Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.121-125aad.

Yaa khaldan

Yaasmiin markay shaqada ka soo baxday waxay soo martay guriga Deeqa si ay Raage uga sii qaadato, markuu albaabka ka soo baxay ayay isku naxday, waxay aragtay quruxda ka muuqata iyo shacniga, wuxuu u ekaaday Raagihi ay ku arki jirtay Dugsiga Tababarka Xalane, sababta ay u naxdayna waxay tahay inuu isku mid aheyn hadda iyo marki ugu horeysay ay ku aragto Mareykanka, berigaa waxaa ka muuqatay diif iyo daal fara badan, laakiin hadda muuqaalkiisa inkasta oo ay ka xumeyn, haddana waxay ka naxday inuu ku faraxsan yahay Deeqa iyo shaqada ay hayso, sidaana uu ku noqdo mid jeebkeeda gala oo ay kala soo bixi waydo.

Markuu gaariga soo galay ayuu kaga farxiyay inuu ku faraxsan yahay kulankooda galabta iyo asagoo kaga cudurdaartay ka war qabid la’aanta muddada qaadatay, Yaasmiin ayaa tiri: “taas dhib uma arko” wuxuu ku yiri: “caawa oo dhan adiga ayaan kula joogaa, sidaa daraadeed wax deg deg ah ma jiraan” Yaasmiin intay qososhay ayay tiri: “armaa la iiga kaa maseyraa?” Raage ayaa yiri: “waxaan rabay inaan ku waydiiyo ayaa ah sababta ay Dd kaaga maseyrto oo aanay gabdhaha kale uga maseyrin” guriga hortiisa ayay soo istaageen, markay gudaha galeen ayuu Raage arkay shaar ka mid ah shaararkiisa oo fadhiga yaal, Yaasmiin ayaa ku illowday kursiga korkiisa, markay qolkeeda ka soo baxday ayay ku tiri: “shaarkaan inaan dhaqo ayaan rabay, waxaana ku illaabay fidhiga” Raage ayaa yiri: “waxaan kaa rabaa inaad iiga sheekeyso adiga Deeqa inti aad isku xaafada aheydeen iyo inti aad saaxiibada aheydeen siduu xiriirkiinu ahaa” Yaasmiin waxay uga sheekeysay wiilashi faraha badnaa ay Deeqa ku soo ciyaartay iyo inay ku jireen dhowr wiil ay ayadu damacsaneyd, laakiin ay iska daysay markay aragtay inay Deeqa uga hormartay, waxay u sheegtay inay wiilasha intooda badan kala hadli jirtay oo ay ku dhihi jirtay: “Deeqa yaanu nabsiga hebel kugu dhicin ee ama wax la qabo ama runta u sheeg” waxay Yaasmiin tiri: “ma jiro wiil aan kala hadlay oo aanay Deeqa igu idhihin ma adigaa raba, wiil aan ku iraahdo anigaa rabana waxaa ka jira adiga, waxaana aaminsanaa inay maalin kaaga bexeeyso ballanta, waloow aad aheyd midki ugu horeeyay oo ay ogolaansho siiso, runtiina si daacad ah ayaan anigu kuu jeclaa oo ay Deeqa lafteeda iga dareentay, waxaana middaa ku ogaaday markay igu tiri: (Raage wuu ogyahay inaad jeceshahay) hadalkaana wuxuu ii noqday wado xagaaga iiga furan, maadaama aad la socoto axwaalkeyga” Raage ayaa waydiiyay: “waxaad ii sheegtay inaad rabo inaad Deeqa u noqotid keyd iyo inaad sugeysid xataa haddii aan isguursano aniga iyo Deeqa, waxaan hadda garan waayay waxa beddelay sababarkaagi dheeraa oo adkeysigi kuugu yaraaday” Yaasmiin ayaa tiri: “way jirtaa in yididiiladaydu gaarsiisneyd wakhti fog, laakiin rajo ka dhow ayaa ii muuqatay habeenki aad igu tiri: (waxaan Deeqa kaga go’i karaa inaan sawirkeeda ku arko joornaalka) habeenkaa ayaan niyada gashtay in la gaaray wakhtigi aan in badan sugaayay, laakiin waxaan quustay marki aan arkay inaad raali ku noqotay shaqada ay Deeqa hayso, waayoo waxaan xisaabiyay shan sano kadib inaad aqal gashaan iyo sanadaha ka dambeeya haddiiba ay dhacdo inaad kala tagtaan, middaa ayaa keentay inaan nafteyda xakameyn waayo” Raage ayaa yiri: “ma ku fekertay inaad Deeqa ila guursatid?” Yaasmiin ayaa ugu jawaabtay: “maya, mana dheceyso inaan naag kula guursado” Raage ayaa waydiiyay: “ma rabtid miyaa inaan naag kula guursado?” Yaasmiin ayaa tiri: “adigoo Deeqa qaba inaan kula guursado diyaar uma ihi” Raage ayaa yiri: “inaad adiga horeyso miyaad rabtaa?” Yaasmiin ayaa tiri: “hore iyo gadaalba ma rabo inaad naag ila guursato, haddii aadan iiga faa’iideysaneyn jaceylka aan ku jecelahay” Raage oo eraygaa ka helay ayaa yiri: “waxaan go’aansaday inaan ogaado xaqiiqda dhabta ah ee Deeqa Daahir iyo waxa ay iga damacsan tahay, sidaa daraadeed ayaan u go’aansaday inaan ka ag dhawaado si aan wax badan uga ogaado, waxaana kaa codsanaa inaad sidaadi hore oo kale iigu samirtid, marki wakhtigeeda la gaarana aad waxba iga diidin” Yaasmiin oo faraxday ayaa tiri: “waa yahay” Raage ayaa ku celiyay: “waa ballan inaad waxba iga diideyn soow maaha?” Yaasmiin ayaa tiri: “waxaan kaa diidi karo maba jiraan”.Raage wuxuu isku miisaamay Yaasmiin inay u ogoleyn naag kale iyo Deeqa inay u ogoshahay inay ku darto gabar kale, taas ayaa keentay inuu fiiriyo ujeedada Deeqa ka leedahay inay gabar ugu darto, laakiin ay ugu diidan tahay Yaasmiin, waxaa halkaa uga muuqatay inuu jacelka Deeqa yahay mid ka dhashay maseyrka Yaasmiin, haddana way jirtaa inay Deeqa aad iyo aad u jeceshahay Raage ayna aad iyo aad uga maseyrto Yaasmiin, balse yaa ku jira qalbiyada bini Aadamka oo ogaan kara runtu waxa ay tahay? muuqaalka guud waa aragti loo qaadan karo, haddana Raage wuxuu rabaa inuu ka xaqiiqsado haddii ay Deeqa u ogolaato inuu Layla Yar guursado ama gabar kale oo ay u keentay, waana intaa sababta uu Deeqa uga ag dhow yahay.

 

122.

Layla markii ay dugsiga ka timid, waxay aaday xaafada Deeqa, halkaa markay tagtayna waxay waysay cid guriga joogto, sababta oo ah Raage wuxuu fasaxay Maana oo uu u sheegay inuu guriga caawa imaaneynin iyo inuu berri qado soo doonanaayo, Layla oo garan la’ meel ay reerki u raadiso oo aragtay inuu yaalo gaarigi Rolls royceka ahaa, waaba haddii ay isdhihi laheyd magaalada ayay wada aadeen ama ay isdhihi laheyd Taxi ayay qaateen, markaa ayay ku fekertay inay raadiso guriga Maana oo aan ka fogeyn halka ay Deeqa degan tahay, baadi goob kadib ayay heshay Maana oo u sheegtay inay Deeqa baxday, Raagana ay gabar kale wadatay iyo inuu caawa imaaneynin.

Layla oo garatay cidda Rr wadatay ayaa toos u soo abbaartay guriga Yaasmiin, markay soo gashay waxay aragtay Raage oo weli labiskiisi qaba, waxayna ku tiri: “Raage soow ma ogid inaad amaano igu tahay?” Yaasmiin ayaa tiri: “Layla yaa Rr kugu ammaaneystay?” Layla ayaa tiri: “Deeqa ayaa igu tiri Raage ii sii madax ogoow” Raage intuu qoslay ayuu yiri: “hadda waa nabad qabaa, wax dhib ahna ma jiraan, waxaana la joogaa walaasheey Yaasmiin” markaa ayay Layla ag fadhiisatay Raage oo ku tiri: “Yaasmiin walaashaa ma aha, waana ogahay danta ay kaa leedahay, balse waxay aheyd inay caddeysato muraadkeeda” Yaasmiin ayadoo rabta inay hadalkaa ka jawaabto ayay iscelisay, markaa ayuu Raage yiri: “aniga ayaa kugu iri Yaasmiin waa walaasheey ayada oo na hor fadhida, sidee hadalkeeyga ku qiimeyn waysay oo aad u qiimeeynee war laguu soo sheegay?” Layla oo u qaadatay inuu hadalkaa dhab ka hadal yahay, ayaa Yaasmiin u cudur daaratay oo ku tiri: “Yaasmiin kun jeer iga raali ahoow, waayoo waxaan kaa qabay arragti kale” markaa ayay Yaasmiin uga baxday fadhiga oo ay cabbaar ku sheekeysteen Raage iyo Layla oo ka dhammeysatay inuu habeen dambe soo seexdo gurigooda, kadib markii uu ka diiday inuu caawa gurigooda u raaco.

Deeqa markay tagtay Los Angeles, garoonka diyaaradaha waxaa looga soo qaaday limousine kala jiidan, hotelka waxaa uga soo horeeyay Tom iyo Kamaal oo markaan lagu beddelay howshi Hani qaban jirtay, waayoo waxaa laysla gartay in Hani meesha laga saaro si ay Kamaal ugu fududaato inuu Deeqa fursad gaar ah u helo iyo inay Hani ku noqon caqabad hor taagan qorshaha la damacsan yahay, Deeqa markay boorsadeedi qolka soo dhigtay ayaa qado la wada aaday, inti ay gaariga sii saarnaayeen ayay waydiisay Hani waxa ay u imaan wayday, laakiin waxaa loo sheegay in qadada loogu sheegi doono wax walba.

Baarki qadada markii la fadhiistay ayuu Tom yiri: “sitimaankaan waxaa na sugaayo inaan ka qeyb galno xaflado lagu soo bandhigaayo dharka, Mr. Marcus wuxuu diyaariyay dhar fara badan oo modelo kala duwan loo tolay, waxaa nalooga baahan yahay inaan kaalinta koowaad galno si dharkeena loo iibsado, munaasabadahaas waxaa lagu kala qabanaa halkan oo ah Los Angeles, Los Vegas iyo San Francisco” Tom intuu cabbaar aamusay ayuu yiri: “sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay in lagu baro qaabka dharka loo xayaysiiyo iyo qaabka loo socdo marka aad saalada soo fuusho, waxaa berri kuu imaaneysa macalimad la yiraahdo Julia oo ku baridoonta wax walba, waayoo waxaan rabnaa inaad kaalinta koowaad gasho si aad adduunka uga soo muuqato, sababta oo ah horumarkaaga ayaa annagana horumar noo ah, haddii aad meel fiican ka gasho waxaan kugu abaalmarineynaa 200 kun oo doolar oo ah kaalinta koowaad” Deeqa oo aad u faraxday marka lacagta loo sheegay ayaa Tom waydiisay: “ma dhib badan tahay duruusta ay isiineyso Julia?” Tom intuu qoslay ayuu yiri: “maya, ma filaayo inay adiga ku dhibidoonto, waxa kali ah ee lagaaga baahan yahay waa inaad diyaar u tahay horumarkaaga oo aad wax kale mashquul ku noqonin, sida aad hadda u tebeyso saaxiibtaa Hani oo aan shaqadaan qaban karin, laakiin uu booskeeda kuu buuxin doono Kamaal inaad niyadaada ugu mashquulin wax kale” kadib wuxuu Tom ka soo saaray boorsadiisa 20ki sawir ee laga qaaday, asagoo kala tusay siday u kala duwan yihiin marka ay fekereysay iyo marka ay caadiga aheyd, Deeqa way kala garatay farqiga u dhexeeyay sawirada iyo dareenkeedu sida uu kala ahaa xilligaas laga qaadaayay sawirada.

Goor dambe ayay Layla ka soo tagtay guriga Yaasmiin, markay gurigooda tagtayna waxay akhbaarki gaarsiisay walaalkeed Cawil oo ay u soo muuqatay rajadi uu ka qabay inay Deeqa ugu soo laabato gurigiisa, waxay Layla u sheegtay inay waxba ka dhexeynin Raage iyo Yaasmiin, laakiin arrintaa Cawil wuu ku diiday walaashiis oo wuxuu u sheegay inuu yahay qorshe ay labadoodu ku heshiiyeen, balse uu asagu ogyahay muraadka ay Yaasmiin ka leedahay Raage, markay isla fiiriyeen sababta uu Raage ugu laabtay guriga Deeqa iyo sababta uu uga laabtay go’aanki uu Deeqa ka gaaray haddii uu sawirkeeda ku arko joornaalada, ayay isku raaceen in Raage iyo Yaasmiin ay hishiis ku yihiin inuu Deeqa lacagta ka soo qaado Raage, sababtaasna ay tahay qorshahooda dhabta ah, Layla oo rabta inay aarintaas u dhaba gasho ayaa walaalkeed ku tiri: “arrintaa sideen ku ogaan karnaa?” Cawil ayaa yiri: “Deeqa ayaa kuu sheegi karta ama Raage ayaad ka ogaan kartaa inuu haayo lacagaha Deeqa”.

 

123.

Markay Layla tagtay ayay Yaasmiin uga sheekeysay Raage taariikh nololeedkeedi, waxay u sheegtay inuu Aabaheed dhintay marki ay dhalatay, Hooyadeedna ay 8 sano ka dambeysay Aabe Axmed, walaalkeed Saacid inuu ka wayn yahay 10 sanadood, sababta oo ah inay dhinteen ciyaal u dhexeeyay ayada walaalkeed, waxay u sheegtay inuu walaalkeed u yahay Aabe iyo hooyo oo uu inta badan asaga soo korsaday iyo inuu saaxiib la yahay, inta hooyadeed ay nooleyd inuu wax badan isku dayay inuu guursado Deeqa Aabaheed, laakiin ay diiday, sidaa daraadeedna ay xaafada uga guureen, balse ay Deeqa isku iskool ahaayeen ilaa dugsiga sare ay ka soo wada baxaan, ilaa intaana ay saaxiibo ahaayeen, Deeqa oo qabta cuqdada ay hooyadeed ka qabtay Yaasmiin hooyadeed, waxay Yaasmiin tiri: “dhowr jeer ayay Deeqa igu soo qaaday xurgufta ka dhexeyn jirtay labada hooyo, anigana waxaan ku dhihi jiray hooyadeey ma ogoleyn inay Aabaheey nin ka dambeeya guursato” waxaa kale oo ay u sheegtay, inay waydiisay inay hooyadeed ka qurxaneyd Deeqa hooyadeed, Yaasmiin ayaa tiri: “si aan ugu sharaxo markii aan garan waayay ayaan tusay sawirka hooyadeey, Deeqana intay fiirisay ayay tiri hooyadaa sidi adiga ayay aheyde, Aabaheey miyay sixratay? markaa waxaan ugu jawaabtay, haddii ay sixratay way guursan laheyd oo wuu soo doontay, laakiin hooyo ayaa diiday, xilligaa Deeqa hooyadeed waxay aad uga maseysertay hooyo Xaawa Cumar oo lagu naaneesi jiray Xaawa Nuura, xataa Deeqa ayay ka qurux badneyd iska daa hooyadeed Amminee” Raage wuxuu gartay sababta ay Deeqa uga maseyrto Yaasmiin, markaa ayuu yiri: “sababta ay Deeqa kaaga maseyrto, waxaan filaa inay middaas tahay oo ay isleedahay yaanay Yaasmiin kaa qaadin Raage, soow sidaa ma dhici karto?” Yaasmiin ayaa tiri: “ma aqaan sababta runta ah ay iiga maseyrto, cuqdad inay ku jirtana waan ogahay, waayoo gurigooda ma tegi jirin sida aan xaafadda uga soo guurnay aniga oo yar, haddana Rabbi wuxuu qadaray inaan isku dugsi noqono ilaa dugsi sare aan ka dhameyno, ma aqaan aniga oo kaaraan degan waxaan iskugu qoray dugsi iga fog oo howlwadaag ku yaala, inkastoo uu walaalkeey watay gaari GMC ah oo ay leedahay safaarada Mareykanka oo uu ugu shaqeyn jiray asagoo lead (hogaamiye) u ahaa group four, gaarigaas oo uu dugsiga igu keeni jiray, maalin maalina igu soo dooni jiray” Raage ayaa waydiiyay: “wiil kale weligaa mala saaxiibtay?” Yaasmiin ayaa tiri: “kuwa been sheegaaya ayaa marmar badan ishukaansaday, laakiin midna kama hoos qaadin, sidaa ay tahay haddana way jireen kuwa aan ku hamiyay inaan la saaxiibo, balse ay suuragal noqon waysay, ha ahaato inaan ku dhiiran waayay ama inay Deeqa iga hor istaagtay, waxaase jira mid aan Deeqa ka diiday inay iga hor istaagto kadibna ay iskaga tagto, kaas oo ah adiga, waayoo waxaad tahay midka kali ah oo aan aad u jeclaado asaluubtiisa iyo daacadnimadiisa, waxay isheydu kugu dhacday galabti aad naga soo hor baxday oo aad koofiyada ku sidatay jeeb gadaalka” Raage ayaa yiri: “waxaan hubaa haddii aad jecelkaaga ii sheegi laheyd wakhtiyadaa aan ku wareersanaa Deeqa, inaan si kal iyo laab ah kaaga guddoomi lahaa” Yaasmiin ayaa tiri: “waxaad iga guddoomi laheyd adigoo raba inaad Deeqa igu jebiso soow maaha?” Raage wuu qoslay, markaa ayuu yiri: “way dhici kartaa, maadaama aad iska ag dhaweydeen” Yaasmiin ayaa tiri: “anigana waxaan ku tala jiray inaan dusha idinkala socdo iyo inaan bareeraheyga kuu sheegto marka aad kala tagtaan labadiina” markay cabbaar sii sheekeysteen ayay kala seexdeen.

Khaladka ugu weyn oo Deeqa ay aaminsan tahay inay gashay ayaa ah, inay guriga telefoon gashanin iyo inay Raage u iibin mobil ay ka soo wacdo, waxay isku canaanatay sababta ay u xasuusan wayday ama uu asagu u soo gadan waayay telefoon mobil ah, sababta oo ah waxay kula sheekeysan laheyd gacaliyaheeda Rr, wuxuuna u ahaan lahaa waardiye ay asaga kala socoto, laakiin ma dhicin middaas, telefoon ay taqaano waxaa ka jira kuwa Layla iyo Yaasmiin, mana rabto inay wacdo, intaa waxaa uga daran sitimaan akhbaar la’aan ah iyo Raage oo ay ku mashquuleyso Layla yar, inkastoo ay aaminsan tahay inay jirin naag Raage ka qaadi karta haddana cabsi kale ayaa ku jirta maadaama ay Layla tahay gabar yar (teenage).

 

124.

Deeqa waxaa u billaabmay tababarki xayaysiinta, waxaa turjubaan u ah Kamaal oo fiirsanaaya habka quruxda badan ay Deeqa u soconeyso, sababta oo ah marka ay tagto meesha dharka lagu xayaysiinaayo, waxay socod ku mareysaa, masaafo dheer oo ah wado dhex marta dadka tujaarta ah ee raba inay dharkaas iibsadaan, ayadoo ilka cadeyneysa oo hore iyo gadaal ka tuseysa labiska ay wadato, waxaa Deeqa sugaaya ugu yaraan 50 isku joog oo la rabo inay wadadaa ku soo marto, dharkaa oo ay marba mid soo xiraneyso, subaxaan tababarka waxaa qolka la geleeysay macalimad Julia oo ka kaalmeyneysay shiinyeerka iwm, kadibna intay masaafo aan dheereyn oo aan qofna joogin marto ayay qolka ku laabaneysay, Deeqa way ku daashay tababarka, ayadoo aan weliba ogeyn waxa sugaayo marka la gaaro habeenka lagu ballamay soo bandhigida dharka ee ka dhici doona magaalada Los Angeles, markii uu soo dhammaaday tababarka ayay ka hartay Julia, waxaana isku soo haray Kamaal iyo Deeqa, wuxuu ku yiri: “socodkaan quruxda badan inuu kugu jiro maba ogeyn” Deeqa ayaa tiri: “mid aan adiga aheyn oo aan ka jeclaa inuu socodkeeyga arko ayaa jira” Kamaal ayaa yiri: “waan ogahay inaad Raage jeceshahay, laakiin waxaadan ogeyn inaan aniga ku jecelahay” Deeqa ayaa tiri: “Raage wuu ogyahay inaad ijeceshahay, laakiin waxaadan adigu ogeyn inay jirto gabar asaga jecel oo aan ayaduna ogeyn inaad adiga jirto” Kamaal ayaa yiri: “waaw taasaan ogeyn oo aan isku qadiyad nahay” markay tageen baar ay ka cunteeyaan ayuu yiri: “kolleey labadaas way isku fiicnaan lahaayeen, labadeenana waan isku fiicnaan laheyn, waayoo waxaan aniga ku sugi lahaa ilaa aad qandaraaska ka dhammeysato oo sida Raage kuuma diideen shaqadaada” Deeqa ayaa tiri: “adiga waxaad haysataa Hani oo aad igu sii sugi laheyd ama Xaawa Kiin, laakiin Raage ma rabyo mid uu igu sii sugo, haddana raali ayuu ka yahay inay sanadihi soo yaraadeen” Kamaal ayaa yiri: “gabadha yar nafteyda ayaan ku maaweelinaayay ee muraad kama laheyn” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “Raagana mid yar uu isku maaweeliyo ayaan uga soo tegay” Kamaal ayaa yiri: “ilbax ayaa tahay iyo weliba nooceeygi, dhibkase wuxuu yahay sidee lagaaga furfuraa midka aad isku dookha aheyn oo laga yaabo inuu midaa yar kaa raaco” Deeqa ayaa tiri: “jooji aflagaadada ee taada ka hadal” Kamaal ayaa uga cudurdaartay, markaa ayay tiri: “Hani waxay ii sheegtay inaad aad u jecelahay oo aad gabar kale ku bedelaneyn” Kamaal oo u qaatay inay Deeqa hadalkaa daraadiis u diidan tahay ayaa yiri: “waa beenteed, haddii ay Hani sidaa kugu tiri” Deeqa oo rabta inay aragto Hani oo ilmeyneysa ayaa tiri: “aniga waxaan aaminsanahay inaad Hani ka maarmi karin” markaa ayuu yiri: “hadda intaan woco ayaan xiriirka u jaraa, adiga oo maqlaaya haddii aad rabto” Deeqa oo iska dhigeysa inay diidan tahay, ayuu Kamaal wacay Hani wuxuuna u sheegay inuu xiriirkoodi dhammaaday, Hani oo arrintaa dood ka qabta ayuu telefoonki ku demiyay, Hanina way ku soo celisay ilaa laba jeer markuu ka qaban waayay ayay soo aaday hotelka Deeqa deganeyd, ileyn waxay ogeyd inuu Kamaal la joogo Deeqa.

Subaxdii inta aanay Yaasmiin shaqada aadin ayuu Raage toosay, markay isla quraacanaayeen ayay ku tiri: “guriga iska joog anigaa bareegeyga qabo kuugu keenaayo, markaan shaqada ka soo baxana waan kuugu imaanaayaahe” Raage ayaa ku yiri: “gurigi Deeqa ayaan aadaa, qadana waxaa ii karineysa Maana, caawana Layla iyo walaalkeed ayaan muraad ka leeyahay oo baaris ayaa iigu socoto, taas oo ah sababta ay Deeqa ugu ogolaatay Layla inay dhankeeda iga shukaansato” Yaasmiin ayaa tiri: “maalin dhaweyd ayay Deeqa i soo wacday, ayadoo igu haysata sababta aan damaanada uga soo qaaday Cawil, ayadoo igu leh ma inuu Cawil nagu gumeysto ayaad rabtay?” Raage wuxuu dhabanka ku qabsaday farta mudursatada, faraha kale iyo suulkana wuxuu saartay garka, asagoo ka fekeraaya hadalka ay Yaasmiin u sheegtay, Yaasmiina markay aragtay fekerkiisa ayay istiri: (armuu Raagana la qabay Deeqa) markaa ayay tiri: “haddii aan runta kuu sheego, Cawil waxaan siiyay toban kun oo doolar si uu idiin damiinto, markuu iwaydiiyay sababta aan lacagtaas idiinku bixinaayana, waxaan ku iri (Deeqa waxay iga haysataa faraati aan rabo inaan farteeda kala boxo) intaa maahee wax kale ma ogi aniga” Raage ayaa Yaasmiin ku tiri: “arrintaa waan ogahay, waxaana ii sheegay walaalaheey, laakiin arrin kale oo aad adiga ogeyn ayaa jirta, balse anigaa ka salgaari doono”.

 

125.

Yaasmiin markay Raage soo qaaday ayay la soo martay dukaan ka telefoonada, waxay u soo iibisay mobile phone, intay farta ka saartay ayay ku tiri: “waxaan rabaa had iyo goor inaan kaa warhaayo, sidaa daraadeed ayaan telefoonkaan gacanta kuugu soo qaaday” Raage ayaa ku yiri: “waxaad garatay shay qaali ku ah iska warqabka, kaasoo ay garan weyday Deeqa oo aan gurigeeda xataa aanu telefoon laheyn” kadib markay gurigiisa geysay ayay shaqadeeda ka aaday.

Layla markii ay ka soo baxday iskoolka waxay sii martay guriga Raage si ay iskaga sii raacaan, sidi hore oo kale ayuu Raage u fasaxay Maana oo uu ku yiri: “berri duhurki ayaan qado soo doonan doonaa, inta ka horeysna reerkaaga la joog” Layla ayaa ugu dartay: “berri xataa iska maqnoow oo ha imaanin” Raage oo hadli raba ayay Layla tiri: “berri waa sabti oo fasax ayaan ahay, anigaana kuu sameeynaayo wax kastoo aad rabtid” sidaa ayay ku bexeen ayagoo markaan qaatay gaarigi Rolls Royceka ahaa oo uu waday Raage.

Cawil wuu farxay markuu arkay walaashiis iyo Raage oo guriga isla soo galay, intuu fadhiga ka soo kacay ayuu labada gacmood ku salaamay asagoo afka ka yiri: “Raage soo dhawoow, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay booqashada aad noogu timid” Raage ayaa yiri: “waadmahadsan tahay, laakiin iskuma haysto inaan marti ka ahay gurigaan” Cawil intuu qoslay ayuu yiri: “waa runtaa, inkastoo aad naga maqan tahay muddo fara badan, haddana guriga waa gurigaagi” Raage oo raba inuu ogaado arrimaha damaanada ayaa yiri: “inkastoo aan guriga ka maqnaa, haddana marna ma illoobin abaalki aad noo gashay aniga iyo Deeqa, waayoo haddii aadan nadamiinan laheyn, maanaan heli laheyn fursada aan helnay” Cawil ayaa yiri: “middaas waa laysku leeyahay, inkastoo ay Yaasmiin iga codsatay inaan idin damiinto, haddana waxaad noqoteen dad wanaagsan oo nasiibkoodu wanaagsan yahay, taana waxaa markhaati u ah inaad si sahlan ku hesheen malaayiin doolar, lacagtaasoo iska daa qof ka shaqeeyee dadka inta ku dhashay xataa aysan haysan” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin maxay ayada noo damiinan waysay?” Cawil intuu qoslay ayuu ku yiri: “sirta Yaasmiin haddii aan kuu sheego, waxaa laga yaabaa inaad aamini waydo, waayoo ayada ayaa isu kaa rabtay, aniga oo la yaaban sababta ay u keensaneyso nin naag qaba, ayaan ogaaday inaad isla socotaan, laakiin aadan isqabin” Raage ayaa yiri: “Mareykanka waxaan ku joognaa xaas inaan nahay, naag kalana ma guursan karo oo dalkan lagama ogola, haddaba sidee Yaasmiin ugu suura geleysaa inaan guursado?” Cawil oo ka shakiyay inuu Raage rabo ogaanshaha sharciga uu Yaasmiin ku guuraan karo ayaa waydiiyay: “Yaasmiin inaad guursato miyaad rabtaa?” Raage ayaa yiri: “maya sidaa kama wado ee waxaan ka wadaa, sideen naag kale ku guursan karaa?” Cawil ayaa yiri: “beenti aad isku qabteen, Mareykanka run ayay ka tahay, sidaa daraadeed waa inaad marka hore Deeqa run u furtaa, haddii aad furtana waxaad heleysaa xoogaa lacagteeda ka mid ah, markaa kadib ayaad mid kale guursan kartaa” Layla oo cabitaan wada ayaa u soo gashay, markaa ayuu Cawil yiri: “alaab ayaan noo iibin lahaa, laakiin gaariga ayaa ii kici waayay, ma aqaan inuu batariga iga dhacay iyo inkale” waa sheeko ay isku ogaayeen Layla iyo walaalkeed oo uu Cawil ku doonaayay inuu ku kaxeysto gaariga Rolls Royceka ah, markaa ayay Layla tiri: “Raage ka qaado furaha gaarigiisa” markuu siiyayna wuu ka tegay asagoo leh: “raali iga ahaada haddii aan idinka soo daaho” Layla oo u baaqaysa ayaa ku tiri: “Raage wuu nala joogaa oo meel uma socdo”.

Raage waxba kama faa’iidin Cawil, haddana wuxuu war ka raadiyay Layla oo hadalka ugu soo koobtay: “Deeqa dan iyo xaajo kaama laha, waxay rabtay inay Mareykanka kugu timaado, haddana fursad qaali ah ayay heshay, dhib iguma hayso haddii ay xaaskaaga Mareykanka iska ahaato, balse aniga si aan laqiyaasi karin ayaan kuu jecelahay, marka waxaan kaa rabaa inaad naftaada qeyb iga siiso, haddii aad rabto ila wadaag Deeqa, waayoo raali iyo nus ayaan iskaga nahay labadeenaba” Raage ayaa ku yiri: “Deeqa haddii ay adiga raali kaaga tahay inaan kula guursado, aniga raali iigama aha inaan la imaado gabar aan la guuraado, sidaa daraadeed ayada ka soo dhammeyso oo ii wada imaada” Layla farxad ayay la boodbooday markaa ayay tiri: “meel sahlan ayaad ii soo dhigtay” markaa kadib ayay uga sheekeysay reerkooda iyo sida ay Mareykanka ku yimaadeen, jaceylka soo maray walaalkeed Cawil iyo sababta ay asaga ku jeclaatay, nasiib xumo wuxuu Raage telefoonki gacanta ku soo illaabay gaariga dhexdiisa, markay Yaasmiin soo wacdayna waxaa ka qabtay Cawil oo ay waydiisay Raage, wuxuu ku yiri: “faraatigi wuxuu galay farta Laylo” Yaasmiin ayaa tiri: “Layla way fara yar yar tahaye armuu farteeda ka soo dhacaa?” Cawil ayaa ku yiri: “taa haka yaabin oo Deeqa lafteeda ayaa ogol inay Raage wadaagaan labadooda, inkastoo ay Layla yeeleynin inuu la qabo naag ay been been iskula yimaadeen oo filinkeeda la qarxin karo” Yaasmiin ayaa tiri: “u maleyn maayo inay middaasi soconeyso” markaa ayay telefoonki ku demisay, waxayna toos u soo aaday guriga Layla.

 

La soco qeybaha dambe.

Qore: Axmed Xaayoow.

 

SHEEKOOYIN