Caseeyihii Caddaaladda badnaa!

11709782_965776926808439_2551331875509990750_n

Ninka oynaya ee muuqaalka aad u jeeddid ka muuqda waa madaxweynihii hore ee dalka Baraasiil Lula da Silva. Hooyadiis waxay ku soo korisay guri hal qol ka kooban, isaga iyo lix walaalihiis ah. Wuxuu ka tagay wax barashada isaga oo jira tobban sano.

Wuxuu ka soo shaqeeyay shaqada kaba tirtiridda (Caseeye), shaqaalaha xarunta shidaalka, mikaanikada baabuurta iyo shaqaale ka shaqeeya warshadda biraha.

Faryareyda ku taalla gacantiisa bidix ayaa ka go’day isaga oo shaqo ku jira. Xabsiga ayuu galay, maxaa yeelay wuxuu ahay kuwa u doodda xaqa shaqaalaha, kana soo horjeedda musuqmaasuqa madaxda dalkiisa. Markii uu taliska qabtay, wuxuu itaalkiisa is kugu geeyay u adeegidda dadka saboolka ah. Baraasiilna wuxuu gaarsiiyey safka dawladaha horumaray dhaqaale ahaan, intii uu talada hayay, toddobo sano gudaheed, laga billaabo 2003-dii-2010-kii, ilaa ey Baraasiil martigalisay koobka kubbadda cagata ee Caalamka, 2014-tii. Balse markii uu xilligii taliskiisii dhammaaday, ayaa malaayiin qof is ku soo baxday, ma ahan in ey ka soo horjeeddeen, balse waxay codsanayeen in dastuurka dalka wax laga baddalo, si uu u qabto mar saddaxaad taliska iyo hoggaanka dalka.

Dadkii ayuu u qudbeeyay isaga oo sagootinaya, waxyar ka hor inta uusan ka tagin aqalka madaxtooyada, wuxuuna yiri isaga oo oynaya ; “Waxaan soo halgamay labaatan sano, waxaan galay xabsi, aniga oo diiddan in madaxdu talisaka is kaga raagto, in ka badan xilliga qanuunku qabo, sideen naftayda ugu ogalaanayaa in aan anigu hadda sameeyo arrinkaas”. Wuxuu ku sii daray oo uu yiri: “Hooyadey waxay i soo korisay aniga oo sabool ah, balse waxay i bartay sida aan u ilaalsado sharaftayda, in in aan jiro anigoo madaxa kor u qaadaya”.

Tixraac:

www.mekameleen.tv

Xigasho:https://www.facebook.com/Makameleen

W/Tarjumay; Cabdicasiis Maxamed Shidane

SHEEKOOYIN