Maansada; Cawo daran! Curiye: Bashiir M. Xersi

Unknown

Maansada; Cawo daran!

 

Caga rogan adduunyada

Cishadii timaaddiyo

Waagii caddaadaba

Caynad aad la yaabtiyo

Cibro qaadad baa yaal!

 

Ca’da kale waxay tahay;

Cawa daranta Soomaal

Markii aan carceershee

Camalkeeda daawaday

Cilladdeedu badanaa

Maxay ceeb dhextaallaa!

Maxay coobil liitiyo

Caaragoys wad wadataa!

Maxay nacab cunaayiyo

Cadawgeed la socotaa!

Waxba caynka arartiyo

Cadadkeeda maansada

Yaanan sii cakabinine

Aan cayimo ujeeddada.

 

Midka calanka gubayiyo

Midka ciidda qaybshiyo

Midka calalka tolayee

Calankeenna tuuriyo

Midka coodka dontiyo

Cunto iyo hunguri ee

Carrigeenna gadayee

Ceel iyo bad iibsaday

Midka caallahaa ee

Caqli daran ku doodiyo

Midka cadawga baalgalay

Midka col iyo dirir wada

Colaadaha abuuraya

Caam ahaan dhammaantod

Caada qaatayaashaas

Waxa ay cuskanayaan

Amey ciidan ka helaan

Cidahooda weeyaan

Iyo cadaw shisheeya ah.

 

 

Siyaasaddan cawarantaa

Midka cuudinaayee

Xilku uu ka cararee

Caadraaca dhuuniga

Hadba dhan u carraabee

Kolba ceel ka cabayee

Dhowr cishaba cid la hoydee

Cimrigiis ka daalayn

Coobilkaas caqliga daran

Midka daba cutinayee

Taageero culus iyo

Cudud iyo dhaqaaliyo

Casuumadda u fidiyee

Aan ka caajiseyn abid

Caam ahaan dhammaantod

Caada qaatayaashaas

Waxa ay cuskanayaan

Amey ciidan ka helaan

Cidahooda weeyaan

Iyo cadaw shisheeya ah.

 

Midka kaligii cunahaa

Baqaarrada cabbaystee

Danyar aan cad siinoo

Ku cinqaaba iibkoo

Casho aan u quureyn

Midka Ribada calashada

Oo laaluushka carrabsada

Dabamarin ku caanka ah

Oon aqoon casabadiyo

Deris iyo cirroolee

Cindigiisu lacag yahay!

Caam ahaan dhammaantod

Caada qaatayaashaas

Waxa ay cuskanayaan

Amey ciidan ka helaan

Cidahooda weeyaan

Iyo cadaw shisheeya ah.

 

Midka xumaha cuudiya

Oo fidnada cabbirayee

Caabuqa abuuree

Curiyee barbaariya

Midka curadka laayee

Carruuraha dagaalkiyo

Ku carbiya halaaggoo

Cuuryaansha gebigood

Caam ahaan dhammaantod

Caada qaatayaashaas

Waxa ay cuskanayaan

Amey ciidan ka helaan

Cidahooda weeyaan

Iyo cadaw shisheeya ah.

 

Midka caasha weyn lee

Deeqda cunaha mariyeen

Qofna caawin weligiis

Midka caalim Shiikh iyo

Inuu yahay cirbixiyeen

Caammiga u sheegee

Curraafeysta meelaha

Oo aan caynka DIIN baran

Caam ahaan dhammaantod

Caada qaatayaashaas

Waxa ay cuskanayaan

Amey ciidan ka helaan

Cidahooda weeyaan

Iyo cadaw shisheeya ah.

 

Mid Cimaamad xiranoo

Cigaal madaxa saartoo

Carab iyo ku xiran duul

Caado diin ka dhigayiyo

Mid caddaanka Faranjiga

Iyo saan caddaalaha

Calaf ugu adeegee

Aan ka caagin weligiis

Caam ahaan dhammaantod

Caada qaatayaashaas

Waxa ay cuskanayaan

Amey ciidan ka helaan

Cidahooda weeyaan

Iyo cadaw shisheeya ah.

 

Midka ceebta falayee

Kufsanaaya Canab iyo

Hablihii cuddoonaay

Aydhis iyo Cambaar iyo

Cadho aan hareyn iyo

Ku ridaaya cudurrada

Midka caaqa een garan

Sarriigtiyo ciseyntiyo

Midka ceebtu ay karin

Cilladaha la jaalka ah

Oo cawaanka kaba daran

Caam ahaan dhammaantod

Caada qaatayaashaas

Waxa ay cuskanayaan

Amaey ciidan ka helaan

Cidahooda weeyaan

Iyo cadaw shisheeya ah.

 

Midka caasha lulayee

Cirifyada adduunkiyo

Ka soo ciya qurbaha iyo

Midka cawaba meeltaga

La caweeya gocorrada

Cirka iyo arlada iyo

Carra edeg u duulee

Cagadhigannin weligiis

Caam ahaan dhammaantod

Caada qaatayaashaas

Waxa ay cuskanayaan

Amey ciidan ka helaan

Cidahooda weeyaan

Iyo cadaw shisheeya ah.

 

Midka curinta suugaan

Iyo caynka maansada

Carrab dalab hinnaasee

Ku ammaana Camarkiyo

Sabsablaha Cirfiidkaa

Iyo ciddi ku dhiiglaha

Midka qalinka cilinta leh

Faallada cakirantaa

Falanqaynta caydaa

Ceebaalka beelaha

Aflagaaddo cirib go’a

Ku qorqora ciwaannada

Caam ahaan dhammaantod

Caada qaatayaashaas

Waxa ay cuskanayaan

Amey ciidan ka helaan

Cidahooda weeyaan

Iyo cadaw shisheeya ah.

 

10/06/2015

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/

SHEEKOOYIN