Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.111-115aad. W/Q. Ahmed Hayow

Yaa khaldan

Subaxnimadi hore ayuu Raage soo toosay, Yaasmiina waxay soo toostay asagoo shaahi kariyay, markaa ayay kala wareegtay howshii kushiinka, markay quraacanaayeen ayuu ku yiri: “Xasan waxaa laga wakiishay gobalka Minnesota, halkaa ayayna ku soo degaayaan, sidaa daraadeed soow ma wanaagsana inaan halkaa guri uga raadino?” Yaasmiin ayaa ku tiri: “dadka Kenya laga keeno waxay ka soo degaan garoonka JFK, markaa ka bacdi ayay u sii duulaan halki ay ku socdaan, si kasta oo ay noqoto waxaa fiican inaan halkan ku sugno, muddo kadibna aan wada guurno” Raage ayaa yiri: “haddii ay sidaa tahay, waan iska deyneynaa gurigi loo ijaaraayay oo halkan ayay nala joogaayaan inti aan Minnesota ka aadeyno” Yaasmiin oo aamusan ayuu Raage yiri: “aniga iyo Xasan ayaa isla seexaneyna, xaaskiisana adiga ayay kula seexaneysaa” Yaasmiin ayaa tiri: “dhib maleh joogista ay nala joogaan ama ha nala seexdaan ama aan guri u kireynee, adiga u dir sahayda safarka ay Kenya ku gelaayaan” Yaasmiin way ogtahay sababta uu Raage uga cararaayo magaalada, laakiin ma rabto inuu sidaan ku tago, waxay rabtaa inuu gaaro wakhti uu Deeqa runta u sheego, ayadana uu xiriir ka dalbado asagoo xur ka ah walbahaarka ay Dd ku haayso.
Deeqa waxaa u yimaadeen Tom iyo gabar kale oo turjubaan u ah, Ladan ayaa ku tiri: “Deeqa magaceygu waa Ladan, waxaan ahay turjubaankaaga cusub, haddana waxaan aadaynaa guri uu degan yahay Mr. Marcus oo sameynaaya naqshado cusub oo model ah, ninkaas oo raba inuu dharka kugu cabbiro iyo inaad kala xulato naqshadda iyo midabka aad jeceshahay” Deeqa ayaa tiri: “aaway Hani?” waxaa loo sheegay in Ladan lagu soo beddelay, Deeqa oo isticmaaleysa inta ay luqada ingiriiska ka taqaano ayaa tiri: “waxaan rabaa Hani in la ii soo celiyo” sababta ay Deeqa u rabto Hani waa mid iska cad oo ah inay tusto tabarteeda inta ay la’eg tahay iyo inay ooyinteeda aragto, Tom ayaa ku yiri: “hadda Hani wakhti uma hayno, laakiin waxaan kuu ballan qaadaynaa inay marka dambe kula joogto” sidaa ayay Deeqa ku raacday, waxaana la geeyay guri weyn oo dhul weyn ku fadhiya, waxaana loo sheegay Mr.Marcus inuu gurigaan ka dhistay tolida dharka dumarka, kadib markii ay xulatay dharki oo la cabbiray ayaa loo soo qaaday garoonka diyaaradaha, waxaana loo sheegay in la soo weci doono marka loo baahdo.
Galabti ayay Deeqa ka soo degtay garoonka JFK, waxaa dhib ku noqotay siday ula hadli laheyd wariyayaal su’aalo waydiiyay oo qaarkood live ahaa, ileyn waxay aheyd qof la wada sugaayo oo gobalka oo dhan caan ka noqotay, cid ka celineysa oo la socotana ma jirto, waxaa telefishinada laga soo daayay, ayadoo intay kaamirada gacanta iskaga dabooshay ay leedahay: “no no no no no” wareysi la rabay in lala yeesho ayaa suuragal noqon waayay, balse waxaa loo arkaayay inay wareysiga diidan tahay, waxay soo qaadatay Taxi keenay gurigeeda, markay ka soo degtayna waxay waysay gaarigi Rrka ahaa, waxay istiri: (malaha Raage ayaa qaatay) guriga markii ay furatay oo ay qolalka ku wareegtay, waxay aragtay dharki uu uga tegay habeenki uu bijaamaha qaatay oo weli halkiisi suran, kadib waxay miiska fadhiga ku aragtay fure saaran, intay kor u soo qaaday ayay garan weyday halka uu furahaan ka yimid, wixii ka dambeeyay waxay wacday dhowr taleefan oo aan midna laga qaban, kadibna waxay gashay howlaheedi caadiga ahaa.
Cawil wuxuu qaatay gaarigi Rolls Royceka ahaa si uu magaalada ugu soo xureeyo, dad badan ayay la noqotay inuu gaariga laheyn ama inuu soo xaday ama inuu dareewal ka yahay, asagana waxaa ku jirta siduu iskugu heli lahaa Dd iyo xoolaheeda, wuu ogaa xilliga ay Deeqa soo noqoneyso oo walaashiis ayaa u sheegtay, laakiin inuu wakhtiga ilaaliyo waxaa illoowsiiyay saaxiibdiisa uu ugu faanaayay inuu yahay milkiilaha gabadha Soomaali ugu quruxda badan iyo xoolaheeda.

112.
Cawil oo u soo ordaaya guriga Deeqa ayay booliis istaajiyeen, markay waydiiyeen driving licence (ruqsada wadida) iyo caymiska gaariga, ayuu dhiibay aqoonsigiisa wadida oo kali ah, ileyn gaarigu taargo ma laha, ceymisna kuma jiro, booliisku marki ay garaaceen nambarka titleka gaariga, ayay arkeen inuu ku qoran yahay, magaca Raage Rooble, markaa ayaa Cawil lagu yiri: “gaariga ka soo dego” waxaana farta laga saaray tigid, kadib ayaa la waydiiyay: “gaariga yaa iska leh?” Cawil ayaa yiri: “Deeqa Daahir” waxaa lagu yiri: “magacaas kuma qorna gaariga, laakiin waxaa ku qoran odaygeeda Raage Rooble, maadaama aad Soomaali wada tihiin, sidaa ayaan kugu dayneynaa, balse gaari aan ceymis laheyn lama wadi karo, waana in la jiidaa gaariga adigana aad isdebertaa” sidaa ayaa gaarigi lagu jiiday, Cawil asagoo aan ogeyn halka loo jiiday ayuu Taxi ka soo qaatay halki gaariga looga dejiyay, wuxuu yimid guriga Deeqa oo markaa qubays gashay, inkastoo ay dareentay in guriga la soo galay, markay soo baxday way maleysan weyday qofka ay indhaheedu arkeen, markaa ayay tiri: “Cawil ma adigaa watay gaarigi Rr?” wuxuu u sheegay inuu soo tijaabinaayay, laakiin ay booliisku jiideen markay waayeen ceymiska gaariga, Deeqa ayaa tiri: “adigana inay ku xiraan ayay aheyd ee furaha guriga keen oo albaabka ka dego” Cawil oo sii hadli raba ayay Deeqa ku celisay oo ku tiri: “walaashaa Layla waa khaladki labaad ay iga geleyso, mid waxay telefoonkeeyga gacanta siisay Yaasmiin oo hariifadeyda ah, midka kalana waxay furaha gurigeeyga soo siisay walaalkeed oo raba inuu galo booska Raage” waxay ku sii dartay: “ma kuu sheegaa sababta ay Layla intaa u sameeyneyso? waa inaad adiga i hesho aniga, ayadana ay Raage hesho, waan ogahay middaa laakiin inay gabar yar tahay iyo inay waxba iga qaadi karin ayaan ogahay, ma fahamtay midda kale waxaan u baahanahay Driver (shufeer) gaariga nagu wada aniga iyo odaygeeyga, haddii aad diyaar u tahay (welcome) soo dhawoow” Cawil waxaa lagu garaacay dhulka, markaa ayuu yiri: “hadaladaan xasuusnoow oo meel ku qoro” Deeqa ayaa tiri: “war orod maxaad iga qaadi kartaa?” markuu Cawil ka tegay ayay 911 wacday, waxay u sheegtay in gaari Rolls Royce ah laga xaday, waxaa la siiyay lambarka meesha la geeyay iyo ninka lagu qabtay magaciisa, Deeqa waxay ku fekertay inay Cawil xabsiga dhigto, laakiin waxay ka doorbiday inay gaariga raadsato, markaa ayay wacday guriga Yaasmiin oo laga qaban waayay, haddana waxay wacatay Layla oo markaa fasal ku jirtay, ugu dambeyn waxay wacday telefoonki la siiyay oo ay ka qoratay cinwaanka, waxaa geeyay Taxi, laakiin nasiib xumo gaarigi oo ay arkeyso ayaa loo diiday in la siiyo ilaa uu ka yimaado qofka ku qoran oo ah Raage Rooble, inkastoo uu ka hallaabay qorsheheedi ahaa inay si lama filaan ah Raage ugu hadiyayso gaariga, haddana waxay ka fursan weyday inay aado guriga Yaasmiin, si ay Rr uga soo wadato iyo inuu gaariga ka soo saaro xerada lagu haysto.
Cawil markuu ogaaday jaceylka walaashiis u qabto Raage, ayuu ku tala galay inuu walaashiis kala shaqeeyo siday Rr ku heli laheyd, asagoo ku xumeeynaayo Deeqa, wuuna ogyahay inay Yaasmiin ku jirto sidi ay kula wareegi laheyd Raage, balse waxaa kala muhiimsan inuu Raage dhankooda soo maro si ay Deeqa uga soo raadsato gurigooda, faraatiga fartaada inuu ku jiro ayuu kaga qurux badan yahay inuu far kale ku jiro, sidaa daraadeed wuxuu dejiyay qorshe uu Yaasmiin ugu mashquuliyo madadaalo been ah, si ay walaashiis fursad ugu hesho Raage, haddii laga fursan waayana uu Yaasmiin u guursado, haddii ay sidaas Deeqa ku waynayso Raage.

113.
Deeqa gobalka oo dhan caan ayay ka noqotay, balse maxay kuugu taalaa dadka lagama garan karo, waayoo waxay qaadataa shuko iyo qamaar ay jiq isku siiso, ileyn dabaacadi ay Yaman kala timid ayay halkaana ku qabatintay, inkastoo marki ay joogtay Los Angeles ay caadi u labisneyd, magaaladaan qofki wejigeeda fiiriya wuu dareemaa inay qurux u dhalatay, wejigeeduna uu dabiici yahay, ileynse ma oga inay tahay gabadhi ku sawirneyd joornaalka uu ku arkay, sidaas oo kale lama yaqaano telefoonkeeda oo xataa kuma qorin gaariga ay soo iibsatay, sababta oo ah shirkadda ayaa ku tiri: (telefoonkaaga gacanta cid kale ha siinin, haddii cid kaa soo wacdana noo sheeg si aan dhakhso kaaga badelno) balse waxaa erayadaa u turtubaantay Layla oo fursad u heshay nambarkeeda, cid kale oo haysatana ma jirto aan ka aheyn Yaasmiin.
Deeqa waxay timid guriga Yaasmiin ayagoo weli shaqo ku maqan, shaqada waxay ka soo bixi jireen saacadaan ka hor, laakiin maanta waxay heleen wakhti dheeri ah (over time) oo la shaqeeynaayo, Dd yaab iyo fajac ayaa ka soo haray, waxay sameysana way garan weyday ileyn Yaasmiin kama qabaneyso mobilkeeda oo way demisaa mar kasta ay shaqo geleeyso, sidaa daraadeed waxay Deeqa ku khasbanaatay inay aado guriga Layla oo aan in badan ka fogeyn, markii ay cabbaar soo dhaqaaqday ayay ka hor yimaadeen Yaasmiin iyo Raage oo gaariga u joojiyay, markaa Yaasmiin intay daaqada gaariga dejisay ayay Deeqa ku tiri: “Deeqa abaay goormee soo laabtay?” Deeqa oo careysan ayaa dhanka Raage u wareegtay, intay daaqada gaariga u garaacday ayay ku tiri: “gaarigaan ka soo dego oo soo qaado gaarigaaga Rrka ah oo laga jiiday Cawil oo magaalada u kexeystay” Raage ayaa yiri: “Rr waa layga beddelay, hadda waxaa lay dhahaa Rc, mida kale gaari aniga kuuma dirsan” Yaasmiin ayaa kala dhex gashay oo tiri: “waddo ayaan dhex taaganahay ee Deeqa soo gal gaariga, aan idin geeyo meel aad ku wada hadashaane” Deeqa ayaa tiri: “gaarigaaga iyo gurigaaga uma baahni ee adiga hadalkaaga iga xiro” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin gaariga noo wad” Deeqa ayaa tiri: “Raage waxbaa weli naga dhexeeya, aan arrimaheena si gaar ah uga hadalnee gaariga ka soo dego” markaa ayuu Raage soo degay, wuxuuna Yaasmiin ku yiri: “cashada noo sii kari, waxaan kaa maqnaanaa inta aan Deeqa soo wada hadleyno oo kali ah” sidaa ayay Yaasmiin isaga tagtay, markay isku soo hareen Raage oo hadal u taagan iyo Deeqa oo rabta inuu u raaco meel ay ku wada hadlaan, ayaa waxaa soo muuqatay Layla oo ka timid dhanka gurigooda, dhowr goor ay timid guriga Yaasmiina ku hungoowday, Raage iyo Layla waxay galabta lahaayeen ballan, markay u timid labadooda oo is hor taagan ayay Deeqa tiri: “Layla haddii aad u socotay guriga Yaasmiin, hore u sii soco ileyn aniga iyo Raage waxaan haysanaa sheeko gaar ehe” Layla ayaa tiri: “Raage soow galabta ballan maanaan laheyn?” Raage ayaa yiri: “haa” isla markiiba waxaa soo booday Deeqa oo tiri: “filinka aad wadataan adiga iyo walaalkaa maaha mid soconaayo ee meesha isaga tag” Layla ayaa tiri: “nin ku qaba ayaa naagaha loo diidaa, Raage waa xur qofki uu doono ayuuna dooranaa” Layla way ogtahay in Deeqa u dhisan yahay guriga muraayad ka sameysan, sidaa daraadeedna ay dhagax tuuri karin, waayoo ma rabto in wejiga laga xagto, labadi gabdhood markay cabbaar murmeen ayuu Raage yiri: “Deeqa waad ka gardaran tahay Layla oo ballan ayaan laheyn, waxa ay iga rabtana weli iima sheegin, laakiin hadda waxaan Layla leeyahay waa inoo berri galab ee iska bax” markaa ayay israaceen Deeqa iyo Raage oo u soo lugeeyay guriga Deeqa, wuxuu ku yiri: “Deeqa sheekadeeni way dhammaatay, waadna ogtahay sababta ay ku dhammaatay, sidaa daraadeed waxaan kaa codsanaa inaan si nabad ah ku kala baxno” Deeqa ayaa tiri: “Rr waan ogahay inaan khaldamay, laakiin khaladka waa la sixi karaa, waana ka heshiineynaa, balse marka hore waxaad soo qaadataa hadiyada aan kuu keenay oo aan 72da kun kaaga soo bixiyay” Raage ayaa ku yiri: “khaladka waxaa la sixi karay inta aan sawir lagaa qaadin, midda kale lacagta aad ka soo bixisay gaariga waa lacag aan rabay meesheedi in lagu celiyo, wixii naloo soo raacdana aan bixiyo, laakiin hadda waa lacagtaada ee adiga u tasho” Deeqa ayaa tiri: “Rr dad sidaa ku kala hari kara ma nihin, haddii uu jaceylkeegi ku daayay, hadda aniguu kaagi igu laba kacleeyay, waxaan kaa baryaa fursad kale inaad i siiso si aan kaaga raali geliyo khaladka aan galay” Raage ayaa yiri: “waxba kama qabo haddii aan hoos ka soo billaabeyno, waagii xalane oo kale iyo inaad iila mid noqoto kuwi ku shukaansan jiray anigoo kula fadhiya” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “mudnaan gaar ah ayaan waagaas ku siiyay” haddana Deeqa intay ooysay ayay tiri: “Rr sidaa ha ii gelin, ma rabo inay naag kale kula hadasho” Raage ayaa yiri: “Deeqa waxaan aheyn dad saaxiib ah oo aan isqabin, Layla yar waa runteed, waana sababta keentay inaad hadalkeyga maqli wayso” Deeqa way aragtay inuu Raage ku adag yahay mowqifkiisa, markaana waxay ku tala gashay inay howsha si kale u furdaamiso, waxay tiri: “hadiyadu celis ma laha” intay furaha iyo telefoonka halka gaariga lagu haayo u dhiibtay ayay ku tiri: “soo qaado gaarigaaga, waxaadna ogaataa haddii aan adiga ku waayo inaan nin kale gadaashaa guursaneyn”.

114.
Deeqa way aragtaa inuu dagaal xun ku soo fool leeyahay, waxay rabtaa inay banooniga dhulka dhigto oo ay ku dadaasho sidi ay Raage raali uga dhigi lahayd, waxay ku tiri: “aan Taxi u qaadano meesha uu gaariga yaalo si aan uga soo qaadno gaarigaaga”  Raage ayaa yiri: “ma qaadanaayo gaarigaas, laakiin maadaama uu igu qoran yahay, waxaan ixsaan kuugu sameynaa inaan kaaga soo qaado” si uu Raage marba wax u ogolaado ayay Deeqa ku tiri: “horta gaariga aan soo saarno” waa lays raacay, waxaana gaarigi soo weday tagsiilihi qaaday, maadaama uu Raage weli haysan driving licenceka, waxaa tagsiilaha loo ballan qaaday lacagti uu maalintaa shaqeyn lahaa iyo lacagta Taxi uu kiisa ugu soo laabto, marki gaariga la keenay guriga Deeqa ayuu Raage ka diiday inuu gurigeeda galo, waxay ku tiri: “dharkaagi ayaa weli yaala, inkastoo aan ka soo tegay shaarkaagi aan Los Angeles u qaatay, waayoo boorsadii oo dhan ayaan hotelka uga soo tegay, midda kale guriga Yaasmiin ka soo guur oo deg guri kuu gaar ah haddii aad cadaalad wado, haddii kale guriba habeen joog” Raage ayaa yiri: “labadiina miyaan isla kiin qabaa?” Deeqa ayaa tiri: “naag kale inaad ila guursato miyaad rabtaa?” Raage ayaa yiri: “adiga kaligaa inaad xaas ii ahaato ayaan jeclaa, adigana waxaad rabtaa inaan sanam camal kuu daba joogo” Deeqa intay gacanta uga dhegtay ayay guriga la gashay, waxay ku tiri: “wax kasta oo aad rabto waa kuu sameeynaa, xataa gabar kale anigaa kuu raadinaayo oo aad ila aroosto, waxaanse kaa baryaa inaad mustaqbal keeyga badbaadiso oo aan gabarnimo ku dhiman, waana ballan inaan sidaa yeelo anigoo heli kara malaayiin rag ah, ileyn nafteyda adigaa ku talaalan oo kaama maaranto” gudaha markay galeen oo ay Deeqa iska dhigtay shukadi iyo qamaarki ayuu Raage ku indha daraandaray Quruxda dheeriga ah ay Deeqa la soo baxday, markaa ayuu ku yiri: “go’aan aan gaaray sahal kuma beddelo, laakiin waxaa iga badisay mustaqbalkeeyga ha ka dhigin inaan gabarnimo ku dhinto, waxaan hadda ku siinaa fursadi ugu dambeysay, haddii aad lumisana dib dambe ha ii soo raadsan” wuxuu sii raaciyay: “fursadu waxay tahay hadda wac shirkadi oo xir qandaraaski aad la gashay, lacagtoodana u sheeg inaad u soo celineyso” Deeqa waxay wacday telefoonki, waxayna ku tiri: “heshiiski waan ka baxay, lacagtiina waa idiin soo celinaa” markay telefooki dhigtay ayuu Raage ku yiri: “hadda waxaa kuu haray dhameystirki qandaraaska oo weli howshu ma dhawa, anigana waxaa ii haray inaan walaasheey Yaasmiin aan abaalkeeda ka dhigin meel cidla ah oo intaan u tago aan si wanaagsan uga soo tago” Deeqa ayaa la soo booday: “isla caawa miyaad ka soo tegeysaa?” Raage wuxuu yiri: “maya, soow gabar kale iguma dari rabin” Deeqa waxay la soo booday: “mayaaaa, waa iska kaftamaayay” Raage ayaa yiri: “waan ogahay laakiin caawa xaga ayaan joogaa, berri subax ayaan kuu imaanaa” sidaa ayuu uga soo tegay Deeqa oo u soo dhiibtay funaanad qurux badan oo ay Yaasmiin u gee ku tiri, markuu Raage ka soo tegay ayay shirkadi telefoon ku soo celiyeen, markaan waxay telefoonka u dhiibeen Hani oo ah mida ay dalbatay inay turjubaan u noqoto, taasoo shaqada uga tagtay Deeqa daraadeed, haddana ay shirkadu ku soo celisay dalabka Deeqa daraadeed, ayadoo lacagta loo kordhiyay oo looga dhigay 100 doolar saacadi, Hani ayaa waydiisay sababta ay qandaraaska uga baxday, Deeqa ayaa tiri: “maxaa ka khuseeya ayaga, lacagta ay igu yeelanaayaan ha sheegtaan” Hani oo shirkada u hadleysa ayaa tiri: “waxay shirkadu ku leedahay haddii ay rabto lacagta qandaraaska waan u kordhineynaa, laakiin yay naga tegin” Deeqa ayaa tiri: “ninkeeyga ayaa qandaraaska ii diiday” Hani ayaa tiri: “shirkaddu waxay ku tiri: berri ayaan ninkaaga la hadleynaa, waana idiin imaaneynaa” sidaa ayay ku kala tageen, Deeqa oo ka walwalsaneyd qandaraaska nolosheeda oo burburay ayaa rajo fiican uga muuqatay haddii ay shirkadu hishiis la geleyso Raage, markaas ayay ka wacday guriga Yaasmiin, balse Yaasmiin ayaa ka qabatay oo ku tiri: “Rr weli guriga sooma gaarin ee goormuu kaa soo tegay?” Deeqa oo ka xanaaqday erayga (goormuu kaa soo tegay) ayaa dib isu celisay oo nafteeda xakameysay, markaa ayay tiri: “hadduu ku soo gaaro, u sheeg inuu i soo waco” markay dhigtay ayuu Raage soo galay ayadoo Yaasmiin ay wejigiisa ka garatay farxada ka muuqata inay Deeqa soo heshiiyeen, waxay ku billowday: “hambalyo aad baan ugu faraxsanahay inaad Dd hishiisaan” Raage ayaa yiri: “yaa kuu sheegay?” Yaasmiin ayaa tiri: “wejigaaga ayaan ka akhristay iyo Deeqa oo i soo wacday ayada oo rabta inay kula hadasho” Raage wuxuu Yaasmiin u sheegay inti ay Deeqa isla soo mareen, markaa ayay ku tiri: “waan ogaa inaad Deeqa jeceshahay, laakiin ma aheyn inaan midaa ka xumahay ee waa ku faraxsanahay inaad is-heshaan oo nolosha isla dhammeysaan, aniga oo aan ku jecelahay oo aan kaaga maarmi karin sida aad Deeqa uga maarmi karin, ayaan ku farxaa waxa ku farax gelinaayo” markaa Yaasmiin intay istaagtay ayay Raage u soo bixisay joornaalki, intay u dhiibtay ayay ku tiri: “joornaalkaan waxaa ka tegay Cawil, laakiin kuuma keenin anigoo raba inaan ka faa’iideysato fursada hadalkaagi ahaa: (haddii aan sawirda Deeqa ku arko joornaalka waan ka sabri lahaa) hadda raali ayaan ka ahay inaad Deeqa la degto oo walaalkaa iyo xaaskiisa ay idinla degaan afarta qol, laakiin waxaad weligaa xasuusnaataa inaan nin kale guursaneyn iyo inaan Deeqa minyaro u noqoneyn balse aan keyd weli kuu ahay” Raage oo raba inuu hadlo ayay ku tiri: “caawa waxaan rabaa inaad guriga Deeqa seexatid ileyn akhbaar inay kuu hayso ayaa dhici karta, waxayna igu tiri ha i soo woco marka uu yimaado”.

115.
Raage ayaa yiri: “Yaasmiin ma kaa guurin, laakiin sidaan kuu sheegay Deeqa waxay ka baxday qandaraaski, waxaana weli dhiman dhammeystirki howsha qandaraaska, ilaa ay arrintaa meel uga dhacdana wax dhammaaday ma jiraan, waxaan rabaa inaan ogaado lacagta lagu soo dalacanaayo Deeqa, kadibna waxaan rabaa inaan kharash celin (payment) la sameysto shirkadda oo aan xoogaa xoogaa iskaga dhiibno, sidaa daraadeed ayaan caawa u aadaa guriga Deeqa” Yaasmiin ayaa ku tiri: “Deeqa wac oo waydii waxa ay kaa rabtay” markaa ayuu Deeqa wacay, waxay u sheegtay wixi ay shirkadda is dheheen, markaa ayuu Raage yiri: “waxay aheyd inaad shirkada ku tiraahdo isku soo noqon mayno” Deeqa ayaa tiri: “middaa adiga ayay hadda kuu furan tahay ee dhakhso iigu imoow, waxaan noo dalbay casho, mana cuni karo adiga oo aan ila joogin” kadib ayuu soo aaday guriga Deeqa, intuu la soo casheeyay Yaasmiin. Habeenkaas Cawil wuxuu walaashiis Layla waydiiyay muraadka ay ka leedahay Raage, markay in badan inkirtay ayuu ku yiri: “waxaan aniga rabaa Deeqa, adigana waxaan rabaa inaad Raage iga mashquuliso” Layla ayaa tiri: “anigaa Deeqa kaaga reebaayo Raage” Cawil ayaa yiri: “waxaan rabaa inaad Rr keento gurigaan oo aad ka soo wado guriga Yaasmiin si ay Deeqa uga soo raadiso halkaan, waayoo aniga iyo Deeqa sharad ayaa inoo yaal” labadi walaalaha ahaa waxay ku heshiiyeen sidaa, waana sida ay Layla rabtay iyo ayadoo taageero uga heshay walaalkeed, waxay la noqotay inay gacanta ku dhigtay Rr, haddiiba uu hogaaminaayo walaalkeed Cawil, markaa ayay u sheegtay inay Raage barri galab ballansan yihiin iyo inuu galabta la socday Dd oo ay horteeda kula ballantay, Cawil intuu walaashii fiiriyay ayuu ku yiri: “Deeqa kaama naagnimo fiicna, adiga ayaa aad uga da’ yar ugana aqoon badan, sidaa daraadeed waxaan kaa rabaa inaad Deeqa ka ooysiiso, anigana wax kasta oo aad u baahato iwaydii”.
Raage markuu Deeqa u yimid wuxuu fahmi waayay qorshahaan dambe oo shirkaddu ay ka leedahay Deeqa, waayoo waxay u sheegtay lacagta qandaraaska in loo badiyo inay kala hadleen iyo qandaraaska in wax laga beddelo, waxay u sheegtay inay ku tiri odaygeyga ayaa ii diidan, sidaa daraadeedna ay asaga ugu imaanaayaan, Raage ayaa yiri: “aniga dhexdiina maxaa iiga jira?” Deeqa ayaa tiri: “maxaa kaaga jiri waayay? soow adiga maaha qofka la wareegay howsha oo dhan?” Raage ayaa yiri: “howshaas adigaa galay, adigaana lagaa rabaa inaad dhameyso, waayoo aniga lug kuma laheyn hishiiskiina” Deeqa ayaa tiri: “hadda maxaan dhahnaa, marki ay berri subax noo yimaadaan?” Raage ayaa yiri: “aniga maba joogo berri subax oo waxaan aadaa shaqadeydi” Deeqa ayaa tiri: “sidee shaqo ku aadeysaa, ayadoo shirkadi kuu soo socoto!” Raage ayaa yiri: “shaqadeyda inaan ka maqnaado ma rabin, haddana arrintaa daraadeed ayaan shaqada u wacaa inaan imaan karin, teeda kale waxaa noo ballan ah, wax kasta oo ay noola yimaadaan, waxaan leenahay qandaraaska waa naga xiran yahay” Deeqa ayaa tiri: “taas adiga ayaa lagaa rabaa inaad go’aan ka gaarto, ha ahaado diidmo ama ogolaasho, waayoo taladi reerka gacantaada ayay ku jirtaa” Raage oo fekeraaya ayay Deeqa u dhiibtay jeegi 40ka kun ahaa oo ay u sheegtay inay faa’iido u soo heshay, markuu ka qaaday ayuu ku yiri: “lacagtaan waxay ka mid noqoneysaa iyada iyo gaariga, lacagta aan bangiga u hormarin doono” Deeqa ayaa tiri: “maxaa diidaaya inaan lacagtaan guri ku gadano, ileyn waa lacag aan deyn igu aheyn oo aan soo shaqeystaye?” waxaa soo dhacay telefoonki gacanta Deeqa, intay nambarka fiirisay ayay ku demisay, waxaa soo wacday Layla oo mar kale ku soo celisay, Deeqana waa ku demisay, Raage oo waydiiyay cidda soo waceysa, ayay u sheegtay inay Layla tahay, intaana Layla way ku soo celcelisay, Deeqana waa demisay, kadib Deeqa waxay wacday shirkadi oo ay waydiisay in nambarka laga beddelo, isla markiiba waxaa la siiyay nambar kale oo loo qoray, waxaana lagu yiri: “demi telefoonka kadibna daar” sidi ayay yeeshay oo nambarki looga beddelay, Raage intaa wuxuu fiirinaayay Deeqa oo markaan inteedi hore kala sii qurux badan, waxaa maskaxdiisa ka waynaatay sida ay shirkadaani u tixgelinaayaan Dd, wuxuu gartay muraadka ay ka leeyihiin oo ah lacagta ay ku sameeynaayaan, muraadkaas oo ka xoog badan rabitaankiisa iyo inay Deeqa ka bixi karin baddaan ay lugaha la gashay, habeenkaas inta badan Raage wuxuu kaligii ka fekeraayay in haddii ay Deeqa ka bixi waydo hishiiska uu laba mid noqon doono, inuu agteeda isaga cararo iyo inuu u qaado buursada ay ku jiraan dharka ay xayaysiineyso ama lagu sawiraayo.

La soco qeybaha dambe.

SHEEKOOYIN