Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.106-110aad. W/Q. Ahmed Hayow

Yaa khaldan

Cawil wuxuu furaha guriga Deeqa ka qaaday walaashiis Layla, wuxuu damacsanaa inuu aado guriga Yaasmiin asagoo raba inuu soo hubsado waxa uu Raage ka damacsan yahay Deeqa Daahir, inkastoo ay Layla waydiisay sababta uu uga qaadaayo furaha lagu amaaneystay, haddana way siisay markuu u sheegay inuu Raage ku qancinaayo inuu guriga Deeqa furihiisa iyo masuulidiisa la wareego, markaa ayay Layla u dhiibtay, ayadoo ka raja qabta inuu Raage ka yeelo oo uu u guuro guriga Deeqa, si ay halkaa ugu tagto mar kasta ay Deeqa safar aado, Layla waxay ogaatay dadaalka ay Raage ugu jirto inuu daba dheer yahay, Deeqana waxay booska uga saareysay inay kula taliso qandaraaska si ay u kala boodaan ayada iyo Rr, arrintaana waa ku guuleysatay, laakiin waxaa hadda ku soo baxday Yaasmiin oo uu Rr u yahay faraati ka dhumay oo ay dib u heshay, mana ka hayso iin ay booska uga riixato.
Cawil markuu tegay guriga Yaasmiin oo xiran, ayuu telefoonkeeda gacanta ka wacay, waxay u sheegtay inay magaalada ku maqan tahay, Cawilna wuxuu waydiiyay inuu Raage la socdo, markay u sheegtay ayuu ku yiri: “telefoonka iigu dhiib” waxay Yaasmiin u sheegtay inuu gaari wado iyo inuu hadda baranaayo shuruucda wadooyinka, Cawil ayaa waydiiyay goorta ay soo laabanaayaan, waxay Yaasmiin u sheegtay inay garan karin, laakiin ay soo wacayso markay guriga yimaadaan.
Deeqa Daahir waxaa la dejiyay hotel Sheraton oo five star ah, qolka la geeyay waa mid ka weyn afarta qol ay degan tahay, markay dhigatay boorsadi yareyd ay dharka ku sidatay ayaa lagu yiri: “afar saacadood kadib ayaan kuu imaaneynaa” waxaa shirkada la socota gabar Soomaaliyeed oo la yiraahdo Hani oo ay shirkadu u qaadatay inay Deeqa u noqoto turjubaan, Hani waa 19 jir ku dhalatay Los Angeles oo wax ku baratay, haddana rabta inay jaamicad gasho, waxay shirkada ka heshay shaqo (part time) ku meel gaar ah oo turjumaan ah, saacadi waxay qaadaneysaa 30 doolar, waxayna shaqeeyneysaa mar kasta oo Deeqa looga yeero gobalka California, haddana waa marki ugu horeysay ay shaqada billowdo, saacado kadib ayaa Deeqa loo yimid, waxaana loo weday dukaamada magaalada ugu qaalisan si loogu soo iibiyo dharki lagu sawiri lahaa, waxaa la geeyay Robertson Boulevard oo ay ku yaalaan dukaamo ay holywoodka dharka ka iibsadaan, Hani ayaa isbartay Deeqa waxayna u sharaxeysay dharka asliga ah inay kala baxdo kuwa ay ayada jeceshahay, Deeqana dhowr joog ayay la soo baxday, dadka iska leh dukaankana waxay calaameysteen dharka ay Deeqa la baxday, ileyn waxay rabaan inay xayaysiis ka dhigtaan markuu Deeqa sawirkeeda soo galo suuqa adduunka, Deeqa waxay gashay qolki cabiraada oo waxay soo gashatay toob gaduudan oo leh diilimo jaale khafiifa wata, markay soo baxday gaaladi ayaa yaabtay, inkastoo uu ka dhiman yahay timaha in loo sameeyo, dadki dukaanka wax ka iibsanaayay waxay daawasho u galeen Dd oo marba mid soo xiraneysa, kadib waxay soo qaadatay 10 isku joog oo kala daran iyo 4 joog oo kaba ah, dabadeed waxay soo aadeen beauty saloon si make up (qurxin) loogu sameeyo timaheeda iyo wejigeeda, waxaa laga jaray cidiyaha, waxaa loo hagaajiyay suniyaha iyo baararka indhaha, waxaa laga soo saaray (kaalay i arag) kadib waxaa loo weday meeshi lagu sawiraayay, Deeqa ayaa waxay Hani waydiisay: “katiinadaan iyo dhegahaan miyaa lagu sawiraa?” Hani ayaa ku tiri: “shalay ayaa la soo kireeyay katiinad, dhegadhego, faraatiyaal iyo jijimo dheeman ah oo loogu tala galay in lagugu sawiro” marki loo soo xiray katiinad loogu sheegay inay joogto nus million ayay Deeqa jeclaatay katiinada, laakiin waxaa loo sheegay in lagu soo kireeyay toban kun oo doolar mudo laba maalmood ah, Deeqa waxaa niyadeeda gashay: (katiinadaan haddii uu kugu arko Raage, wuxuu illoobi lahaa xujada uu kugu xiray) markaa waxaa Deeqa lagu dhuftay sawirki ugu horeeyay oo ay ka naxday inuu noqdo midki ay ku wayn laheyd kii ay ifka ugu jecleyd.

107.
Deeqa waxaa laga qaaday 20 sawir oo ay dhar kala duwan wadatay, sawiradaas oo midba midka ka dambeeya uu ka fiicnaa, waayoo waxaa Deeqa ka sii baxaayay walwal ay ka qabatay xiriirka sii kala go’aayay ee kala dhexeeyay Raage, kaasoo ay uga sheekeeysay Hani markay isu raacaan inay dharka soo bedelato, kadib markay Hani ku tiri: “Tom wuxuu i waydiiyay inuu ku haysto mashaakil qoys iyo in kale, waayoo wuxuu kaa dareemay inaad fekersan tahay” markaa ayay Deeqa u sheegtay xiriirka sii xumaanaaya ee kala dhexeeya Raage, markay Hani ogaatay waxa jira ayay Deeqa ku tiri: “sawirkaaga waxaa lagu dhejinaa bogga ugu horeeya ee people’s magazine, waxaana daawanaaya dad badan oo ay ka mid yihiin kuwa akhriya sawirada iyo dareenkooda, sidaa daraadeed waxaa lagaa rabaa inaad farxad muujiso ee iska illoow dareenka ku haaya daqiiqadaha yar aad kaamirada hor taagan tahay” wixii ka dambeeyay waxay Deeqa ku dadaashay inay ilka caddeyso, waxaana laga qaaday sawiro haakah lagu yiri, markay sawiradi ka soo bexeen ayay Deeqa waydiisatay Hani inay magaalada isku raacaan, markay ka ogolaatay ayay Deeqa tiri: “waxaan rabaa gaariga Rolls Royce ee ma igeyn kartaa meel aan gaarigaas ka heli karo” Hani ayaa tiri: “gaarigaas waa qaali oo lacag badan ayuu joogaa” Deeqa ayaa ugu jawaabtay: “waxaan rabaa inaan u iibiyo nin igala qaalisan oo gaarigaas jecel” Hani oo garatay inay ka wado Raagihi ay uga sheekeeysay ayaa waydiisay: “ilaa xadkaas miyaad u gaarsiisan tahay Raage?” Deeqa ayaa u sheegtay inay si aad iyo aad ah u jeceshahay iyo in lagu naaneeso Rr oo ay ugu sharaxday waxa looga jeedo labadaas R, Hani oo la yaaban ninka ay Deeqa ka hadleyso iyo sida uu u egyahay ayaa gaaleen meel lagu iibiyo gawaarada qaaliga ah, Deeqana waxaa la tusay dhowr gaari oo Rolls Royce ah, balse la soo isticmaalay in mudda ah, laakiin markay sheegtay inay rabto mid cusub ayaa lagu yiri: (waxaa jira mid uu dalbaday wiil ka mid ah boqortooyada Sucuudi Carabiya, laakiin marki la sameeyay kadib uu ka tala baxay, gaarigaasoo hadda lagu xaraashaayo magaalada Baltimore” midkaas ayay Deeqa dalbatay waxaana laga siiyay 72 kun oo doolar oo ay ku jirto lacagta lagu qaadaayo oo lagu gaynaayo cinwaankeeda New York, sawirka gaariga iyo koobi warqadiisa lahaanshaha ayaa Deeqa farta laga saaray.
Habeenkaa isniinta soo geleysay Hani waxay la joogtay Deeqa oo uga sheekeeysay wixi ay isla soo mareen Raage, balse waxay Hani u qaadan wayday inuu sheekada soo galo Kamaal Kaahin oo ah ninka shaqadaan u qalqaaliyay, labadoodana uu ka dhexeeyo xiriir curdun ah oo aan weli xoogeysan, Kamaal wuxuu ahaa ninka imtixaanka ka qaada gabdhaha Soomaaliyeed ee shirkadda ka soo doonta shaqada, kaasoo u xushay inay Hani qabato, kadibna habeen casha u ballansaday, habeenkaasna ay ku ballameen inay xiriir yeeshaan, Hani ayada oo rabta inay si fiican u hubsato Kamaalka ayay tiri: “Kamaalka aad sheegeyso ma midka shirkada u qaabilsan shaqa bixinta miyaa? oo ka yimid magaalada London?” Deeqa ayaa tiri: “haa, shirkadda miyaad ku baratay?” Hani ayaa u sheegtay inuu asagu shaqada siiyay, laakiin wax kale uguma darin.
Goor maqribki ah ayay guriga yimaadeen Raage iyo Yaasmiin, markaa ayay Yaasmiin wacday Cawil oo u sheegtay inay magaaladi ka soo dhamaadeen, asagana wuxuu ku yiri: “Raage ayaan rabaa inaan la hadlo” marki Raage loogu dhiibay ayuu ku yiri: “furaha xaaskaaga Deeqa, oo ay kuugu dhiibtay walaasheey Layla ayaan rabaa inaad masuuliyadiisa la wareegto, ileyn ma fiicna inuu gurigu dayacan yahay inta ay Deeqa maqan tahaye” Raage ayaa yiri: “Deeqa iyo aniga isku maan ogeyn inay safar aado, haddii ay aadeysana inay furaha qof kale iigu soo dhiibto ma aheyn, sidaa daraadeed furaheeda u haay marki ay timaadana u gee” Cawil oo raba inuu sheekada gudaha u sii galo ayaa yiri: “wax khilaaf ah miyaa idinka dhexeeya adiga iyo Deeqa?” Raage ayaa yiri: “waxa naga dhexeeya ma aha wax loo baahan yahay inay dad kale galaan, waayoo ma nihin laba qofood oo isqaba oo laysku soo celinaayo, taana waad ogtahay” Cawil wuxuu gartay inay kala fogaan dhacday, kaalinta uu ka qaadan karana ay tahay inuu iska dhigo qof dhexdhexaad ah oo raba inuu xaliyo arrinta murugsan, si uu Dd ugu dhawaado oo uu murugta ula qeybsado, kadibna uu u noqdo midki ay Raage ku illoobi laheyd.

108.
Raage markuu dhigay telefoonki Cawil ayay Yaasmiin waydiisay waxa uu ka rabay, wuxuu u sheegay inuu ka hadlaayay furaha guriga Deeqa Daahir iyo inuu rabay inuu hishiisiiyo asaga iyo Deeqa, markaa ayay Yaasmiin ku tiri: “maxaad ka tiri codsigiisa?”  Raage ayaa yiri: “aniga iyo Deeqa cid na heshiisiin karta ma jirto, waayoo haddii ay qandaraaska dhex gasho, wixii ka dambeeya ma rabo inaan wakhti isaga lumiyo, ayadana way ogolaatay inaan daba soconeyn shan sano oo hor leh, anigoo marki horaba ugu dulqaadanaayay annagoo aan isqabin inaan Mareykan soo aadno, haddana sidaa ayay rabtaa inaan ahaano, anigana waxaan rabaa inaan awlaad yeelano, awlaadaas oo ka kheyr roon malaayiin lacag ah” wuxuu sii raaciyay: “Deeqana waa u sheegay inay noo dhammaatay haddii sawir laga qaado” Yaasmiin oo aragtay carada ka muuqata wejiga Raage ayaa ku tiri: “aboowe isdeji, maskaxdaadana deji, kana fiirso go’aanka aad qaadaneyso” Raage intuu qoslay ayuu yiri: “jaceylku wuxuu xanuun badan yahay markuu billowga yahay, laakiin dhammadkiisa xanuun badan ma laha marba haddii aad heli karto wax ku illowsiiya” Yaasmiin oo garatay inuu ayada ka wado qofka uu Raage ka hadlaayo ayaa ku tiri: “weli lama oga waxa ay Deeqa ku maqan tahay oo waxaa laga yaabaa inaan sawir laga qaadin” waxay sii raacisay: “telefoonkeeda maad ka wacdid?” Raage ayaa ugu jawaabay: “maya, ayada ha i soo wacdo?” Yaasmiin oo aamusan ayuu u galay arrimaha walaalkiis Xasan.
Subaxdi Isniinta waxay Raage iyo Yaasmiin u kallaheen shaqadooda, halka people’s magazine lagu soo daabacay cadad ay bogga kore uga sawiran tahay Deeqa Daahir oo lagu soo qoray (Beautiful Somali Girl) saacadihi ugu horeeyay waxaa joornaalka ka gadmay boqolaal kun, maalintaana wuxuu jebiyay cadadka magazine iibsiga, Deeqa oo joogta qolka ay hotelka ka degan tahay ayuu soo wacay Kamaal oo ugu bishaareeyay inay ku guuleysatay tijaabadi ugu horeeysay iyo inay noqotay qof adduunka caan ka ah, markaa ayay Deeqa tiri: “midaa waan isku kalsoonaaye, waxaan ku waydiiyay meeqa sawir ayaa joornaalka lagu soo sawiray?” Kamaal ayaa yiri: “ilaa afar sawir ayaa lagu soo sawiray” Deeqa ayaa tiri: “ma afar ku dhan!” Kamaal intuu qoslay ayuu yiri: “afarta sawir waxaa hadda lagugu siinaa lacag 40 kun gaaraysa oo ay bixinaayaan dukaanka aad dharka ka soo qaadatay, waayoo waxaa aad looga iibsaday dharki aad wadatay” wuxuu u sii raaciyay: “ninka iska lahaa naqshada tolmada oo la yiraahdo Marcus ayaa raba inuu kula kulmo, si uu kuugu sameeyo tolmooyin kale” Deeqa ayaa tiri: “waa igu dheeleysaa” Kamaal ayaa yiri: “hore ayaan kuugu sheegay inaad dhiisha fakhriga tuureyso, haddii aad ka harto dadka xamaaliga raba” Deeqa ayaa ku tiri: “hantideyda oo dhan inuu Raage leeyahay miyaadan ogeyn?” Kamaal ayaa yiri: “haa, waase haddii uu kaa qaato” Deeqa ayaa tiri: “adiga baabkaas ka bax, waxa kali ah ee aniga iyo adiga naga dhexeeya waa wada shaqeyn oo kali ah” markaa ayuu Kamaal u sheegay inay u imaanaayaan asaga iyo Tom.
Deeqa ayaa hurdada ka toosisay Hani, waxayna u sheegtay inay soo socdaan Kamaal iyo Tom, markay isdiyaariyeen waxay raaceen Kamaal iyo Tom, laakiin albaabka hotelka ayay kula kulmeen suxufiyiin sawiro ku boobsiiyay Deeqa iyo inti la socotay, ayadoo ay gacmaha kaga aadinaayaan Kamaal iyo Tom, isla markiiba waxaa Deeqa la geliyay gaari kala jiidan oo limousine ah, Kamaal ma fileynin inay Hani la joogto Deeqa, taasoo uga ciyaartay qorshe gaar ah uu ka lahaa Dd, iyadoo ay Hani hadda ogtahay afaaraha Kamaal iyo Deeqa ka dhexeyn jiray.

109.
Galabti marki ay shaqada ka soo bexeen Raage iyo Yaasmiin, ayuu Cawil ugu yimid guriga asagoo wada Joornaalki ay ku sawirneyd Deeqa Daahir, laakiin Raage markuu arkay inuu Cawil gacanta ku sito ayuu damcay inuu qolkiisa aado, ileyn waxaa u cadaatay inay Deeqa ku sawiran tahay buugga uu wato, inkastoo uu Cawil isku dayay inuu Raage la hadlo, haddana waa u suurageli wayday inuu fadhiga ku celiyo, markaa ayuu Cawil intuu Magazineki bogga hore tusay ayuu isku dayay inuu Raage waydiiyo ” ma taqaan qoftaan Joornalka ku sawiran?” Raage asagoo aan fiirin ayuu qolkiisa aaday, Cawilna markuu xoogaa Yaasmiin la joogay ayuu iska tegay, kadib markay Yaasmiin fiirisay afarta sawir ee Deeqa, wuxuu Cawil soo faa’iiday dareenka Raage oo ula muuqday rajo beel iyo erayo ay Yaasmiin ku tiri oo ahaa: “maxaad Raage ugu keentay sawirada, soow ma ogid inay Deeqa ku hishiin waayeen qandaraaskaan?”.
Cawil wuxuu isu diyaariyay inuu soo dhaweeyo Deeqa, wuxuuna degsaday qorshihi uu ku soo dhaweyn lahaa oo ah inuu gurigeeda dhexdiisa ku sii sugo, ileyn waxaa gacanta ugu jira furihi guriga oo uu hadda wakiil ka yahay, wuxuuna furtay guriga oo uu ku soo wareegay gudihiisa, wax ka dhiman ma jiraan aan ka aheyn asaga ama midki calaf u yeesha Dd iyo xoolaheeda, isla markiiba wuxuu wacay walaashiis, wuxuuna u sheegay inuu caawa soo seexaneynin iyo inuu waardiye ka yahay guriga Deeqa, walaashiis Layla waxay ka xishootay inay waydiiso Raage, laakiin waxay gaartay inuu dhammaaday xiriirki Raage iyo Deeqa, isla markaana waxay aaday guriga Yaasmiin.
Raage kama soo bixin qolkiisa, wuxuu jiiftay sariirtiisa wuxuuna galay feker dheer, waxaad moodaa inuu ka cabsi qabo go’aan ka gaarista Deeqa Daahir, waayoo hadda ulama fududa sidi uu ugu hadaaqi jiray wixii ka horeeyay inta aanu sawirka soo bixin, wuxuu u egyahay nin ay tacsi u taalo oo kale, waxaa beerkiisa ka go’ila xusuus dheer iyo halganki uu u soo galay Deeqa, maalin uga xun oo soo martay waxaa ka jirta maalinti uu xabaalay Hooyadiis iyo Aabahiis, Yaasmiin oo garatay inuu fekersan yahay oo aan waxba ku darsan, ayaa waxaa u timid Layla, ayadoo albaabka taagan ayay Yaasmiin ku tiri: “Raage iigu yeer” Yaasmiin ayaa tiri: “Layla gudaha soo gal” Layla ayaa tiri: “ma soo gelaayo ee Raage iigu yeer” Yaasmiin oo wejigeeda ka garatay inay Layla wax soo ogaatay ayaa tiri: “Layla walaalkaa ayaa u keenay joornaal ay Deeqa ku sawiran tahay, wixii ka dambeeyayna wuxuu galay qolkiisa” Layla ayaa tiri: “qolkiisa ma ugu geli karaa?” Yaasmiin ayaa tiri: “guriga soogal horta” markay Layla soo gashay oo ay fadhiga tagtay, ayay Yaasmiin ku tiri: “sug waxaan kuu soo toosinaa Raage” Layla oo ka carootay hadalkaas ayaa tiri: “maxaad ku diiday inaad Raage ii soo toosiso markaan bannaanka taagnaa?” Yaasmiin ayaa tiri: “waxaan ogahay inuu Raage u bexeynin bannaanka ee hadda ma kuu soo toosiyaa mise?” Layla ayaa tiri: “waxaan rabaa inaan si gaar ah ula hadlo ama bannaanka ama qolkiisa, laakiin marabi inaan fadhiga kula hadlo” Yaasmiin ayaa ku tiri: “waa tahay, orod oo qolkiisa ugu tag” markaa ayay Layla aaday qolka Raage, intay u gashay oo cabbaar qolka kula jirtay ayay ka soo baxday, kadib intay fiirisay Yaasmiin ayay gurigeeda aaday, Raage oo yaaban ayaa qolkiisa ka soo baxay, wuxuuna Yaasmiin ku yiri: “Cawil wuxuu ii keenay sawirki Deeqa, walaashiis Laylana waxay igu tiri waxaan rabaa inaan arrin kaala hadlo, waxayna ballan ii dhigatay berri galab, waxaan garan la’ahay waxa isla kulmiyay!” Yaasmiin ayaa u sheegtay inay maalin dhaweyd Layla ka codsatay inay asaga kala hadasho iyo inay maanta u timid ayadoo intii hore ka duwan oo rabta inay ayada afkeeda kala hadasho, Raage ayaa yiri: “maxay Layla soo maqashay?” Yaasmiin oo markaan ku dhiiratay inay afka furato ayaa tiri: “waxay soo maqashay inaan aniga keyd kuu ahaa” Raage ayaa yiri: “yaa u sheegay inaad keyd ii aheyd?” Yaasmiin ayaa ka sheekeysay intay Yaman joogeen inay Cawil ku tiri: (Deeqa waxaan rabaa inaan farteeda kala boxo faraati luul ah oo iiga jira) Raage ayaa yiri: “Yaasmiin Joornaalki uu waday Cawil ma ku aragtay sawirka Deeqa Daahir?” Yaasmiin ayaa tiri: “haa, waxaan ku arkay afar sawir oo Deeqa Daahir ah” Raage oo si fiican u xaqiiqsanaaya ayaa yiri: “ma iga hubtaa inuu ahaa sawirki Dd?” Yaasmiin ayaa tiri: “waa hubaa laakiin haddii aad rabto Joornaalka ayaan kuu soo iibinaa” Raage ayaa yiri: “Deeqa waxa kali ah ee aan ku illiobi karo ayaa ah sawiradaas inaan Joornaalada ku arko” markaa ayay Yaasmiin aaday fadhiga si ay uga soo qaadato furaheeda gaariga, ayadoo rabta inay isla hadda joornaalka u soo iibiso Raage, si ay isla caawaba go’aan cad uga hesho Raage, laakiin nasiib wanaag waxay aragtay Joornaalki uu Cawil guriga keenay oo uu uga tegay kursigi uu ku fadhiyay, asagoo Raage uga tago si uu u arko.

110.
Yaasmiin waxay fiirisay Magazineki oo kursiga saaran, ayadoo aan hal mar ka libiqsanin ayay niyada iska tiri: (Raage ha u geynin Magazinekan, sababta oo ah haddii uu kari karo inuu fiiriyo, wuxuu fiirin lahaa markuu Cawil keenay) haddana waxay istiri: (waa tii uu ku lahaa: waxa kali ah aan Dd ku illaabi karo waa inaan sawiradaa ku arko Joornaalada ee u gee) ugu dambeyn waxay nafteeda Raage u baahan ku qancisay: (kuuma fiicna inaad Rr ku hesho fursad aad Deeqa uga faa’iideysato, waayoo haddii uu caawa kugu aqbalo sawirkaan daraadiis oo ay arrintu si kale isu rogto berri markii ay Deeqa timaado, waxaad ku khasaareysaa qorshahaagi aad laheyd, sidaa daraadeed waxaa kuu fiican inaad Raage ka sugto Deeqa asagoo ay niyadiisa ka go’day) middaas ayaa Yaasmiin la qurxanaatay, markaas ayay Joornaalki qarisay oo intay bannaanka u baxday sidi qof doonay Joonaalka ayay soo laabtay, waxay Raage u sheegtay in jaraa’idki la dhammeystay, waxay Yaasmiin is laheyd Raage ugu naxariiso inuu sawiradaas arkin inta uu murugeysan yahay, laakiin waa ugu dartay markay u sheegtay in magaalada oo dhan laga dhammeystay Joornaalki ay ku sawirneyd Deeqa, markaa ayuu yiri: “joornaalki ma sidaas ayaa loo dhammeystay?” Yaasmiin ayaa tiri: “laba dukaan oo kali ah ayaan ka soo fiiriyay, waana ka soo waayay” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin walaaleey aan gobalkaan ka guurno oo aan u guurno Minnesotada walaalkaa jiro” Yaasmiin ayaa tiri: “Rr kama guureyno ilaa ay ka yimaadaan walaalkaa Xasan iyo xaaskiisa” Raage oo illoobay middaas ayaa intuu dhafoorada qabsaday wuxuu yiri: “haa, waa ruuntaa” habeenkaas waxay Yaasmiin qolkeeda ka gashay Raage oo isku buuqsan, balse labadoodaba ma seexan oo Raage wuxuu ka fekeraayay Dd, Yaasmiina waxay ka fekereysay Rr.
Deeqa markay soo qaadatay lacagaheedi macaashka ahaa (bones check) ayuu Kamaal u weday casho, ayadoo ay la socoto Hani oo reerkeeda u sheegtay inay weli shaqo ku jirto, ayagoo aan garanin shaqada gabadhooda ay ugu sheegtay inay saacado shaqeyneyso oo ay habeeno ku dhexeyso, war la’aanta jirta ayaa ah inay Deeqa kashiftay sheekadi kala dhexeysay Kamaal iyo tii Xaawa Kiin, ayagoo hal meel ku wada casheeynaaya, ayaa waxaa dhacday Hani oo shaki kaliya qabtay ayay u caddaatay wuxuu Kamaal yahay, markaa ayay cashadi ka istaagtay oo boorsadeedi yareyd intay qabsatay ayay bixid isu diyaarisay, Kamaal ayaa celiyay oo ku yiri: “Deeqa waxay leedahay saaxiib, aniga iyo ayadana hore waan u sheekeysanay, laakiin hadda shaqo ayaa isu kaaya keentay soow sidaa ma ogid Haniyeey?” wuxuu sii raaciyay: “haddii aad iga diidid fadhiiso, waxaad ogaataa inay tahay sida aad u baxday” markaa ayay Hani amarka qaadatay oo fadhigi ku soo laabatay, balse markay salka dhigtay ayay Deeqa tiri: “Kamaal waagii aad igu laheyd London ayaan ku geynaa” intay hadalki joojisay ayay Hani ku tiri: “Hani xumaan ha u qaadan, sheekada waa mid la soo dhaafay” markaa ayay Kamaal ku tiri: “haddii aan kaa yeeli lahaa oo aad London igeysan laheyd, ma sida Hani oo kale ayaad amar ii siin laheyd?” mar kale ayay Hani istaagtay, markaa ayuu Kamaal yiri: “Hani hadda waad u fasaxan tahay wixi aad rabto, ama bax ama joog laakiin waxaan kuu sheegaa, Deeqa waxay la socotaa miskiin indha xiran oo ay amarka siiso” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “midka aad miskiinka ku sheegeyso waa kii aan adiga kaa doortay, asagoo Sanca ila jooga, adigase waxaa tahay nin raba mida uu indhaha saaro, aniga waxba kama sheegin Hani, mana dheceyso inaan wax ka sheego, balse waxaan hubaa haddii aan ku iraahdo Kamaal waa aniga iyo adiga, inaad Hani meel cidla ah uga tegeyso” Kamaal oo afki juuqda gabay ayay Hani tiri: “Kamaal waan jecelahay haddii uu amar isiiyo iyo haddii kalana wax dhexdeena kaaga jira ma laha” Deeqa inay qososhay ayay tiri: “Hani anigi kuu hiilinaayay miyaad iga gaar noqotay?” waxay sii raacisay: “waxaan maqli jiray ileyn doqoni hiil ma gasho, yaan ku arkin adigoo calaacalaaya” markay sheekadi xumaatay ayay soo wada raaceen Limousineti oo Deeqa hotelkeeda lagu dejiyay, waxay Deeqa ka fekereysay sidi ay Hani uga ooysiin laheyd.
Subaxdi Talaadada ayaa guriga Deeqa hortiisa la keenay gaari Rolls Royce ah, marki baarkinka la dhigaayay ayuu Cawil maqlay, markaa ayuu albaabka soo furay, markii la arkay ayuu soo aaday ninki gaariga keenay, wuxuuna u dhiibay warqad uu rabay inuu u saxiixo iyo fure buubuurku leeyahay, Cawil wuu u saxiixay, furihina wuu ka qaaday, markuu arkay gaariga Rrka ah, waxaa ku dhammaatay inay Dd ugu tala gashay Raage.

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN