Somaalida ma la haystaa mase iyadaa is haysata?! W/Q: Anab Diriye

Canab

Somaalida ma la haystaa mase iyadaa is haysata?!

 

Inta aannan xornimada qaadan, ka hor, Soomaaliya gumeysi aan qarsooneyn bay ku jirtay. Gumeysigaa ma ahayn mid la jecelaa, oo waa lala dagaallami jiray. Dadku ma asaysan ahayn kuwo ka sheekeeya dhibaatada uu ku hayo, ee waxay ahaayeen kuwo u taagan inay la dagaallamaan ilaa inta ay ka helayaan madaxbannaanidoodda, maal iyo nafna wey u huri jireen, dadkuna waxay ahaayeen kuwo hal mowqif leh.

Raggii waqtigaa talada dadka iyo dalka hayey, ma aysan ahayn kuwo ka amarqaata kuwii iyaga ku amar ku taagleynaayey, ma aysan oran jirin waddanka waa la heystaa, ee badelkeeda, waxay dhihi jireen, waa inaan la dagaalnaa, waa inaan ka madaxbannaanaanno, waa inaan ciriirigelinaa, oo aan ka xorownaa dadweynaha. Sidoo kale, oo waxay u heellanaayeen, in ay mar arkaan iyagoo xor ah, oo nabad ku nool, weyna ka dhiidhiyi jireen in gumeysiga iyo kuwa u shaqeeya, sii joogaan waddanka. Isla jirkaa ay isku duubnaayeen, wey ku guuleysteen in cadawgii boxo, oo soomaaliya soomaali yeelato.

Haddaan qoraalka muhiimaddiisa dib ugu soo laabto: Burburkii Maxaakiimta Islaamka ka dib, waxaa laysla dhexmaraayey in Soomaaliya Kilinka Lixaad laga dhigi doono, oo ay Itoobiya hoos tegi doonto. Sheekadaas waxay sii fidday, oo aad suuqa u gashay waqtigii uu xilka qabtay Cabdulaahi Yuusuf way sii socotay oo dowladdii Sheikh Shariif wax xaqiiq ah baa laga dhigay in waddanku gumeysi ku jiro, madaxweynuhuna uu maqaar saar yahay

Hadda dowlad buuxda baa waddanka ka jirta, oo aqoonsi aduunka ka haysata, sidaas iyada oo ay arrintu ku socota, baa la yiri, waddankii waa la haystaa, oo wax faraha soomaali ugu jira ma leh, madaxda talada haysa qool yar bay ku jiraan, oo waa kuwo la hoggaamiyo, oo wixii loo meeriyo bay qaataan.

Su’aasha iswediinta mudan waxay tahay, dal iyo dad la gumeysto, e u eg yahay? Cadwgu wuxuu dadka kala dagaallamaa:

 

1- Waxbarashada

2- Dhaqaalaha

3- Socdaalka dibadaha lagu aado

4- Calan kuu gaar ah oo lagu yaqaanno

5- Koox meel iskugu timaadda, oo arrimaha waddanka ka hadasha

6- Caafimaadka, oo ay ayagu gacanta ku qabtaan

7- Xabsiga, oo ay geeyaan kii ay is yiraahdaan waa waxgal

8- Madaxweyne taliya, oo kursiga madaxtooyada fadhiya.

 

Intaas aan soo sheegay, maanta Soomaaliya wey leedahay, dhaqaalaha iyo waxbarashada baanna ugu horreeya iyo socdaalka layskaga goosho dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Waxaan u sheegi lahaa soomaalida in aan waddanka la heysan, ee anagu is haysanno, isguna yeerno kan raba inuu na dhaxlo!

Taasi waxay timid markii aan toban calal, oo midabbo baddan kala samaysannay, mid walbana uu yiri; waxaan rabaa inaan noqdo madaxweyne, gobolka aan u dhashay, sababtoo ah, soomaaliya waa kala dagtay, oo wax iskuma darsan karto.

Kuwa damacaas gurracan ku jiro, baa u horseeday, in la yiraado, dalka waa la heystaa, dadweynaha intooda badan iyagoon ka baaraandegin, una kuur gelin, isna weydiin; sidee u eg yahay waddan gumeysi ku jiro, bay goob kasta oo la fariisteen ama guryaha dhexdooda ku yiraahdaan waa nala heystaa! Haddii la heysto, maxay u dagaallami la’ yihiin, oo ay habeenkii si raaxo leh ugu seexdaan?

Dhinicii siyaasadda iyo xukunka, oo aan aad uga liidanno baa keenay, in meel kale arrinka loo saaro. Shicibka ruuxadiisa qaladka wax waa ka leeyahay, waayo, kuwa la rabo in loo taliyo waa iyaga, oo magacooda madaxda lagu yahay. Waa nasiibdarro iyagii baa sac hebed ah noqday, oo dowladda la xisaabtami waayey!

Waa hubaal haddii dadweynuhu kaco, in wax is bedeli lahaayeen, balse, xan iyo hadal, waxaan ahayn, waa laga waayey. Soomaali Maxamad cid na haysata ma jirto, runta ha laysku sheego, anagaa is haysanna iskuguna yeerna cadowga, ee caqli ha lala yimaado, soomaali hal ahna ha la noqdo, ka dib ha lays weydiiyo; aaway cadowga na haysta?!

 

W/Q: Anab Diriye

anabdiriye48@hotmail.com

SHEEKOOYIN