Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.116-120aad. W/Q. Ahmed Hayow

Yaa khaldan

Yaasmiin habeenkaas wuxuu u ahaa kii ugu xumaa ee nolosheeda soo mara, sida ay Raage uga walwashayna weligeed uga walwalin, waayoo Deeqa waxay haysataa lacag fara badan iyo shaqa fudud, Raagana wuu jecel yahay, sidaa daraadeed waxaa dhici karta inay ku qanciso shaqada ay hayso, ileyn wuxuu u baahan yahay lacag uu walaalkii iyo xaaskiisa uu ku geeyo Kenya iyo inuu halkaa ku biilo, markuu safarka u soo dhamaadana waxay u baahan yihiin lacag ambabax ah iyo guri loo sii kireeyo, waxaa niyad jab ku riday baahida jirta iyo qorshaha cusub uu Deeqa ku siiyay fursada cusub, ugu dambeyn waxay isku qancisay inay heli doono Raage inkastoo ay ka raja qabtay inay hesho asaga oo wiil ah, haddana inay iska sugto asaga oo garoob ah, taana aanay marna ka quusan iyo rajada ay leedahay, sidaa ayay goor dambe ku seexatay, subaxdiina waxay soo toostay ayadoo ku riyootay riyo ay garan wayday sida ay suuragal ku noqon karto.

Raage wuxuu soo toosay ayadoo quraacdi ay diyaar tahay, quraacda saaka lama dalbin oo waxaa karisay gabar ay shaqaaleysay Deeqa, gabadhaa oo guriga ka adeegeysa, saacadiina qaadaneysa 10 doolar, haddii ay siddeed saac ka badan loo baahdana ku shaqeeynaysa 15 doolar, waxay Maana ka soo wadatay reer deris la ah, kuwaas oo la yaabay lacagta ay gabadhooda siisay, lacagtaas oo ka badan dukaan ay ka shaqeyn jirtay oo 7 doolar saacadii ahaa, shaki ay arrintaa ka qabeen ayay Deeqa u sii dhiibtay 400 oo ah sitimaan lacagtiis, Muna howsha guriga ayadaa u xil saaran seddeeda saacadood ay joogto.

Tobankii subaxnimo ayay yimaadeen Tom Rich oo ahaa wakiilka shirkadda, David Olson oo ahaa qareenka shirkada iyo Hani oo ah turjumaanka Deeqa, waxaa la fadhiistay fadhiga guriga, markaa ayuu Tom yiri: “Deeqa waxaad nala gashay hishiis ahaa inaad 5 sano nala shaqeyso, howshi markii aan billownay ayaad noo sheegtay inaad ka laabatay, sabab la xiriirta odaygaaga, Mr….” Raage ayaa yiri: “Raage Rooble” Tom Rich ayaa yiri: “good name, magac fiican, Mr. Rooble arrintiisa markii aan daraasad ku sameynay, waxaa noo soo baxday inuu ku dheer yahay wakhtiga uu qandaraasku soconaayo, arrintaana tixgelin ayaan siinay, waxaa noo harsan oo kali ah inaad noo sheegto wixi kale ee jira, si aan isula aragno wax ka qabashadeena inti suurta gal ah” Deeqa ayaa tiri: “waa run shan sanadood way badan tahay, midda kale lacagtana way yar tahay, sidaa daraadeed ayaan aniga iyo odaygeygu u garanay inaan qandaraaska ka baxno” Tom Rich ayaa yiri: “haddii aan ogaan laheyn inaad reer leedahay, waxaan ogolaansho ka soo raadsan leheyn Mr.Rooble ka hor inta aanan hishiiska kula gelin, laakiin dhib ma laha oo hadda ayaan qandaraaska cusbooneysiineynaa” wuxuu sii raaciyay: “ka waran haddii aan ka dhigno 2 sano, halki uu ka ahaa 5 sano?” Raage oo aan hadlin ayay Deeqa istustay inay fiican tahay oo uu Raage sugi karo labadaa sano, markaa ayay ogolaatay, Tom Rich intuu qoslay ayuu yiri: “dhankaa waan dhameynay, waxaa noo haray lacagta oo aheyd 2 milyan inaan ka dhigno 5 milyan oo aan weliba kuu hormarino hal milyan” Deeqa intay “waaw” tiri ayay raacisay: “waa dhan tahay sheekadu” Tom Rich wuxuu fiiriyay Raage oo ka fekersan wuxuu ka yeeli lahaa, markaa ayuu yiri: “aad ayaan ugu faraxsanahay inaad naga ogolaataan inaan sii wada shaqeyno, laakiin waxaa naga codsi ah inaad dib dambe uga bixin heshiiska ilaa aan howleheena ka gudano”  kadib qareen David Olson ayaa soo saaray warqad uu ku qoran yahay heshiiska iyo check ku qoran hal milyan oo doolar, markaa ayuu miiska dushiisa is kor saaray, wuxuuna ku yiri: “waxaad labadiinu saxiixdaan heshiiskaan, kadibna Mr.Rooble ha saxiixo halka ku qoran inuu xaaskiisa raali uga yahay heshiiskaan, markaa ayuu dhaqan gal yahay” markay saxiixeen Tom Rich iyo Deeqa Daahir oo la sugaayay inuu Raage saxiixo ayuu Deeqa gacanta ka qabsaday oo qolkeeda la aaday, wuxuu ku yiri: “ma waxaan isku ogeyn inaan qandaraaska xirno? mise inaan cusbooneysiino ayaan isku ogeyn?” Deeqa ayaa tiri: “wada hadalka ha noo dambeeyo ee marka hore warqadda saxiix oo martidu hanaga tagto, kadib haddii aan rabno aan lacagta checkga u hayno, kana codsano inaan kala baxno, ileyn waa isku mid oo wax dheeri ah nama raacaayaane” Raage ayaa yiri: “waan fahamsanahay muraadka aad ka leedahay inaan warqada saxiixo, laakiin haddii aad rabto waa kuu saxiixaa, ileyn ninkaaga ayaan halkan ku joogaahe, mana rabo inaan aniga sabab u noqdo horumar aad gaari laheyd kaasoo aan kula jeclaa inaad gaarto” Deeqa oo rabta inay hadasho ayuu qolka ka soo baxay, markaa intuu Tom iyo David u ilka caddeeyay ayuu warqadi saxiixay, saxiixaan wuxuu lacagta Kamaal ka dhigay 2 milyan, halka uu marki hore ka qaadan lahaa 5 milyan, markay bexeen ayay dood ka dhex billaabatay Raage iyo Deeqa oo celcelis ku jirtay iyo inuu gurigiisa iska joogo, dhakhsana uu ugu raadiyo guri ay iibsadaan, ugu dambeyntiina Deeqa ayadoo oyneysa ayay Raage ogoleeysiisay inuu siiyo fursada labada sano ah, wixii ka dambeeyana ay aqal galaan.

Layla oo ay Raage ballan lahaayeen ayaa wacday telefoonka Yaasmiin oo ka qabatay ayadoo shaqada joogta, telefoonka wuu u xirnaan jiray Yaasmiin inta ay shaqada joogto, laakiin waxay maanta u furatay armuu Raage kaa soo wacaa, kadib waxay Layla u sheegtay inuu Raage uga guuray guriga xaaskiisa Deeqa, markaa ayay Layla tiri: “Deeqa xagee xaaskiisa ka tahay! guriga xaaskiisa kute, naa adigaan kaaga xishoonaayay maahine, Deeqa agteyda waxba kama aha, anigaana goor dhaw ku tusaayo ayadoo ooyneysa” markaa ayay telefoonki iska demisay Yaasmiin oo la yaaban Layla geesinimadeeda, ileyn Libaax nin aan aqoon ayaa Lax ka rita ayay maqli jirtee.

 

117.

Qofka wax jecel wax ma arko laakiin waxbuu maqlaa, waayoo jacelku kuma tusaayo sida dadka kale kuu arkaan, waxa kali ah ee aad aragto ama maqasho waa qofka aad jeceshahay, xataa xanta dadka kale dhega uma lihid, qofka wax jecel waxay dantiisu ku jirtaa siduu ogolaasho uga heli lahaa qofka uu jecel yahay, inta ay doonto ha qaadato, sida Cantar uu u sugaayay Cabla oo nin kale guursaday intuu uga soo furaayo, haddii ay midaa dhici laheyd oo uu nin kale guursan lahaa Cabla waxaa suuragal noqon leyd inuu Cantar sugi lahaa iska daa laba nine xataa haddii ay toban nin kaga horeeyaan, balse waxaa shardi u ahaa inay Cabla siiso fursadiisa oo ka ogolaato muraadkiisa, inkastoo aan midaaba leysla gaarin oo ay Cabla u dhimatay jaceylkiisa, Cantarna aanu ka dambeyn markuu geerideeda maqlay.

Jaceylka Yaasmiin ay u qabto Raage waa mid sidaa oo kale ah, balse waxay ku kala duwan yihiin in Cantar iyo Cabla ay is jeclaayeen oo laysu diiday, Raage wuu ogyahay dareenka ay Yaasmiin u qabto, asagana wuxuu mid la mid ah u haayaa Deeqa oo ayadana jecel, balse aan laheyn dabeecad ay ku hanan karto kagana dhigan karto sida ay jeceshahay inuu u noqdo, way ogtahay inuu warkeeda maqlaayo iyo inuu aaminsan yahay, haddana waxaa ka maqan inay fahamto sababta uu u diidan yahay shaqada ay ku jirto iyo halista ka imaan karta marka ay Adduunka caan ka noqoto, waxaa Raage u muuqata nolol ciriiri ah inay sii gelaayaan mar kasta oo ay Deeqa kor u sii kacdo, waxay Raage ula muuqataa inay Deeqa tahay jawaan dahab ah uu helay, balse xamaaliyaashi la qaadi lahaa ay dhici karto inay naftiisa ciriiri geliyaan, waxaa u sawiran inay bulshada ka dhexbixi doonaan iyo inay ku dhex noolaan doonaan sanduuq cariiri ah oo ah guri waardiye laga haayo, shan milyan way dhammaaneysaa, laakiin nolosha inta la nool yahay way sii jireysaa, gaari Rolls Royce ah oo guriga u yaala ayay Taxi wacdeen si uu Raage u soo iibsado dhar, ileyn dharkiisi iyo boorsadiisi wuxuu uga soo tegay guriga Yaasmiin, Deeqana ma ogola inuu dib dambe gurigaa ugu laabto, markuu tagsigi yimid ayay wada raaceen labadooda iyo Maana oo ay Deeqa ku tiri: “waxaan kuu soo iibinaa dhar ee nakeen” kadib waxaa la sii maray US Bank oo uu account uga furan yahay Raage, waxay Deeqa rabtay inay ku shubaan lacagta halka milyan ah accountiga Raage, si uu nin weyn ugu ekaado, afartanki kuna isla bangiga ayaa laga soo sariftay oo waxay Deeqa ugu tala gashay inay caddaan u haystaan, si wixii loo baahdo looga isticmaalo, kadib waxay soo mareen xafiiska Dowlada Degmada oo ay gaariga howlahiisa ka soo dhameysteen, markaana caymis loogu geliyay si ay u wadan karaan, inkastoo aanay Deeqa haysan aqoonsi ay ku wado gaariga, laakiin Raage uu haysto permitka lagu wadi karo haddii uu horay kuu fadhiyo qof warqada ruqsada (driving license) leh, markaa kadib ayay dhar badan ka soo iibsadeen dukaamada New York ugu qaalisan, Maana waxaa loo iibiyay dhar qiimahoodu gaaraayo ilaa 2 kun oo doolar, waxayna reerkeeda u tagtay ayadoo aad u faraxsan.

Inti ay magaalada ku maqnaayeen ayay guriga timid Layla oo soo qaadatay gaarigi walaalkeed oo ay ku heshiiyeen inay Raage keento gurigooda, markay gaariga Rrka ah aragtay ayay agta ka dhigatay, markaa ayay albaabka garaacday, marki laga furi waayay ayay gaarigeeda iska dhex fadhiistay, intaana waxay fiirineysay gaariga Rolls Royceka ah oo ay niyaysatay inay isteerinkiisa qaban doono, waxaa uga sheekeeyay walaalkeed Cawil oo u sheegay inuu Raage ku qoran yahay, Laylana waxay ballan qaaday inay furahiisa u keeni doonto walaalkeed.

Raage iyo Deeqa markay tagsigi ka soo degeen, ayay Laylana ka soo degtay gaarigi Cawil oo ay wada garteen Raage iyo Deeqa, Raage oo wada boorsooyinki dharka ayaa guriga u gudbay, Deeqana intay Layla u timid ayay ku tiri: “war haye, maxaad naga soo doontay?” Layla ayaa tiri: “waad ogtahay inaan Raage ballan laheyn galabta” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “Raagehee ballan laheydeen?” Layla ayaa tiri: “saaxiibkaa Raage Rooble Mr.Rr” Deeqa ayaa tiri: “kaa arki meyside meesha isaga tag” Layla ayaa tiri: “booliis ayaan idiinku wacaa haddii aad diido inaan dhinaceyga ka shukaansado Raage, waayoo waad ogtahay inuu ninkaaga aheyn, laakiin aad beentaas Mareykanka ku timaadeen iyo weliba inuu walaalkeey damiin idinka ahaa, sidaa daraadeed ku talagal inaan malafkiina gubi doono” Deeqa intay naxday ayay sheekada hoos u dhigtay waxay tiri: “heerkaas leyslama gaarine maxaa keenay kashifaada, waxaan ka hadlaayay inaad Raage iga qaadi karin oo uu aniga i jecel yahaye” Layla waxay ku faraxday isbedelka ku dhacay Deeqa, markaa ayay tiri: “saaxiibtinimadeena adigaa xumeeyay, waayoo waxaad u ogolaatay inuu Raage la joogo Yaasmiin, anigana markaan midaa arkay ayuu damac igalay, adigana iska daa wax kalee waxaad ii diiday inaan la hadlo”.

 

118.

Layla oo weli sii handadeysa Deeqa ayaa tiri: “weligaa ha isku dayin inaad ka badbaadi karto dacwada aan kugu soo oogo, waayoo haddii aad nikaaxsato Raage waxaan ogahay inaad naag u noqoneynin muddo shan sano ah, midda kale waxaad ogaataa in markhaati loo heli karo mudada aad sheegteen inaad isguursateen ilaa hadda inuu wax xiriir ah idin dhex marin” Deeqa oo rabta inay hadasho ayay Layla hadalka ku celisay waxay tiri: “aan hadalkeeyga dhameysto ee ha iga dhexgelin, Raage wuu noo dhexeeyaa, dhankaaga ka shukaanso, aniga dhankeyga ayaan ka shukaansanaa, hana u sheegin waxa jira, haddii kale arrinta waxaan gaarsiinaa qareenkeena ee su’aal iyo jawaab diyaar u ahoow” Deeqa waxay tiri: “ma diidani inaan Raage iyo aniga isqabin iyo inaad la sheekeysan karto, balse waxaan ka baqaa haddii aan kaaga guuleysto inaad sheekada kashifto” Layla intay qososhay ayay tiri: “haddii aan kaaga guuleysto kulahaa, taas haddii ay dhacdo cafis ayuu kuu yahay, laakiin ballan qaad inaad soo daba geleyn haddii aan kaala wareego” Deeqa way baqday markaa ayay tiri: “haddii uu ku guursado sooma daba gelaayi, balse inta kale waan kaa soo doonanaa markaan rabo” sidaa ayaa lagu heshiiyay inta ay Deeqa ka soo kala ogaaneyso kashifaada ay Layla sheegeyso inay wax u dhimi karto iyo in kale, wax yar kadib Raage ayaa guriga ka soo baxay, asagoo gacanta ku wada taargadi gaariga lagu dhejinaayay, markaa ayay Deeqa tiri: “Rr waxaa kuu timid Layla oo aad galabta ballan laheydeen” Layla ayaa tiri: “taargadi gaariga miyaad keenteen, anigaa kugula dhejinaayo” waxay Raage ku kaalmeysay taargada lagu dhejinaayay gaariga, kadibna waxay ku tiri: “Rr waxaan qaadaneynaa gaariga Rolls Royceka ah oo adigaa nagu wadaayo, ileyn aniga ayaa hore kuu fadhiisanaayo oo haysta driving license” Raage wuxuu la yaaban yahay gabdhihi dagaalsanaa oo hishiis ah, wuxuuna garan waayay waxa beddelay Dd oo hadda xasuusineysa ballanta Layladi ay shalay galab dagaalsanaayeen, Raage wuu fahamsan yahay ujeedada Layla ka leedahay wuuna ogyahay inay muraadkeeda heleynin iyo inay ogtahay inuu Deeqa jecel yahay, haddana si uu u soo ogaado qorshahaan cusub waxa uu yahay ayuu go’aansaday inuu Layla raaco, markaa ayuu yiri: “Deeqa adiga soow nama raaceysid?” Deeqa ayaa tiri: “maya, waxaan rabaa inaan caawa cashada noo diyaariyo, laakiin ha soo daahin”.

Raage oo yaaban ayaa soo labistay, Deeqa oo arkeysa ayuu gaariga ku waday Layla oo qosleysa, markay bexeen ayay Deeqa wacday telefoonka Hani oo markaa la joogta Kamaal oo ka careysan isbedelka ku dhacay hishiiski uu shirkada la galay, markay Hani hello tiri oo ay Deeqa la hadashay, ayuu Kamaal ka qaaday telefoonka oo Deeqa ku yiri: “maxaad qandaraaska u bedeshay?” Deeqa ayaa tiri: “qandaraaskaaga ma ogiye telefoonka Hani iigu dhiib” Kamaal ayaa yiri: “Deeqa sidaa ha iila hadlin, aniga oo kuu suura geliyay inaad adduunka caan ka noqoto ma aheyn inaad sidaa iila hadasho” markaa ayay Deeqa tiri: “aniga shirkada waxaan u sheegay inaan qandaraaska ka baxay oo uu ninkeyga Raage ii diiday, markaa ayay igu yiraahdeen ninkaaga ayaan hishiiska la geleynaa, sidaa ayay Raage kula heshiiyeen, heshiiskaan cusub” Kamaal ayaa yiri: “heshiiskaas ma aheyn inuu aniga keyga saameyn ku yeesho, laakiin waxaan arrintaa kala hadlaa Tom Rich” markaa ayuu Hani u dhiibay, ayay Deeqa waydiisay: “gabar xaafadeena digan ayaa nin xoogay markhaatina ma haysato, haddii ay dacweyso ma jiraa wax lagu ogaan karo inuu xoogay” Hani ayaa tiri: “Deeqa ma joogno dunida seddexaad, iska daa ninkaase waxaa la sheegi karaa kii ugu horeeyay iyo marki ugu horeysay” intaa markay Hani tiri, Deeqa way ku dhammaatay inay Layla run sheegeysay, laakiin waxaa weli u harsan inay ogaato waxa lagu xukumaayo haddii arrintooda beenta ah la ogaado, waana markii ugu horeysay uu Deeqa walwal ka galo mustaqbalki u soo iftiimaayay.

Yaasmiin markay shaqada ka timid ayadoo caga jiideysa ayay gurigeeda gashay, waxay soo qabsatay shaar uu Raage leeyahay, markay carafsatay kadib ayay gashatay, waxay damacday inay Deeqa wacdo si ay Raage u waydiiso inuu shaqadi iska dhaafay iyo in kale, haddana way la noqon waysay, ayadoo fekeraysa ayuu telefoonkeeda soo dhacay, waxaa soo wacday Deeqa, markay salaantay ayay Deeqa tiri: “maxaad damaanada nooga soo qaaday Cawil? Yaasmiin ayaa tiri: “Cawil muxuu kaa haleeyay?” Deeqa ayaa tiri: “damaanada yar ee uu noo sameeyay ma wuxuu noogu sameeyay inuu nagu gumeysto, mise adigaa la og qorshaha uu naga damacsan yahay?” Yaasmiin ayaa tiri: “waxa aad ka hadleyso anigu ma fahmin” Deeqa ayaa telefoonka ku dhigtay ayadoo aanay Yaasmiin fahmin gumeysiga ay ka hadleyso.

 

119.

Layla waxay Raage ku soo wareejisay magaalada, ayadoo rabta inay kalsooni ka kasbato inta ay u sheegin muraadka ay ka leedahay, Raage oo rabay inuu lacag u diro walaalkiis Xasan, ayaa xawaalada Dahabshiil soo maray oo Xasan u dhigay 3000 lacagtaasoo ay asaga iyo xaaskiisa ugu safraan Nairobi, kadib waxay istaageen Gas Station si ay gaariga Gas ugu shubtaan, markay gudaha galeen ayay cabitaan soo qaateen, kolkeey yimaadeen meeshi lacagta laga dhiibaayay ayay Layla aragtay bakhtiyaanasiib lagu helo lacag fara badan oo hadda maraaya 250 milyan oo doolar, waa bakhtiyaanasiibka Minnesota Lottery ee loo yaqaan Power Ball, markaa ayay tiri: “Raage maadaama aad nasiib badan tahay, waddankaana aad ku timid Lottery, waxaad noo iibisaa 2 doolar oo Power Ball ah, ileyn 250 milyan ayaa lagu helaa hal doolare” markaa ayuu gooyay laba xabo, Layla ayuu labadoodi u dhiibay, markay gaariga soo galeen ayay Layla intay labadi warqadood xabad Raage ka siisay ayay ku tiri: “waa tan xabadaadi anigana tan ayaan ku nasiibsanaa, haddii aan ku guuleystana waxaan ku siinaa 10 milyan ee adiga maxaad isiineysaa?” Raage intuu qoslay ayuu yiri: “waxaan ku siinaa 50 milyan” Layla ayaa tiri: “wallaahi waa iga raaysay, anigana waa ka laabtay 10 milyan oo adiga ayaa ila lahaano lacagta oo dhan” Raage ayaa yiri: “siduu kuula lahaanaa lacagtaada nin naag kale guursanaaya” Layla ayaa tiri: “waa ila guursanee, soow ballan maaha haddii aan lacagtaa helo inaad ila guursaneyso?” Raage oo ka fekeraaya gabadhi ay Deeqa ku laheyd (waxaan kugu daraa gabar kale) inay Layla tahay iyo in kale ayay Layla u raacisay: “Deeqa iyo aniga hishiis ayaan kugu nahay” Raage ayaa yiri: “ma waxaad ku heshiiseen inaan isla kiin guursado?” Layla ayaa tiri: “labadeenaba inaad na wada guursato oo ay midba mar kula sheekeysato, laakiin waxaan kaa codsanaa inaad fursada ugu badan aniga isiiso” Raage ayaa yiri: “waa igu dheeleysaa oo warkaas runtaa maaha” Layla waxay wacday Deeqa oo ay ku tiri: “waxaad Raage u sheegtaa inaan raali iskaga nahay inaan wada shukaansano” markaa Layla intay qososhay ayay telefoonki u dhiibtay Raage, markuu Deeqa afkeeda ka maqlay inuu jiro warka ay Layla u sheegtay ayuu ku yiri: “gabadhi aad igu laheyd waan kugu deraa miyaa Layla ah?” Deeqa oo aan su’aashaas ka jawaabin ayaa tiri: “waan ka wada hadleynaa arrintaas” Layla oo maqleysay gabadha uu Raage waydiinaayay Deeqa ayaa tiri: “sidee Deeqa kuugu dareysaa gabar kale? waaba sheeko igu cusub ee yaa waaye gabadhaas?” Raage ayaa yiri: “waa sheeko aan ku kaftanay aniga iyo Deeqa” Layla ayaa tiri: “waxaas kaftan lama dhoho, balse haddii ay Deeqa rabto inay gabar kugu darto, anigaa booska kaga xaq leh middaas kale” Raage ayaa yiri: “waan daalanahay oo waxaan rabaa inaan guriga aado” Layla oo hadalka ka dhexgashay ayaa tiri: “aniga muraadki aan kaa lahaa kaalama sheekeysanine, maxaad iiga tegeysaa?” Raage ayaa yiri: “mar kale ayaan ka dhiganeynaa” sidaa ayuu xaafadi ugu soo noqday, markay guriga soo wada galeen, oo ay Layla ka soo tagtay, ayay Deeqa tiri: “Raage waxaa i soo wacay shirkadi oo rabaan inaan berri subax u duulo Los Angeles, waxaana ku maqnaanaa hal sitimaan, waxaan ku iri ninkeyga kama maqnaan karo hal sitimaan, laakiin waxay ii sheegeen inay hadda ku tala gelin inaan israacno, balse safarada dambe inay qorsheyn doonaan inaan israacno” Raage ayaa ku yiri: “muxuu yahay qorshaha aad wadaan adiga iyo Layla?” Deeqa ayaa tiri: “Raage waan ogahay inay gabadha yar ku rabto, waana aaminsanahay inaad iga raaceynin, sidaa daraadeed ayaan gartay inay gaariga hore kuugu saarnaato ilaa aad ruqsada wadida ka soo qaadaneyso iyo inaad magaalada ku kala barato iyo inay wehel kuu ahaato inta aan safarka ka imaanaayo” Raage ayaa yiri: “waxay igu tiri waxaan aniga iyo Deeqa ku heshiinay inaan ku wada shukaansano….” inta aanu Raage hadalka dhameyn ayay Deeqa qososhay, kadib ayay ku tiri: “waan kula kaftamay, weliba waxaan u sheegay sida aan kuugu kalsoonahay iyo sida aad iigu kalsoon tahay, waad ogtahay qofka kali ah aan kaaga shakiyo waa Yaasmiin oo aan isleeyahay Raage way kugula tartami kartaa, waayoo Yaasmiin waa gabar halis ah oo taqaana xeeladaha ragga loo shukaansado” Raage ayaa yiri: “haddii aad baxdo Layla wehel ugama baahni, gaariga sida loo wadana waan aqaan, haddii aan rabo waxaan berri gelaa imtixaanka darawalnimada, waana soo qaadanaa leysinkeeyga, midda kale lagama yaabo inaan kuu raaco shaqadaada oo aan safar kula galo, waayoo waxaan rabaa inaan la socdo safarka walaalkeey Xasan iyo xaaskiisa ay ku tegaayaan Nairobi” Deeqa oo ku soo baraarugtay arrinta Xasan Rooble ayaa Raage kala dooday sababta uu ugu sheegi waayay, ayadoo ay sheekadaas la socoto Yaasmiin, arrintaa ayay cabbaar ka doodeen, ayadoo ay Deeqa ku qanci la’dahay inay jirto howl ay ayada waxba ka ogeyn inay Yaasmiin hormuud ka tahay.

 

120.

Kamaal Kaahin ayaa u tegay Tom asagoo dood ka qaba isbeddelka ku dhacay heshiiski qandaraaska, sababta oo ah heshiiski hore wuxuu ahaa inuu Kamaal qaato Shan milyan, Deeqana ay qaadato laba milyan, kaasoo hadda leysku beddelay qiimihi lacagta, Tom wuxuu yiri: “waxaan rabnay inaad Deeqa noo hayso shan sano, markaana aad ku qaadato shan milyan ayadana ay qaadato laba milyan, arrintaana way suura geli weyday, waxaana soo baxay ninkeeda oo diidan qandaraaska, sidaa ayaan kula heshiinay inay qaataan shanti milyan iyo laba sano, adigana aad qaadato laba milyan haddii ay Deeqa dhameyso wakhtiga qandaraaska” Kamaal ayaa yiri: “Deeqa iyo Raage isma qabaan ee waa saaxiibo dalka ku soo galay inay isqabaan” Tom ayaa yiri: “ma dhabaa arrinkaas aad sheegeyso?” Kamaal ayaa yiri: “waa arrin dhab ah” markaa ayuu Tom yiri: “sidaa haddii ay jirto, waxaan kaa rabnaa inaad Deeqa kala soo wareegto, markaana aan lacagta kuu badino, waayoo ma rabno inay Deeqa uur yeelato ilaa toban sano oo aan lacag kaga sameeyno, qofka kali ah ee ulajeedadaa fahmi karana waa adiga, midda kale waxaan ka cabsi qabnaa inuu saaxiibkeed Raage mar kale uu isbedelo, sababta oo ah waxaa nooga muuqatay inuu ka xun yahay shaqada ay Deeqa noo hayso, mana aha nin fiirinaaya lacagta qandaraaska” Kamaal oo cabsi weyn ka qaba sida ay suuragal ugu noqon karto inuu Deeqa kala wareego Raage ayaa yiri: “Deeqa way jeceshahay Raage, wax badana waan isku dayay inaan kala wareego, laakiin waan ku guul dareystay” Tom ayaa yiri: “waxaad u baahan tahay in laguu diro fasal lagu barto qaabka loola wareego dareenka qofka” Kamaal oo aan hadlin ayuu Tom yiri: “sitimaankaan inta ay nala joogto, waxaad isku daydaa inaad qalbigeeda hesho, waxaadna ii soo qortaa inta aad ku dhahday iyo inta ay kuugu jawaabtay, markaa ayaan tala bixin kaa siinaa”.

Layla waxay walaalkeed Cawil u sheegtay qaabka ay Deeqa u handaday oo ay Raage uga wadatay iyo hadaladi dhexmary ayada iyo Raage, asaga oo la yaabay caqligeeda ayuu ku yiri: “waa caqli iga maqnaa arrinta aad sameysay, aragtidiina xigta waxaad Raage u sheegtaa inay Deeqa jecleyn oo ay dan ku wadato iyo inay sirtaa kugu qarsatay, haddii uu sababta ku waydiiyana waxaad ku tiraahdaa, waxay rabtaa inay Yaasmiin kaa lugooyso, ayadoo Yaasmiina ay rabto inay Deeqa kaa lugooyso, waxaana markhaati kuu ah Deeqa ma rabto inaad guursato, Yaasmiina kaalama hadlin arrin guur” Layla ayaa tiri: “ma ila fiicna inaan naagahaa kala hadlo, waxaan rabaa inaan qoobka qoobka u saaro oo aan magaalada ku wareejiyo si aan u galo booska gabadha ay Deeqa rabtay inay ku darto” waxay sii raacisay: “waxaan filaa hadalkaa gabadha inuu run yahay oo waxaa laga yaabaa inuu Raage ku yiri: sidee kuu sugaa shan sano, markaana ay ku qancisay mid kale oo aad igu sii sugto ayaan kugu darsanaa” caqligi ay isu keeneen Cawil iyo Layla wuxuu noqday sidaa.

Yaasmiin waxaa soo wacay Xasan Rooble oo ku yiri: “Raage waxaad u sheegtaa in lacagti na soo gaartay oo aan hadda soo qaatay, waxaan bexeeynaa berri galab oo aan magaalada Makha doon ka raaci doono, waxaana sii mareynaa dhulka Etoobiya oo aan degmada Suufka uga gudbi doono magaalada Mandheera oo ah dhulka Soomaalida Kenya” Yaasmiin ayaa tiri: “Alle haydinla jiro, haddii aad wax kale u baahataana na soo wac” markuu Xasan telefoonki dhigay, ayay Yaasmiin wacday telefoonki Deeqa, nambarkaas oo ahaa nambarki hore oo go’an, markaa waxay ku fekertay inay guriga sii marto inta aaney shaqada aadan, si ay fariinta ugu sheegto Raage, balse markii ay timid waxaa albaabka ka furtay Maana oo u sheegtay inay Deeqa safar aaday, Raagana uu hurdaayo, Yaasmiin ayaa ku tiri: “Raage markuu soo tooso, waxaad u sheegtaa inuu i soo woco, fariin muhiim ah ayaan walaalkii uga haayaahe” sidaa ayay Yaasmiin ku aaday shaqadeedi.

Markuu Raage shaqada ka wacay ayay ku tiri: “Xasan wuxuu ii sheegay inay berri baxaayaan iyo inay Etoobiya sii dhex maraayaan, midda kale waxaan kaa sugaayay inaad ii sheegto inaad iga tala baxday, si aan iskugu tashado, ileyn guriga cidlada ah waxaan u sii deganaa waa idinka dartiin gaar ahaan adiga, waxaan ahaa raja ku nool uu hamigeedu gaarsiisnaa haddii aanay kugu helin wiilnimo, inay Deeqa kaa sugto adigoo garoob ah, balse waxaa hadda ii muuqatay inay howshaasi qaadaneyso muddo dheer, ileyn shan sano oo qandaraas ah inaad sugto ayaad ku tala gashaye” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin galabta markaad shaqada ka soo baxdo, waxaad iga soo martaa guriga” sidaa ayay telefoonki ku dimisay ayadoo garan la’ waxa uu u sheegi doono.

Maxamed Rooble wuxuu ka soo laabatay Soomaaliya, asagoo Yaasmiin uga mahadcelinaaya wanaagi ay u sameysay reer Rooble, ayuu soo wacay markii ay Raage ka dhigtay telefoonka, markaa ayay u sheegtay inay Raage la hadleysay asaga ka hor iyo meesha uu maraayo dadaalkeeda la xiriira hanashada Raage, Maxamed wuxuu ku yiri: “qof aad u samir badan ayaad tahay, Raagana dhalinyaranimo ayaa haysa, laakiin caqlixumo ma hayso, reer Rooble asagaa noogu calool jilcanaa, waxaan isku qabsano asagoo naga yar ayuu noo deyn jiray, haddana wuxuu iila egyahay inuu dhaadhaan ku noqday gabadha uu shanta sano sugaayo, mana aha mid go’aan ka gaari kara gabadhaa, sidaa daraadeed waxaan kaa codsanaa inaad hadda ka bacdi Raage u xanibnaanin oo aad go’aan ka gaarto, haddii aad aheyn sida asaga” Yaasmiin ayaa tiri: “Maxamed haddii aan Raage go’aan ka gaari lahaa, saacadaan ciyaal badan ayaan haysan lahaa ama shahaado sare, nafteydu weli kama daalin doondoonka Raage, mana filaayo inay ka daaleyso ilaa ay asaga uga nasato ama ay iilka uga nasato, Deeqa aniga ayaa kaga xaq leh Raage, waayoo horteed ayaan jeclaaday, Deeqana way ogaatay waana sababta ay iigu raacdeyneyso, balse waxaan rabaa inaan beddelo qorshaheyga aamuska oo aan markaan afka furto, Raagana waan la hadlay goor dhaweyd, wuxuuna igu yiri: galabta ayaan kuu imaanaa” Maxamed Rooble ayaa kheyr badan u rajeeyay iyo inay soo war geliso waxa uu kulankoodu ku dhammaado.

 

La soco qeybaha dambe.

 

SHEEKOOYIN