Dherag baa dhar xirata!!

Dherag baa dhar xirata!!

 Untitled

Wajigeeda kaliya ayaa ku filan in uu sheego wax uusan afkeedu sheegin. Qofka ay indhihiisu muuqaalada akhrin yaqaanaan wuxuu durbaba dhegta u dhigayaa cod aan la maqlayn oo wajiga Islaantan kasoo baxaya. Oo ma waji baa hadla? Haa wuu hadlaa,wuxuuse la hadlaa dadka aan dhegaha dhaadheer ee banaanka usoo baxsan uun wax ku maqlin ee quluubtana dhego ku leh. Anigu waan maqlay. Haa, waan maqlay oo waxa uu wajiga naagtani dhahayay (Gaajaa i haysa. Gaajaa i haysa. Gaajaa       I haysa ). Cayrnimo uu ciil la jiro iyo caawinaad la’aan ayaa isku biirsaday oo sidii Jinkii ka dhex qaylinayay Islaanta. Iyaduna wali ma ay quusane quud bay jarinaysay. Ma dunidan ay lagu quustaa oo qubuuraha masaakiinta ah!!

Waxa ay sidataa Calal jeex jeexan oo aan jirkeeda wada asturi kareyn. Dusha waxay ku xambaarsan tahay Ilmo bilo yar jira.Goor Gabal dhac ah baa lagu dhaw yahay. Af-furkii baa in yar soo jira oo waa maalin Soon. Waxay kasoo carartay horor ay dadkoo dhami kasoo wada carareen. Waa horor ka kooban cidlada habeenka iyo caloosha haawanaysa. Dadkii lasoo cararay waxay haysteen ciirsi oo cararkoodu gabbaad buu geliyay. Qof waliba halkii uu soor ku tabayay ayuu usoo socday oo cararkiisii lasoo ciirsaday. Iyaduse sadkeedi baa wali dadka ku dhex maqan. Waa tan sidii Leexadii hadba dhan u socota. Xaggee bay u carartaa? Oo meel ma ayeey ciirsataa? Aniga ma ogi. Iyadana Ma oga. Ilaahayse wuu og yahay.

Qaboowga Mukayfka laga helo ayaa jirkiisa ku dhacaya. Shirkaddiisa ayuu dhex fadhiyaa isaga oo miis hortiisa yaalla ku hubsaday noocya kala duwan oo raashinkii uu ku af-furi lahaa ah. Indhihiisu waxay ku jeedaan Albaabada Muraayadaha leh ee Shirkadda lagasoo galo. Banaanka ayuu eegayaa. Banaanka waxaa taalla xaqiiqo ka duwan tan uu gudaha Shirkaddiisa ku arkayo. isaguse ma oga oo waa nin Caalam kale ku jira. Siduu eegmada ugu fooraray, ayeey mar qura Albaabkii iskasoo riixday oo dhinac usoo dhaaftay Islaantii cayrta ahayd.. Waa qof baadiyu ka maqan tahaye, waxay haddaba xoog kusoo jiirtay oo soo gashay Dhismahan wayn oo shirkadda ah. Albaabada muraayadaha ka samaysan ayeey gacanta isagasoo riixday oo gudaha usoo gashay.

Intii aanay Islaantu gudaha usoo dhaadhicin ayuu kii eegmada ku nasanayay qayla ka hor keenay (Naa naga bax cawra yahay qaawan. Naa naga hor leexi cawradaada hana dambaajinin waa Ramadaane).

Iyada oo sas ka qaadday qaylada odayga ayeey cod hooseeya ku tiri (Walaal ii kaalmee waan gaajaysan ahaye). Aniga oo is leh Codkaas liita oo gaajada iyo faqrigu ay ka dhex hadlayaan waa mid ku filan ninkan si uu ugu qalbi jilco ayuu ninkii lasoo booday (Gaaja beesho, is asture naga hor leexo dad Diin leh baan nahaye) Isaga oo aan warkii dhammayn baa mid Waardiye ahi soo carararay oo Islaantii intuu gacanta qabtay ku yiri (Wadaada kasoo hor leexo waad qaawan tahaye). Kii Waardiyihii ayaa intuu yar naxariistay jeebkiisa kasoo saaray 2 kun oo Shilin oo si quursi ah ugu taagay Islaantii. iyadiina waa danyar aan waxba diidine inteedii bay ku sabartay waxayan dhabarka u jeedisay Wadaadkii dherganaa.

Qof dhergan baa dhar xirta.

Mohamed A. Dhaaley

SHEEKOOYIN