Maan-tirka shisheeye! W/Q: Abdi-Aziz Mohamed Shidane

Maan-tirka shisheeye!

images

Markii lagugu soo abaabiyo bulsho iyo deegaan wax barashadu ama tarbiyaddu ku salaysantahay af-qalaad iyo dhaqan shisheeye, oo lagugu gubaabiyo naceyb iyo karaahiyad aad u qaadaysid dadkaaga, dalkaaga, iyo dhaqammada iyo diimaha kale, waa dabiici in ey natiijadu noqonayso jiil cusub oo indho iyo dhago xiran.
Waxyaabaha lala dhako faaro waxaa ka mid ah in lagu soo hordhigo buugaag ama kitaabbo lagu soo diyaariyey waddan shisheeye, sida Sacuudiga, Imaaradka, Masar iwm, ee laguu baro xaafad xaafad waddamadaas, dhulkaagii iyo degaankaagiina aadan waxba ka aqoonin, malintaas ayaad waxaa ku galaya dareen ah in daadku ku qaatay, maskaxdiina lagaa dhaqay, maankana lagu tiray.
Intaa waxaa sii dheer, markii uu subux kasta Macallim kula soo hor istaago darsi diimeed la soo diyaariyey aadna looga soo shaqeeyay, ee ka hadlaaya dil iyo dagaal, naceyb iyo cunsuriyad, aad u qaadaysid ummadaha caalamka oo dhan, kaana dhigaya in aad kaligaa saxantahay, xaqiiqaduna ey kugu kali tahay.
Maalin kasta lagaaga faalloodo Bariga Dhexe iyo Gacanka Carbeed, illaa aad ka xuub siibato dhaqanka dalkaaga iyo qaaraddaada. Wax kasta laguugu yeelo astaan diimeed xambaarsan qiiro iyo laab-lakac, maskaxdaaduna ay noqoto mid laga hago meelo fog fog, oo aadan shaqo ku lahayn. Waxaad arkaysaa, qof kugu midab ah, kugu af ah, kugu diin ah, balse, aan kugu wadan ahayn kuguna dan ahayn, diyaarna u ah in uu kaa xayuubiyo haybtaada qaran iyo jiritaankaaga maamul, lana wareego xurriyaddaada shaqsiyadeed, taasoo ay ugu wacantahay goobaha waxbarashada, oo la mid ah saldhigyo mileteri ee shisheeyo, taas oo maamulka iyo maaraynta ay u hayaan koox diimeedyo dhagar qabayaal ah, oo dal, dad iyo dan guud midnaba ka naxaynin, wax kastana gacanta ku dhigay.
Maanta waxaan dhaayaha wada saarnay mirihii hawlgalkaas shisheeye, ee uu ka fuliyey wadankeena hooyo. Wiil dhallinyaraa oo la dhalan rogay oo naftiisa biimaynaya iskuna kaa qarxaa, isagoo aamisan waxii buuggii ama manhajkii Iskuulka iyo Misaajidka gabbal dhacay iyo waaberi loogu dhigayay.
Saamayntu intaa kuma eko, ee waxay gaartay heer bulshadii ku kala qaybsanto fahamka diinta iyo goobaha cibaadada, oo isku rogay meelo ey kor ka ilaalsadaan qabiillo iyo shaqsiyaad dano gurracan leh, xaafad iyo waax kasta ayaa waxay yeelatay tobaneeyo Misaajid oo midba midka kale ka soo horjeedo, iskuulladiina sidoo kale, Macalliminta haddii aad waydiiso waxa ey maalin kasta noogu dhigayaan sheeko bareellaydaan, waxay kuugu jawaabayaan “Wiilkaygiyow waan qasbanahay, ilmaana iga baahan” qaarkood wayba ooynayaan, markaad waydiiso su’aashaas, maxaa yeelay waxay wax ku soo barteen canshuurtii iyo manhajkii qaranka, maantana waxay dareemayaan jiil dhan oo marin haabaabay, iyaguna goob-joogayaal ka yihiin, waxna ka qaban karin.
Waxaan xasuustaa wafdi ka yimid mid ka mid ah wadamada la carbeeyay, oo booqasho ku yimid dugsigii sare ee aan markaa wax ka baranaayey, in qasab nogala dhigay in aan qaadno hees carabiya, oo dushana aan ka qaadno, qaarkeenna heesta qaranka Soomaaliyeed maba yaqaanno.
Annaga oo ka amba qaadeyno waxa ugu wacan waxa dhacaya markii aan iswaydiinno qof kasta waxuu ku leeyahay “Waa dawladda ama qabiil hebel” hasayeeshee ilama ahan dhibku meesha uu ka aloosan yahay waa goobaha waxbarashada iyo kuwa diiniga ah, oo wali aan wax laga badalin oo sidii iyo si ka daranba u sii shaqaynaya, iyagoo noqday ilo dhaqaale iyo meelo lagu ugaarsado barbaarta soo koreysa, laguna muqno gooyo.
Wadan markii uu burburo ma burburto daladda oo kaliyah, ee waxaa la burbura dhaqanka iyo diintaba, inkastoo Soomaalidu aaminsantahay in diinta si fiican loo baratay, balse diin aan nidaam iyo dawlad lahayn waxay noqonaysaa fawdo albaabadu u furantahay, iyo suuq wayne nin kastaba dhinaca uu rabo ka soo galayo.
Waxaa jira in duulaankaas maskaxiyanka ah uu garab socday mid halistiisa leh oo aad u mooddid in uu ka farcamay midka wadanka kajira, taas oo ah in ay sii badanayaan dhalinyarada diinta islaamka iskaga sii baxaysa (diin laawayaasha) iyo kuwa qaadanaya diin kale, taas oo markii aad la sheekaysato qaarkood kuu sheegayaan in lagu shubay wax aan caqligooda iyo maskaxdooda galaynin, oo ay markii dambana ay u arkeen in ay bannaanka ka istaagaan diinta Islaamka, waxaas oo dhan waxaad dareemaysaa markii aad samyso daraasad iyo baaritaan dheer, waxaana kuu soo baxaysa in ay ka dhalatay fikradda iyo manhajka shisheeye ee waddanka la soo galiyey ee aan wax tarka u lahayn bulshada, maantana aysan jirin dawlad u taagan faayadhawrista dhaqanka iyo diintaba, kii dalka dibaddiisa wax ku soo baratana waxuu soo labanayaa isaga oo u fakaraya sida dalkaas uu wax ku soo baratay, iskana indha tiraya baahida iyo dhaqanka bulshadiisa, marka waa weerar iyo dagaal kan ugu xun ee ummadi ku hoobato, markii dhalinyaradii aheed udub-dhaxaadka iyo laf-dhabarka waddanka la duufsado oo lala wareego.

W/Q: Abdi-Aziz Mohamed Shidane
10/08/2014
Shidane05@hotmail.com

SHEEKOOYIN