Wacnaan laheydaa haddaan waqtiga celin karo! W/Q: Ramla Gobdoon

Ramla

Wacnaan laheydaa haddaan waqtiga celin karo!

Waagii baryaba, waxey inoo tahay fursad cusub, oo aan helno, cudur daar kasta, oo aad heysato, waqtigu ma ahan mid ku sugaayo, ama kuu soo laabanaayo, maalin walbana, wuxuu ku soo marayaa, asagoo weji cusub wata. Waxaa laga yaabaa, in dadku eysan wada fahmi karin, fursadaha ey heystaan, oo ey dhayalsadaan, balse, qofkii si wanaagsan u maareeyay waqtigiisa, wuxuu dareemayaa, in uu yahay qof nolosha fahansan, oo meel ka soo bixi kara mustaqbalka, kii aan sida wanaagsan u maamulin waqtigii uu heystay, wuxuu ku dambeynayaa shallaay iyo xusuus uusan iska baabi’in karin.

Maano iyo Geeddi, waxey qurbaha soo galeen, ayagoo dhowr iyo toban jirro ah, waddadda ayey isku soo barteen markii ey safarka ahaayeen, mid ka mid ah dalalka Yurub ayey iska dhiibeen, qoysaskooda ma eheyn kuwo aad u liita, laakiin, waxey go’aansadeen in carruurta ey dhoofiyaan, si ey u helaan waxbarasho oo ey u yeeshaan mustaqbal ifa, taas ayaa ku weyneed waalidkood oo u eheyd riyo, qaabilaad dheer, oo ey la kulmeen Maano iyo Geeddi, waxaa loo oggolaaday in ey ku noolaadaan dalka ey yimaadeen, waxaana loo ballanqaaday in loo diri doono iskuul, oo ey ku baranayaan afka loogaga hadlo dalka ey degnaanayaan, ka dibna ey billaabi karaan heerarka kala duwan ee waxbarashada, balse, muhiimaddu waa in afka ey bartaan.

Toddobaad ka dib, waxaa looga yeeray iskuul, maalinka ey cashirrada billaabayaan ayaa loo sheegay. Waxaa kaloo lagu wargeliyay in buugaag iyo qalimaanba la siin doono. Maalin walbo qado ayaad halkan ku leedihiin ayuu sii raaciyay, macallinkii joogay Xafiiska Qaabilaadda Ardayda. Markii ey kala war dhammeysteen ka dib, waxa uu soo kala baray iskuulka, asagoo sheedda ka tusay fasalka ay dhiganayaan. Waxaa la gaaray maalinkii la yiri soo cashir doonta, waxey iska xaadiriyeen fasalkoodii cusbaa, soo dhaweyn fiicanna wey kala kulmeen aradadii joogtay.

Maano iyo Geeddi, waa ey yaabban yihiin oo ma fahmayaan afka lagu hadlaayo, nasiib wanaag, waxaa fasalka jooga macallin Soomaali ah, oo caawiya ardada cusub, ilaa iyo inta ey kala qabsanaayan jawiga, macallinkii soo galaba wuxuu labadooda ku safaa buugaag iyo qalimaan, waxaa kale, oo la siiyay jadwalka cashirrada ey qaadanayaan, maadaama fasalka uu ahaa mid lagu baranayo afka. Waxaa jadwalka ku qornaa in maalintii labo mar ey la kulmayaan, macallimad u dhigta luuqadda, saaxiibbo badan ayey sameysteen labadooda, waxaa ka dhexguuxeysa in magaalada ey kala bartaan, xiiso weynna wey ku heysaa. Waxey billaabeen in habeenkii la soo wareego, oo ey soo daahaan, subixiina xilli dambe ayey fasalka soo galaan, in sanad ku dhow ayaa ka soo wareegatay imaanshahooda, welina waxaa la jooga macallinkii Soomaaliga ahaa oo turjumaan u ah. Waxaa jirta maahmaah qurbaha ku baxday, oo la yiraa: “Toban sano joogoow, ma laguu tarjumaa!

Xaafadda caan ayey ka noqdeen labadooda, ayagoo ku caan baxay, in loo soo doonto xog ku saabsan, xafladda jirta iyo geeska iyo ka shidantahay magaalada. Geeddi wuxuu noqday mid jara, kaarka lagu galo xafladdaha, halka Maano ey ka mid noqotay qabanqaabiyayaasha.  Wey iska illoobeen sababtii ey waalidkood u soo dhoofiyeen, waqtigana waxey ku lumiyeen baashaal iyo boodbood.

Muddo ka dib, Maano waxey yeelatay guri iyo carruur, isqabqabsi badan, oo dhexmaray iyada iyo odaygeeda, ayaaa sababay, in ey kala tagaan, ayadaa Aabbe iyo Hooyo ka ah reerka. Dhibka ugu weyn, ee heysta Maano ayaa ah, in eysan garaneynin luuqadda, taas oo sababtay in ilmaheeda eysan ka caawin karin cashirka iyo in eysan aqrisan karin farriimaha ugu soo dhaca guriga, ayadoo u geysata islaamaha deriska, si ey ugu turjumaan.

Geeddi, wuxuu xal iyo nolol u arki waayay ka daba wareegga xaflad, in muddo ah oo uu shaqo raadis ahaa, waxaa u soo baxday in uu qashinka ka soo uruuriyo xaafadaha, subax kasta, wuxuu kallahaa xilli aan dadba socon, asagoo qashinka ka soo gura labaantameeyo guri!

Geeddi iyo Maano, waxey gacmahooda ku burburiyeen mustaqbalkooda, riyadii waalidkood waxey ka dhigeen mid aan rumoobin, dadaalkii ay u galeen ambabixiskoodana wuxuu noqday mid qasaaro ah, ayagana naftooda uma daneyninee, waxey ku noolyihiin nolol liidata, oo aan qiimo laheyn, mar kasta waxey ku calaacaleen in waqtiga dib loo celiyo, oo ey ugu yaraan bartaan luuqadda, balse, taasi ma ahan mid marnaba suuroobeysa, haddaba aqristoow, ka digtoonoow in aadan la mid noqon Maano iyo Geeddi.

 

W/Q: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN