Marka Mashaqo jirto Hal madaxweyne, Marka kalena Boqollaal! Qore; Bashir Hashi Dhore

Marka Mashaqo jirto Hal madaxweyne, Marka kalena Boqollaal!

amsa

Markii Muwaadinka Soomaaliyed South Afirca lagu dilay Ilaahey ha u naxariistee, ayaa meel kasta oo ay Soomaali joogtay la isugu soo baxay, oo la mudaharaaday.

Safaarad kasta oo ay South Africa leedahay ayaa la is hordhoobay, iyada oo uu ruux kasta calanka Soomaali watay! Hal mar ayaan midoownnay hal calan, hal waddan iyo hal madaxweyne ayaanna yeelanay. Waxaa la waayay hal qof oo gargaar iyo gacan ka raadiya qabiilkisa (maamul Goboleed), nin kasta oo Qabiil (maamul goboleed) u Doodi jiray ayaa  hal mar ka joogsaday. Yaab ma kula noqotay? Ani haa, haddana, waa Soomaali dhugo waxay dib ka dhigi doonaan.

Waxaa billaabatay Qeylodhaan loo jeedinaayo Madaxweynaha ummada Soomaaliyed. Qeylodhaantu waxay si is-daba joog ah uga imaaneysay dhammaan Maamul Goboleedyada ay Soomaali haatan ka kooban tahay. Waxaa kaloo jirtay eedeyn loo  soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya oo ahed in uu ka gaabiyay waajibkii saarna iyo arrintii loo igmaday.

Adduunkii ayaa madaxa gacanta saartay, yaab owgii, oo is yiri; Alley lahe Soomaali waa is raacday, haddiiba hal ruux oo laga dilay ay sidan uga mudaharadeen, ugana dhiidhiyeen, haddaba, kadib maxaa dhacay?.

Maalmo kadib dhacdadaasi xanuunka badneed ee muwaadinka Soomaaliyed dhagaxa lagu dilay, ayaa qof kasta oo Soomaali ah dib ugu laabtay beeshiisii Maamul Goboleedna dabada la galay, sidii in aysan waxba dhicinba! Waxaa soo baxay Madaxweyne-yaal tiro badan oo ilaayo Tobaneeyo gaaraaya, qaarna dib ayaaba laga magacaaby, arrintii waxayba isku bedeshay“Ninboow Naftaa Nabiyow Ummaddaa.”

Waxaa ku xigay haddana musiibadii  aadka u xanuunka badneed ee ay ciidamada Kenya kula kaceen Soomaalida waddankeeda ku nool. Kenya waxay qaab sharci darro ah u xirxirtay Boqollaal Soomaliyeed, oo qaxooti ku ah Waddankooda, heystane Aqoonsiga Qaxoootinimo, kadibna waxay iskugu geysay Garoon Kubbadda lagu ciyaaro , intaasi kuma aysan ekaane waxay sameeyeen in ay dad badan oo Haween u badnaa xabado Nool ku furaan.

Markey arrintu intaas mareyso ayaa mar kale Soomaalidii af labadiis qeylisay “Madaxweynoow naga soo gaar!” Muwadiintiinti Soomaaliyeed ee Kenya ku sugneed ee shalay Maamul Goboleedka Xafaldaha uu qarashka tirada badani ku baxo u qabtay Hoteelladana u kireeyay, lagama haayo hal qof oo Maamul goboleed u yeertay samata bixinna ka dalbaday, waxay dhammaantood gargaar ka raadiyeen Madaxwenaha, sida caadada ahayd, oo ah mar walba oo Mashaqo jirto, sida horay u dhacday, dibna hubaal ka dhici doonta.

Marka ay halkaas arrintu mareyso oo ay xaajada Kenya degtay ayaa haddana mar kale waxaan xirannay Shaarkii Maamul Goboleedka! Dhib iyo mashaqo marka ay jiraan hal madaxweyne marka kalene boqollaal!

Bashir Hashi Dhore

SHEEKOOYIN