UBAD badan IID uma ahan! WQ: Ramla Gobdoon

11749517_775541245896240_970306945_n

UBAD badan IID uma ahan!

Dadka Islaamka ah, ee ku nool adduunka, wax ey leeyihiin maalmo u gaara, oo ey farxad ku dabbaaldagaan. Waa labada Iid, ee lagu kala magacaabo Iidda Soonfur iyo Iidda Carafo, waxeyna sanadkii soo galaan labo mar, dadkuna waxa ey muujiyaan, qiimaha ey agtooda ka leedahay iyo sida dareenkoodu yahay.
Siyaabo kala duwan ayaa loo maamuusaa labadaas munaasabadood. Farqiga u dhexeeya labadooda ayaa ah, in Iidda Soonfur ey soo horreyso, ayadoo soo gasha, markii ey dhammaato bisha Soonqaad. Halka Iidda Carafo ey tahay labo bil ka dib, marka la xisaabiyo bilaha Islaamka, waxaana la qalaa xoolo, balse, wey ka wada siman yihiin damaashaadka iyo is booqashada.
Carruurta waxaa loo soo iibiyaa dhar cusub iyo waxyaabo ey ku ciyaaraan. Subaxa Iidda, qof walbo waxa uu xiran yahay, labbiska ugu qurxoon, ee uu heysto, maalintaas darteed, kuwii isu careysnaa wey is cafiyaan, kuwii isu xanaaqsanaana wey is xaal wareystaan.
Waxaa loo socdaa koox koox, ayadoo la wada qoslaayo, oo la isku calool fayowyahay. Midda laga wada siman yahay ayaa ah, in qof kasta, oo kaa soo hor baxa, aad ugu hambalyeysa maalintan sida aadka ah loo xurmeeyo, una xurmaysan.
Haddaba, waxaa jira koox dadka ka mid ah, oo aan dareynsaneyn arrinkan aadka u weyn, ee dadka badi u soo bannaan baxeen, si ey u muujiyeen. Micnaheeda ma ahan, in eysan xilliga la socon, oo goobjoog ayey ahaayeen, markii la dukaameysanaayay, markii la isu diyaarinaayay qaabilaaddeeda, haddane, wax ey ugu talogaleen in ey sameeyaan ma jirto.
Tan layaabka iyo caloolxumada leh ayaa ah, in dadkaas badankood ey yihiin carruur, oo laga rabay in ey ciyaaraan, qoslaan, dhar qurxoon loogu labbiso, oo ey soo salaamaan ehelka, balse, ma dhicin! Sababtuna waxa ey tahay, in carruurtaas loo yaqaanno Darbi jiif. Ma heystaan waalid suuqa u kaxeeyo, oo u soo iibiya dhar iyo alaab ey ku ciyaaraan, ma yaqaannaan micnaha Iid ey leedahay, mana heystaan dareen ey farxad ku muujiyaan.
Hubaal, in markii ey arkaan asaaggood, oo si heer sare ah loo soo qurxiyay, ey qalbi jab dareemaan, haddane, ma haystaan cid ey ku ag ooyaan, oo wax la qabata!
Waxey ku nool yihiin magaalada, gaar ahaan waddooyinka waaweyn, ee baabuurta madaxda iyo shacabkuba maraan, kii madax ah oo dhoofaya wuu sii ag maraa, markii uu soo laabtana wuu soo ag maraa, shaki kuma jiro, in indhahoodu qabanayo carruurtan daycan, ee nolosha adag daashatay. Waxey qaraab u soo doontaan dukaammada iyo meelaha la isugu yimaado. Markii ey arkaan qof ey moodaan, in uu wax siin karo, xaggiisa ayey u ordaan, waxeyna kala kulmaan wejiyo kala duwan, mid sidii ey maleeyeen noqda, oo wax siiya, midka iska fujiya, oo dhinac iskaga riixa iyo mid gacan u qaada, oo ka yaqyaqsooda qaabka ey yihiin!
Wax la xirto waxey ka heystaan, labo shey oo duug ah, waxaana macquul ah, in hore loo soo isticmaalay, oo ey meelo ka jeexjeexanyihiin, laakiin, ayaga waa u labbis, wey ku seexdaan weyna ku soo toosaan.
Sida caadada u ah, ma dukadaan salaadda Iidda, sidaas darteed, waxey ku daahi doonaan hurdada. Koodii ku kaca, Takbiirta waadaadka ee misaajidka, ma soo boodi doono sida kan ey u diyaarsantahay dharkiisii Iidda, ee uu habeenkii barkaday, balse, waxa uu isku dhajin doonaa baakaddii uu ku seexday, asagoo dhinaca kale isku geddinaayo, ileen maalin caadi ah wax uga lama duwana, haddii eysan kaga murug badneyn. Halka kuwii sida fiicnaa u adeegtay, ey soo kici doonaan ayagoo dhoolla caddeynaayo, oo ey xiranaayaan dharkoodii qurxoonaa, si ey u soo tukadaan, ka dibna ey ula soo baashaalaan asxaabtii ey is ballansadeen.

WQ: Ramla Gobdoon

SHEEKOOYIN