Maansada; Qaswade qaran! Curiye; Abdi-aziz M.shidane

Maansada; Qaswade qaran!

images

Qiimahaan lahayniyo

Waxaan Qaayo wadannaba

Qaswadaa la harayoo

Dheemman keennii qubayoo

Noodiiday qaraniyo

Inaan quwadba yeelanno.

 

Qabiilkii ku doogtaa

Qabyaaladduu ku doodaa

Qaaceeda dhuuqaa

Bulshadana ku qaacshaa!

 

Qalalaase dirir iyo

Qoqob iyo dagaal iyo

Qarrib iyo dhibaatiyo

Qaxar buu nagaliyoo

Naga dhigay qaxootiye

Qowmyahow ma aragtaa?.

 

Yasmo Quursi lagu daray

Qaran nooga dhigeen .

Qoomamaa ka dhalatee

Quraafadka ka haroo

Qorshe same wadaagiyo

Isla qaata dawladnimo.

 

Ha ka quusan noloshoo

Qoraal beena haw dirin

Qaybiyo dhantaaliyo

Qoorqabad ka dhawr abid.

 

Qummayaa na qadatoo

Qoom cillan naga dhigay

Qaab darrida u wacanoo

Qurun iyo qashuushiyo

Qaala qiila way tiri

Qanuun ma noqonee?!

 

Qarash baan ku qaadannay

Inaan Qoriga sidannee

Horta qalin ma lagu dayey?

Qoraal keeda yaa galay

Mise waaba qiillaay

Quraankiiba diiddoo

Quluubtaa la awdoo

Qofba meel u jeestoo

Qeerkeen na dhaafyee

Qaadiroow Ilaahoow

Qod u bix qabow ka dhig

Qawl fula adaa lehe.

 

04/08/2014

 

Abdi-aziz M.shidane

Shidane05@hotmail.com

SHEEKOOYIN