Home Qoraallo Dhalinyaraddu ma Aallad la adeegsadaa?

Dhalinyaraddu ma Aallad la adeegsadaa?

0
SHARE

 10443615_768806416570887_3828136921228789767_n

Dhalinyaraddu ma Aallad la adeegsadaa?

Magaca sida ciwaanka ka muuqata, waa Dhallinyaro, haddaba haddii aynu is weydiino, weedha iyo odhaahda dhallinyaradu waa mid inooga soocan kuwa kale, waana magac iyo sumad lagu garto, mid ka mid ah heerarka da’da bulshooyinka dunidda.

Haddana waxaan dhihi karnaa waa marin iyo meerto uu soo maro qof walba oo duniddan korkeeda joogaa, ka dib uu ka talaabo, waa heerka qofka bani aadamka ahi ugu wanaagsan noloshiisa, waayo waxaa uu ka soo baxay marxallada carruurnimo waa ubax adduunka oo dhami u yahay udug iyo caraf, doonaya inuu miisaankiisa iyo awoodiisa ka soo dhex muujiyo.

 

Marka heerkaan laga soo gudbo, waxaa loo gudbaya heerarka nololeed ee kala duwan oo meertada nolosha, heer walba oo koritaanka qofka ahina wuxu leeyahay magac iyo muunad ama muuqaal u gaar ah, Tus.

Soomaalidu waxay ku cabirtaa, habdhismeeda qofka sidan, dhinaca ragga haddaan tusaale usoo qaato:

Dhallaan, Carruur, Barbaar, Kurey, Gaashaanqaad(Dhallinyaro) Gadhmadoobe, marka laga baxo dhallinyaranimada, Geed fadhiisi waa da’da ka billaabata 40meeyada, Oday ama waa wixii ka dambeeya da’da 50meeyada”.

 

Sidoo kale dunida kale ayaa leh iyaguna Halbeegyo ay ku cabiraan cid walba ku qiyaasto dhalinyarada.

Marka aad maqasho dhallinyaro, waxaa durba maskaxdaada kusoo dhacaya Dareeno kala duwan, marba dhinac aan ka eegno

Xiligii Kobcidii Islaamka Udub dhaxaadkii islaamka waxay ahaayeen Dhallinyaro, kuwaas oo aan sinaba loo xaqiri karin kaalintii ay ku lahaayeen taabagalka islaamka.

Halgankii gobonimo doonka ee Soomaaliya Saddex iyo Toban dhalinyaro (13-kii SYL) ayaa horseed u ahaa Xoriyada aan maanta hooskeeda harsaneyno.

Sidoo kale waxaa jira dhaliil muuqata oo aan la qarin karin taasoo ah, iney dhallinyarado qayb lixaad leh ka qaaddatay burburka dalka oo loo adeegsaday, awoodihii iyo dagaalladii sokeeye ee dalka lagu burburshay.

 

Sida inta badan aynu maraga ka nahay, Halgan kasta mid xun iyo mid sanba waxaa guushiisa horseed ka ah dhallinyarada, balse, haddana ma helaan muuno iyo milge ee waxaa uun loo adeegsadaa sida loo adeegsado agabyada kale ee dunida laga adeegsado tus: Hub ama gaadiid.

 

Halgankii dhaliyarada waxaan abaal uga dhignay in wadankeena burburkiisa loo adeegsado dhaliyaro, ilaa iyo maantana dhallinyaradu tahay Qalabka loo adeegsado Burburinta waddanka qaabkii la doonaba haloo adeegsadee, waxaase loo aaney karaan dhawr Sababood, Aqoon yari, qabyaalad iyo Ururo diimeed dana garaa leh.

waxaa Jirto Arrin in badan dhagaheygu maqleen taasoo dadka waaweyni (Odayaasha) kaga sadbursadaan dhallinyarada, anigoo maalin ka qayb-galaya Munaaasabad ayaa waxaan aad u dhibsaday dhawaaq kasoo yeeray Mid ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaalida kaasoo ahaa, “Dhalinayaraddu waa Mustaqbalka bari” waxaan is waydiiyay waa maxay sababta u diiday maanta ileen, waxa aan maanta qaban waayo, anigoo leh xoog, caafimad, iyo aqoonba, ma tahay suuragal inaan bari iyo saadambe qaban karo? waxaase iiso baxday in ula jeedku yahay in dhallinyarada laga hor istaago inay ahaadaan Hoggaamiyasha Maanta iyo Barri!

 

Sadbursigaas ayaa sababay in dhalLinyaro badani ku dhiiradaan ku dhaqaaqida Falal aan dhaqanka iyo Diintaba lagu amaanin.

Waxaa intaas dheer dhalinyarada qaarkood rumeysteen oo aamineen inaysan lahayn Awood wax qabad, taaso ka imaanaysa in lagu ababiyay, dhagahooduna ku bateen “ Wax iska baro wa aqaan meesha ugu shaqayn doontee?!”

Aniga oo aan xaqireyn dhallinyarada wanaagga ku tilmaaman, haddana waxaa marag ma doonta ah in maanta dhallinteeni aysan isu diyaarin inay noqdaan kuwa hanta oo hannaaniya hoggaanka dalka, iyaga oo laga raaridey in beri leeyihiin, haddana beridaasu aysan ahayn mid cayiman.

 

Dunidda kale waxaa ka jira, arrimo ka duwan kuwaas oo ah, in Dhallinyarada rag iyo dumarba loo diyaariyo, sidey beri ku ahaan lahaayeen hoggaanka, haddii dhallinyaradu ka qayb galaan, Ururada iyo golayaasha siyaasadda, sidoo kale arrimaha bulshada waxaa hubaal ah inay ka soo dhex muuqanayaan berri iyaga oo leh aqoon iyo waayo aragnimo ku filan.

Haddii wasiirka Odayga la siiyey 50 iyo ka badan jira maxaa diidaya in wiilka 25 jirka ah la siiyo, Wasiir ku xigeenka ama Agaasimaha guud si uu isugu diyaaro, Hoggaamiyaha beri, Haddii Taliyaha ciidanka la siiyey 60 ama 70 jir maxaa u diidaya, in Taliye ku xigeenka la siiyo, 30 jir u diyaarsan hoggaanka ciidanka, Haddii Garsoorka la siiyey 60 jir maxaa u diidaya kalkaaliyayaasha in la siiyo 2-35 kuwa bartey ee ka soo baxay Jaamacaddaha sharciga iyo qaanuunka.

 

Dalka iyo shaqadiisu maaha inay u dabranaato dad hawl gab ah, Adduunka waxaa dadka waaweyn shaqada looga fadhiisiyaa 60 sanno iyo wixii ka dambeeya, kaasoo gunnada ku qaata gurigiisa, waa in dowladdu cayintaa xiliga shaqo joojinta dadka waaweyn si kuwa yaryari u helaan fursad ay uga faa’iidaystaan Mustaqbalkooda, haddii kale dadka iyo dalkuna wuxuu noqon doonaa Hawlgab.

Ugu dambayn waxaan leeyahay, Dhallinyaradu waa inay isu taagan, hanashada talada dalka waana inay qayb lixaad leh ku yeeshaan, maareeynta iyo maaminta masiirka umadda.

Dhallinyarooy Ogoow naftaada waa u muhiim inaad tilmaahahan yeelataa,:

Dhiiranaan, Dhiifooni, Karti, Dhabar adayg, Curin, Dulqaad iyo Hawlkarnimo waxaan idin leeyahay, Ogaada dhallinyaroow waxaan Leeenahay cadaw iyo Nacabe, Huradada Ka kaca, halkaad oggolaataan inaad noqotaan, Aallad loo adeegsado burburka dalka noqda Aalladii dalka dib u dhisaysey.

 

 

Axmed Daahir Cumar

ahmat4ever@gmail.com

 

SHARE