Federica Mogherini: “Islaamku Waa Yurub Yurubna Waa Islaamka”

bb7d4c00-fee2-11e4-8653-67b12ec9b8c4-jpg20150625074405

Federica Mogherini: “Islaamku Waa Yurub Yurubna Waa Islaamka”

Federika Mogerini oo ah marwada matasha nabadgalyada iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Midawga Yurub, ayaa waxay tiri; “Islaamku wuxuu ku leeyahay bar dabiiciya bulshada Yurub dhexdeeda, taasna waxaa caddeyn u ah, saameynta muuqata ee uu ku leeyahay qaab nolaleedkeenna”.

Waxay kaloo ku nuuxnuuxsatay, mar ey ka qayb gashay shir halku-dhiggiisu ahay “Islaamka Iyo Yurub”, in “Islaamku noqday mid ka mid ah muqaallada ugu cadcad, xilliga la taaganyahay iyo aayatiinka dadka reer Yurub, sida xigtana Islaamku yahay Xaqiiqo aan qarsoonayn, waxaa qasab ah in aan ka cabsanin, in aan ka hor dhahno dadka hortiisa sidaas, inkastoo ey in badani doonaynin maqlidda xaqiiqadaas”.

Waxaa ka soo qayb galay shirkaas oo lagu qabtay Baruksal magaala madaxa dalka Biljamka, dhawr qof oo is kugu jira xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Midawga Yurub, aqoonyahanno ku xeeldheer cilmi baarista, dad matalaya bulshada rayadka ah ee Yurub, kooxaha Islaamigaa iyo Imaamyada Misaajidyada.

Waxay intaas ku dartay marwo Federika Mogerini intii ey hadlaysay: “In kala duwanaanshadu tahay aayatiinka Midawga Yurub, Islaamkuna ka mid yahay meelihii ey ka soo butaacatay haybta Yurub”.

Intii uu shirku socoday, waxaa la is weydaarsaday aragtiyada ku aaddan xagjir diimeedka iyo dhallinyarada sii qulqulaysa ee ku biiraysa ururrada xagjirka ah sida Daacish, taas oo ah mid ka mid ah dhibaatooyinka culculus ee hor yaalla siyaasadda arrimaha dibadda iyo midda gudaha ee Midawga Yurub.

Federika Mogerini waxay ku diyaarisay dhambaalkeedii diktoornimada mawduuc ey uga hadashay “Islaamka Siyaasiga” sandkii 1994, ka hor intaan loo magacaabin wasiiradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga, ka dibna loo sii magacaabay u qaabilsanaha sare ee nabadgalyada iyo siyaasadda arrimaha dibaddaa ee Midawga Yurub.

Mar ey ka hadlaysay aqoonteeda ku aaddan waxa dhacaya iyo sida warbaahintu u buunbuuniso, waxay tiri; “War baahinta waxaa ku waajib ah in eysan hadalkeeda ku badinin soo qaadashada arrinta argagixisada, innaguna aanan ku hungoobin, maxaa yeelay soo qaadashadaasi waxay siinaysaa mudnaan eysan istaahilin, innaguna ma ahan in aan danayno, haddii kale innaguna iyagaan u adeegaynaa, taasna waa midda ey ku faraxsanyihiin”.

Mar wax laga weydiiyay arrinta kooxaha argagixisada ah, waxay ku warcelisay, soona xigatay, hadal uu horay u yiri boqorka Urdun “Sababta xagjir diimeedka ugu wacani ma ahan rumayn iyo aaminad, ee waa sida ey taliska (xukunka) ku gaaraan.

Waxay kaloo milicsatay in Daacish ey ka dhigantahay halista ugu weyn ee Islaamka haysata, Islaamkuna uu ku waxyeeloobay Daacish. Dhallinyarada miciin bidaysa Daacish waxay raadinayaan in ey meel ka qabsadaan hannaanka bulsho, kan aqoomeed iyo kan siyaasadeed, waa in aan siinnaa danayn weyn arrintaas, kana mid noqotaa wax yaabaha hortaagan siyaasadda Yurub, lagana shaqeeyaa qaabkii loo abuuri lahay fursado shaqo iyo la dagaalanka faquuqa bulsho, taasna waa in loo maraa barnaamijyo waxbarasho iyo abaabin is kugu jira, is la markaasna waa in aan la yeelin in xaaladaha qaar ah ee ku aaddan faquuqa bulsho in ey is ku rogaan falal argagixiso.

Waxay kaloo shaaca ka qaadday “in qaab hadalkka siyaasadeed uu isaguna mas’uul ka yahay najiiyooyinkaan aan fiicnayn. Waxaa waajib naga saaranyahay in aan ka fakarno aayatiinka dadyowgeenna, si loo dhan yahay, xisaabtana ku darsanno arrinta kala duwanaanshada ee ka jirta bulshooyinkeena Yurub.

Waxay ku soo gunaanadday hadalkeeda sida tan; “Waxaan si fiican u ognahay, in ey ku adagtahay aragtida guud ee reer Yurub in ey fahaaman xaqiiqadaan, sidaa daraadeed waxaa inagu waajib ah in aan sii wadno dadaalka aan ugu jirno habkii lagu gaari lahay ujeedooyinkaas.
———————————————————————————————-
Tixraac: http://www.aa.com.tr/ar/world/543885
W/T: Cabdicasiis Maxamed Shidane​

SHEEKOOYIN