Soomaalida iyo Fikirka Insaanka!!

Abtidoon

 

SOOMAALIDA IYO FIKIRKA INSAANKA!!

Sida uu dhahayba, Feylasoofkii reer France, Blaise Pascal (1623 – 1662): “Karaamada Insaankuwaxa ay ku jirtaa Fikirkiisa”. Sidoo kale, Sheikh Mohammed Mutawalli Al-Sha’rawi (1911 – 1998) ayaa orannaya: “Fikirku waa halbeegga Aadmigu ku kala saaro ikhtiyaaraadka hor yaalla, kuna doorto kuwa uu u arkayo in ay yihiin kuwa ugu habboon ee gaarsiinaya liibaan, uguna ilaalinta badan mustaqbalkiisa iyo mustaqbalka reerkiisaba”. Sidaas iyo si la mid ah, waxaa jira Xikmad-Hindiyeed oranneysa: “Maantay waxaa tahay halka uu ku keenay fikirkaagu, berrina waxa aad noqon halka uu ku gaarsiiyo fikirkaagu”.

Haddaba, innaga oo ka duulleyna oraahyada iyo xikmadaha aynu kor kusoo xusnay, bal aynu isku dayno in aynu lasoo baxno duxda, dibaaxda iyo ludda dhex jiifta oraahyadan iyo xikmadahaanba, dabadeedna innagoo ka ookiyaalla-dhiganeyno aynu ku eegno, kuna fasirno,kuna falanqeyno halka uu Fikirka Insaanku shalay joogay iyo halka uu maantay marayo. Sidoo kalena, bal aynu fiirinno Fikirka Soomaaliga heerka uu ka taaganyahay, isna waydiinno mala Jaan-qaadi karayaa fikirka ummadaha kale ee dunidaan kula nool? !!!

ISBADDALLADII UU SOO MARAY FIKIRKA INSAANKU:

Fikirka insaanka, markii loo eego sooyaalkii soo tixnaa, waxa uu soo maray marxalado(xilliyo) kala geddisan, oo lagu soo koobo seddax xilli:

  1. IRRATIONAL PERIOD (Xilligii aan Caqligu Talin Jirin): Oo lagu tilmaamo in ay tahay marxaladdii uusan insaanku adeegsan jirin CAQLI-giisa, oo uusan wax isweydiin jirin, balse isaga huggaansami jiray dabeecadda KOON-ka, isagoo aamminsanaa qurraafaadka iyo kutiri-kuteennada abshaxan kasoo gaarka ah, oo awoowayaashoodii hore kasoo gaaareen, iyaga oo aan is weydiin qalad iyo saxnaan toonnaba.
  2. RATIONAL PERIOD (Xilligii Maskax Maalka) : oo ah maxaladdii uu MAAN-adeegsigu billaawday, dayaxii Falsafadduna isku galoolay dusha sare ee SAMMADA, uuna insaanku billaabay in uu adeegsado eray su’aaleedyada kala ah: kuma (Who)? Maxaa (What)? Maxaa Wacay (Why)? Iyo Sidee (How)? Misna billaabay in uu baaritaan ku sameeyo seddax arrimmood oo kala ah: nafsaddiisa, dabeecadda koonka, iyo awoodaha qarsoon( Jiritaanka alle, Mawdka, Aakhirada, Jannada, Naarta, iwm). Sidoo kalena, Diimaha Sammaawiga ahi soo degeen, sida: Diinta Yahuudda, Diinta Masiixiga iyo Diinta Islaamka. Diinta Islaamkuna waa diinta insaanka ugu amridda badan adeegsiga caqliga, meelo badanna kusoo celcelisay, war miyeydaan fi-fikireynin, war miyeydaan garwaaqsaneynin, iwm.
  3. SCIENTIFIC PERIOD (Xilligii Cilmiga iyo Aqoonta): oo ah marxladdii 3aad, waa xilligeey billaabatay dhacdadii loogu magac-dhabay Kacdoonkii Cilmiga ( The Scientific Revolution) , insaankuna waxsoosaar aad u weyn ka sameeyey dhanka cilmiga, aadna u siyaadeen culimmadu iyo baariyayaashuba. Sidoo kalena, culuumtu ka baxday dhabtii Falsafadda; Faracyo aad u tiro badan oo culuumta ka mid ahna sameysmeen.

SOOMAALIDA IYO DADYAWGA KALE EE CAALAMKA:

Soomaalida iyo dadyawga kale ee caalamka ku nool markii aad ku sameyso isbarbardhig, waxaa kuusoo baxaya farqiga weyn ee u dhaxeeya iyo in ay Soomaalidu ummadaha kale ka dambeyso qarniya badan. Isbarbardhigga marka aynu sameeneyno waxa aynu ka eeggeynaa laba qodob oo lama huraan u ah ilbaxnimada adduunka. Labadaas qodobna waxey kala yihiin maaddi iyo macnawi. Maaddigu waa: “shey walboo muuqda, lana taaban karo, sida: kaabbayaasha-dhaqaalaha, tiknooloojiyada, magaalooyinka, iwm“. Macnawigu-na waa: ” shey walboo aan muuqan lana taaban karin balse la dareemi karayo, sida: afkaarta, culuumta nuucyadeeda kala duwan, iwm“. Si kale haddii aan u dhigo, maaddigu waa: “wixii uu aadmigu soo saaray“, macnawiguna waa: “fikirkii iyo suuradeentii maaddiga ka hor inta aan la soo saarin iyo maamulkii iyo maareentiisii kaddib markii lasoo saaray“.

Sidoo kale, maaddigu waa natiijo ka dhalatay macnawiga. Tusaale: si’aan usoo saaro “shey”, marka hore waa in aan maskaxdeeyda ku suurradeeyaa shey-ga aan doonayo qaabkiisa, sheeyada aan rabo in uu ka koobnaado, kaddibna suuraddii aan ku sameeyey gudaha maskaxdeyda aan u bedalaa wax la taaban karo. Haddaba, macnawigu waa sabab, maadiguna waa natiijo ka dhalatay sababkaas. Sidaas daraaddeed, waxa aynu oran kareynaa: mar walboo fikirkaagu(macnawigaagu) saa’ido waa mar walboo waxsoosaarkaagu (maaddiggaagu) saa’ido.

Soomaalidase markii aad eegto waxa aad arkeysaa in ay labadaas dhinacba ka liitaan; fikir iyo waxsoosaarba in aysan laheyn. Ummadaha dunida ku nooli laba si bey ku hormaraan; in ay yihiin ummad FIKIR leh, fikirkaasina u beddasha AALAD ama QALAB, aaladdaasina adeegsata si ay wax ugu soo-saarto ama waa in ay yihiin ummad aanan FIKIR laheyn balse ku dayata ummad fikir leh, adeegsatana aaladaha ay hindiseen ummadaha kale, si ay wax ugu soo-saartaan. Kumase sii jirto kudayashadaase waxa ay ku dadaashaa in ay la timaado fikir awood-hindiseed leh, si ay uga xoroobaan ummadaha kale; una soo saartaan aaladihii ay u adeegsan lahaayeen wax-soo-saarkooda. Ummadda hore waxaa tusaale u noqon karaya Ameerika iyo Yurub, tan labaadna Japan, South Korea, China, Malaysia, Indonesia, India, Singapore, iwm.

Guntii iyo gunaannadkii, ummaddeyna Soomaaliyeed waa ummadda ugu liidata dunida laba dhinacba; fikir iyo waxsoosaarba. Caqliga Ilaah siiyey waa ummad aan adeegsan, haddii ay adeegsatana u adeegsata arrin aanan wax ku-ool aheyn oo aad u liita. Horumarku, sidiisaba waxa uu ka yagleelmaa wadarta seddax FALGAL(factors); horumar waxa uu la mid yahay (Fikir + Aalad + Wax-soosaar). Ummaddii laga waayo seddaxdaas falgalna waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay ummad dib-dhacsan. Sidaas daraaddeedna, Soomaalidu waa ummad dib-dhacsan, maadaama ay seddaxdaan falgalba ka liidato. Maskaxdana Ilaah waxa uu inoo siiyey in aan ku helno ammaan ama nabad. Ummadaha adeegsaday maskaxdoodana waa kuwa ugu ammaanka badan dunida, kuwa aan adeegsaninnna waa kuwa ugu ammaanka liita. Ammaanna waxa ay ummadi gaartaa markii ay laba arrimood ka nabad hesho; cabsi iyo gaajo. Sida uu Ilaahba ku sheegay Suuratu-Qureysh (Suuradda 106aad ee Qur’aanka Kariimka; aayaddeeda 4aad). Haddaba, aynu is weydiinee Soomaalidu maka nabad tahay Cabsi iyo Gaajo? Haddii jawaabtaadu “maya” tahay, Soomaalidu maku joogtaa waddadii ay Cabdi iyo Gaajo uga nabad geli laheyd? Waddada looga nabad galase maxey tahay?

Ugu dambeyn, waxa aan orannayaa: Soomaaliyeey maankaaga adeegso aad horumar gaartide, aadna heshid ammaan’e. Talada iyo tawfiiqdana Allaha waafajiyo Soomaali, yar iyo weynkeed-ba, rag iyo haweenkeed-ba, Koofur iyo Waqooyigeed-ba, Bari iyo Galbeedkeed-ba, qolqol iyo qurbajooggeed-ba, isku soo wadaduube bu’deeda iyo daafaheedaba.

 

W/Q: Mohammed Yusuf Ali Abtidoon, Khartoum – Sudan.

E-mail: abtidoon01@gmail.com, abtidoon01@outlook.com .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN