Jareer ha loo dhiibo! W/Q: Ali Omar Hilole

11210410_803007626452308_3552720282046337659_n

Jareer ha loo dhiibo

Sidii la rabay kol haddii la waayo Soomaalaay, soow in la qaato sax maahan markaa kolba tii u suubban? Caano daatayba hanbadaa la ceymiyaa! Dad hadduu washoo bahaloobo, uu nidaamka fowdo ka doorto, noloshana geeri , indho beeluu dhego beelo, qabiil ku garaadle, calool ku garaadle iyo jeeb ku garaadle miiran noqdo, aragtidiisa diintiisa iyo akhlaaqdiisuba noqoto:“Cadkanoow ku cunay ama ku carreeyey!” Goolkiisuna ahaado: “Intii Cali cuni lahaa, cadaw ha beeseesto!” wax baaba’shoo la baaba’sho, markaana dugaagta wax ma reebtada ah ah, kiisa dhaw, ee deriska ah iyo kan fogba raqdaa isugu habar wacdaan; RAG BAA U KICI JIRAYE Soomaalidu rag ma ka dhashay?.

In xumaanta la isaga daysadaa ka caado dhigateen, eE soomaalyaay ma leedihiin, wax khayrka horseed u noqon kara, wax hagaajin kara waxna bedeli kara? Oo (WEJI CUSUB KEENI KARA…….)

Kelmadda danbe, een idin leeyahay u fiirsada (WEJI CUSUB), waayo in halkii lagu go’ay iyo systeemkii jiray uun uu meeshii ka sii jiro waxa is beddelayaan ay noqdaan raggii suntaa walaaqi lahaa, ee Eey haddii la siibaba uu Eey kale kuu yimadaa, shaar kasto ha watee mar hadduu qorshihiisu yahay, inuu dhulkaaga iyo baddaada gorgortan ku galo, si uu kursigaa ku gaaro, wadaad kastood tahay, WEJI CUSUB, halkaa kama dhalin kartid, lakiin, taariikhbaa qormeysoo, nin weliba wuxuu geysto iyo qabiil waliba gacantii uu ku lahaa waxa dhacaya, waa mid ay maalmuhu dib ka xusi doonaane, (waaba haddii Soomaali maalmo wanaagsan oo leys wareysto u hareene), nasab dhimmanna maahan kan Soomaalidu u taqaan’e, waxaa nasab dhiman taariikhdu u aqoonsan doontaa kuwa qurunkaa laba canleeynaayoo, weliba ku faanaya iney iyagu xaq u leeyihiin inta ugu badan, su’aashuse waxey tahay yaa WEJI CUSUB dhallin kara, ee tolkii ku xanbaari kara iney suntaa la kala boobayo bannaan cidlo ah, ka istaagaan, ooy yiraahdaan; anagu siyaasadna kuma jirno kursina ma rabno, oo wanaagga rag baa billaabee, anagu haddaan reer hebel nahay xumaantaa la qasanayo gacantaan ka taagnay wax aan kheyr aheyn mooyee sharteennaa oo danbena arki ma doontaan.

Haddaaneey taasi dhici doonin marka oo ay tolku yihiin kuwo la miir beelay rag fiirsi iyo inta reer hebel cadkaa dacasha hayaan ay iyana dacalka kale ku dheganaanayaan, waxaan u maleynayaa xalka ugu dhaw aniga aragtideyda, markaan u fiirsanno qarannimo la’aanta iyo dhibkeeda, xumaanta baahday, qabiilka faafay, ee lafaha galoo dhiigga la shaqeeya, damiirka dhintay iyo baba’a soomaali gaaray, ee caqligii ka qaaday akhlaaqdii ka lumiyey, dhaqankii ka tiray, oy la miir beeloonoo tiiha ku riday, aragtidoodiina ku soo koobay boob iyo isu quuri waa, anaa mudan hadii kale fowdo.

Mar haddaan qolo la qancin karaa jirin, oy caddaalad darrana lama huraanba tahay, waxey talo ku idlaan HA LA WADA QADIYO dantoodaa ku jirtee, JAREER TALADA HANA LOOGU DHIIBO! Oo madaxweynaha, reysulwasaaraha , wasiirrada iyo wixiiba jago madaxnimo lagu sheegi karaa iyagaa ha wada noqdeen, Hawiye , Daarood iyo Digil iyo Mirifle, dhul fiiqe (xaaqe) iyo wixii ka hooseeyo ha laga wada dhigo!

Waxaa laga yaabaa inaad ku qososhay hadalkaa ama aad la yaabtay, sow maahan? Wallaahi talo iyo kheyr baa igula jira, waayo, waa mide intii is fiirsaneysay shaashadda kama muuqato, oo waa la kala degi, is qabqabsi danbe iyo anaa mudanna waa dhammaan, oo waa talo aan Jareer wax la wadaagaa aysan jirine.

Maxaad ka yeeli kol haddaad yaqiinsato inaad ku jirto saacadihii noloshaada u danbeeyey, eed aragto in wiilashaadii xoog galay ay middiyaha isugu afeysanayaan hashii xoolaba ay kaa dhaxlayeen, oo uu nin walibaana ku dadaalayo, intuu inta kale wada gowraco, uu isaga keligii uun hashaa u haro.?

Maxaad ka yeeli kol haddaad yaqiinsato in dugaaggii aad reerka iyo xoolahaba ka yureyn jirtay, ay muska soo galeenoo sugayaan geeridaada? Miyaaney dow aheyn, inaad hashaa ka wada dhex bixiso, ood ina adeerkood siiso, si aad noloshooda u badbaadiso? Si ugu yaraan, inteey isku duubmaan ay dugaaggaa lafahooda uga badbaadsan lahaayeen.

Ogoow oo dugaaggu uma socdo hasha uun; kuumana ballan qaadayo in Jareer uu caddaalad iyo kheyr fara badan keenaayo, oo kuma lihi waa wada Awliyo, laakiin, Talyaanigaa waxaa ku maahmaaho (Uno di meno, fa meglio), oo ka dhigan “Hal xabboo ka xallismo mishaakilaadkii ku haystayba waa kheyr”. See The big picture Yaa Soomaali haddii aad dooneysaan inuu magacaa iyo tafiirtaa Soomaalinimo uu sii jiro.

Fiiro Gaara: Kama filayo akhristayaasha iney fekerkaa igu raacaan, waase macquul in wax lagu maadeysto ay ka dhigtaan, laakiin, markii waxa aan dareemaayo aad dareentaan ogaada inuusan xal imaaneyn ilaa aad isu talo baxdaanoo nafta isu doorisaan, lana dagaallantaa teyda, teenna iyo haddaan reer hebel nahay.

07/07/2012

 

W/Q: Ali Omar Hilole

warfaay7@hotmail.com

SHEEKOOYIN