Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q11AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd Q11AAD.

Marwo Hodan ayaa qacdii horeba aragtay ilmaha yar, haddey xuuraanteyna ogaatey in dulmigii odaygeedu heerkaa gaadhay, markaasay intey ku barooratey la boodday, oo guriga gelisay. Marwo Hodan waa qof naxariis badan, oo aqoonyahana. Way ogtahay dhibaatada ninkeedu dadka ku hayo, habeen iyo maalinna waa ka waanisaa, balse, dhego waansamayaa kuma yaallaan Barroow.
Marwo Hodan ayaa dawooyin iyo dabiib la gashay, oo meel dugsoon iyo sarriir seexisay, habeenkii oo dhanna u soo jeeday.
Markii dambe ayaa ka hoyatey markuu Samataryare gam’ay, ee xanuun baabi’iyihii ku seexday, balse, Samatar habeen badhkii ayuu xaalkiisu ka sii daray, waxaana qabatay neefta, ilaa uu dirgan waayey. Marwo Hodan ayaa ku soo baraarugtey hiintaagiisa iyo taaha Samatar yare, markaasay qaylodhaan kula dhex dhacdey qolyihii shaqaalaha, markaasa judhiiba baabuur lagula cararay.
Ma jiro isbitaal rasmiya, dhammaan waxaa gacanta ku haya goobaha caafimaad, dad shisheeye ah iyo hay’ado. Markii la keenay xarunta caafimaadka ayaa dhakhtarradii ka hawlgaleen, sidey u dabiibi lahaayeen, iyagoo aad u canaantay dadkii keenay. Samataryare qandhadhiisa ayaa gaadhay ku dhawaad 40 Digree, waxaana garaacmaya wadnihiisa, markiiba waxaa la sudhay Faleebbooyin iyo waxyaabo jidhkiisa qaboojiya, nafaqadiisana soo celiya.
Markii ganacse Barroow looga sheekeeyey waaberigii waxa dhacay, ayaa naxdini isugu timid. Wuxuu aad ugu mahadceliyey xaaskiisa, oo aan habeenkii oo dhan ka dultegin, waxaana la galay dabiib iyo in la baxnaaniyo intuu ka roonaanayo, kana soo raysanayo. Barroow ayaa canaan kala duldhacay, kuwii soo qabsaday iyo sidey u galeen, kama aha Barroow naxariis, ee waxaa dareen cabsiyeed kaga jiraa, hadduu ku dhinto isagoo gacantiisa ku jira waxa dhacaya, ee uu falayo Ilbir.
Ilbir iyo kooxdiisa ayaa barqanimadii la soo xidhiidhay Barrow, waxaase loo sheegay, oo ay ka fursan wayday in lala socodsiiyo xaaladda caafimaad, ee Samataryare. Si deggan ayaa arrinkii lagu dhammeeyey, waxaana lays weydaarsaday, Samatar oo luudaya iyo ciidankii iyo gaadiidkii Barroow.
Barroow ayaa yidhi:
“Ilbiroow marbaa curadkaagu si kama’ ah iigu dhiman gaadhay!”
Barroowse waxaa la yaab ku noqotey, markuu yidhi:
“Maaha curadkayga, mana aha walaalkay waalidkay dhalay, balse, labadaba waan ka jeclahay, oo waa wiil aan soo korsaday, soona helay isagoo darbijiif ah!”
Barroow waxaa u cuntami weyday, in ciidankiisa loo qabsado ilma yar, oo aan lahayn tol iyo reer toona, weliba uu werwer iyo walaac badan ku beero.
Arrintii ayaa waxaa maqlaysay,Marwo Hodan, waxayna aad uguula yaabtay u qaaddan waana ku noqotey, nin hoggaamiye maleeshiyaad ah, oo haddana, wanaagga intaas leh samaynaya, waxay si kaftana u tidhi:
“Waxaad tahay hoggaamiye wanaagsan, isku day inaad sidaad Samatar yare u garabqabatey, bulshada oo dhanna u garabqabato, oo aad awooddaada ciidan ugu gargaarto, kuwa dulman. Ha noqon dumiye, ee waxaad noqotaa dhise! Hana noqon dulmiye, ee waxaad noqotaa difaace!”.
Ilbir ayaa erayadaasi ku beereen dareen culus, wuxuuna ugu jawaabey:
“ Adigaba waxaan kaaga mahadcelinayaa, sida aad ula tacaashay iyo dedaalka aad ku bixisay daweynta Samataryar, sidoo kale, dhiirrigelintaada, ka dib ayuu uga sheekeeyey billow ilaa dhammaad habkay ku kulmeen, iyo inuu ballan uu ka qaadday, heerkaas gaadhsiisay, dhibka ay isla soo mareen iyo iney tahay markii saddexaad ee soo furanayo mahlako iyo halisna u galay, wiilashaa yaryar.
Ilbir iyo marwo Hodan, sidii laba qof oo sanado is yaqaannay ayey isula sheeko heleen. Marwo Hodan, marka laga soo tago in ay ganacdsade Barrow aysan ku qanacsanayn maaraynta noloshooda, haddana, sida ay mar walba ku calaacasho, waxay ayaan u yeelatay, nin qariban.

Marwo Hodan wuxuu ka weynyahay, Barroow ugu yaraan 30meeyo sanno waxaana ku darrey aabbaheed oo dhaqaale badan ka qaatey, isagoo ujeedkiisu ahaa” Ama Buur ahoow ama Buur ku daabnoow” inuu kula shuraakoobo, ninkaa hantida badan ee haddana awoodda leh.

Barroow iney xaaskiisa ku magacaaban tahay maahine, ma jiro xidhiidh wanaagsan iyo mid qoys oo kala dhaxeeya dhinac walba, balse dhaqanka ayaa ah, haddii aan marwada dalqadi ku dhicin inay tahay mar walba marwadii hebel.

Ganacsade Barrow, markii la kala wareegsaday alaabtii iyo wiilkii, ayuu iska tagay, oo ballan iyo shir uu lahaa aaday. Waxaa isu haray, oo waqti iyo isu helay fursad Ilbir iyo marwo Hodan. Ilbir markii hore, sheekada, ammaanta iyo dhoollacaddaynta marwo Hodan daacad ayuu ka ahaa, oo maadaama loo sheegay in xalay oo dhan ay dhaqtar kula jirtay Samatar yare, wuxuu is tusay, inay qaddarin iyo leedahay texgelin gaar ah.

Marwo Hodan iyaduse, waxay la dhacsaneyd, heemaalka muuqa Ilbir oo ah, Rag xoogii nin 30 jir ah oo laf iyo jimaad leh, haddana magaalada dhexdeeda iyo bulshada ka dhex muuqda, waxay niyadda iska weydiinaysaa, in haddii dalku wanaagsanaan lahaa, uusan oo kale wanaag ugu dhex yeelan lahaa, balse maanta duruuftu ku jujuubtay inuu noqdo, Hoggaamiye maleeshiyeed.
Indhaheedu mar qudha kama libiqsanayaan.

Ilbir isagu dareenkaas lama wadaago, haddaba Marwo hodan waa gabadh haybad iyo hannaan u dhalatey, midab maariin ah oo jiniyo leh, sheekadan iyo hadalkan dabacsan, ee ay Ilbir ku qufaysay. Ka sokow, waxayba ka heshay, oo saaqay, codkarnimadiisa iyo diracnimada alle ku maneystay!

Ilbir marka uu arkay, in marwo Hodan aysan sheekada kala joojinayn, ayuu wuxuu amray….. in dhallintu Samatar sii geeyaan xerada, si uu marwo Hodan sheekada ula soo dhammeeyo. Marwo Hodan waaba siday rabtay si ka weyn iyadu isma oga balse waxaa durtaba jiitey dareenka maskaxdeeda dhex legdamaya, waxayna ugu sheekaynaysaa Ilbir sidii laba qof oo muddo is yaqaanay kala baaday oo si filan waa ah ku kulmay.,
Markay isku keliyeysteen oo ay intaas taagan yihiin, dhawr wiil oo illaalo ah maahine ay baabuurtii kala wareegeen, oo bidhaantoodii miriqday, ayey Ilbir ku tiri:
“Na keen, aan shaah kuu kariyee, sheeko istaag laguma dhammayn karee!”
Ilbir, wali waa daacad, oo ka sokow, inuu is lahaa marwo Hodan abaal weyn ayey kugu leedahay, haddana, wuxuu u sii tixgelinayey in ay xaas u tahay ganacsade Barroow, oo xushmadda uu hayo ka sokow, hadda ayba nabad iyo Isfahan xaalkoodu ku dhammaaday.

La soco Qaybaha dambe.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

SHEEKOOYIN