DULMIGA GOORMAAN ISKA DAYN DOONNAA? Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Nor1

DULMIGA GOORMAAN ISKA DAYN DOONNAA?

Dulmiga Diin lagu amaanay ma jirto, xitaa dhaqanka Aadanaha, mar walbana dhibaatooyinka. iyo musiibooyinka ku habsada Bani aadamka 90% waxaa loo tirshaa in ay ka yimaadaan ama  uu ka dhasho Dulmiga ay iyaga isku sameeyaan.

Inta aan wax garto Caddaalad darrada iyo Dulmiga umaddeena dhex yaalo, ee ay maalin walba isku sameeyaneen wuxuu ahaa mid sii saaiidaya, hal maalin oo aan dhihi karo caddaalad ayaa la sameeyay ma arkin marka aan dhabta ka hadlo, way dhici kartaa in aad fikirkaas igu khilaaftaan, balse, Xaqiiqda xagayga ku qoran ayaan qeexayaa oo kaliya.

Dulmi marka laga hadalayo wuu nuucya badan yahay, dhinac walba ayuuna galayaa, ha ahaado mid ka dhex dhaca laba Qof oo wax ka dhaxeeyaan, ama ha ahaado mid ka dhex dhaca Bulsho meel ku wada nool, ama ha haado mid uu qofka naftiisa ka galo, oo uu ku caasiyo ama ka hor yimaado awaamirta Alle.

Soomaaliya maanta heerka ay taagantahay waxaa sabab u ah Dulmi ay naftooda iska galeen ama ay isku fiirsadeen, taas ayaa la dhihi karaa waa Natiijada laga helay maanta waxa dhacaya ama la dhex maquuro,  mana muuqato wali Waddo looga cibra qaadanayo wixii dhacay in cashar ahaan looga barto oo la iska xalliyo.

Dulmiga Soomaaliya ma ahan mid ku kooban Dowladnimo ama Xilal si Xaq darro ah lagu kala qaatay, ee waa mid saldhigiisu uu aad uga balaaran yahay inta la arki karyo, waana dulmi haddii kor laga soo eego kasoo daadagyo Maamul ahaan kuwa hadda jira una soo dhaadhacaya labada Qof ee somaaliga ah ee caadiga maalin walba u wada macaamilo.

Allah Qur’aankiisa wuxuu ku yiri “Allah Dadka waxba kuma dulmiyo, laakin Dadka ayaga ayaa is dulmiya”

Aayaddaas Quraanka waxaan ka qaadan karnaa in dulmiga uu waligiisa kasoo dhex jray Dadka, balse, uu soo maray Marxalado kala duwan, umad walbana si ay ula tacaamulaysay dulmiga dhexdooda ka jira, qaar ayuu Alle Xaqa tusay oo iska xalliyay dulmiga, qaarna waaba ku halakoobeen, micnaha waaba ku baaba’een, Xaqiiqda ayaa waxay tahay in Qof la dulmiyay xaqiisa aanan lagu seexanayn iyada oo aan abaalmarinteeda la helin ama la marsiin kuwa wax dulmiyay.

Dhabta waxay tahay marka umad isku fiirsato Dulmi in natiijada ama ciqaabta dulmigaas ka dhalata ay wada saamayso, xitaa haddii ay dhacdo in uu Allah Halaag ama Musiibo dadkaas ku rido, waa hubaal in aan loogu kala aaba yeelayn kan waa Mu’min iyo kan waa Daalim, inta isku meesha ku wada nool isku si ayuu u saamaynayaa ciqaabkaas Alle xagiisa ka yimid, maalinta Qiyaamana qof walba xaqiisa ayuu helayaa, Allana waa fale waxa uu doono!

Maalin walba oo dhalata Dad Muslim ah ayaa xaq darro lagu dilaa wixii la rabo haloo daliishado dilkooda, Magacyada beenta ah ee Danta aduunyada ay ku sal go’antahay ee aan isku bixinay, iyo Sharciyada aan sharciyada Alle ahayn ee aan ka bowsanahay Gaalada, ama aan dhexdeena ka samaysanay, waa qayb ka mid Waddooyinka aan isku dulmino maalin walba, Su’aashu waxay tahay Dhiiga Muslimka ah ee xaqdarrada lagu dilayo maalin walba, ma is leedahay natiijo la’aan ama ciqaab la’aan ayaa jirayso?  iyada oo waliba ciqaabtaas aan lagu arkin Dhulka aan ku noolnahay, mise waxaa ku fakaraysaa in uu Dambigaas masuuliyaddiisa qaadayo Qofka galay oo kaliya, miyaadan ka fakareen in natiijada ka dhalata Abaal marinta dambigaas ay si guud saamayn inoogu yeelanayso, tusaala gaaban waxaa kuugu filan waxa aad maalin walba hareerahaaga ka aragto.

Dulmigeena saamayntiisa aad ayuu u badan yahay, Umad dhan oo Alle abuurtay ayaan waxaan kasoo qaadnay Ragooda iyo Dumarkooda in aysan u dhigmin Rageena iyo Dumarkeena kale, iyada oo aysan jirin sharci dhigayo oo daliishiisa aan hayno, maanta xitaa sharciyadeena ku salaysan caddaalad darrada ma dhigayaan sidaa, hadana, waa wax uu Shaydaan inoo meershay, maskaxiyana aan u aaminay.

Guurka dhiniciisa marka aan eegno dulmi badan ayaa ka jira, oo waxaa dhacda sida badan in Raga ama Dumarka Guurka wadaagaya ay isku xad gudbaan, oo sidii la rabay aan la iskula dhaqmin waana qayb ka mid ah dulmiyada ina haysta ee aanan ku baraarugsanayn.

Qaabka nolosheena oo dhan ayaaba dulmi ka samaysan , ha ahaato marka aan wax qaybsanayo oo aan ku qaybsano Qabiil ama Ninka Dhaqaalaha badan in uu ka sareeyo kan aan dhaqaalaha haysan, amaba Nin jeclaysi, inaga oo aanan eegayn war Qofkan Shaqada ma ku haboonyahay, mase kasoo bixi karaa haddii loo dhiibo? Aqoonteedase ma leeyahay? Waxaas oo dhan ismaba waydiino.

Umad marka ay is dulmiso, raalina ay iskaga tahay dulmigaas, Ciqaabaha ay ka qaadaan waa kuwa aan la soo koobi Karin, waxaana daboola umaddaas oo dhan Dulli iyo Darxumo, Xaqiiq ahaana maanta waxaan filaa in dulli iyo darxumaba aysan inoo dhinayn, oo waliba ay inoo dheertahay Jahwareer dhan walba ah, oo wali aan goobayno Jahadii aan uga bixi lahayn, mana inoo muuqato in aan helayno jahadaas, sababta ayaa waxay tahay in aan wali garan la’nahay halka nalaga haysto.

Caddaaladda waddada lagu heli karo waa iyada oo loo laabto Kitaabka Alle iyo Sunnada Nabigiisa scw,  hubaal, haddii Dastuurka maalin walba la leeyahay waa la khilaafay, Qolo kalana ay leedahay waa la raacay, waxaa inooga qiima badnaa lahaa Dastuurka Alle oo aan qaadano, kaas oo Cid uu dulminayo ama xaqeeda uu dudsiinayo aysan jirin, Cid waa lagu tuntay dhihi kartana aysan jirin, shakina uusan ka imaan Karin sida uu u dhigan yahay.

Alle Quraankiisa wuxuu ku yiri “Qofkii ka jeestaa Thikrigayga ama xuskayga  oo macna ahaan la dhihi karo waa u taagantahay awaamirtayda, waxaa u sugnaaday Nolol Cariir ah, Maalinta Aakhirana waxaan soo xaadirin doonaa isaga oo indha la’aan ah, warkaas wuuba inoo cadyahay sida ku cad waaqica ama xaqiiqda ka jirta dhulkeena ama dadkeena meel walba oo ay joogaan, Alle ha laga cabsado oo dulmiga aan iska dayno.

Waxaan kusoo gabagabaynayaa Qormadan gaaban tixdan

Dariiqa toosan,

Duulkii raacaa

Daraja mooyee

Dulli umasoo dhawaado

 

Dalkeena, iyo Dadkeena

Dulmi ayaa daashaday

Dawarsiga Dunida, iyo

Doomaha dac darada bey dul sabaynayaan

Daa’in waa Ilaah

Darajana waa xagiisa

Dooqana waa xageena

Dulmi dugsi ma lahan

Dac daro iyo dareen xumo mooyee

 

Dadyahow soomaaliyeed

Dariiqan Dulmiga, waad ku daasheen

Dib u fakara oo isu diirnaxa

Dulmiga goormaan iska dayn?

 

W/Q Mohamed Musa Sh Noor

Ekisyare@hotmail.om

Xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN