safaaraddooda, ninka u qaabilsan USAID oo yiraahda gargaar ayaan bixinnaa, iyo midka u qaabilsan USIS oo wardoonka ku leg leh, intaasba isla mar ayaa laga soo beddelay Safaraadda mareykanka ee Liberia.

Shaqaalahaas middoodd waxayba ahayd haweenta danjire Bishop, oo madax ka ahayd ama USIS ama USAID midkood.

Waxaan Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho laga beddelin oo keli ah ninka u fadhiyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo wakiilka uga ahaa Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon.

La soco qaybta 5aad

Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

SHEEKOOYIN