Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q12AAD.

Samatar

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q12AAD.

Sooyaalka Noloshii Sillooneyd. Q12AAD.

 

Ilbir, wali waa daacad, ka sokow, inuu is lahaa marwo Hodan abaal weyn ayey kugu leedahay, haddana, wuxuu u sii tixgelinayey in ay xaas u tahay ganacsade Barroow, oo xushmadda uu hayo ka sokow, hadda ayba nabad iyo Isfahan xaalkoodu ku dhammaaday.
Ilbir, ma diidin inuu guriga la galo marwo Hodan shaaha ay u yaboohdana soo cabo, oo waxay u eheyd sharaf, balse, markii gudaha la galay, ayaa waxaa fara batey su’aalaha sida shakhsiga loo weydiinayo iyo erayo beerlaxawsi ah, waxay Marwo Hodan weydiisay inuu xaas leeyahay iyo in kale, isagoo qoslaya ayuu ugu jawaabay: “ Maxaad u maleynaysaa?”
Intey dhoola caddeysay ayay tidhi:
“ Nin ragga oo haybadaas iyo wanaagga leh, u malayn maayo inuu gacmo madhan yahay, waxayna sii raacisay, halku dheg haweenku ku caddeeyaan, badheedhahooda rabitaan:” Ninkii wanaagsanaa Naag baa haysta, Nin liid uun baa bannaan yaalla”
Erayadani waxay guux iyo shaki ku fureen dareenka Ilbir, isagoo aan si dhab ah uga jawaabin, ayuu yidhi: “Waa runtaa!”
Markaasay tidhi, haddey mid qudha tahay, weli fursado badan ayaa bannaan.
Ilbir oo markan is leh bal ka gun gaadh sheekada, ayaa ku yidhi
“ Oo adiga Xaajigaaga maw guurin lahayd mid kale?”
Marwo Hodan waxay tidhi:
“hadduu i weydiinayo wanaagsanaan lahaydaa!, haddaba wuu qabaa habeen walbana qudba siruu ku jiraa”
“Ilbir oo weli baadhitaankii ku jiraa yidhi: Haddaad ku faraxsantahay dhib ma leh waxaad tahay marwadii la sheegayey mise awal Raaliyaa la dhihi jirey?”
Waxay tidhi Marwo Hodan:
Labadaa sifo midna ma lihi, Aniga meher uunbaa igu xidhan, magacna xaas baan ka ahay, laakiin dhaqan nagama dhaxeeyo, sidaa awgeed kulayl iyo qaboow midna iguma hayo, markaasay uga sheekaysay in la siiyey oo aysan ku faraxsanayn, sidoo kalena dhaqaale badan aabbaheed dhaafsaday, waxay kale oo u sheegtay, habeenkii loo guri keenay ilaa iyo maanta inuusan dhaqan lammaane ahi dhex marin”.
Ilbir ayaa yidhi: anigu aqoon dheeraada uma lihi, dhaqanka guurka, balse waxaan ka aaminsanahay, nolol adag oo u baahan dedaal iyo hawlkarnimo, kamana bixi karo, sidoo kale, raggu hadduu dumar badan guursado, ma wada jecla ee kuwa dulman ayaa jira, Ilbir, waxaa ku soo dhacday, qisadii xanuunka badneyd ee hooyadii soo martey, markaasuu wuxuu garowsaday, hadalka Marwo Hodan, maadaama ay meelo badan isaga eg yihiin, sida, Bixinta waalidkeed bixiyey ee aaney iyadu xulan lammaanaheeda, xaasas badnaata iyo moogaanka masuuliyadda qoyska.
Marwo Hodan iyo Ilbir waxay soo galeen, Qolka nasashada waxayna ka codsatay inuu fadhiisto, Ilbir ayaa ku fadhiistay Kursi qurxoon oo ka samaysan maqaarka madoow ee qaaliga ah, oo qolka fadhiga yaallay, markaas ayuu ku yidhi:
“ Laba qofood aan dhaqan ka dhaxayn sidee bay nolol u wadaagi karaan, muxuuse yahay xidhiidhka idinka dhaxeeya, haddii aysan jirin, dhaqan iyo nolol wadaag lammaane?”
Marwo Hodan oo fursad ay ku hadasho heshay ayaa ugu jawaabtey:
“ Waxaan ku jiraa xabsi dusha ka furan oo cid ila ogi aysan jirin, intey farruuryo qaniinsatey ayay tidhi, I fur iga yeeli maayo, waayo Meherkayga ayaa ah hanti badan, isaguna wax walba hantida ayuu ka jecelyahay, sidoo kale, wuxuu magac u arkaa, gabadhaa quruxda badan hebel baa qaba”
Ilbir ayaa arrinkii aad uga murgooday, ka dib waxay tidhi: Waxyar sug aan shaah kuu keenee, cabbaar ayuu fadhiyey meeshii keligiis isagoo su’aalo badan is weydiinaya.
Balse cabaar ka dib waxaa soo gashay, Marwo Hodan oo qaab kale u lebisan, markan Garbasaar ma sidato, sidoo kale waxay bannaanka keentay, timiheedii quruxda badnaa oo dhabarka maraya oo aad moodeyso sayn fardood, Ilbir ayaa ku indho sarcaaday, ka dibna waxoogaa xishood ah ayaa galay, intey ilqoodha ka eegtay markay shaaha u shubeysay, ayay Hodan tidhi:
“maxaa kugu dhacay?”
Ilbir maaha nin hadal la gabada waana sida magiciisa ka muuqata, intuu qufac beena iska baadhay ayuu yidhi:
“ Nimcadu ninkay agtiisa taallo ma arko ee midka ay ka dheertahay ayaa arka”
Marwo Hodan oo hadalkiisa si fiican u fahantey ayaa tidhi:
“ Maan garan Sarbeebtana ma aqaano oo reer magaal baan ahay”
Kaftan laysku tuurtuurey ka dib, waxaa lagu ballamey in lays arko, weliba iyadoo u sheegtay inuu yahay qofka keliya ee xogteeda ay kala sheekaystay, waxayna u raacisay:
“ Ma garan karo sababta aan kuugu kalsoonaaday, sidoo kale anigoo aan muddo badan ku aqoon kuugu sheegay dhammaan xogteyda?”
Ilbir ayaa yidhi:
“ Aniga lafteydaa la yaaban, waxaad moodaa inaad tahay qof aannu ilaa carruurnimadii is naqaanay”.
Nabaadiino iyo nooli kulantee ayaa lagu kala tegay, waxayna u qortay, Nomberka telefoonkeeda gacanta, sidoo kale waxay u sheegtay inay soo booqan doonto, Maalinta Jimcaha ah.

La soco qaybaha dambe
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

SHEEKOOYIN